Saturday, December 30, 2017

Faallo Kooban! Buugga Riyo iyo Rafaad!

"Tahriibka waan maqli jiray balse kumaan fikiri jirin noloshayda in aan tahriibo, sababta oo ah waxaan ogaa dhibta uu leeyahay ka hor intaanu maskaxdayda bedelin oo aanu igu ciyaarin wiil waxa naga dhexeeyey aaanan garanayn jacayl iyo nacayb ka uu ahaa, lakin aan aad uGu dhego'nuglaa magaciisa na Axmed Dayax la yidhaahdo, lakin in uu qorshe kale ila damacsanaa oo uu noloshayda ku ciyaarayey ayuun bay ila muuqataa markaan dib u fikiray, isna iga soo hadhay aniga oo aan cid kale meesha ka garanayn, meel aan u socdana aanan aqoon" Suqra

HORDHAC

Buuggan waxa uu si kooban u faahfaahinayaa oo uu tusayaa akhristayaasha nolosha iyo himilooyinka uu waalidku la jecel yahay ubadkooda iyo sida aanay ubad badan u ogeyn arrintaas.

Waxa kale oo uu inoo sheegaya sida maskaxda qofka loo bedeli karo isla markaana loo adeegsan karo iyo dhibka ay leedahay qofka oo aan caqligiisa ku socon inta badan na iska raaca talooyinka dadka kale.

Silica, Saxariirka iyo Dhibaatooyinka Tahriibka uu u leeyahay dhalinyarada gaar ahaan hablaha iyo khataraha ka dhalan kara in dhibaato ama dhaawac la qarsado, waxa loogu tegayaa qisada uu ka warramaayo buuggu billaw illa dhammaad.

Runtii guud ahaan sheekada buugga ku xardhan waa mala-awaal wax badan dhalinyarada ka tusinaya dhibka ugu bdan ee ay kala kulmaan  tahriibta weliba dhulka la maro.

((Nolosha Qoyska, Suqra iyo Jacayl, Dalxiiskii Iskuulka, Macalin Xayaad, Sucaad iyo Suqra, Soo noqoshadii Axmed Dayax, Suqra iyo Liibiya, Hibo, Jawaabtii Dhakhtarka, Qalliinkii Suqra, Sucaad iyo Qurbaawi, Iyo Suqra)) inta ba waa mawduucyada kala duwan ee ay sheekadu marayso inta buuggu soconayo oo dhan.

ARAGTI

Dhigane kasta oo la qoro,  waxa uu ka hadlaa waa waaqiciga bulshada iyo hadba xaaladaha dadka ku gedaaman ee lagu dhex arko, dhinac waxa uu ka tilmaama dhibaatada lafteeda halka uu dhinac kale na ka yahay wacyi-geliye baraarujin iyo ka-digitaan u ah dadka aan weli aafada masaa'iibtani ku dhicin ama bad-qaba.

Inta badan bulshada soomaalidu buugga sheeko-faneedka ah ama sheeko mala-awaal ah ku dhigan tahay waxa ay u maleeyaan in uu yahay wax la iska qoray oo uu qofka qoray maskaxdiisa uun ka hal-abuuray lakin laba su'aalood ba is weydiintoodu aad bay inoogu yar tahay kuwaas oo kala ah "Sababta buugga loo qoray? iyo sida oo kale Waxa uu buuggu qorayo? dhab iyo dhalanteed kuwa ay yihin.

Tahriibtu waa aafo ka mid ah aafooyinka dadyowga dambe la kowsaday, taas oo uu qofka iska dhaqaaqayo isaga/iyada oo fara madhan nolol iyo dhimasho labadaba na diyaar u ah, Runtii buugganina wuxuu si hufan uga warramaya waa dhibaatooyinkaas lagala kulmo tahriibta inta badan ay la kulmaan dadka tahriiba siiba hablaha.

Waa sheeko-mala'awaal ah balse sabab cayiman ku keenatay qoraaga in uu inala wadaago dhiganahan, in badanna wax ka iftiiminaysa sida ay u khatar badan tahay iska dhaqaajiska weliba ay weheliso maskaxda qofka oo uu qof kale adeegsado kuna qanciyo in uu dadka iyo dalka ba mar keliya laga dhaqaaqo.

GUNAANAD!

Waan ka mahad celinayaa in uu buuggan ila  wadaagay isla qoraaga qoray, wanan ku dhiirigelinayaa in uu buuggan daabacadiisa labaad, haddii eebe idmo uu geeyo schoolada wadanka si qolka wax-akhriska loogu dhigo oo ardaydu u akhrisato una noqdo mid ay kaga digtoonaan karaan in ay tahriibaan.

Hambalyo iyo Mahad labada ba waan u dirayaa Qoraaga Buugga oo isku hawlay in uu nala wadaago buuggan.

***************************
MAXAA LAGA YIDHI BUUGGA!

"Dhiganahan la magic baxay Riyo iyo Rafaad wuxuu xambaarsan yahay farriin togan kana turjumaysa waaqiciga nololeed ee nagu gedaaman, waa hoge tusaale iyo wacyi geliye bulsheed oo ina baraysa aafada tahriibka, waxaan leeyahay qoraaga buugga cilmiga iyo caqliga ba rabbi ha kuu barakeeyo" Maxamed Siddiiq Cabdillaahi Dhamme.

"Buuggan Riyo iyo Rafaad waa mala-awaal damqashadiisa iyo dareen taabadkiisa leh oo sawir xaqiiq ah innaga tusaya qoomamo at bulshadu qabto, wuu innaga hadlayaa wuuna inala hadlaya, waa baaqe duluc fog, waa digniin xeel fog, waa farriin dun fog, uGu dambeynna waan ku hambalyeynayaa qoraaga buuga hawsha u qabtay iyo halganka uu galay ba" Abw. Guuleed Yuusuf Axmed.

***************************
Tusmada Buugga:
Magaca Buugga: Riyo iyo Rafaad
Qore Nuradin Shire
Bogagga: 127 Bog
Soo baxay Sannadka: 2017
Waxa lagu daabacay: Boqorka Khadka, Hargeysa, Soomaalilaan.
S/G: Amina Galaydh


No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...