Magaca Buugga: “Things I
Wish I’d Known Before We Got Married”
“Waxyaabo aan jeclaan lahaa in aan ogaado kahor intaynaan is
guursan”
Bogagga: 176 bog
Cutubyada: 12 Cutub
Sannadkii: 2010
Dr.
Gary Chapman, ciddii xasuusata ama akhriday ayaa gaanaysee waa qoraagii hore u
qoray buugga magaciisu yahay “The 5 Love Languages” ama “Shanta luuqadood ee
jacaylka”, kaas oo in ka badan 38 luuqadood
lagu turjumay, waa qoraa in ka badan 40
sanno khibrad u leh waxyaalaha la tacalluqa jacaylka, guurka iyo xidhiidhada
lammanaha dhex mara, 40 ka sanno ba wuxuu ahaa “Marriage Counselor” “La-taliye dhanka
guurka ah”. Buugiisa “The 5 Love Languages” ayaa makhraati uga ah in uu qoraagani
yahay mid aad u qalin-macaan oo heerkiisa farriin-tebineed aad u sarrayso.
Wuxuu ku qoraa buugtiisa luuqadda ingiriisiga oo aad u sahlan, la fahmi karo,
xiise badan gelinaysa akhristayaasha ku xidhan buugtiiisaa.
Isla
sida uu u xiiso badan yahay buugaas hore si ka badan ayuu u xiiso badan yahay
buugiisan aan maanta halkan idinku la wadaagayo “Things I Wish I’d Known Before
We Got Married” “Waxyaabo aan jeclaan lahaa in aan sii ogaado ka hor intaynaan
is guursan”. Run ahaantii qof kasta oo akhriska daneeya mise na dhalinyaro ah
markuu arko jaldiga buugga wuxuu aad u jeclaysanayaa in uu ogaado waxyaalahaas
mudan in la sii ogaado ka hor intaan la is guursan. Waa buug ka kooban 176 safxadood iyo 12 cutub, oo cutub kastaa sito cinwaan ah waxyaalaha uu rajaynaayo
qoraagu in uu sii ogaan lahaa ka hor guurkoodii.
Qoraagu
waxyaalaha uu awoodda saarayo waxa ka mid in aan jacaylku keligii ahayn mid kaafiyi kara ama samayn kara
waaritaan qoysnimo oo ay ku negaadaan lammanaha is guursada, waxa muhiim ah in
qoraagu awooda saarayo in guurku uu mar kasta yahay seeska ay ka samaysmaan
bulshada adduunka ku nooli oo dhan, taas oo mudan in laga fiirsado oo aad la
isaga saaro ahmiyad gooni ah.
Wuxuu
hordhaca ku soo qaadanayaa qoraaga buuggu in aanay marna macne buuran lahayn
inanka oo la weydiiyo su’aasha ah “Ma aqbalaysaa in heblaayo ay noqoto
xaaskaaga” ama inanta oo la yidhaa “Raali ma ku tahay in hebel uu noqdo
saygaaga! Ka dibna jawaabta labada dhinac ay noqoto “Haa waan aqbalay” balse
macnuhu uu yahay in qorshe loo sii sameeyo nolosha lagu noolaanayo sannadaha
soo socda oo dhan.
Dhab
ahaantii, wuxuu innagula wadaagayaa cilmi-baadhis sheegaysa in jacaylka
lammaanuhu yahay mid xooggan inta xidhiidhka haasawe ka dhexeeyo qof kasta oo
weydiiya sababaha ay isu guursanayaanna ay ugu jawaabayaan “Waayo waxaan nahay
dad aad isu jecel”, lakiin sida cilmi-baadhista ku xusan, jacaylkaasi guurka ka
dib ma sii noolaado 2 ama 3 sanno wax ka badan. Tan ayaa ah haddaba sababta uu
qoraagu buuuggan u qoray is dadku u ogaadaan in jacaylku marna filnaansho
waaritaan aanu siin karin qoys kasta oo samaysmaya.
