Sunday, September 2, 2018

Faallo! Buugga Cawo!

HORDHAC!

Buugan waxa uu ka sheekaynayaa qiso dhab ah oo ku saabsan oo gabadh soomaliyeed taas oo iyadu ay martay. wuxuu si bayaan ah uga warramayaa maalintii ay gabadhaasi dhalatay illa 21 sanno dhibaatooynkii kala duwanaa ee ay martey taas oo ay marsiiyeen dadkii ugu dhowaa kadib markii waalidkeed geeryooday kuwaas oo ah aayooyinkeed iyo walaalaheed.

Buugan waxa uu si faahfaahsan uga warramaya muddada dhibkii ay gabadhu martay, iyo sida ay dadkaasi ula dhaqmeen iyo sida ay ugu weyday naxariis iyo u diirnaxa ka dhexeeya bani'adamka guud ahaan, sida si la mid ah waxa aan buugga ka maqnayn sida ay nolosha gabadha u seejiyeen uguna diideen in ay samayso wax horumar ah oo nafteeda ku saabsan.

Inta buugga qofka akhristaha akhrinayo waxyaalaha uu dareemayo ayaa ah dareen runtii murugo iyo uurku-taallo badan wata, ilmo bandanna ay wehelinayso, taasoo ay keenayso xaaladda uu buugu ka sheeekaynayo oo runti ah nolosha ay inantaasi marayso + ta ay ku dambayn doonto.

ARAGTIDA BUUGGA!

Buuggan marka laga yimaado qisada dhabta ah ee uu u gudbinayo bulshada si ay ugu cibro qaataan oo ay u noqoto in ay ogaadaan in dhaqankaasi na ka jiro bulshada soomaalida dhexdeeda haddana waxa laga dheehan karo ayaa ah farriinta uu gudbinayo qoraalku taas oo ah mid ka mug weyn ogaanshaha qisada.

Waxa uu si fiican u sharraxaya sida ay u foolxum tahay una dhaqan xun tahay hooyo ubad haysata oo iyaduba korinaysa haddana godob ka galaysa ilmo yar oo iyada miciin soo biday, iyo sida si la mid ah fooxumada ka dhalata carruurta walaalaha ah ee la kala xigtaysto iyo cadhada iyo cidhib-xumada ay ku keento ubadku marka ay koraan.

Waxa kale oo buuggani uu si fiican uga hadlaya sida marar badan ay qofka xigtada ah uga naxariis badan yihin dadka kale ee islaamka ah, ama jaar haba noqdo ama qof dariiq kaa raacay ha noqde sida ay naxariista iyo damqashadu u tahay u dhalasho uu qofku u dhashay taasoo dhaxalsiisa in aan isba weydiin qofka iyo cidda uu yahay.

Waxa xusid muddan in buugu ku soo gunaanadayo qoraalkiisa, nabsiga iyo waxa loo yaqaana ka daba imaanshaha cuqubada isaga oo buugani rumaynaya ba maahmaahdii ahayd "Cuqubo halkii lagu galay caw ku hurudaa"

Magaca Buugga: CAWO
Qore: Suldaan Nayruus
Bogagga: 157 Bog
Sannadka: 2017





No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...