Sunday, July 15, 2018

Farriin!

"Runtii ma garanayo sababta ka dambaysa waxa aad sidan iigu samaynayso, iyo sababta aad u aamusan tahay toona, ma garanayo waxaan halleeyey ama aan kharribey ee aad iigu ciqaabayso aamusnaanta faraha badan iyo hadal yaraantan aad dabeecadda ka dhigatay, ma aqaan sababta fal-celintaadii u noqotay wax aanan arkayn ama aan I soo gaadhayn..

Wax kasta waan sameeyey si aad u hadasho in badan, balse ma garanayo waxa ku haysta iyo sababta ku mashquulisay toona, tolow ma dhib aanan ogeyn ayaa jirta? waa midda aan is weydiinayo mar kasta oo aan ka yaabo tasarufaadkaaga iyo dhaqankan cusub ee aad igu qaabilayso muddo ba, ma aniga ayaa wax aanan ogeyn ama dhaadanayn kugu sameeyey oo aad igu ciqaabaysaa, mise hadalkayga iyo dhaqankayga ayaad ka xiiso goysay oo imika macno badan ba kuuma laha.

Waayo! Maxaad sidan iigu samaynaysa?, maxaad hadalkaaga oo aan jecelahay maqalkiisa, iyo qoraalkaaga oo aan jecelahay akhriskiisa iigu diidaysa?, ma cashuur baan ka bixiyaa si aad iila hadasho?waayo maxaad u diidan tahay in aad fal-celin ka bixiso hadalkayga ama farriintayda? Ma garanayo waxa keenay is badalkan iyo ka fogaanshaha intaa le'eg ee aad iga fogaatay!

Marar badan waxaan is dhahaa khalad ayaad samaysay, marar kale na waxaan is dhahaa dan iyo muraad ba markii hore ma jirin, mar kale waxaan is dhahaa mashquulka iyo howlaha adduun ayaa isaga badan, waxaan raadiya boqol cudur-daar oo bal naftayda ay ku qanci karto si ay kuugu soo dhowaato, waxaan ka ilaaliyaa ama is diidsiiyaa hal sabab oo aan kaaga fogaan karo , balse haddana qalbigu ma xammili karo dhaqankan cusub iyo tasarufaadkan aad ka dhigatay caadada.

Markan oo kale waxaan is weydiiyaa, horta agtiisa maxaad ka tahay? Mar kasta na runtii jawaab waadax ah oo naftaydu ku qanacdo ma u helo, hal jawaab haddaan u helo, waxaan helaaa hal kale oo ka soo horjeeda guud ahaan jawaabtayda , hal dhaqan oo wanaagsan haddaan xasuusto waxaa ka daba timaada dhowr dhaqan oo kale oo tashwiish iyo mutuhin badan gelinaya midka aan xasuustay, su'aalo fara bandanna u sababa in maskaxdaydu keento.

Mar waxaan is dhahaa wuu ku jecel yahay, mar kale waxaan is dhahaa hal daqiiqo xittaa kuma uu jeclaan, mar waxaan is dhahaa wax dan ah oo uu kaa leeyahay maba jirto, mar waxaan is dhahaa waa qofka keliya ee aad maankiisa ku jirto, haddana mar kale ayaan is dhahaa iska daa maankiisa'e xittaa maskaxdiisa kuma soo dhacdid, mar waxaan is dhahaa adiga uun baa ka farxiya, haddana mar kale  ayaan is dhahaa farxadiisa dadka kale ee ku xeeran ayaa siiya.

Ixtiraam in aan agtaada ku qabo ayaan dareema, haddana waxaan xasuustaa boqol waxyaalood oo beeninaya ixtiraamkaas, runtii waxa indhahayga ka timaada illin aad u badan waayo caqligaygu wuxuu diidan yahay qalbigayga, dadnimadaydu waxay diidan tahay dareenkayga, dhaqankaygu na wuxuu diidan yahay tasarufaadkayga, cidda aan ahay waxay ka soo horjeesataa cidda aan noqdo mar kasta oo aan ku xasuusto ba.

