Thursday, January 4, 2018

FAALLO! Buugga Fagaara-Ka-Hadalka!

Buugga Fagaara-Ka-Hadalka!

"Talooyin iyo Tallaabooyin Ku Dhisi Doona"
"2 months from now, you'll thank to YOURSELF", "2 Bilood ka dib, waxaad u mahadnaqi doontaa NAFTAADA"!

HORDHAC!

Isku day kasta oo guulaystay waxa u jilba-duubtay dad iyo bini aadam dunidan ku dhaqan oo ilaahay abuuray, kuwaas oo intooda badan ujeedkoodu yahay sidii ay dunidan ugu soo gudbin lahaayeen ashyaa ay dadku wax ka faa’iidaan isla markaan ka qayb dhiga hab nololeedkooda oo dhan bilow ilaa dhamaad.

Buugani waa buug ka hadlaya “FAGAARA KA HADALKA”, oo ah sida dad looga hor hadlo ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo (Public Speaking).

Sida la og yahay cilmigan waa khibrad u baahan in la dhaqan galiyo oo ay tahay in cid kastaaba barato maadama in dad laga hor hadlaa ay nolosha aadamaha u tahay udub-dhexaad isla markaana aan sina looga marmi karin.

Buugan hab qoraalkiisa waxa hubiyey dhawr qof oo ay ka mid yihiin:

1. Maxamed Cali siciid (Cimi Baadhe hindiya ku nool).
2. Aamina Xuseen Saalax (Ardayd jaamacada Golis ka mida).
3. Faarax Cabdiraxmaan Xasan (Hal-Abuur Iyo Arday, Itoobiya ku nool).

Dhamaan dadkani waa asxaab in muddo ah haystay buugga si ay u hubiyaan, in uu anfici karo dhalinyarada iyo dadka akhrin doonaa ka dib marka uu soo baxo!

Fagaara Ka Hadalka,
Noocyada Fagaara Ka Hadalka,
Sidee Loo Noqdaa Fagaare Ka Hadle Wanaagsan?,
Maxaa Kaa Weecinaya Inaad Fagaare Ka Hadle Noqoto?,
Sidee Dadka Wax Loogu Jeediyaa?,
Qudbad Jeedinta!,
Sidee Qudbad Loo Diyaariyaa?,
Raac Talaaboyinkan,
Maxaa Kaa Mamnuuc ah!,
Ficilada la Iska Ilaaliyo.

Dhammaantood waa mawduucyada uu koobasanyo buuggu inta uu socdo!

ARAGTIDA BUUGGA!

Fagaare Ka Hadalku waa khibrad, khibradaas oo ah xeelad dadka lagu soo hor istaago isla maraana loogu gudbiyo hadba arrin jira ama xaalad taagan xiligaa.

Khibradan waxa yaqaan dad aad u kooban oo aan badnayn marka loo eego dadka dunida ku nool, isla markaana waxa tiro beel ah ama fara badan dadka aan awoodin in ay dad ka hor hadlaan kuwaasoo lagu qiyaasay75% dadyow ah. Inta ka soo hadhay tiradaa waxay awoodaan dadka in ay la hadlaan, wallow iyaga laftoodu ay is dheer yihiin xirfado iyo waayo aragnimooyin kala duwan.

Marka la eego, wadamada horumaray iyo dadka yaqaan xirfadan Fagaare ka hadalka iyo innaga waxa aan dareemi karnaa inta aynnu isu jiri karo ama faraq inoo dhexeeya, mase jiraan qiyaaso ama tirakoobyo xadidan oo arinkaa laga sameeyey innaga ahaan.

Fagaara ka hadalku waa shay aad mihiim ugu ah nolosheena, isla markaana udub-dhexaad u ah hawlo badan oo aynu nolosha iyo noolahaba uga baahanno taas oo ina dhaxalsiisa in aan xog si fudud ku gudbin karno, kuna heli karno, waa aalad ka mid ah aaladaha la isku waraysto mise na wax la isku baro.

Sidaa awgeed waxa laga maarmaan ah in aynu dadaal gelino sidii aynu u noqon lahayn dad awood u leh in ay dadkooda wax u sheegi karaan, una gudbin kara hadba fikirka, ama aqoonta mudan in la baro bulshada inteeda kale.

Si tani u suura-gasho, waxa aan shakhsi ahaan muhiim u arkaa akhriska buuggan ka hadlaya Fagaare ka hadalka iyo sida ugu habboon ee loo sameyn karo, loona xallin karo dhibaatada baqashada iyo kalsooni la'aanta, runtii waa hage aad ugu fiican dhalinyarada wax barata iyo kuwo badan oo fikirro kala duwan ka guuxayaan si ay bulshadeennu u noqoto mid horumarsan oo wax badan ogsoon.

Runtii sida ku cad bogagga buugga:

Fagaare ka hadalku waxa uu dad badan baraa Luuqadda iyo noocyada kala duwan ee hadalka loo odhan karo sidaa awgeed,
Afka iyo Fagaare ka hadalku waxa ay qayb muhiim ah ka siiyaan dadka nolosha iyo is badalada dhaca mar kasta .

Inta badan khibrada dad ka hor hadalka, dadka yaqaana waa dad cadkooda goosan kara oo aftahanimo badan uu baray, iyagoo maalaya awoodaas na waxay qancin karaan dadka iyo bulshada hadba ku gedaaman ee uu baahan wax-ka-dhaadhicinta.

Badanaa dadka yaqaan fagaara ka hadalku waxa kale oo u raaca inay yaqaanan doodaha iyo qancinta, iyagoo sameeya habab kala duwan oo ku saabsan hadba arinka ay ka hadlayaan iyaga oo u adeegsada noloshooda caadiga ah.

Sidaa awgeed waa runtii muhiim in aad Akhriste ahaan barato xirfaddan adiga oo u sii maraya isla buuggan iyo meelaha kale ee laga baran karo ba, kadiba aad la wadaagto kuna kabto kumanaanka kale ee u baahan in ay helaan qof ku-dayasho mudan. Si guud ahaan loo helo dad soomaaliyeed oo dhisan oo dhinac walba ka xoogan waana shaqo inoo wada taal dhammaanteen.

GEBAGEBO

Runtii, waxa aan rajaynayaa in uu wax badan idinka anfici doono Akhriska Buuggani, siiba qofkii ku dhaqma ee aan dhayalsan maadama oo uu yahay buug gudbinaya xirfad aynu dhaamaanteen u baahanay.
*************************
Tusmada Buugga:
Magaca Buugga: Buugga Fagaare Ka Hadalka
Qore: Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac
Bogagga: 41 Bog

FG: Waa Online Book "Ebook", waxaanad ka heli kartaa Page ka Madasha Buugga ee barta Facebook ga!

Mahadsanidin.

S/G: Amina Galaydh


No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...