"Hage si fudud kuugu Hoggaaminaya Himiladaada"
"Hadii aanad adduunkan dhaxal dhigan dabadaa la dheefsado, ogow in aad dheeraad ku tahay dharaaraha koobban ee aad nooshahay!"
HORDHAC
Dhiganahan waxa uu u taxan yahay qaab u muuqda in cinwaanadiisu ay kala madax bannaan yihin oo hadba kii akhristaha soo jiita uu gaar ahaan u akhrisan karo. Badi cinwaanada waxa ka dhexeeya xidhiidh xooggan, oo marka uu akhristuhu uu bilaabo waxa uu la kulmaya in midiba ka kale ku xidhan yahay oo ay qasab tahay in si dhugmasho leh loo wada akhriyo.
Hadaba si micnihiisu u dhammaystirmo ujeedadiisuna loo gaadho, akhristeha oo aan degdegin ha billaabo buugga illa iyo dhammaadka, waayo markaas ayaa uu akhristuhu na wax korodhsaday qoraagana wax u taray!
Buuggu waxa uu ka kooban yahay afar qaybood "CUTUB" oo isku xigga.
Qaybta 1aad: Waxa ay koobsanaysaa Yoolka nolosha, isku-dheelitirkooda, La imaanshaha Riyo, Fikir iyo Qorshe shakhsiyadeed oo waddo fiican u noqota gaadhista Yoolka.
Qaybta 2aad: Waxa ay iftiiminaysaa caqabadaha hor istaaga Qeexidda, Fulinta, iyo Gaadhsita Yoolka taas oo qoraaga buuggu ku soo bandhigaayo tusaaleyaal iyo dhextaallo khibradi ku dheehan tahay.
Qaybta 3aad: Waxa uu akhristuhu ugu tegayaa su'aalo iyo xikmado is huwan kuwaas oo ka caawinaya Qeexidda iyo Gaadhista Yoolka.
Qaybta 4aad: Waa qaybta ugu dambaysa guud ahaan qodobada ku taxan buugga waxa uu qoraagu si kooban innoogu diraya farriimo iyo tusaaleyaal mug iyo miisaan leh, Adduun iyo Aakhiro labada ba na waxtar leh, isla markaana baraarujin iyo dhiirigelin badan u leh Akhristaha.
ARAGTI KU SAABSAN BUUGGA!
Qoraalka anfaaciga leh ma fududa in aad si fudud ku dhammaystirto; balse wakhti, hawl, kharash intaba waa uu ku kacayaa. Inta samirka, kartida, aqoonta iyo dhiirranaanta u ehelka ah uun baana dhammaystirkiisa awooda!!!
Magaca buuggu waa QEEX YOOLKAAGA!, waa buug ka warramaya mise na dhisaaya qofnimada qofka, kana qayb qaadanaya horumarka qofka, qaabaynaaya garaadka qofka, tilmaamaya waddooyin badan oo dhaxal-gal ah oo adduun iyo aakhiro ba waxtarkooda wata, sababtuna waxa weeye, bulshadeenna (Soomaali ahaan) guud ahaan waa bulsho aan muhiimadda siinin nafta iyo barashadeeda, taa badalkeeda ku hawlan aqoonta kale ee maaddiga iyo diiniga ba leh.
Dabcan baahida loo qabo horumarinta nafta "Self Development" waa mid joogto ah oo in badan dhaxal-siisa qofka, Gaadhista iyo Ka midho-dhalinta Yoolka nolosha, sidaa darteed ayaa ay muhiim u tahay awood-siinta iyo dhugashada buugaagta ku tacaluqqa wax kasta oo dhiirigelin iyo carrin ba u ah nafta si ay horumar ballaadhan u gaadho.
Wakhtiyo kala duwan oo dunidani ay soo martay waxa ka socday dagaallo kala duwan oo saamayntooda ku lahaa dadyowgii dhaqnaa, kuwaas oo u badnaa dagaallo muuqda oo qofka jidhkiisa lagu waxyeelayo, lakin hadda wakhtigan aynu joogo waxaynu maraynaa wakhti ay dunidu isku guumeysato kuna dagaallamayso fikrado iyo dhaqammo maskaxda qofka toos u abbaaraya!