Ma garanayo nooca qof ee aan dadka kaaga tilmaamo, mana garanayo liiska ay mudan tahay in aan kugu daro, wanaagaaga iyo wanaag la'aanataadu way is goyaan, bal waxaaba ka badan wanaag la'aantaada, caqligaygu qofka uu kaa aaminsanahay iyo qalbigaygu qofka uu kaa aaminsanahay waa laba qof oo aad u kala duwan, caqligaygu ka fogow ayuu I dhahaa, qalbigaygu se ka ag dhowoow ayuu I dhahaa... Mid aan raacano ma garanayo??........."

W/Q: Ameena Mohammed




Farriin!

"Waxa mar kasta I cajab geliya sida aniga oo aan faraxsanayn uu hadalkaagu mar kasta mabsuud iiga dhigo, weli waxaanan jawaab u helin sababta aan suuradaada ugu noqnoqdo dhugashadeeda marar badan aniga oo aan kaba daalayn, runtii waxaan sawirtaa adiga oo ila nool oo aan ku wada noolnahay nolosha midda ugu quruxda badan.

In badan waxaan is weydiiyaa xidhiidhka dhabta ah ee innaga dhexeeya waxa uu yahay, mar kasta oo su'aashaasi maskaxdayda ku soo dhacdo waxa ii jawaaba qalbigayga iyo dareenkayga, waxa ay igu dhahaan ma taqaana, Hhhh waxa ay I dhahaan "Xidhiidhka labadiina idinka dhexeeya uu ka duwan yahay guud ahaan xidhiidhada bani-adamka kale ka dhexeeya, wuu ka qurux badan yahay, waana uu ka cajab badan yahay"...

Runtii, waxaan dareema ka duwanaansho, iyo farqi badan mar kasta oo aan barbar dhigo xidhiidhada kale, waana midda keliftay in aan sii jeclaysto in xidhiidhkan uu u socdo si qurux badan, niyadayda waxa dejiya farxadaada iyo quruxda noloshaada, marar badan waxaan is weydiiya illa heerkee ayad jeceshahay in uu ku noolaado nolosha, wax second ka yar baan jawaab isku siiyaa, waxaa isku dhahaa "Nolol kasta oo wanaagsan, farxad badan, guul badan oo rayrayn badan uu istaahilaa in uu ku noolaado".

Waxaad tahay qof aanan la jeclayn dhib & rafaad toona, ma jecli in wax ku carqaladeeyaan, mana jecli in dhibaato kaa hor timaado intaad hayaanka waddo, si taasi u suuragasho waxaan kugu duceeyaa si niyad-san oo ducadaydu maqbuul ku noqon karto, mar kasta waxaan jecelahay dhoolacaddayntaada iyo qosolkaaga, waana midda keliftay in aan sameeyo wax kasta oo aan is odhan karo waxay wejigiisa ku abuurayaan farxad iyo dhoolacaddayn.

Illa maanta, waxaan ku duceeyaa in rabbi nolosha adduun farxad iyo degenaansho kugu siiyo, ma jecli in aad aduunyada oo keliya guuleysato, balse runtii waxaan jecelahay in aad guulaysto nolosha aakhiro oo aad hantido guusha aan laga dhimanayn lagana gaboobayn, waxaan jecelahay in aaad noqoto qof guul waarta gaadhay oo faraxsan, qof runtii hela dhoolacaddayn iyo qosol joogto ah, nolol qurux oo dhanna u dhammaystiran tahay.

Intaan noolahay, waa hubaal in aan ku dadaalayo sidii aan qorshayaasha aan dhigtay oo dhan uga rumayn lahaa, wax kasta waxaan u samayn doonaa si aad u faraxsanaato, si aad u dhoolacaddayso, si aad u degenaato, waa hubaal in aan foolkaaga quruxda badan ka ilaalin doono xanaaq & cadho, kala kacsanaan & kellifaad, waa hubaal in aan maqalkaaga iyo muuqaagaba tuso wax farxad geliya oo ku beeraya deganaan iyo farxad labada ba.

