Sunday, July 1, 2018

Farriin!

"Haa Dabcan aniga ayaa qiranaya in aan kaa helay ama uu ii kaa galay dareen rabitaan oo aan naftayda kula jeclaaday "Waan ku hammiyaa, oo ku ducaystaa in aan noqdo adiga xaaskaaga, runtii waan ku riyoodaa aniga oo adiga keligaa u noqday xaaska ugu wanaagsan ee adduunka maanta ku nool.

Waan is adkeeyey in badan, waan iska dhegatiray, waan is dhaafiyey, oo waxaan tijaabiyey in aan kaa fogaado si saamaynta aad qalbigayga ku yeelatay u yaraato haddana mar kasta oo aan kaa fogaado dhawr cisho, waxa aad awood u yeelata in aad si kedis ah ugu soo laabato xusuustayda iyo qalbigaygaba.

Ma ogtahay in adiga oo dhan kedis igu tahay aniga, xittaa barashadaadi ka sokow maanta waxa ii weheliya dareenka aan adiga kuu qabo. Adiga oo iga fog oo aan hadal maqal ah ilaba wadaagin mise na aanan kuu arag muuqaal ahaan ayaan haddana ku dareema si ilaahay og yahay oo aanan qoraalkayga ku sheegi karin.

Ma ogtahay si yar oo fudud ayaan dhalinyarada ugu odhan jiray hadal u dhigan "Qofka haddii adiga oo uu kaa maqan yahay aadan magaciisa oo qudha ku dareemin jacayl, waxa ku haya maaha Jacayl". Eeg hadda waa tan aniga igu dhacday oo adiga oo aan i ag joogin, ina soo wicin, aan ku dareemayo oo uu qalbigaygu leeyahay "Waa in aad nolosha la wadaagto".

Dabcan, Haa waxaan jecelahay in aan wax kasta oo ku saabsan nolosha aan kula wadaago, waxaan jecelahay in aan nolosha wadaagno, waa ducada aan ilaahay weydiisto mar kasta in uu i waafajiyo haddii uu khayr iyo wanaag ku jiro, illa hadda adiga ma ogid xaaladda aan ku suganahay lakin mar haddii dareenkayga iyo dookhayga-rabitaan u halkaa gaadhsiisan yahay waxa hubaal ah "In aan ku jeclaaday" waxba yaan is adkayn, waxna yaan is diidsiin waan hubaa "In aan ku jeclaaday".

Isla jacaylka aan isla kaa jeclaaday, keliya kuma koobna in aad nolasha adduunkaa oo keliya ila wadaagto balse runtii waxaan ku ducaystaa salaad kasta iyo duco kasta ba in aad nolosha dambe na igula wadaagto jannada, maanta waxaan wax kasta ka jecelahay in aad noqoto qofka keliya ee aan rabo in uu ila wadaago nolol kasta.

Waxaad is weydiin doontaa "Haddii ay sidan oo dhan ku jeceshahay maxay kugu sheegi weydey? Haddii ay sidan oo dhan kuu jeceshahay maxay u diiday dhawr kulan oo aad dhawr mar ku casuumtay? Madaama oo aan nahay dad is yaqaana, balse intaaba waxaan isku dayay oo aan ku dadaalaa illa imika in aan dariiqadayda kuu ogaysiiyo sida aad uga duwan tahay guud ahaan dadka igu xeeran oo dhan.

Kuuguma sheegi karo si cad oo toos ah, sababtu tahay iskuma kaa hubo illa imika, balse waxaan ku dadaalaya in aan ku dareensiiyo. Maanta buugga aan farriimahayga ku qoro ayaan ka dhigtay saxiibka aan uga warramo dareenkayga, buuggu waa midka keliya ee aan u sheego waxa aanan jeclayn in aan dadka u sheego, waxaanan rajaynaynayaa in aad maalin uun akhrin doonto wax kasta na ogaan doonto...Ilaahay ha innagu simo."

W/Q: Ameena Mohammed

No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...