Monday, December 4, 2017

GORFEYN! Buugga Aanadii Negeeye!

FG: Inta badan waxa aan ku dadaala ka dib marka aan dhamaystiro akhriska hadba buugga aan bilaabo, in aan baadho bal in uun in aan helo wax FAALO ama GORFEYN ah oo hore looga qoray, Dabcan buugta qaar waa laga qoray FAALO ama GORFEYN waanan la kulmaa oo aan akhriyaa balse hore uma ay dhicin in aan dhammaantii qoraalkaas ku waafaqo waxa uu buugga ka qoray.

Runtii maanta waa ay dhacday in aan la kulmo GOFEYN koobsatay guud ahaan sidii aan rabay in aan wax uga idhaahdo ka dib markii aan dhammaystiray akhriska Buugga Aanadii Negeeye, waana tan aan idinla wadaagayo.

Laga yaaba in badan oo idin ka mid ah in ay hore u akhrisatay maqaalka Gorfeyntan ka dibna ku waafaqday oo ay isku rayi ku noqdeen wiilka qoray sida ANIGA oo kale, halka sida oo kale na ay idinku jirto in badan oo idinka mid ah oo ay ku kala aragti duwan yihin.

AKHRIS WACAN!

HORDHAC:

Qalinka waxa aan u qaatey in aan wax ka idhaahdo taxanaha Cirsan ka yeedh ee uu isku soo duba rido , qoraaga da’da yar ee Jaamac Muuse Jaamac. Ugu horreyn haddii aan idin jilciyo Jaamac iyo sharraxaadiisii micnaha fog ee cirsan ka yeedh waxa uu yidhi:

“Soomaalidu waxay tidhaahdaa waxa jira wax dadka wax u sheega, oo aan la arag, dadka qaarkiina waxay yidhaahdaan waa shimbiro qaar kalena rooxaan. Haddaba shimbirahaa aan la arag, kuwa wanaagga sheega midkood baa la yidhaahdaa “Cirsankayeedh”. Fikradda ka danbaysa taxanaha ‘Cirsankayeedh’ waa sidii loo dhisi lahaa dhaqan qoraaleed iyo dhiirigelinta akhriska ee bulshada soomaaliga ku hadasha.”

Cirsan, ka yeedh, oo macanaha laga fahmayaa yahay marka la isku dhufto labbadan kelmadood, cod ka baxa cirka wakhtiyada wannaagsan sida barwaaqada iyo nabadda lafteeda.
Qormadani waxa ay kow u tahay buugga labaad ee “Aanadii Negeeye”, ee taxanaha cirsankayeedh, waxa aan ku xigsiin kii ugu horreeyay taxanaha cirsan ka yeedh ee “Ladh”.

Taxanaha ‘Cirsankayeedh’, waa aragti runtii in la xoojiyo ah, waa aragti xeel dheer oo soo bandhigaysa mihnadda qalinlayda hal-abuurineed ee qorayaasha Somaliland. Haddaba waxa is weydiin leh mar haddii sidaa uu u qurux badan yahay mawduucan ‘Cirsankayeedh’, sidee loo horumarin karaa, loona heli karaa qorayaal hirgalinteeda iska kaashada?. Waxaan talo iyo tilmaan ku soo jeedin lahaa in la xoojiyo aragtidan ‘Tiraabaysan’, lana helo aqoonyahnno, iyo qorayaal xil adag iska saara soo ururintooda, inta hadda na soo gaadheyna waan uga mahadcelinaynaa inta qortey iyo inta isku soo duba ridayba.

Marka aad eegto ilaa hadda labada buug ee aynu ka hayno taxanahan ‘Cirsankayeedh’, waa laba buug oo noocooda ah kuwii ugu qiimaha badnaa ee soo mara taariikhda sheekooyinka ee soomaalidu qorto. Qaabka ay labada buug u qoran yahiin, waxa aad ka dheehan kartaa aqoon xirfaddeed oo heer sarreysa, in si taxane ah buuggaag sheekooyin ah una qoran sida ‘Novel’, ay soo saaraan qorayaal Soomaaliyeed, waa arrin ku cusub maanka iyo maskaxda dadka wax akhriya ama qora.