I rumayso Noloshaada oo dhan waxay marto iyo wax kasta oo ku soo kordha waxaan aaminsanahay in ay ka mid tahay Noloshayda sida oo kale"

W/Q: Ameena Mohammed

Monday, July 9, 2018

Farriin!

"Ma malaysan kartid qorshayaasha aan riyo ahaan u dhiso adiga dartaa, dabcan si yar oo korka-xaadis ah ayaan kugu sheegay dhowr mar sida aan kuu dareemo, xittaa hadii aad xasuusato dhowr su'aalood ayaan ku weydiiyey sida sababta uu wadnahaygu u sameeyo garaac marka aad la hadlayso ama uu arko muuqaaga.

Mar kale dhowr mar waxa aan ku soo direy farriimo ku qoran ingriiisi jajaban balse macno la fahmi karo kuugu gudbinaya dareenkayga siiba marka uu waayo hadalkaaga, ama xidhiidhkaaga, ama ba aad ka mashquusho war-celintii aad siin lahayd farriimahayga, waan ogahay kama soo jawaabtid, weliba uugama jawaabtid sidii aan rajaynaayay haddana waxaan yaqiinsanahay in ka badan intaan moodayay in aad I siiso ixtiraam.

In kasta oo aan jecelahay in aan wakhti badan kula qaato iyo in aad is kay barto in ka badan inta aan ku aqaano balse shakhsi ahaan waxaan isku qanciyey in aan wax kasta oo ku saabsan shakhsiyadaada aan ka barto ficilkaaga adiga oo aan hore si hadal ah iiguba sheegin, laga yaaba tan waxa ay ii suuragelinaysaa in aan ku fahmo marar badan adiga oo aan hadal ba.

Ma ogtahay waxaan dareema qiiro iyo masayr "Hinaase" marka aan arko inan si yar oo debecsan kuula hadlaysa, waxaan dareema in ay gefayso oo ay ku gefayso odhaahyada ay kugu tidhi ama ay adeegsatay, sidaa si la mid ah ayaan qof kasta oo kugu yidhaahda hadal xun ama ba ku tusiya dhaqan xun aan uga xanaaqaa, waan dhibsadaa waxa uu samaynaayo, aniga oo aan is ogeyn ayaanan u jawaaba ama aan ka ficil qaata waxa ka soo yeedhay qawl ahaan iyo qoraal ahaanba.

Naxdinta iyo werwerka aan ka dareemo, maqnaanshahaaga ama war la'aanta aan la kulmo maalmaha qaar ma dareemin noloshayda, waan kugu xanaaqa, oo hadallo kugu tuura, adiga ma fahamsanid waxa aan ka xanaaqay ama sababta aan sidaa ugu hadlayo, balse anigu waan ogahay, dareenkayga waxaan ku cabbiraa qoraalka marka aad I fahmi weydo, waana xalka keliya ee aan ku nafiso, ku farxo, kuna dejiyo dareenkayga, runtii adiga waan jeclaa in aan kula wadaago lakiin weli ku dhiirashadii baa igu adag.

I rumayso, maanta waxaan hubaa in aan ku rabo. ku jecelahay, kugu ducaysto, kugu riyoodo oo aan qorsheeyo qaabka nolosheenna iyo sida ay u egaan doonto, waan hubaa in aan noqon doono lammaanaha ugu quruxda badan somalida ee nolosha isla fahmay, dadaal iyo diyaar ba aniga ayaa u ah in aan kaa dhigo qofka ugu farxadda badan  adduunka, ugu guusha badan iwm, guushaadu waa guushayda, farxadaadu waa farxadayda, wax kasta oo adiga kugu saabsanna waa wax I khuseeya.

Dadka agtooda waxaa ka ahay inan awood badan, marar badan oo ilmo iyo oohin ay ka timi indhahayga dadka igu xeeran waxaan u matala in aan faraxsanahay, dabcan waa khasab in aan farxo madaama aan islam ahay, waan dhoola-cadeeya, waxaanan tusaa macnaha iyo quruxda dhabta ah ee ay leedahay dhoolacaddayntu, dabcan marka aan sidaa samaynaayo anigu waxaan ka helaa degenaansho iyo xasilooni.