Qoraagu
waxa uu leeyahay website ay ku qoran tahay “Startmarrigaright.com” oo uu ku
casuumayo cid kasta oo jecel in ay ka hesho talo ama wax ka sii ogaato ka hor u
xadhko-xidhashada guurka, waxa bushaaro ah in dhammaan khayraadka “Resources-ka”
bartaas ku jiraa ay badankoodu yihiin kuwo qofku ku akhrisan karo si bilaa
lacag ah “Free” …
BUUGGA
Sida
kor ku xusan waa buug ka kooban 12 cutub,
iyo 176 safxadood. Waa 12 mawduuc oo
qoraagu uu buugu ku leeyahaay Waan jeclaan lahaa in aan sii ogaado ka hor
intaynaan is guursan. Waxay kala yihiin sidatan:
Cutubka 1’aad: “I wish I had known, that being in love is not an adequate foundation for building a successful marriage” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in jacaylku uusan ahayn aasaas ama sees ku filan oo lagu dhisi karo guurka guusha xambaarsan”.
Cutubka 2’aad: “I wish I had known, that romantic love has two stages” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in jacaylka wanaagsan ee daryeelka badani; uu leeyahay laba marxaladood”
Cutubka 3’aad: “I wish I had known, that the saying “Like mother like daughter” and “Like father like son” is not myth” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in odhaahda “Gabadhi waa hooyadeed” iyo “Wiil waa aabihii” ayna khuraaf ahayn”
Cutubka 4’aad: “I wish I had known, how to solve disagreements without arguing” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado sida loo xalliyo is-mari waaga iyadoon la is khilaafaynin”.
Cutubka 5’aad: “I wish I had known, that apologizing is a sign of strength” “Waxaan jeclaan lahaa in aan si ogaado in raalligelintu ay tahay mid ka mid ah calaamadaha awoodeed ee qofka”.
Cutubka 6’aad: “I wish I had known, that forgiveness is not feeling” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in saamaxaadu ayna ku koobnayn; keliya dareen qofeed”.
Cutubka 7’aad: “I wish I had known, that toilets are not self-cleaning” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in musquluhu ayna ahayn keliya kuwa nadiifiya qofka”
Cutubka 8’aad: “I wish I had known, that we need a plan for handling our money” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado, in aan u baahanay qorshe aan ku maamuli karno lacagteenna”.
Cutubka 9’aad: “I wish I had known that mutual sexual fulfillment is not automatic” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in fulinta jinsi ahaaneed aysan ahayn mid toos ah”
Cutubka 10’aad: “I wish I had known that I was marrying into a family” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in aan guursanaayo qoys dhammaystiran”.
Cutubka 11’aad: “I wish I had known that spirituality is not to be equated with going places of worship” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in ku dhaqanku diinta oo keliya aysan marna u dhigmin tegitaanka goobaha cibaadada”
Cutubka 12’aad: “I wish I had known, that personality profoundly influences behavior” “Waxaan jeclaan lahaa in aan sii ogaado in shakhsiyadda qofku mar kasta saamayn ku yeelato dabeecadda iyo dhaqanka qofka kale” ...
**********
Waxa muhiim ah in akhriste kasta ogaado, in 12 ka mawduuc ba ay ka jawaabayaan su’aalo dhowr ah oo akhriste kasta ku soo dhacaya marka uu arko ereyada sidan u qoran, sida; in uu is weydiiyo oo kale sidee iyo sabab ay muhiim ugu tahay in aan ogaado waxan oo dhan ka hor guurkayga, dabcan buuuggani waa buug qoray macluumaad badan oo khuseeya nolosha iyo waddooyinkeeda, waa buug mawduuc kasta ku xidhaya buuggi kale ee magaciisu “Shanta Luuqadood ee Jacaylka”.
