HORDHAC!
“Magac bilaash uma baxo”:
ujeedooyinka magacyada iyo naanaysaha Soomaaliyeed", waa buug si qoto
dheeri ah looga shaqeeyey loogana baaraandegey. Waxaanu ku saabsanyahay
hababkii iyo ujeedooyinkii aynu ula bixi jirrey magacyada iyo naanaysaha.
Hadaba ujeedada magaca ka sokow waxa uu si habsami ah u lafagurayaa isirka iyo
dulucda magac kasta ka dambeysa.
Qaybta kowaad ee buugga waxa ay sheegaysa in magac-bixintu
aysan ahayn wax hawl yar. Waalidku waxay ku dadaali jireen in cunug/ilmo walba
loo bixiyo magac u qalma.
Laba hab ayay magac-bixintu ku tiirsanaan jirtey: habka
kitaab-furka iyo habka magac-soomaali-bixinta, sida uu u dhigay qoraagu.
Habka hore diinta islaamka ayuu ku saleysan yahay. Xataa
maanta xaasas badan ayaa cuskada habkaasi, ayagoo wiilasha u dhasha u bixiya
magacyo carabi ah, sida Cabdillaahi, Cabdiraxmaan, Maxamed, gabdhahana Aamina,
Faadumo (Faay), Maryan iwm.
Waxaa xiise weyn leh siduu qoraagu u raad-raacayo magacyada
carabiga ah taariikhdooda (Ninkii ugu horreeyey ee rumeeyey Nebi Maxamed iyo
Diinta Islaamka ayaa la odhan jirey Abubakar Al-siddiiq; Ninkii u
horreeyey ee Eedaanka kor ugu dhawaaqa ayaa la odhan jirey Bilaal Bin Rubaax).
Habka
labaadi waxa uu ku saleysan yahay dhaqankii hore ee soomaaliyeed, oo uu ina
xasuusinaayo qoraagu. Magac-bixinta waxaa loo tixgelin jirey:
Iimaha uu ilmuhu ku dhasho, sida: Barre, Xaad, Dhoorre;
-
Xilliga uu ka dhasho sannadka, sida: Colaad, Geeddi,
Waasuge; -
Midabkiisa, sida: Sugulle, Meygaag, Caddaawe.
Sida oo kale, waxa loo cuskan jirey saadaal ama duco, sida: Samatar,
Warsame, Geelle.
Waxa
kale oo Ilmaha loo bixin jirey magac ammaan ah, sida: Dhaqane, Qummane,
Shuuriye.
Waxaa iyana jiri jirey tobannaan kale oo siyaalood oo kale
oo la xiriira magac-bixinta oo uu qoraagu soo ururiyey, soona bandhigay, sida:
Kediye: Magacan
waxay isku ujeeddo dhow yihiin Mire. Hayeeshee kan xilli u gaar ihi ma jiro.
Markaa wiil kasta oonay hooyadii fooshiisa filayn waa loo baxshaa magacan.
Dulucduna waa tiiyoo wiilka lagu tilmaamayo inuu yahay kii ku kediyey xanuunka
iyo foosha hooyadii iyada oon u diyaar ahayn.
Dheeg:
Waxaa magacan loo baxshaa wiilka
aabbihii aad ugu ekaada een aabbihii laga garan. Dulucduna waa tiiyo lagu
sheegayo inuu wiilku yahay ku aabbihii laga soo jeexay ama laga soo dheegay oo
isaga oo kale ah.
Naaneystu waa magac aan laysugu
wan-qalin, ha yeeshee dheeraad ah oo loo bixiyo ragga iyo dumarkaba. Iskama
baxdo ee sida magaca ayay ujeeddo leedahay, Qoraagu Waxa uu naanaysaha u kala
saarayaa shan qaybood:
1. Naaneysaha
iinta qofka wax ka sheega, sida: Ganey, Lugey, Galaal;
2. Naaneysaha
meheradaha/shaqada lala xidhiidhiyo, sida: Askari, Biyoole, Kabatole;
3. Naaneysaha
midabka lala xidhiidhiyo, sida: Cawl, Cadde, Dhuxul;
4. Naaneysaha
meesha iyo jihada lala xidhiidhiyo sida: Galbeedi, Muqdishaawi, Usteeliye;
5.