Noloshu waa qariib, waxa ay ku baraysaa dad iyo degaanno badan, kala duwanaanshaha u dhexeeya dadka & degaankaba ayaa sabab u ah in adduunyada iyo ficiladeedu ay iska socdaan iyaga o is badbadalaya.

Dad badan oo adduunka dacaladiisa ku nool ayaan awood u lahayn in ay fahmaan dadka kale, balse isma lihi adigu dadkaas ayaad ka mid tahay"...

W/Q: Ameena Mohammed

Monday, July 2, 2018

Farriin!

"Dabcan dareenkayga dhinaca uu doonoba ha ahaado in sha allah waan fasaxayaa sida ugu quruxda bandan na waan ugu dadaali doonaan in aan u siiyo qofka nolosha ila wadaagi doona ma hubo oo qaddarka iyo calafka Rabbi SWT ayaa qoray.

Maanta waxaan hubaa in aan ku jecelahay, in aan jecelahay in badan in aan adiga kula wadaago dareen iyo nolol midda ugu quruxda badan ee ilaahay jecel yahay, taas oo salka ku haysa nolol guusheedu gaadhsiisan tahay ku wada noolaashaha jannada In sha allah.

Waan ogahay adiga ba in aad dookh iyo dareen labada ba ilaahay kugu abuuray waana hubaal in aad tahay shakhsi ila mid ah oo wax jeclaan kara, dabeecad iyo dhaqan ayaad leedahay ama astaan iyo halbeeg kuu ah, balse taas waa igu khasab in aan kugu ixtiraamo, qaddariyo, tixgelin badanna aan siiyo.

Anigu, jacaylkayga kuguma khasbayo, kaagamana codsanayo si aan raalidaadu ku jirin, kuuguma manno-sheeganayo in aan adiga ku jecelahay si aad u khajisho ka dib na ii jeclaato ama ii rabto sida aan ku rabo, khasab kugu ma aha in aad ila qaadato dabeecadayda iyo dhaqankayga toona hadii xittaa aanay ku cajabin.

Waxaan sidan oo dhan ugu hadlayaa ama kuugu ba sheegaya in aad ogaato aniga agtayda cidda rasmiga ee aad ka tahay iyo sidaan u dhaqmo markaan maqlo magacaaga ama codkaaga, markaan arko suuradaada iyadooy weheliso markaan dareemo maqnaanshahaaga.

Kuma odhanayo waan wanaagsan nahay ama wax la mid ah lakiin I rumeyso waxaan isku dayaa dadaal na ugu jiraa in aan maalin kasta barto sidii aan u noqon lahaa qof wanaagsan, taas oo weliba u wanaagsan adiga, qoyskaaga, ehelkaaga iyo cid kasta oo kuu dhow.

Ma doonayo kuma na fikiro in aan keliya kuu noqdo xaas keliya iyo inan aad jeclaato, waxaan doonaya oo aan dadaal dheer ugu jiraa in aan kuu noqdo Hoy iyo Hooyo wanaagsan, Saxiib suubban iyo xaas raaliyo ah, aniga oo aan cidna booskeeda ka qaadayn, kuma talo-jiro in aad agtayda ku dareento tebasho iyo tebnaan aad cid tebayso.

Maad I rumaysan haddii aan ku idhaahdo hortaa ma haasaawin, waayo haasawaha iyo kullannada dhalinyarada ee waan kaa helay da ah ma jecli, hortaa wiil uma jeclaan sida aan ku jecelahay, I rumeyso hortaa wiil uma jeclaan, waxaan doonaya in aad middaas ogaato.

Fadlan haa ii fahmin in aan is faaninaayo ama aan isku dayayo in aan kugu qanciyo jacaylkayga iyo dareenkayga balse wallaahi waxaan doonaya oo aan waxan oo dhan kugu sheegayo ayaa ah in aad in badan iiga ixtiraam badnaato naftayda sida aan u ixtiraamay.

