Sunday, July 15, 2018

Farriin!

"Runtii ma garanayo sababta ka dambaysa waxa aad sidan iigu samaynayso, iyo sababta aad u aamusan tahay toona, ma garanayo waxaan halleeyey ama aan kharribey ee aad iigu ciqaabayso aamusnaanta faraha badan iyo hadal yaraantan aad dabeecadda ka dhigatay, ma aqaan sababta fal-celintaadii u noqotay wax aanan arkayn ama aan I soo gaadhayn..

Wax kasta waan sameeyey si aad u hadasho in badan, balse ma garanayo waxa ku haysta iyo sababta ku mashquulisay toona, tolow ma dhib aanan ogeyn ayaa jirta? waa midda aan is weydiinayo mar kasta oo aan ka yaabo tasarufaadkaaga iyo dhaqankan cusub ee aad igu qaabilayso muddo ba, ma aniga ayaa wax aanan ogeyn ama dhaadanayn kugu sameeyey oo aad igu ciqaabaysaa, mise hadalkayga iyo dhaqankayga ayaad ka xiiso goysay oo imika macno badan ba kuuma laha.

Waayo! Maxaad sidan iigu samaynaysa?, maxaad hadalkaaga oo aan jecelahay maqalkiisa, iyo qoraalkaaga oo aan jecelahay akhriskiisa iigu diidaysa?, ma cashuur baan ka bixiyaa si aad iila hadasho?waayo maxaad u diidan tahay in aad fal-celin ka bixiso hadalkayga ama farriintayda? Ma garanayo waxa keenay is badalkan iyo ka fogaanshaha intaa le'eg ee aad iga fogaatay!

Marar badan waxaan is dhahaa khalad ayaad samaysay, marar kale na waxaan is dhahaa dan iyo muraad ba markii hore ma jirin, mar kale waxaan is dhahaa mashquulka iyo howlaha adduun ayaa isaga badan, waxaan raadiya boqol cudur-daar oo bal naftayda ay ku qanci karto si ay kuugu soo dhowaato, waxaan ka ilaaliyaa ama is diidsiiyaa hal sabab oo aan kaaga fogaan karo , balse haddana qalbigu ma xammili karo dhaqankan cusub iyo tasarufaadkan aad ka dhigatay caadada.

Markan oo kale waxaan is weydiiyaa, horta agtiisa maxaad ka tahay? Mar kasta na runtii jawaab waadax ah oo naftaydu ku qanacdo ma u helo, hal jawaab haddaan u helo, waxaan helaaa hal kale oo ka soo horjeeda guud ahaan jawaabtayda , hal dhaqan oo wanaagsan haddaan xasuusto waxaa ka daba timaada dhowr dhaqan oo kale oo tashwiish iyo mutuhin badan gelinaya midka aan xasuustay, su'aalo fara bandanna u sababa in maskaxdaydu keento.

Mar waxaan is dhahaa wuu ku jecel yahay, mar kale waxaan is dhahaa hal daqiiqo xittaa kuma uu jeclaan, mar waxaan is dhahaa wax dan ah oo uu kaa leeyahay maba jirto, mar waxaan is dhahaa waa qofka keliya ee aad maankiisa ku jirto, haddana mar kale ayaan is dhahaa iska daa maankiisa'e xittaa maskaxdiisa kuma soo dhacdid, mar waxaan is dhahaa adiga uun baa ka farxiya, haddana mar kale  ayaan is dhahaa farxadiisa dadka kale ee ku xeeran ayaa siiya.

Ixtiraam in aan agtaada ku qabo ayaan dareema, haddana waxaan xasuustaa boqol waxyaalood oo beeninaya ixtiraamkaas, runtii waxa indhahayga ka timaada illin aad u badan waayo caqligaygu wuxuu diidan yahay qalbigayga, dadnimadaydu waxay diidan tahay dareenkayga, dhaqankaygu na wuxuu diidan yahay tasarufaadkayga, cidda aan ahay waxay ka soo horjeesataa cidda aan noqdo mar kasta oo aan ku xasuusto ba.

Ma garanayo nooca qof ee aan dadka kaaga tilmaamo, mana garanayo liiska ay mudan tahay in aan kugu daro, wanaagaaga iyo wanaag la'aanataadu way is goyaan, bal waxaaba ka badan wanaag la'aantaada, caqligaygu qofka uu kaa aaminsanahay iyo qalbigaygu qofka uu kaa aaminsanahay waa laba qof oo aad u kala duwan, caqligaygu ka fogow ayuu I dhahaa, qalbigaygu se ka ag dhowoow ayuu I dhahaa... Mid aan raacano ma garanayo??........."

W/Q: Ameena Mohammed




No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...