Haddaba labadan sheeko waxa ay ka siman yahiin dhawr arrimood oo xusid mudan. Ugu horreyn labadan buuggiba waxa ay ka badbaadeen khaladaadka xaga farsoomaaliga ah ee ku dhaca buuggaag badan, qaabdhismeedka sheeko ee mal-awaaleed, xulashada erayo macaan, jecelysiinta akhristayaasha, sawirka ay bixinayaan labada sheeko oo isku dhaw, sir balaadhan oo ay xambaarsan yihiin labada buug, oo laga fahmi karo dhacdooyin, wakhti, xaalado soo maray ummaddeena, Iyo arrimo kale oo badan oo ay wadaagaan ayaa jira oo dhib iyo dheefba u leh dadka.

Ku dheeraan maayo mawduucaasi, waxase aan u gali inta aan jeclahay maanta in aan ka idhaahdo buugga labaad ee ah ‘Aanadii Negeeye’ ee uu qorey Ibraahin Yuusuf Axmed ‘Hawd’.

NUXURKA BUUGGA:

“Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle”
“Abwaan Qaasim”.

Aanadii Negeeye waa buug, leh odhaahdaa kor ku xusan. Waa buug noociisa ah kii iigu layaabka badnaa inta aan waligey buug akhrinayey, mar waxa uu ii ahaa macaan, marna qadhaadh. buuggan waxa aan iibsaday horraantii sannadkan, ka dib markii shirkadda buugaagta daabacda ee Redsea-online, Book Store-ka ay ku leedahay Hargaysi uu keenay bilawgii sannadkan. Aanadii Negeeye waa buuggii labaad ee uu qoraaga caanka ah ee Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”, uu qorey. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 412 bog oo sii kala ah 8 cutub, cutub waliba waxa uu xidhiidh la leeyahay cutubka hore, waana sheeko u xidhiidhsan qaab mala-awaal ah oo ka dhalatay maskaxda abwaanka, sida uu inoogu sheegaayo hor-dhaca buugga, waa sheeko uu abwaanku si degan, niyad fiican, qalbi furan, dabacsanaan leh, uu u curiyay, ee maaha sheeko dhab u dhacday, waxase ay u dhawdahay in xaqiiqooyin badan oo dhacay ay taabatey sheekadu, loona sawiran karo sheeko aragti ahaan dhab ah, oo qofba meel ka istaagi karo.

Buugga ugu horreyntiiba waxa ku soo jiidanaya jaldigiisa, oo midabka lagu xardhay ee casaanka, madawga iyo caddaanku waa astaan soo jiidasho oo waliba farshaxannimo leh. Ka ba sii darane buugga magaciisu waxa uu markaaba maskaxdaada ku sawirayaa dareen murugo leh, oo aarsi iyo dhib ayaad ka dareemaysaa marka aad marayso kalmada ah “Aanadii”, buuggan markii aan dhammeeyay ayaan jeclaaday inaan eray ka idhaahdo, waxa ay igu qaadatay wakhti badan, waayo qoraagu waxa uu adeegsaday mawduuc haddii aad is tidhaahdo ka hadal oo faaqid ay hawl adag tahay inaad erayo ku habboon ka tidhaahdo, Aanadii Negeeye maaha buug lagu dag-dagi karo wax ka sheeggiisu, waa buug u baahan in aad wakhti iyo maskax dheeraad ah u hurto, inaad fahanto sirta qarsoon ee ku dahaadhan ubucda buugga. Haddii aad is tidhaahdo wax ka sheeg cutubyo ka mid ah, waxa ku xidhaaya cutub kale oo aad meel aad u saarto aanad garaneynin. Tusaale ahaan haddii qoraagu mar uu ka hadlayo dhaqan xumo, waxa uu bar-bar dhigayaa dhaqan toosin, waxaanu si kale kuu tusayaa in waxii xun marka la sheego lagu waano qaadan karo, in yar ka dib marka uu haddana uu fawaaxish iyo dhaqan xumo uu ku dhex galiyo ayaad jidhka isgalinaysaa oo aad damcaysaa inaad wax ka tidhaahdo, haddana dabar ayaa uu kugu xidhayaa. Buuggani waa buug isku xidhan sidii sil-silad oo kale.