Masuul in aad tahay waan dareensanahay, oo haddii maanta la igu idhaahdo "Dhegayso inanyahay, hadda sidaa aad kala tihiin ama xaalada aad kala taagan tihiin adiga oo aan barasho iyo fursad kale lagu siin ma ku raacaysa isaga, ma noqonaysaa xaaskiisa? noloshaada ma u hibaynaysaa?, Aniga ooo aan in badan fikirin Ayaan wallaahi si kalsooni badan ku dheehan tahay u odhan lahaa "HAA" waan aqbalay"...

W/Q: Ameena Mohammed

Dhawrsan!

Waa Muhiim in Inanta Muslimidda ay ahaato mid is jecel isku na kalsoon waxaana Shareecada Islaamka Jaceylka ku tilmaantay in uu yahay mid ka mid ah tiirar ugu waaweyn ee Adduunka uu ku taagan yahay kaas oo ah ku suntanaanta Raxmada iyo Kalgaceylka, haddii tiirkaas la waayo amaba uusan jirin suuragal ma aha in qofkaasi sii dhisnaan karo isagoo faraxsan ama nabad qaba.

Sidaa darteed jacaylku wuxuu ka bilaabma nafta qofka bani-adam ka ah, (Haddii qofku aanu is jeclaan, is daryeelin oo isu badnaan, qof kale na ma jeclaan karo, mana daryeeli karo, mana dannayn karo…) si taas loo kobciyo na waa in la abbaaro halka laga kobcin karo ee ugu wanaagsan taas oo ah inanta muslimadda ah maadaama ay wax badan ka gali karto mujtamaca iyo bulshada islaamka ah.

Taas waxay bulshada ka caawinaysaa in ay noqoto bulsho ku hoggaansan horumarka iyo wanaaga dad ahaan iyo dhul ahaan labada ba, Inanta muslimadda ah si ay u noqoto mid wax badan tarta mujtamaca iyo bulshada muslimka ah ba waa in ay noqoto Dhawrsan, haddaba;

Waa tuma Dhawrsan?

Dhawrsan waa inanta yeelatay sifaadka ay leedahay inanta muslimadda ah dhammaantood, dhawrsan waxay tusaale u tahay inan kasta oo jecel nafteeda dabeecadeeda iyo dhaqamadeeda, taas oo wax badan ka badali karta mujtamaca Iyo bulshada islaamka....

1. Dhawrsan, Waxay rumaysan tahay Allaah iyo Rasuulkisa, waxay ku dadaasha in ay adeecdo oo qaadato amarrada ay farayaan oo ay ahaato Saalixad hanuunsan taas oo guul waarta ka gaadha labada nololood ba.

2. Dhawrsan waa inan akhlaaq badan oo dhaqankeeda hiddaheenna ayaa u dhab ah oo diintu waa u dhidib, Dhacdhac iyo wareeg laguma arko suuqa dhinacyadiisa, Dhawrsanaan xijaab ayaa u dhab ah ay dheertahay edebtu…

3. Dhawrsan Asluubteedu wa dhereg ku xidhan waalidkii dhalay, Ma dhantaalla, oo iin laguma dhigin waana dhamays dumar...

4. Dhawrsan waxay shabahdaa dumarkii hore ee wan-wanaagsanaaa sida saxaabiyaadkii iyo hooyooyinkii mu'miniinta isla markaana iskuma daydo kumana fikirto isku eekeysiinta dumarka gaalada ah.

5. Dhawrsan waxa ay ka dhawrsoon tahay wax walba oo aan munaasib ku ahayn nafteeda, sharafteeda iyo karaamadeeda, weliba khaasatan ragga aan maxramkeeda ahayn.

6. Dhawrsan waxay siffo ahaan u sidataa xishood, maxaa yeelay xishoodku waa qayb ka mid ah iimaanka sida Rasuulku CSW uu noo sheegay.

