HORDHAC
"Waxa aynu rabno iyo waxa aynu u baahan nahay ma ay is tagaan? Inta badan maya.
Buuggan waxa aynu ka dheehan doona labadaas baahiyood ee kala duwan, marka ay midoobaan qaabka ay nolosha u yeelaan, marka ay kala ahaadaanna sida ay nolosha noqoto. Waa hal qiso oo ku saabsan Faysal Keynaan iyo Indhadeeq Cali. Waxa aynu dhex tegi doonaa xafiiska dalka looga taliyo iyo qalbiga u taliya cidda u talisa.
Akhris Wacan".

Magaca buuga waa Indhadeeq Ku Aaway?, Waxa qoray 2015 kii Ismaaciil
Cabdillaahi Ubax, Waxa uu ka kooban 202 Bog oo xidhiidh ah, Marka laga
yimaado mahad naqa iyo hordhaca guud, buugani waxa uu u qoran yahay 8
waaxood ((Section)) oo isku xiga, in kastoo magaca buugani sitaa uu kugu
dhiir-gelinayso inaad akhrido si aad u ogaato magacan meesha ku xardhan
baadi-doonkuna ka muuqdo, hadana waxa xusid mudan in qayb/waax kasta oo
buugan ahi uu leeyahay xiise u gaar ah taasoo ay kaga duwan tahy midda
kale ee ku soo xigta.
Guud ahaan buugani waxa uu ka waramayaa
hal qiso oo keliya waana Faysal Keynaan oo ah wiil uu dhalay siyaasi
magac weyn ku leh dalka misena aad u danaynaya in uu noqdo madaxweynaha
mustaqbalka ee dalkaas in kastoo geeridiisa hankaas baabiin doonto
gadaal na uu ka rumayn doono wiilkiisa, iyo Indhadeeq Cali oo uu dhalay
Cali-Shaandho oo ah oday ay aad isaga soo hor-jeedaan Keynaan
siyaasadana isku hayaan. Wixii intaa ka dambeeya waxa si fiican u
bilaabmaysa sheekada buuga iyo nuxurka ay gudbinayso:
Waaxda 1aad: MAGACA
Waaxdani waxay si fiican oo mug leh uga hadlaysa goortii, halkii iyo sida uu ku soo galay wiilka waa ((Faysale)) magacan uu buugu wato, muuqaal ahaan siday u eg tahy gabadha uu calmaday waa ((Indhadeeqe)), xaalada uu ku sugan yahay illa iyo maalintuu bartay, meesha ay wadanka kaga noolashahay, dareenka weheliya marka ay la hadlayso, IWM. Dhanka kale waaxdan waxa soo hoos galaya xisbi loogu magac daray BULSHO oo noqon doona midka aabihii oo KEYNAAN ahi madaxnimada ku rabay, balse rumayntiisa uu yeeshay Faysal, CALI-SHAANDHO iyo heerka ay kala taagan yihin KEYNAAN iyo qoyskiisa , sida oo kale kulan kedis ah oo ay isku arkayaan Faysal Keynaan iyo Indhadeeq Cali, iyo waxay ku kala kulmi doonan.
Waaxda 2aad: BULSHO
Waaxdani waxay si fiican uga xog warramaysaa fikirkii iyo sidii uu ku samaysay xisbiga Bulsho, goorta ay ahayd iyo xaalada lagu sugnaa, hirgalkii, iyo wacdaraha uu ka geysan doonto dalka, booska ay Faysal iyo aabihi Keynaan kaga jireen, guud ahaan waxa uu bog/bog uga waramayaa habkii ugu habboonaa ee ololaha siyaasada loo galay, iyo meelahii la abbaaray, xaaladd Caafimaad darro oo Faysal aabihii la soo deristay taas oo sababaysa geerida ku imaatay aabihii, iyo sida oo kale xaalad adag oo uu geli doono Faysal taasoo sababi doonta inuu gebi ahaanba ka tago xisbigii ay dhidibada u taageen isaga iyo aabihii.
