Monday, November 27, 2017

Hordhac Kooban! Buugga Diiwaanka SIINLEY!

Sugaantu waa muraayad inta badan ka falcelisa waayaha bulsheed ee dhaqan ama dhaqaale iyo gedgedooyinka duruufaha nololeed ee taaganta, taagtada iyo timaadada intaba, sida awgeed ayey maansada soomaaliyeed ee la xidhiidha nolosha weligeedba u ahayd wax bulshada u dhexeeya oo la wada leeyahay oo la wadaago.

Maansada wadaaga ku dhisan waxa ay mararka qaar noqon jirtay dood-suugaaneed taasoo la isku xifaalo la isuguna baano, marar kale na waxa ay noqon jirtay taxane mawduuci ah oo la isugu aftahamo dhigto iyo sida oo kale dhoola-tus la isugu awood sheegto. Taxaneyaasha caynaakas ah ayaa loo yaqaana SILSILAD-MAANSEED!

Halac-dheere, Guba Iyo Xaydha waa silsiladaha laga xasuusto taxane-maanseedyadii ka horreeyey Siinley iyo Deelley. Sida buuggan Diiwaankii Siinley ku qeexanna, Silsiladdii Siinley waxa ay curatay 1972kii iyada oo socotay illa 1973kii, Runtii qoraaaga buugu waxa uu inoo sheegayaa in aanay Silsiladani raacin jidkii ay mareen Silsiladihii ka horreeyey iyada kuwaas oo aynu kor ku xusnay, waayo waxa ay uga duwanayd waxyaalo badan oo ay ka mid yihin:

1. Silsiladdan, waxa hoggaaminaya rag badan oo Aqoonyahan iyo Macalimiin u badan, iyada oo ay Silsiladani ka dhalatay Xaruntii Tacliinta ee LAFOOLE!
2. Dhanka Miisaanka Gabayga Silsiladaha hore waa ay ka sinnaayeen, macnaha waxa ay adeegsan jireen Badda Gabayga, Lakin Siinley waxa ay ku suntan tahay oo ay adeegsatay Badda JIIFTADA, marka laga reebo labada unug ee ay CAASHA JAAMAC ku leedahay Diiwaanka oo ay adeegsatay Badda Gabayga, sidaa darteed ayaa marar badana loo odhan karaa Siinley waxa ay horseed ka ahayd taaba-gelinta JIIFTADA, iyo in maanta si xooggan loo adeegsado.
3. Inta la og yahay Siinley waxa ay ahayd Taxne-Maanseedkii ugu horreeyey ee kulmisa Hal-Abuur Rag iyo Dumarba leh.
4. Waxa ay ahayd Silsilad ku bilaabmatay Sarbeeb adag kuna dhammaatay, oo aan ujeedooyinkay xambaarsanayd si fudud lagu fahmi karin.
5. Godka ay Silsiladani ka hadlayso waxa uu isugu biyo shubanayaa nuxur Waddani ah iyo mid Siyaasadeed, kaas oo ah weji ku cusub Silsiladaha Soomaalida.
6. Waxa ay ku soo beegantay xilli ay soo baxeen Rikoodhada iyo Cajaladaha la dhegaysto iyo sida oo kale sannadkii qoraalka Far-Soomaaliga  la sameeyey, taasina waxa ay sahashay in ay si fudud u faafto ama la isugu tebiyo.

Intan iyo in kale oo badan ayaa ay kaga duwanayd Silsiladdii Siinley Silsiladihii Maanso ee aynu hore u soo maqalay.
In kasta oo ay si lama filaan ah ku dhalatay, Hal-Abuuradu na kala fogaayeen, wakhtiga iyo duruufaha ku xeeranina uu adkaa, haddana madaama oo ay ku aadanayd hillaadin xilli  uu Fanka Soomaaliyeed halkii ugu sarreysay uu isku taagay, lana odhan karo waxa ay salka ku hayeen Riwaayadihii Masrixiga ahaa, waxaana ay taas ku kasbatay xiisaha iyo dareenka dadweynaha oo ay aad u soo jiidatay.

Diiwaankani waxa uu xanbaarsan yahay 29 Maanso oo ka mid ah 35 Maanso oo la sheegay in ay Silsiladani ka koobanayd, halka lix kale na laga war-qabo maqnaanshahooda, kuwaas oo laba ka mid ah ay is dhaafsadeen SICIID SAALAX AXMED iyo CAASHA JAAMAC DIIRIYE, mid kale waxa lagu xusay Diiwaanka HAGARLAAWE, ee AHN Abw. Gaarriye taasoo uu diiwaanku sheegay in ay maqan tahay hal Maanso kale oo Gaarriye ku lahaa Siinleyda, taas oo marag u ah inta ka maqan Diiwankan.

Liiska Maanso-Yahannadii ka qayb-galay Silsiladdii Siinley:

1. Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi"
2, Cabdi Aadan Yaasiin "Cabdi-Qays"
3. Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye"
4. Siciid Saalax Axmed
5. Cali Saleebaan Bidde
6. Xaaji Aadan Axmed Xassan "Af-qallooc"
7. Maxamed Cabdillaahi Riiraash
8. Yuusuf Aw-Jaamac Muuse "Yuusuf-Canfar"
9. Faarax Abokor Khayre "Faarax-Askari"
10. Axmed Maxamed Xassan "Axmed-Cadde"
11. Caasha Jaamac Diiriye
12. Maxamed Cismaan Siciid "Ina-Weydaar"
13. Jaamac Cabdillaahi Shuuriye
14. Xassan Cilmi Diiriye
15. Ibraahim Aw-Saleebaan "Ibraahim-Gadhle"
16. Cabdi-weli Sheekh Biixi
17. Ibraahim Cilmi Iidle
18. Siciid Axmed Shire.

Intan iyo in ka badan waxa si faahfaahsan ay ugu qoran yihin, Buugga, waxaana xusid mudan in buuggani qorayo Hal-Abuur kasta tariikhdiisa oo kooban, iyo meesha uu ka soo galay Silsiladda, iyo sida oo kale cidda uu u jawaabayo, waxa kale oo aan la illaawi karin in buugga aad ka helayso tariikh dhinac kasta taabanaysa oo ka hadlaysa sababihii dhaliyey Silsiladda iyo waxyaalihii keenay in ay curato.

Isku soo wada duubo, xiise badan oo dhinaca Suugaanta Soomaaliyeed + Farshaxan quruxoon oo aadan daal ku dareemayn + Maanso ereyadeedu gaagaaban yihin mise na fahmad badan oo aad carrabka ugu fudud + Tariikh cuddoon oo Silsiladda wax kaaga iftiiminaysa, intaa iyo in badan ba waxa aad ugu tegaysaa buugga.

Tusmada Buugga:
Magaca Buugga: Diiwaanka Siinley.
Qore: Yuusuf Cismaan Cabdille "Shaacir"
Bogagga: 250 Bog
Sannadkii uu buugu so baxay: 2016
Soo Saaristii iyo Daabacaaddii: SAGALJET





No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...