7. Dhawrsan waa baariyad waxay u samo fashaa labadeeda waalid iyo cid kasta oo siffo waalidnimo ku suntan, sidoo kale haddii ay leedahay sowj "Nin" waa u baari, waayo tan waa sifaadka hablaha saalixiinta ah.

8. Dhawrsan waxay ku dadaasha kheyrka, waxa ay mar walba ugu yeedhaa dadka kheyrka iyo islaaxa, waxa ayna jeceshahay ku suntanaanta wanaagga iyo debecsanaanta.

9. Dhawrsan astaan waxa u ah ixtiraaam, waxa ay ixtiraam siisa dadka muslimiinta ah mid yar iyo mid weyn ba, ha ugu horreeyaan ehelkeeda, qaraabadeeda, jaarkeeda iwm..

10. Dhawrsan waxay leedahay dabeecad wanaagsan, dhaqan qurxoon runtii dhaqankeeduna waxa uu yahay midka ay diintu sheegtay.

11. Dhawrsan waa inan guuleysatay, waana inanta ku dayashada mudan waayo waa tan nolosheeda adduunyo iyo mida aaakhiro ba guulaystay....

W/Q: Ameena Mohammed

Sunday, July 1, 2018

Farriin!

"Haa Dabcan aniga ayaa qiranaya in aan kaa helay ama uu ii kaa galay dareen rabitaan oo aan naftayda kula jeclaaday "Waan ku hammiyaa, oo ku ducaystaa in aan noqdo adiga xaaskaaga, runtii waan ku riyoodaa aniga oo adiga keligaa u noqday xaaska ugu wanaagsan ee adduunka maanta ku nool.

Waan is adkeeyey in badan, waan iska dhegatiray, waan is dhaafiyey, oo waxaan tijaabiyey in aan kaa fogaado si saamaynta aad qalbigayga ku yeelatay u yaraato haddana mar kasta oo aan kaa fogaado dhawr cisho, waxa aad awood u yeelata in aad si kedis ah ugu soo laabato xusuustayda iyo qalbigaygaba.

Ma ogtahay in adiga oo dhan kedis igu tahay aniga, xittaa barashadaadi ka sokow maanta waxa ii weheliya dareenka aan adiga kuu qabo. Adiga oo iga fog oo aan hadal maqal ah ilaba wadaagin mise na aanan kuu arag muuqaal ahaan ayaan haddana ku dareema si ilaahay og yahay oo aanan qoraalkayga ku sheegi karin.

Ma ogtahay si yar oo fudud ayaan dhalinyarada ugu odhan jiray hadal u dhigan "Qofka haddii adiga oo uu kaa maqan yahay aadan magaciisa oo qudha ku dareemin jacayl, waxa ku haya maaha Jacayl". Eeg hadda waa tan aniga igu dhacday oo adiga oo aan i ag joogin, ina soo wicin, aan ku dareemayo oo uu qalbigaygu leeyahay "Waa in aad nolosha la wadaagto".

Dabcan, Haa waxaan jecelahay in aan wax kasta oo ku saabsan nolosha aan kula wadaago, waxaan jecelahay in aan nolosha wadaagno, waa ducada aan ilaahay weydiisto mar kasta in uu i waafajiyo haddii uu khayr iyo wanaag ku jiro, illa hadda adiga ma ogid xaaladda aan ku suganahay lakin mar haddii dareenkayga iyo dookhayga-rabitaan u halkaa gaadhsiisan yahay waxa hubaal ah "In aan ku jeclaaday" waxba yaan is adkayn, waxna yaan is diidsiin waan hubaa "In aan ku jeclaaday".

Isla jacaylka aan isla kaa jeclaaday, keliya kuma koobna in aad nolasha adduunkaa oo keliya ila wadaagto balse runtii waxaan ku ducaystaa salaad kasta iyo duco kasta ba in aad nolosha dambe na igula wadaagto jannada, maanta waxaan wax kasta ka jecelahay in aad noqoto qofka keliya ee aan rabo in uu ila wadaago nolol kasta.

