"Haddii la kala bilo qaybaha maansada, Gaaxnuug waxa uu 80% adeegsada GABAYGA oo ah Boqorka Maansada. Waxa uu ka mid ahaa Macalimiinti reer Jabbuuti ee ay sida gaar ah dhaqdhaqooda ula socon jireen Dawladii Faransiisku, intii aanu Dalka Jabbuuti xoriyaddiisa helin 27kii Juun 1977kii." Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale "Bobe Duale".
"Gaaxnuug waa abwaan hibo u leh in uu ka maansoodo mawduucyo aanay la wadaagin Hal-abuurada kale ee Soomaaliyeed oo uu horseed u ahaa ka hadalkooda. Waxa Sharaf ii ah in aan bixiyey magaca dhiganahan "HAL-DIIQ" oo ay ku duugan yihin Suugaan, Sooyaal iyo Aqoon u baahan in si weyn looga bogto" Maxamed Cabdillaahi Riiraash
******** ********
Waa buug culus, midabka jaldigiisu waa BULUUG xagga sare waxa far madaw loogu dhigay magaca loogu wan-qalay "HAL-DIIQ" meel ku beegan dhexda waxa kaga sawiran sawirka Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi "GAAXNUUG" waana daabacadii 1aad!!!
Odhaahyadan kor ku xusan iyo qaar la mid ah waxa ay ku dhigan yihin jaldiga dambe ee buugga, tiraba waa 5 odhaah oo buugga iyo Abwaanka ba laga yidhi, waa 5 Aqoonyahan oo farxad ku soo dhaweeyey soo bixitaanka dhiganahan.
HORDHAC!
Shacbi weyne kasta oo adduunka ku nooli waxa uu leeyahay dhaqan gaar ah oo lagu yaqaanno, kaas oo ay kaga gedisan yihin bulshooyinka kale, ahna summad lagu kala sooco qawmiyadaha kala duwan ee adduunka, dhaqanka ay ummad kasta leedahay waa mid ku qotoma caqiidada ay rumaysan yihin.
Dhaqanka ummada soomaaliyeed waa mid 100% ku salaysan Diinta Islaamka, waxyaalaha ka baxsan ee ay falaan dadka soomaalida ahi, waxa lagu tilmaama Dhaqan-xumo, waana mid aan laga aqbali karin bulshada soomaalida dhexdeeda.
Waxyaalaha ku Jira dhaqanka Soomaalida ee qiimaha badan waxa ka mid ah Suugaanta oo ku jirta dhaxallada ugu qiimaha badan, ee ay isu gudbiyaan facayaasha kala dambeeya ee soomaalida ah. Suugaantu waxa ay sida oo kale ka mid tahay il-aqooneedyada laga raad-raaco tariikhda ummadaha caalamka guud ahaan, gaar ahaan waxa ay door muhiim kaga jirtaa tariikhda dadweynaha soomaaliyeed oo dhacdo kasta oo muhiim ku ah tariikhda Sooyaalka Soomaalida waxa lagu xasuustaa xikmad laga curiyey dhacdadaas sida Maanso, Sheeko, Maahmaah, Murti, Hal-Ku-Dheg IWM.
Suugaanta Soomaalidu waxa ay koboca ugu ballaadhan samaysay Qarniyadii 19aad iyo 20aad , hana-qaadkaasna waxa ka qayb-qaatay Suugaanyahannada Soomaalida iyo qoraalkii lagu sameeyey Afka Soomaaliga. Buugaagta ugu badan ee laga qoray Ummada Soomaalidu na waa qaar xambaaarsan Mawduuca Suugaanta.
Buuggan Magaciisu waa HAL-DIIQ, waa buug sugaaneed ka warramaya mahadhooyinkii maanseed ee Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi oo loo yaqaanno "GAAXNUUG" oo ka mid ah Hal-Abuurada Waayo-Aragga ah leh na aqoonta dhaqan ee soomaalida, isaga oo allifay tixo tayo iyo tiro ahaan ba badan oo uu curiyey muddo ku siman illa iyo 1967kii oo noqonayso wakhti dhan 46 Sanno.
Guud ahaan buugani Hordhaca illa Dhammaadka waxa uu ka warramaya Tariikhdii, iyo Maansooyinkii Macallin Gaaxnuug, Taas oo ka waramaysa waayaha nololeed ee uu dhex jibaaxay muddadii uu noolaa ama ku dhex jiray badweynta Hal-Abuurnimada, dhacdooyinkii tariikheed ee uu ka qayb qaatay iyo kuwo uu iyaga na goob jog u ahaa.