Waxa buugga u ah ibo-xidh mawduuc run ahaantii aad muhiim ugu ah qof kasta oo jecel nolosha lammaanenimada, iyo qosyskaba in uu ku guulaysto. Mawduucaas waxa uu qoraagu u bixiyey “Developing A Healthy Dating Relationship” “Horumarinta Xidhiidh Haasaawe oo Caafimaad Qaba”. Dabcan haasawuhu kuma koobna uun inta la kala madax bannaan yahay ama aan la is guursan ee xitta wax badan ayuu ka caawiyaa lammaanaha ka dib guurka. In ay lammaanuhu wada sheekaystaan, wakhti isa siiyaan oo ay wax kasta ka wada hadlaan waxay keliftaa in lagu guulaysto nolosha guurka iyo guriga labada ba. Dabeecadda iyo Dhaqanka labada qof in ay aad isu darsaan oo is bartaan’na waxa keenaya waa wada fadhiisiga iyo wada-sheekaysiga dhexdooda oo noqda mid aad u xooggan. Mar kasta oo lammaanuhu ka shaqeeyo horumarinta xidhiidhka haasaaweed ee dhexdooda ahi waa mar kasta oo ay aad isu fahmaan oo uu midba mid kale barto wax kasta oo ku saabsan shakhsiyadiisa, dabeecadiisa iyo dhaqankiisa ba. Dabcan xittaa mawduucani sida qoraagu sheegaayo wuxuu lammaanaha u sahlayaa inay bartaan “Shanta Luuqadood ee Jacaylka” oo runti ah shan luuqadood oo qof kasta oo aduuunka ku nooli uu mid ama laba ka mid ah uu ku muujiyo jacaylkiisa. Waa shan luuqadood oo awoodda saaraya shanta dareeme ee qofka bani’adamka ahi uu leeyahay
GEBAGEBO
Haddii Dr. Gary Ghapman iyo inta la mid ka ah ba ay awoodi waayeen ogaanshaha 12 kan arrimood iyo kuwo u dhigma ba ka hor guurkoodii, mise na ay keliftay in uu buugiisa dhexdiisa innoogu soo bandhigo fursad seegtay, waa muhiim in aad adiga iyo iyo inta kula mid ka ah baa ad fahamtaan muhiimadda ay leeyihiin 12 kan arrimood iyo kuwa soo raaca ba ka hor intaadan u xadho-xidhan in aad guur iyo guri samaysato. Dabcan masuuliyadda iyo rabitaanka guud ee guurka marka laga yimaado waa daruuri in qofku diyaar-garow iyo qorshe ka lahaado tallaabo kasta oo noloshiisa khusaysa taasoo ay ugu horrayso guurka iyo yageelidda qoyska
Maanta wax kasta waa ay ka sahlan yihiin sidii hore, waa wakhti wax kasta oo nolosha ku saabsan isu rogay qoraal iyo akhris, waa wakhti si cilmiyeysan loo wadaagayo nolosha iyo waayaheeda kala duwan, waa wakhti tallaabo kasta intaas oo dhiirrigelin iyo intaas oo khibradood laga qoray si qofku uga badbaado khasaare iyo guul-darro, markaa waa muhiim in qofku uga faaideyso si aqoon iyo cilmi ku jirta, noloshiisa na kaga dabbaqo hadba inta wanaagsan ee horumarka iyo farxadda keenaya.
Akhri labada buug ba oo isku day in aad ka hesho ama kala baxdo inta ugu muhiimsan ee noloshaada khuseeya, iyo inta ku siin karta haddii aad si wanaagsan u dabbaqdo farxad iyo raynrayn adduun iyo aakhiro ba ah.
Waxaad ka helaysaa Amazon.co.uk iyagoo iib ah ama online ahaan aad ku akhrisan karto, in kasta oo online-ku uu koobitaan u badan yahay. “Shanta Luuqadood ee Jacaylka” PDF ahaan waa lagu heli karaa oo sida badan google ka ayaa uu ku jiraa, Se buuggan “Waxyaabaha aan jeclaan lahaa inaaan ogaado ka hor intaynaan is guursan” isaga PDF ahaan weli laguma sii deyn se sida aan hore kugu sheegay online ahaan baad ku akhriyi kartaa ama waad iibsan kartaa.
FG: Waxaan ku leeyahay, dabcan buug kasta oo aad akhrido kala bax inta anfacaysa nolosha iyo halgamadeeda, mise na kaa fogaynaysa khataraha iyo guul-darrada. Qoraal kasta daruuri maaha in akhirsuhu uu aamino in uu kani yahay midka guusha iyo farxadda keenaya, se waxa muhiim ah in aad keliya ogaato in uu kor u qaadis ku samaynaayo aqoontaada guud iyo cilmigaaga maskaxeed, balse farxadda iyo horumarku uu ku jiro hadba inta aad adigu si wanaagsan ugu horumariso dhaqamadaada iyo ficiladdaada shakhsiyeed…
WA BILLAAHI TOWFIIQ
Mahadsanid!
No comments:
Post a Comment