Waxaad is weydiin doontaa "Haddii ay sidan oo dhan ku jeceshahay maxay kugu sheegi weydey? Haddii ay sidan oo dhan kuu jeceshahay maxay u diiday dhawr kulan oo aad dhawr mar ku casuumtay? Madaama oo aan nahay dad is yaqaana, balse intaaba waxaan isku dayay oo aan ku dadaalaa illa imika in aan dariiqadayda kuu ogaysiiyo sida aad uga duwan tahay guud ahaan dadka igu xeeran oo dhan.

Kuuguma sheegi karo si cad oo toos ah, sababtu tahay iskuma kaa hubo illa imika, balse waxaan ku dadaalaya in aan ku dareensiiyo. Maanta buugga aan farriimahayga ku qoro ayaan ka dhigtay saxiibka aan uga warramo dareenkayga, buuggu waa midka keliya ee aan u sheego waxa aanan jeclayn in aan dadka u sheego, waxaanan rajaynaynayaa in aad maalin uun akhrin doonto wax kasta na ogaan doonto...Ilaahay ha innagu simo."

W/Q: Ameena Mohammed

Farriin!

"Si kasta oo aan isugu dayay in aan illaawo ma ay suuro-gelin, waan ka fogaaday ayaamo badan oo bilo gaadhay, dabcan waan sameeyey si aanan farriin ugu dirin, naftayda na wax badan baan xasuusiyey in ay illawdo.

Waxaan ku qasbay isaga oo ii dhaw in ay dafirto, waxaan baray anoo u baahan in aanay xidhiidhin, waxaan boqol jeer u sheegay in ay ka fogaato agtiisa oo dhan, waxaan ku idhi iska farxi oo farxad badan samayso.

Balse maxaa dhacay🤔

Sawir kasta oo aan arko waan ku farxaa, mar kasta oo aan arko isaga oo dhool-tiraya aniga oo aaan is ogeyn baan dhool-tiraa, indhahaygu kama jeestaan illa dhawr daqiiqo, waxaan dareema xiise badan oo dhankiisa ii haya, waxaan ka akhristaa wejigiisa xalaadaha kala duwan ee ku gedaaman, mar kasta sawirkiisu laabta ayuu ii qaboojiyaa, farxadiisa ayaan darèemaa, nolosha oo u wacan ayaan sawirtaa iwm, markaas bay naftaydu degtaa oo aan hawlahayga kale iska wataa.

Codkiisa markaan maqlo isaga oo hadlayana ay dhegahayga ku soo dhacaan, runtii saddex jeer ayaan dib u dhegaystaa, macnaha waxaan ku ceshadaa habsimada hadalkiisa iyo hufnaanta weedhaha uu adeegsanayo waxa ay i dareensiiyaan heerka quruxdiisa, markaas baan hoos isu idhaahdaa anoo faraxsan aqoonta iyo cilmigu waa qurux wacadalla, bal eeg sida ay u qurxiyeen qawlkiisa iyo qoraalkiisa.

Dusha ayaan kala socda aniga oo aan is ogeyn ayaan sawiradiisa xabbad xabbad u daalacdaa, indhaha iyo qalbiga ba waan u furaa quruxda wejigiisa dhoola-caddaynta badan iyo qaabka qottonkiisa, Hhh waxaan jecelahay qaabka uu u istaago marka uu sawir dhammays ah galo.

Haddana iyada oo sidaa ah mar kaste waan ka ilaaliyaa in aan ku save garaysto mobile kayga, wax kale maaha aniga ayaa isu baqda waayo haddan save garaysto mar kasta waan eegaya, 10 jeer in ka badan baan shaydaanka ka naara, 10 jeer in ka badan baan Masha'allah Tabaraka'allah idhaahda, dabcan aniga oo aad u xiisaynaya eegmada wejigiisa.

Lama hadlo, ma waco, farriin uma diro haddana waxaan dhegaystaa codkiisa, waxaan akhriyaa qoraaladiisa, waxaan arkaa anigoo la dhoola-caddaynaya muuqaalkiisa. Miyaad i rumeysan waxaan u farxaa bilaa sabab, waxaan ugu riyaaqa ku talo-gal la'aan wax kaste oo isaga ku saabsan.