Runtii Maansooyinka uu Qoraagu uu isugu keenay buuggan maaha keliya kuwo aqoon oo keliya uun laga dheefi karo, ee waxa sida oo kale ku lammaan aqoon fac weyn oo isugu jirta Tariikh, Diin, Maweelo, iyo aqoon Maadi ah oo in badan qofka akhrisanaya baraysa dhaqanka suubban ee Ummada Soomaaliyeed.
Sida ku xusan Hordhaca buugga, Suugaanta Abwaanka ee ku duuggan buuga waxa sida oo kale xidhiidh la leedahay suugaan iyo maansooyin ay sameeyeen Hal-Abuurro Soomaaliyeed oo kale, isaga oo Abwaanku ka qayb galay Sil-silad Maanseedyada caanka ah ee Deelleey oo furay AHN Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" iyo Silsaladda Gorgorka oo uu bilaabay Abwaan Xassan X. Cabdillaahi "Xassan-Ganey".
Marka Laga yimaado aqoonta tariikhda iyo aqoomaha kale ee ku ladhan buugga waxa iyana xusid mudan oo aan ka maqnayn aqoonta salka ballaadhan ee loo yaqaan "Aqoonta Afka Soomaaliga".
Afku sidiisaba waa qalabka lagu keydiyo dhaqanka oo marka aad baranayso Afka ummadi leedahay waxa aad baranaysaa sida oo kale Dhaqanka ay ummaadaasi leedahay, waayo Afka waxa ku Jira ereyo badan oo ka turjumaya dhaqannada ay bulshadaasi leedahay sida Habka Guurka, Habka Nolol-Maalmeedka IWM.
Buuggani waa Diiwaan laga baran karo Suugaanta, Dhaqanka, Tariikhda, Aqoonta Maadiga, Maansooyinka, Hodantinimada Luuqadda iyo Culuum kale ba. Qof kasta oo buuggan akhriya waxa uu ka heli doonaa aqoon uu ku biiriyo aqoontiisa kale taas oo u kobcinaysa Garaadka iyo Maskaxda, Bartana wax badan oo marka hore ka daahnaa ama aan hore u maqal.
Buuggani waxa uu ka kooban yahay Siddeed "8" cutub oo kala duwan, sideeda cutub na waxa ay kala yihin sidan:
Cutubka 1aad, Waxa ku Jira Hordhaca, Mahad-naqa, iyo Hibeynta, waxa sida oo kale cutubkan ka mid ah kelmado dad masuuliyiin ah ay buuga ka yidhaahdeen iyo sida oo kale aqoonyahannadii akhriyey, waxa sida oo kale xusid mudan Macnaha ereyada DHAQAN, HIDDE iyo CAADO oo uu si hufan oo fahmad badan u kala saaray Abwaan Gaaxnuug, Macnaha ereyga Suugaan sida oo kale akhristuhu waxa uu ka helayaa isla cutubkan.
Cutubka 2aad, Cutubkan waxa ku jira maansooyin iyo tariikho ka waramayaa kaalinta uu abwaan Gaaxnuug kaga qayb qaatay halgankii Jamhuuriyadda Jabbuuti gobonimada kaga heshay gumaystihii Faransiiska.
Cutubka 3aad, Waxa uu u xambaarsan yahay Suugaan uu abwaanku ka curiyey Halgankii SNM.
Cutubka 4aad, 5aad, iyo 6aad waxa ku jira oo uu akhriste kastaa ugu tegayaa maansooyin ka hadlaya Tariikhda, Muuqaalka iyo Sadaasha mawduucto kala gedisan oo isugu Jira Caafimaadka, Guubaabada, Sayniska IWM.
Cutubka 7aad, waxa ku Jira oo uu qoraagu isugu ururiyey, maansooyinka uu abwaanku ka tiriyey diinteenna suuban.
Cutubka 8aad, waa cutubka ugu dambeeya buugga, waxaana ku qoran erey-furka ama sharraxa kelmadaha ku suntan Maansooyinka ku qoran Buugga, si uu akhriste kasta uga caawiyo fahamka iyo la-jaanqaadka Maanso kasta oo uu markaa akhrinayo...
ARAGTIDA BUUGGA!
Shakhsi ahaan farxad waxa ii ah in aan helo buug in badan aan ka dheehday kelmad kasta oo Hordhaca buugga ku qoran, mise na caddaynaysa in uu kordhiyey cilmiga iyo aqoontayda dhanka Afka Soomaaliga, Dhaqanka, iyo sida Afkeenna loogu cabbiro karo ama loogu adeegsan karo wax kasta ka hadalkii.
