"Si kasta oo aan isugu dayay in aan illaawo ma ay suuro-gelin, waan ka fogaaday ayaamo badan oo bilo gaadhay, dabcan waan sameeyey si aanan farriin ugu dirin, naftayda na wax badan baan xasuusiyey in ay illawdo.
Waxaan ku qasbay isaga oo ii dhaw in ay dafirto, waxaan baray anoo u baahan in aanay xidhiidhin, waxaan boqol jeer u sheegay in ay ka fogaato agtiisa oo dhan, waxaan ku idhi iska farxi oo farxad badan samayso.
Balse maxaa dhacay🤔
Sawir kasta oo aan arko waan ku farxaa, mar kasta oo aan arko isaga oo dhool-tiraya aniga oo aaan is ogeyn baan dhool-tiraa, indhahaygu kama jeestaan illa dhawr daqiiqo, waxaan dareema xiise badan oo dhankiisa ii haya, waxaan ka akhristaa wejigiisa xalaadaha kala duwan ee ku gedaaman, mar kasta sawirkiisu laabta ayuu ii qaboojiyaa, farxadiisa ayaan darèemaa, nolosha oo u wacan ayaan sawirtaa iwm, markaas bay naftaydu degtaa oo aan hawlahayga kale iska wataa.
Codkiisa markaan maqlo isaga oo hadlayana ay dhegahayga ku soo dhacaan, runtii saddex jeer ayaan dib u dhegaystaa, macnaha waxaan ku ceshadaa habsimada hadalkiisa iyo hufnaanta weedhaha uu adeegsanayo waxa ay i dareensiiyaan heerka quruxdiisa, markaas baan hoos isu idhaahdaa anoo faraxsan aqoonta iyo cilmigu waa qurux wacadalla, bal eeg sida ay u qurxiyeen qawlkiisa iyo qoraalkiisa.
Dusha ayaan kala socda aniga oo aan is ogeyn ayaan sawiradiisa xabbad xabbad u daalacdaa, indhaha iyo qalbiga ba waan u furaa quruxda wejigiisa dhoola-caddaynta badan iyo qaabka qottonkiisa, Hhh waxaan jecelahay qaabka uu u istaago marka uu sawir dhammays ah galo.
Haddana iyada oo sidaa ah mar kaste waan ka ilaaliyaa in aan ku save garaysto mobile kayga, wax kale maaha aniga ayaa isu baqda waayo haddan save garaysto mar kasta waan eegaya, 10 jeer in ka badan baan shaydaanka ka naara, 10 jeer in ka badan baan Masha'allah Tabaraka'allah idhaahda, dabcan aniga oo aad u xiisaynaya eegmada wejigiisa.
Lama hadlo, ma waco, farriin uma diro haddana waxaan dhegaystaa codkiisa, waxaan akhriyaa qoraaladiisa, waxaan arkaa anigoo la dhoola-caddaynaya muuqaalkiisa. Miyaad i rumeysan waxaan u farxaa bilaa sabab, waxaan ugu riyaaqa ku talo-gal la'aan wax kaste oo isaga ku saabsan.
Dadka ku dhow oo dhan waan jecelahay, dusha ayaan ka wada jecelahay, waayo maxaan u jeclaan waayay isaga ayay ba farxad gelinayaan sow maaha, isaga ayaaba ku qanacsan in uu wakhti badan la qaato iyaga, kollay waa dad wanaagsan waayo waan ogahay in sida uu u wanaagsan yahay dadka ku xeeran ay u wanaagsanaanayaan.
Isaga oo aan i ogeyn, warna ii hayn ayaan waxaas oo dhan sameeyaa, saa markaan isu fiirsado een arko tasarufaadkayga ayaan isu qiraa in aan nacas ahay bilaa damiir ah, markaas baan hoos u xaqiiqsada in aanan hadalkiisa ka maarmi karin, hadana waan is adkeeyaa.
Qalbigayga iyo caqligayga labadu ba waxaa ay dareensan yihin kuna qanacsan yihin markan tasarufaadkayga, waayo hubaal waan madax adagahay, anoo sidaa oo dhan u raba ayaa madax adaygaygu igu yidhi ha is dareensiin🤔".
W/Q: Ameena Mohammed
Sunday, July 1, 2018
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married
Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...
-
Buugga: Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl! “(Ignorance is the Enemy of Love)” English Version Qore: Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) “AHN” Boga...
-
Buugga Fagaara-Ka-Hadalka! "Talooyin iyo Tallaabooyin Ku Dhisi Doona" "2 months from now, you'll thank to YOURSELF...
-
HORDHAC "Waxa aynu rabno iyo waxa aynu u baahan nahay ma ay is tagaan? Inta badan maya. Buuggan waxa aynu ka dheehan doona labadaas...
No comments:
Post a Comment