Dadka ku dhow oo dhan waan jecelahay, dusha ayaan ka wada jecelahay, waayo maxaan u jeclaan waayay isaga ayay ba farxad gelinayaan sow maaha, isaga ayaaba ku qanacsan in uu wakhti badan la qaato iyaga, kollay waa dad wanaagsan waayo waan ogahay in sida uu u wanaagsan yahay dadka ku xeeran ay u wanaagsanaanayaan.

Isaga oo aan i ogeyn, warna ii hayn ayaan waxaas oo dhan sameeyaa, saa markaan isu fiirsado een arko tasarufaadkayga ayaan isu qiraa in aan nacas ahay bilaa damiir ah, markaas baan hoos u xaqiiqsada in aanan hadalkiisa ka maarmi karin, hadana waan is adkeeyaa.

Qalbigayga iyo caqligayga labadu ba waxaa ay dareensan yihin kuna qanacsan yihin markan tasarufaadkayga, waayo hubaal waan madax adagahay, anoo sidaa oo dhan u raba ayaa madax adaygaygu igu yidhi ha is dareensiin🤔".

W/Q: Ameena Mohammed

Farriin!


"Mar kasta oo aan ku xasuusto runtii waan kuu duceeya, rabbi ayaan boqol jeer ka baryaa in uu ku xafido oo uu kugu ilaaliyo meel kasta oo aad cagta dhigto.

Waan kaa war hayaa, subax kaste iyo galab kaste, xittaa caweysinka ayaan ku soo eegaa bal in aad nabad qabto iyo in kale, markaas baan ilaahay ku mahadsha inaad aad u wanaagsan tahay howlahaaga na aad u wadato si fiican oo qurxoon.

Waxaan jecelahay in aad horumarto, waxaan jecelahay in aad noqdo qofka dhinac kaste ugu sarreeya, si weyn waxaan u jecelahay horumarkaaga ku aadan qofnimadaada, wax kasta oo aad mashquul ku tahay runtii waxaan kuugu duceeya in uu rabbi kuu sakhiro.

Waxaan isku dayaa in aan kula kaftamo, waxaan ku dhahaa magacyo macne gooniya oo aan keligay garanayo iska leh, xittaa adigu ma garanaysid oo waad i weydiisaaba, qaarkood baa kaaba qosliya, Hhhh lakiin markan oo kale waa marka uu qalbigaygu dareemo dhool-caddeynta uu wejigaagu bixinaayo, waana sababta aan ugu celceliyo odhaahda ereyadaas oo kale.

Waxaad tahay qofka keliya ee aan u dareemo si ka duwan dadka kale ee igu xeeran, waxaad tahay qofka keliya ee aan jecelahay in aan la dhiso nolol qurux badan oo somalidu wada hiigsato, waxaad tahay qofka keliya ee aan ku ducaysto habeen iyo dharaar ba helitaankiisa in aan ku guuleysto adduun iyo aakhiro ba.
.
Kama werwero rajayadayda, kaamana rajjo dhigo wax kasta oo aan ka dareemo dhaqamadaada, balse waxaaba sii awoodaysta doonista iyo ka midho-dhalinta hadafka aan ka leeyahay nolosheenna iyo mustaqbalkeenna, waxaa sii awoodaysta dareenka igu kaa xidha adiga iyo rajada quruxdeeda..

Haa, mar kasta wanaag baan fishaa, qaddarin ayaan isa siiyaa, xushmad ayaan siiya dareenkayga, waan ixtiraama naftayda iyo riyooyinkeeda ba, waan tixgeliyaa baahiyaheeda, waanan u rumeeyaa doonisteeda, markaa ha igula yaabin fal-celinta togan ee aan bixiyo, waayo qurux iyo farxad mooyee wax ka duwan ima siiyaan...

Waan ku jecelahay ❤"

W/Q: Ameena Mohamed

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...