Waaxda 3aad: INDHADEEQ
Waaxdani waa mid ka xiisa badan baan odhan karaa labadi hore, waayo waxay in badan sheegaysaa guulaha uu ka gaadhay xisbigu dadweynaha, qancinta Faysal lagula doonayo inuu buuxiyo booskii aabihii, soo dhaweynta ay u hayaan guud ahaan Shacabka ku nool wadanka, iyo go’aanka lama filaanka ah ee uu Faysal Keynaan madasha siin doono. Mar kale waaaxdan waxa wehelisa fariin kedis ah oo Faysal uga imaan doonta Indhadeeq iyo dareenkiisu sida uu noqon doono ka dib aragtida fariintaas. Rajada faysal oo soo noqonaysa kuna sababi doonta inuu dib uga noqdo go’aankii hore, una kaco ka rumaynta hadafkii uu aabihii ka dhintay.
Waaxda 4aad: WAAN KU SOO JECLAANAYAA!!!
Mar kale waaxdani waxay sii amabaqadaysaa fariintii wada sheekaysi ee FAYSAL Iyo INDHADEEQ, oo dhinacyo badan galaysa, taasoo is xaal waraysi u badan, runtii you can’t imagine qaybtan siday u xiisa badan, Hhhhhhhh waxaan odhan karaa waa midda keliya ee sheekada mucdeedu ba taal, ereyada ku xardhan qaybtani carrabka u fududaa, oo niyadda u samaa, sida oo kale sida aad u akhrinayso ayay marar badan kaa qoslinaysaa marar kale na la farxaysaa, adigu waxaan odhan karaa waxaad la dareemaysa hadba erayda bog walba ku qoran siday u dhigan yihin, Guud ahaan Waaxdani qiyaas iyo koobid maba istaahisho,runtii waa midda ugu xiisaha badan aadna isu bari doonta dabeecadaha, dadnimada, iyo dareenada Faysal iyo Indhadeeq.
Waaxda 5aad: WAAN KU JECELAHAY!!!
Waxay si mug leh u qaada dhigaysaa Faysal dareenkii saaqay markuu maqlay Kelmada ((Waan Ku soo Jeclaanayaa)) iyo sida uu u isu baddalay, Farxaddii kedis ka ahayd iyo isla jaan-qaadka labadoodaba hadhayn doona marka uu u uga xog warramo inuu isagana la dareen yahy mise na uu aad u jecel yahy, Waaxdani waxay In badan sheegaysaa macnaha ay leedahay marka qof aad jeceshahay ogaato inuu kula mid yahay, ama kula dareemayo dhammaan dareemadaada iyo nimcada iyo wanaaga ka dambeeya labada qof ee is jecel.
Waaxda 6aad: MUDANE MADAXWEYNE!!!
Walaaahi ma qiyaasi karo dareenka ay leedahay qaybtan, runtiii marka Faysal keynaan o madaxweyne ku noqday ka dib olole dheer oo dadaal iyo dhabar-adayg badan qaatay waad fahmi kartaa illa heerka tusinta, iyo tilmaamta ay leedahay, habka farshaxamaysan ee qaybtan wuxuu kugu hagaaya in maskaxdaadu keliya inay sawirato mooye ogolaan weydo inay bez keliya akhrido. Sida oo kale waa mid aad u xiiso badan kuna dhadhansiinaysa laba dareen oo aad u kala fog, Midi waa guul faxad badan dadaal dheer kadib ((Guusha Xisbiga BULSHO)), Tan kale na waa guul-darro qadhaadh oo weliba aad u xanuun badan ((Ka Tagidda INDHADEEQ)).
Waaxda 7aad: NABAD-GELYO!!!
Waad qiyaasi kartaa kelmada Micnaha guud ee ay leedahay marka la is yidhaahdo, keliya waxa nuxurka waaxdan waxa ku fahamsiin kara micnaha warqaddan uu Faysal keynaan ku sagootinayo Gacalisadiisii indhadeeq oo dhigan sidan:
“Fadlan huuno akhri warqadda oo dhan.
Noloshayda intii aad ku jirtay, waxa ay ahayd intii aan ugu farxadda badnaa. Wallaahi in aanan weligey sidaas oo kale qof u jeclaan. Waxa aad noqotay qofka markasta oo aan codkeeda maqlo, aan qoslo. Dhanka kale marka la eego, wiigaggii ugu dambeeyey waxay ahaayeen kuwii noloshayda ugu adkaa. Si kasta oo aan u dhigo, wax aan go'aansado ayaan garan waayey. Ma naftayda ayaan ka farxiyaa? Ma sida ay naftaydu jeceshahay ayaan sameeyaa oo Indhadeeq ayaan nolosha la qaybsadaa? Mar kasta ‘haa’ ayaan kaga jawaabayey. Waayo waan ku jecelahay. Weligeyna waan ku jeclaan doonaa. Haddana waxa dhinaca kale aan ka fikirayaa hooyo. In aan anigu farxaddayda ka fikiro iyo in aan farxaddeeda ka fikiro ayaa ii siman. Mar kasta oo aan shaqada ku jiro, way i waraysataa. Way igu dhegtaa. ‘Hooyo shaqadu siday tahay? Berri ha shaqaynin ee iska naso’.
