"Waxa mar kasta I cajab geliya sida aniga oo aan faraxsanayn uu hadalkaagu mar kasta mabsuud iiga dhigo, weli waxaanan jawaab u helin sababta aan suuradaada ugu noqnoqdo dhugashadeeda marar badan aniga oo aan kaba daalayn, runtii waxaan sawirtaa adiga oo ila nool oo aan ku wada noolnahay nolosha midda ugu quruxda badan.
In badan waxaan is weydiiyaa xidhiidhka dhabta ah ee innaga dhexeeya waxa uu yahay, mar kasta oo su'aashaasi maskaxdayda ku soo dhacdo waxa ii jawaaba qalbigayga iyo dareenkayga, waxa ay igu dhahaan ma taqaana, Hhhh waxa ay I dhahaan "Xidhiidhka labadiina idinka dhexeeya uu ka duwan yahay guud ahaan xidhiidhada bani-adamka kale ka dhexeeya, wuu ka qurux badan yahay, waana uu ka cajab badan yahay"...
Runtii, waxaan dareema ka duwanaansho, iyo farqi badan mar kasta oo aan barbar dhigo xidhiidhada kale, waana midda keliftay in aan sii jeclaysto in xidhiidhkan uu u socdo si qurux badan, niyadayda waxa dejiya farxadaada iyo quruxda noloshaada, marar badan waxaan is weydiiya illa heerkee ayad jeceshahay in uu ku noolaado nolosha, wax second ka yar baan jawaab isku siiyaa, waxaa isku dhahaa "Nolol kasta oo wanaagsan, farxad badan, guul badan oo rayrayn badan uu istaahilaa in uu ku noolaado".
Waxaad tahay qof aanan la jeclayn dhib & rafaad toona, ma jecli in wax ku carqaladeeyaan, mana jecli in dhibaato kaa hor timaado intaad hayaanka waddo, si taasi u suuragasho waxaan kugu duceeyaa si niyad-san oo ducadaydu maqbuul ku noqon karto, mar kasta waxaan jecelahay dhoolacaddayntaada iyo qosolkaaga, waana midda keliftay in aan sameeyo wax kasta oo aan is odhan karo waxay wejigiisa ku abuurayaan farxad iyo dhoolacaddayn.
Illa maanta, waxaan ku duceeyaa in rabbi nolosha adduun farxad iyo degenaansho kugu siiyo, ma jecli in aad aduunyada oo keliya guuleysato, balse runtii waxaan jecelahay in aad guulaysto nolosha aakhiro oo aad hantido guusha aan laga dhimanayn lagana gaboobayn, waxaan jecelahay in aaad noqoto qof guul waarta gaadhay oo faraxsan, qof runtii hela dhoolacaddayn iyo qosol joogto ah, nolol qurux oo dhanna u dhammaystiran tahay.
Intaan noolahay, waa hubaal in aan ku dadaalayo sidii aan qorshayaasha aan dhigtay oo dhan uga rumayn lahaa, wax kasta waxaan u samayn doonaa si aad u faraxsanaato, si aad u dhoolacaddayso, si aad u degenaato, waa hubaal in aan foolkaaga quruxda badan ka ilaalin doono xanaaq & cadho, kala kacsanaan & kellifaad, waa hubaal in aan maqalkaaga iyo muuqaagaba tuso wax farxad geliya oo ku beeraya deganaan iyo farxad labada ba.
I rumayso Noloshaada oo dhan waxay marto iyo wax kasta oo ku soo kordha waxaan aaminsanahay in ay ka mid tahay Noloshayda sida oo kale"
W/Q: Ameena Mohammed
No comments:
Post a Comment