"Ma malaysan kartid qorshayaasha aan riyo ahaan u dhiso adiga dartaa, dabcan si yar oo korka-xaadis ah ayaan kugu sheegay dhowr mar sida aan kuu dareemo, xittaa hadii aad xasuusato dhowr su'aalood ayaan ku weydiiyey sida sababta uu wadnahaygu u sameeyo garaac marka aad la hadlayso ama uu arko muuqaaga.
Mar kale dhowr mar waxa aan ku soo direy farriimo ku qoran ingriiisi jajaban balse macno la fahmi karo kuugu gudbinaya dareenkayga siiba marka uu waayo hadalkaaga, ama xidhiidhkaaga, ama ba aad ka mashquusho war-celintii aad siin lahayd farriimahayga, waan ogahay kama soo jawaabtid, weliba uugama jawaabtid sidii aan rajaynaayay haddana waxaan yaqiinsanahay in ka badan intaan moodayay in aad I siiso ixtiraam.
In kasta oo aan jecelahay in aan wakhti badan kula qaato iyo in aad is kay barto in ka badan inta aan ku aqaano balse shakhsi ahaan waxaan isku qanciyey in aan wax kasta oo ku saabsan shakhsiyadaada aan ka barto ficilkaaga adiga oo aan hore si hadal ah iiguba sheegin, laga yaaba tan waxa ay ii suuragelinaysaa in aan ku fahmo marar badan adiga oo aan hadal ba.
Ma ogtahay waxaan dareema qiiro iyo masayr "Hinaase" marka aan arko inan si yar oo debecsan kuula hadlaysa, waxaan dareema in ay gefayso oo ay ku gefayso odhaahyada ay kugu tidhi ama ay adeegsatay, sidaa si la mid ah ayaan qof kasta oo kugu yidhaahda hadal xun ama ba ku tusiya dhaqan xun aan uga xanaaqaa, waan dhibsadaa waxa uu samaynaayo, aniga oo aan is ogeyn ayaanan u jawaaba ama aan ka ficil qaata waxa ka soo yeedhay qawl ahaan iyo qoraal ahaanba.
Naxdinta iyo werwerka aan ka dareemo, maqnaanshahaaga ama war la'aanta aan la kulmo maalmaha qaar ma dareemin noloshayda, waan kugu xanaaqa, oo hadallo kugu tuura, adiga ma fahamsanid waxa aan ka xanaaqay ama sababta aan sidaa ugu hadlayo, balse anigu waan ogahay, dareenkayga waxaan ku cabbiraa qoraalka marka aad I fahmi weydo, waana xalka keliya ee aan ku nafiso, ku farxo, kuna dejiyo dareenkayga, runtii adiga waan jeclaa in aan kula wadaago lakiin weli ku dhiirashadii baa igu adag.
I rumayso, maanta waxaan hubaa in aan ku rabo. ku jecelahay, kugu ducaysto, kugu riyoodo oo aan qorsheeyo qaabka nolosheenna iyo sida ay u egaan doonto, waan hubaa in aan noqon doono lammaanaha ugu quruxda badan somalida ee nolosha isla fahmay, dadaal iyo diyaar ba aniga ayaa u ah in aan kaa dhigo qofka ugu farxadda badan adduunka, ugu guusha badan iwm, guushaadu waa guushayda, farxadaadu waa farxadayda, wax kasta oo adiga kugu saabsanna waa wax I khuseeya.
Dadka agtooda waxaa ka ahay inan awood badan, marar badan oo ilmo iyo oohin ay ka timi indhahayga dadka igu xeeran waxaan u matala in aan faraxsanahay, dabcan waa khasab in aan farxo madaama aan islam ahay, waan dhoola-cadeeya, waxaanan tusaa macnaha iyo quruxda dhabta ah ee ay leedahay dhoolacaddayntu, dabcan marka aan sidaa samaynaayo anigu waxaan ka helaa degenaansho iyo xasilooni.
Noloshu waa qariib, waxa ay ku baraysaa dad iyo degaanno badan, kala duwanaanshaha u dhexeeya dadka & degaankaba ayaa sabab u ah in adduunyada iyo ficiladeedu ay iska socdaan iyaga o is badbadalaya.
Dad badan oo adduunka dacaladiisa ku nool ayaan awood u lahayn in ay fahmaan dadka kale, balse isma lihi adigu dadkaas ayaad ka mid tahay"...
Dad badan oo adduunka dacaladiisa ku nool ayaan awood u lahayn in ay fahmaan dadka kale, balse isma lihi adigu dadkaas ayaad ka mid tahay"...
W/Q: Ameena Mohammed
No comments:
Post a Comment