Naaneysaha
ereyada hal-hayska loo leeyahay tilmaama, sida: Yacniile, Guri barwaaaqo.
Reer ama qoys haddii carruur badani ka noqoto oo wiil kale u
dhasho ayaa wiilkaa cad yar labada dhegood mid ahaan laga jara, Labku waa Dhafe
ama Cawil. Waayo isagu waa keli, waana kii wixii badnaa ee sooca ahaa
tilmaantii soocnimada ka qaaday. Dhafana ama Cawo na waxaa loo bixiyaa inanta, ka daba
dhalata wiilal farabbadan…
Reer miyigu kolka ay yaalliin hab aan muran lahayn ayay u
degaan guryaha. Taas oo ah in qoys kastaa meel gaar ah uu ka dego guri kasta oo
la dego. Meeshaas ayaana la yidhaa Tusmo…
Dhinaca kale:
Cawilaaddu waa marka wax kaa lumay meeshiisii wax kale kuu
soo galaan…
Caynaanadu waa badbaado ama nabadgelin…
Ayaanku waa hoodada, doobirta, cawada iyo habeen-dhaladnimada…
Balfintu waa kolka waran la soo riddeeyey gaashaan layskaga
leexsho…
Baarku marka hore waa geedka korkiisa sare ay laamuhu ka
baxaan. Marna waa timaha kuruska geela ka baxa. Marka saddexaadna waa timaha
afkooda hore...
Waxyaalaha kale ee uu buuggu qoraayo waxaa kale oo ka mid ah
in laga baran karo maansada soomaaliyeed, sida: Buraanburka (Bogga.62-82), Gabayga
(Bogga 64, 143, 144) iyo sida oo kale rag gabayaa caana ah sida: Sayid Maxamed
Cabdalla Xasan, Cabdillaahi Suldaan ‘Timo-cadde’, Cali Jaamac Habiil, Cali
Xuseen Xirsi.
‘Magac bilaash uma baxo’ waa buug u baahan in qof kasta oo
Soomali ah oo raba in uu korodhsado aqoonta uu u leeyahay afkiisa iyo
dhaqankiisa iyo ruux walba oo ajnebi ah oo ku dhaca inuu barto afka, suugaanta
iyo caadooyinka soomaaliyeed in uu akhriyo oo uu keyd ahaanna u heysto.
Guud ahaan buuggu mawduucyada uu koobsanayo waxa ka mid ah:
* Magacyadii hore iyo hababkii loola bixi jirey;
* Magacyada cusub ee hablaha iyo dhibaatooyinkooda;
* Naaneysaha Soomaalida iyo ulajeeddooyinkooda:
* Naaneysaha iinta qofka wax ka sheega;
* Naaneysaha meheradaha la xidhiidha;
* Naaneysaha midabka la xidhiidha;
* Naaneysaha meesha iyo jiidaha la xidhiidha;
* Naandeysaha ereyada halhayska loo leeyahay tilmaama.
*************************************************
Magaca Buuga: Magac Bilaash Uma Baxo
Qore: Cabdiraxmaan C. Faarax “Guri Barwaaqo”
Hal-aqoon, Ottowa, 1998-2000
Dr. Georgi Kapchicts, March
10 2007
FG: Qoraalkani waxa uu hore ugu soo baxay degellada
kala ah: www.somalitalk.com, www.farshaxan.com, www.aftahan.com,
www.somalipress.com, iyo warsidaha Hal-aqoon, xidhmadii IIaad, tirsigii 3aad,
2002.
S/G: Amina Galaydh
No comments:
Post a Comment