“Waa xamar oo sii dhimanaysa”, ayaa uu buuggu ku bilaabmayaa, waa astaanta qoraanimo ee lagu yaqaanno buuggaagta mala-awaalka ah “NOVEL”-ka, waxa uu buuggani siddeed qodob uu ka matalaa qaabka loo qoro buuggaagta mala-awaalka ah ee dunida oo dhan ay isticmaasho, waxaana aad dareemaysaa in Ibraahin “Hawd” uu aqoon dheeraad ah u leeyahay qaabka loo qoro buugaagtaasi. Tusaale ahaan waxa aan is idhi “ka hor intii aannu buuggan qorin qoraagu waxa uu tix-raac badan ka sameeyay buugaag kale, marka aad eegto qaabka farshaxannimo ee uu u qoran yahay, ama u xidhiidhsan yahay”.

Buuggan sidaan hore u soo sheegay maaha mid lagu dag-dagi karo, waxa aan akhriyay ilaa siddeed gorfeynnood oo buuggan lagu sameeyey, waxaanan is idhi malaha! waxa uu buuggani ahaa kii loogu hadalka ama wax ka sheega badnaa, taasi waxa ay ku tusaysaa in ay jirto wax dad badani ay ka biyo diideen, kana daadagi weyday maanka iyo maskaxdooda.

“Aanadii Negeeye” waa sheeko mug leh oo aad ka dheehan karto dhibkii iyo qalalaansahii ay soo martay Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 1969, ilaa maanta oo aynu garanayno heerka ay marayso, waa sheeko curin iyo caris badan ku abuuraysa maanka iyo maskaxda akhristaha. Mar waa yaab, farxad, wanaag, xumaan, waa dhaqan gadis, jacayl, nacayb, qosol, xaq, xaqdarro, murugo, faqiir , taajir, dil, aargudasho, dhac, boob, haddana yaabka yaabkii. Waa sheeko bar-bilaw ilaa dhammaad jidhku kaa dubaaxinaayo, oo xusuus mug leh kaaga tagaysa maankaaga, waa sheeko marka aad bilawdo kugu qasbaysa innaad dhammayso.

Negeeye habeenka uu dhasho, ilaa habeenka uu god-galaayo dhiigga iyo dheecaanka bini’aadamku waa bar tilmaameed la abaarayo. Waayo. Mushxaraddii haweenka ee lagu soo dhaweynayey habeenkii uu dhashay Negeeye, iyo waxa is xigay xabaddii aabbihii Geedi Buraale galaafatay, geerida aabbihii waxa ay maanka iyo maskaxdiisa kaga tagaysaa dareen cuqdadaysan oo aakhirka keenaysa in uu u aargudo aabbihii, gacantiisana ku dilo gacanku dhiiglihii diley aabbihii ee Goodir. Isla goobtaasina uu Negeeye ku noqdo “gacan ku dhiigle”. Koridda Negeeye, waxay noqotey imtixaan buuxa o jiifa maanka iyo maskaxdiisa ka dib markii hooyadii ay nin kale guursatay. Tabaabushaha ayaa noqonaaya in Negeeye ka tago xaafadda. Tuulada Damalweyne oo ayeydii joogto ayaa uu door bidayaa in uu ku noolaado. Imtixaan kale oo maankiisa iyo maskaxdiisa ka dhigaaya gasariir ayaa uu kala kulmayaa tuuladaasi oo aakhirka looga bixinaayo magaca “Habaar-qabe”. Geerida ayeydii, ka dib waxa ay Amran la wadaagaysaa nolol saaxiibtinnimo oo qarsoon ama hoose, waxaanay baraysaa ragga iyo dumarku waxa ay isku yihiin.