Marka laga yimaado Hordhaca sare oo inta badan Akhriste kasta uu ugu tegayo buugga, waxa xiise badan ii lahayd Weedha Tifa-Tiraha Buuga uu ku eegayo Abwaan Gaaxnuug oo milicsanaysa wax badan oo ku saabsan qaybaha Suugaanta isaga oo dul istaagaya qayb kasta Sida GABAYGA, GEERAARKA, JIIFTADA, Tusaalayaal badan baa ku ladhan iyo hal-ku-dhegga inta badan lagu xoojiyo qaybahan Maansada.
Waxa xusid mudan intaan akhrinayay buuggan in ay i soo jiidatay qaybaha ama cutubyada buugga oo intaan Maansooyinka loo gelin uu ka horreeyo bog ama laba bog oo ah hordhac iyo iftimiin ku saabsan baabka maansooyinka markaa ku taxan, taas oo iga caawisay in aan Maansooyinkii u akhriyo aniga oo fahamsan tariikhda iyo sida ay isu raaceen, iyo sida oo kale inta maanso ee uu cutubkani koobsanayo.
Inkasta oo uu kala siman yahay Saddex buug oo ka horreeyey akhriska buugan kuwaas oo kala ah Diiwaanno-Maanseedyada "HAGARLAAWE, SIINLEY IYO DEELLEY" sharraaxadda kooban ee ka horeysa inta aan la bilaabin qoraalka Maansada, hadana sida oo kale waxa ay ka mid ahayd lafteedu mid ka qayb qaadatay fahamka iyo iftiiminta Maansada, waayo Maanso kasta waxa aan akhrinaayey aniga oo og ama aragti ka haysa ujeedada iyo waxa ay ku saabsan tahay.
Waxa iyana xusid mudan, Cutubka Sideedaad oo runtii ahaa Cutubka caawimaadda badan iga siiyey sharraxa erey kasta oo aan fahmi waayo marka aan maansada akhrinaayo, kuwaas oo u badnaa ereyada cusub ee uu akhriska buuggani i baray.
Guud ahaan waa buug xiiso badan, ereyo macaan, oo weedho fudud, macnaha la fahmi karo oo la akhrin karo, Maansooyinka uu carrabku iga jeclaystay na waxa ka mid ah "HAL-DIIQ, QARAN YAA DULLAYN KARA?, GALAYDH, HABBOON, MUDDUC IYO MADDAACALAY, WAXAAN AHAY ASKARI! DHALLINYAHAY HA MOOGAAN!, HOOYOOYIN, MICIIN, iyo FAATAXA AROOS".
Hambalyo iyo Mahad labada ba waan u dirayaa qoraaga iyo tifa-tiraha buugga isku hawlay in ay nala wadaagaan buuggan.
******** ********
"Diiwaankan Hal-diiq waxa uu ka mid yahay kuwa ay sida u sugayeen shacbiga Jamhuuriyadda Jabbuuti iyo Ummada Soomaaliyeedba. Gaaxnuug waa Abwaan Ruug-caddaa ah, waxa aan bogaadinaaya haldoorka ka qayb-qaatay in uu buuggani ifka yimaaddo" Aadan Xassan Aadan "Beleloo"
"Gaaxnuug waa abwaan qaran oo reer Jabbuuti ah, Waa nin Gabyaa ah, maansooyinkiisuna waxa ay isugu dhafan yihin Tariikh-ka-hadal, Muuqaal-ka-hadal iyo Sadaal-ka-hadal. Waa nin qayb weyn ka qaatay Halgankii Gobonimada Jabbuuti" Cabdalle X. Cismaan Ceeleeye.
"Abwaan Gaaxnuug waxa uu ka mid yahay dadka mabda'a leh ee Maansada u adeegsada waajibka Ummadeed, kuna guta xilka saran. Waxa uu ka mid ahaa abwaannadii daawiyey Silsilad-Maanseeedkii Deelleey ee dhex mushaaxday Soomaalida 1979kii oo u ku lahaa tixda Qaran Yaa Dulleyn Kara?" Axmed Aw-Geeddi Maxamuud "Dheeraad".
******** ********
Tusmada Buugga
Magaca Buuga: Hal-Diiq
Qore: Abwaan Maxamed Jaamac Cabdi "Gaaxnuug"
Tifatire; Siciid Maxamuud Gahayr "Hargeysaawi"
Bogagga: 284 Bog
Waxa Daabacday: Sagaljet
Soo gudbinta: Amina Galaydh
Alla Mahad Leh!
Mahadsanid!
No comments:
Post a Comment