Indhaheeda ayaan eegaa markaasaan idhaa ‘miyaan ka tagaa?’. Ma rabo in ay murugo ku noolaato. Ma rabo in ay inankeeda weydo. Ma rabo in ay weydo wiil ay eegato. Ma rabo in ay weydo wiilkeeda ay u sheekeyso. Aabbahay ayay weyday, ma rabo in ay anigana i weydo. Waayo waan xasuustaa sidii ay dareemaysay markii uu aabbo dhintay. Waan garanayaa xanuunka ay leedahay laba is jecel oo
kala dhintay. In aan danayste noqdo oo aan farxaddayda ka fikiro, iyo in aan farxaddeeda ka fikiro ayay noqotay. Waxaan diyaar u ahay in aan anigu is dulmiyo, in aan anigu farxaddayda lumiyo si ay iyadu u qososho. Haddana xanuunka i haya marka aan warqaddan qorayo, wallaahi ma malaynaysid. Sidii ilmo yar ayaan ilmaynayaa. Erey kasta oo aan qorayaa wuu dhibayaa. Waayo wuxuu ka dhigan yahay in aan ka fogaanayo qofka aan adduunka ugu jecelahay ee Indhadeeq. Laakiin waxa aan aad uga sii xumahay, in aan si xun ku dareensiinayo hadda. Waxa werwer badan igu haya qalbigaaga iyo xanuunka haya. Waan kaa raalligelinayaa. Wax aan ku idhaahdo ma garanayo huuno, laakiin fadlan xaaladdayda fahan. Oo fadlan i saamax. Waan ku baryayaa ee ha ii cadhoon. Waan kuu
duceeyey huuno. Ilaahay meel roon ha ku mariyo. Anna murugo aan dhammaanayn ayaan la noolaan doonaa. Waayo ma garanayo si aan noqon doono la'aantaa. I love you and I’m Sorry”.
Waaxda 8aad: MA KA DHABBA
Akhriste kelmadan goorma la adeegsadaa? waa mar kasta oo wax dhab ah lagugu yidhaahdo aad u qaadan weydey, in kastoo Indhadeeq warqadda ka dib u qaadan weynayso go’aanka Faysal Keynaan hadana waaxdan waxaad ka dhadhansanaysaa qaddarinta iyo tixgelinta ay u muujinayso go’aankiisa iyadoo siinaysa jawaab gaaban oo hadana ka dhadhansanyso ixtiraamka ”Waan akhriyey, waan fahmayaa xaaladda. Faysaloow waan ku faraxsanahay wakhtigii aynu is naqaannay”.
Sida oo kale waaxadan sida ay u socoto waxay galaysaa in Indhadeeq Cali iyo Faysal Keynaan iyaga oo wada xidhiidha hadana aanay sidii hore isu ahayn balse iska war hayaan, xidhiidhkooda caantaynka sida uu u socdo waxa uu gaadhayaa heer uu ogaado in inantan uu dusha ka ilaashanayay wax badan isugu beegbeegayay la soo dooni doono nin kale na calafkii noqon doonto, waa midda keenaysa marka uu afkeeda ka maqlo kelmadann {MA KA DHABBAA}!!! Run ahaantii waa qaybta ugu murugada badan soona gabagabaynaysa sheekadii soo socotay waana marka aad is odhanayso markan oo kale Xumaa marka aad noloshaada ku xidho hal qof, waxa kale oo dhanna aad nacdo……
Tusmada Buugga
Magaca Buugga: Indhadeeq Ku Aaway
Qore: Ismaaciil C Ubax
Bogagga: 202 Bog
Qaybo: 8 Waaxood
Sannadka: 2015 .
FG: Hadii ay jiraan wax khalad ah o qoraalka ah, runtii waan uga cudu-daaranayaa qoraaga buuga iyo guud ahaan ba bulshada Akhriska Jecel.......
Mahadsanid
W/Q: Amiina Galaydh.

No comments:
Post a Comment