Amran, Negeeye waxa ay u dilaacinaysaa indho aragti fog, oo ka dhinnaa, waxa ay baraysaa U........!!!, iyo A.....!!!. Waxa uu Negeeye uga sii gudbayaa Muqdisho, oo uu nolol adag ka dib noqonayo nin magac iyo maal leh, oo dhiigga dadka ku maydha, kuna weysaysta, markuu doono. Waxa uu noqonayaa Gaashaanle dhexe, waxaanu ku helayaa xidiggo badan dhaca, kufsiga, boobka, dilka, iyo cabudhinta shicibka, waxaanu Negeeye noqonayaa nin aan cid uu u tudhaa aaney jirin dunida. Waxa uu noqonayaa Askari amarrada si fiican u fuliya oo laga jecel yahay meelo badan. Sheekadani, waxa ay sawir dhab ah kaa siinaysaa qaabkii ay u dhaqmi jireen ciidamaddii dawladdii kali taliska ahayd.

Aakhirkana noloshiisu silic iyo darxumo badan ayaay maraysaa, waxaanu ku dhimanayaa meel cidla ciirsila ah. Sheekada waxa kula jira dad badna oo ehel iyo qaraabo dhaw yahiin Negeeye oo qayb libaax ka qaadanaaya sheekada.

SHEEKADA TILMAANTEEDA TABAN!
“Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye”
” Qaasim”

Tuduca gabaygaas xagga sare ku qorani waxa uu ka mid ahaa gabaygii Abwaan “Qaasim’ ee “ Macaan iyo Qadhaadh”, waxaanan u soo qaatey aragtiyaha qoraagga oo u dhaw kuwa aan la saari karin miisaan, oo hadba is la badalaaya marxaladdo badan, oo aannad maleyn karin, kuna dag-dagi karin wax ka sheegooda.

Quruxda buugga, sixidda higgaaddiisa, habaynta mawduucyada, adeegsiga kalmadaha macaan, sargoynta qaabka dhigaalkiisa, waxa isku fuuqsaday dhibaatooyinka foosha xun ee uu soo bandhigay buuggu. Tusaale ahaan dhaqanka soomaalidu waxa uu lahaa dhawr wax oo birmo gayda ah. Waxa haddaba isweydiin leh buuggani ma la jaan qaadi karaa dhaqankaas suuban ee soomaalidu ay ku soo caano maashay? Jawaabtaasi, maaha mid si fudud looga jawaabi karo, marka aad buugga akhrido. Waxa aad arkayaa sheekh sino iyo fawaaxish dhex galayaa oo dhaqanka iyo hadalka fiican ka fog, waxa uu qoraagu ku maqashiinayaa iska daa sawir uu kuu sawirree, ninka iyo naagtu qolka ay isla galaan waxa ay sameynaayaan.

Aanadii Negeeye waa buugga ka kooban sidaan hore u xusay ilaa 412 bog oo u xidhiidhsan si taxane ah. Waxa buugga ku jira ilaa dhawr iyo toban meelood oo lagu soo qaadayo Nabigeenii Max’ed ahaa “N.N.K. H.A”, maan arkin meel kali ah oo lagu xusaayo saliga Nabiga, haddaba waxa isweydiin leh, Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd’, sababta uu ugu kasay in ay dhacdadaasi dhacdo? Sababta oo ah markii koowaad ee aan arkay waxa aan u fahmay qalad ama xusuus la’aan, waxase aan gartay in uu u kasay qoraagu markii dhawr jeer oo kale ay soo noqnoqotay arrintaasi, waa dhalliil ay ahayd in qoruhu uu taxaddir dheeraad ah ka yeesho.

Buuggu kama badbaadin iin, iyo tusaalooyin maanka iyo maskaxdu diidayaan, waxa uu qoraha buuggu inoo sawirayaa meelo badan oo ilma aragtey ah, oo jidhka bini’aadamka ka mid ah, waxa uu dharka ka saarayaa dhaqankii asturnaa ee aynu lahayn. Tusaale ahaan qofka buugga akhriya ee shisheeye ahi waxa uu sawiran karaa sheeko khaldan, dhanka kale waxa aad ka dhawraysaa in buugga ay arkaan Ciyaal iyo dumar, waayo, waxa ku jira meelo badan oo jidhku kaa dubaaxinayo, maanka iyo maskaxduna diidayaan, qaabka ay u qoran yahiin. Tusaale ahaan; tumasho, cabbid khamri, dhiig dad, kufsasho, cabbudhin, cadaadis, dhac, boob. Waa astaamo badan oo bogag badan oo buugga ka mid ah aad ugu tagayso oo dhex yuurura.

Arrimo badan oo buugga ku jira marka aad aragto, waxa aad oggaanaysa aragtida abwaanka sheekadan curiyay iyo waxa uu dunidan ka aaminsan yahay, waa sheeko aad ka dhex akhrisan karto in qoraagu uu ku tagsan yahay arrimo badan oo aannu kala mid ahayn dad badan, ha ugu darnaato xagga dhaqankuye, “Qoruhu in uu tixgeliyo dhaqanka Soomaalida ayay ahayd, ee maaha in uu ku tunto ama ka soo qaato dhaqanno kale, sida reer galbeedka tusaalooyin ama dhacdooyin badan oo buugga ku jira”, waa odhaah ku soo dhacday maanka iyo maskaxdayda markii aan arkay meelo badan oo ka hor-imanaaya dhaqankeena suuban iyo diinta islaamkaba. Tusaale ahaan haddii qoruhu uu sarbeeb ahaan u dhigi lahaa meelo badan, daahna uu saari lahaa, waxa dhici lahayd qiimaha uu hadda buuggu leeyahay in uu ka sii fiicnaan lahaa. Waxse aad meelo badan ugu tagaysaa in uu dhaqankii rifay........ rifay..........rifay.......... oo bakhti ka dhigay qoraagu
Waxa aan ku soo gaba-gebaynayaa sheekada “Aanadii Negeeye”, qofkii doonaya nuxurkeeda oo koobanoow, ila eeg tuducyada gabaygan, oo laga dhadhan san karo mawduucyo badan oo ay iska shabahaan..

“Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode
*****
Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae
Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye”
Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim”

Buuggan Aanadii Negeeye waa buug wax badan aad ka faa'iidaysanayso, sida waayo aragnimo xeel dheer oo ku saabsan dhibaatooyinkii galaaftey dawladdii kalitaliska ahayd ee Soomaaliya xukumi jirtey, hadday noqoto xagga, siyaasadda, dhaqanka, ilbaxnimada, kala sarreysiinta dadka, eexashadii ay sameyn jirtey iyo macluumaad badan oo ku xidhiidhsan arrimahaasi. Si kastaba ha ahaatee waxaan kula talin lahaa in dadku akhriyaan, ka doodaan, iswaydiiyaan waxyaabo badan oo uu xambaarsan yahay, buuggu waa tilmaan, toosin, iyo tusaaleyn laga dheehankaro, sheekooyin badan. Dhanka kale waa digniin. Marka aad buuggan akhrisato waxa aad helaysaa waayo-aragnimo dheeraad ah ama kaa dhineyd, waxa aan mar labaad ku boorinayaa, ama ku dhiiri galinayaa dad badan oo aan arkin buuggani in ay doontaan. Waa saaxiib fiican buuggani, waxa aan buuggan kaga habsaamay casho iyo qadooyin badan oo ii diyaar ahaa, waxa aan markaa akhristoow ku leeyahay “Aanadii Negeeye” inta uu kaa maqan yahay waxa kaa maqan saaxiib fiican, oo kuu noqon lahaa Hage! Ama Toosiye ama aad ku madadaali lahayd!!!!!

Allah Mahad Leh.
W/Q: Khaalid Jaamac Qodax
Barta Kaydka ee FALAADH

Sida walaalkeen ku taliyey Ayaan laftaydu idin kula talinayaa, qofka aan heysan ama aan hore u akhriyin Buuggan Aanadii Negeeye waa ay fiican tahay in uu raadsado oo uu akhriyo, HARD ama PDF sida uu ku heli karaba, sawirkiisu waa kan ee maktabadaha ama asaxaabtaada weydii, waayo ma garan karo in hadda laga heli karo iyo in kale.

Tusmada Buugga:
Magaca Buugga: Aanadii Negeeye
Qore: Ibraahim Yuusuf Axmed "HAWD"
Bogagga: 412 Bog.
Mahadsanidin!
Soo Gudbintii: Amina Galaydh.



No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...