Dhaqamadaas iyo afkaarahaas, badi waxa ay ku socdaan waa dhalinta ku dhaqan dunidan aynu ku noolnahay kuwaas oo ay bulsho leedahay kuna taamayso. Run ahaantii dhinacyo badan, buuggan waxa uu saxayaa dhalin kasta oo ka mid ah bulshada soomaalida, isaga oo dhisaya fikirka iyo caqiidada saxda ah kuwaas oo wax badan ka taraya shakhsiyadda, qofnimada iyo damiirka qofka.
Haddii aad akhriste ahaan u dhug-yeelato buuggan waxa uu ku dareensiinaya in qof kasta uu ujeeddo cad u joogo dunidan oo aanu ciyaar-ciyaar u imaan dhulka dushiisa, waa muhiim fahamka ku aaddan in lagaa sugaayo natiijo iyo waxqabad geeridaada ka dib laga manaafacaadsan karo, sida oo kale waa daruuri fahamka kale ee ku aaddan in aan laguu talin oo aan maskaxda lagaa guumeysan.
QEEX YOOLKAAGA! waaa buug si fudud kuugu iftiiminaya awoodo xad-dhaaf ah ee uu ilaahay ku mannaystay bani-adamka, kuwaasoo inta badan dadku ay dhaadan yihin in ay adeegsadaan, waa buug kellifaya in su'aalo dhawr ah la iska weydiiyo nafta. Horumarka nafta waxa uu ka bilaabmaa marka uu qofku weydiin uu dib iskula noqdo!
Guud ahaan waxa aan soo jeedinayaa in qof kasta oo buuggan akhriyi kara uu ka faa'ideysto, kuna dabbaqo aqoonta baaxadda leh ee ku duuggan isaga/iyada.
Ummada aynu ku dhex nool nahay "Soomaalida" waa in aynnu ka wada-shaqayno sidii aan u gaadhsiin lahayn farriimaha uu buuggu sido siiba Ubadka innagu soo xiga, si ay u yeeshaaan mustaqbal qurux badan oo ifaaaya!!
GEBAGEBO
Runtii buuggu waxa uu ku soo gebagebeeyey casharadii ku dhignaa ayan jecelahay anigu na in aan faalladan yar ee buugga ku saabsan ku soo xidho:
"Fadlan! Adduunyada uga shaqayso sidii oo aanad weligaa dhimanayn, Aakhiro na u shaqayso sidii oo haddii gabbalku uu kuu dhaco aanu waagu ku beryayn,haadii uu waagu ku beryo na aanu gabbalku kuu dhacayn!".
****************************
MAXAA LAGA YIDHI BUUGGA!
"Dunida waxa ugu qaalisan qofka bani-adamka ah oo wax waxtar leh ku soo kordhiya bulshada uu ku dhex nool yahay, run ahaantii buuggan waxa uu wax badan tari doonnaa in badan oo uu maare la'ayd in ay jiheeyaan noloshooda, waxa uu garab u noqon doonaa in kale oo badan oo la'ayd saxiib is garab taaga amase waalid dhiirigelin iyo waano siiya, waxa mahad, mudnaan iyo maamuus ba iska leh qofka gartay in uu ummadiisa ugu tabarruco qiimaha intaa le'eg oo qoraaga buugga ah" Yaasmiin Maxamed Kaahin.
Tusmada Buugga:
Magaca Buuga: Qeex Yoolkaaga!
Qore: Xamda Maxamed Xuseen
Bogagga: 150 Bog
Soo baxay Sannadkii: 2014, Hargeysa, Soomaalilaan!
****************************
FG: Saacado dhawr ah ka dib, 2017 waa uu dhammaaday, Alxamdulilah Aniga iyo Adiga ba caafimaad qab, iyo cimri aan dheer nahay kuwa buka ama geeryooday ayaa uu inoogu dhammaan rabaa, Fadlan ka faaideyso wakhtigaaga, caafimaadkaaga, iyo cimrigaaga ba ugana faaideyso in aad akhrido buugaag ka badan kuwa aad sannadkan akhriday oo taabanaya Horumarka Nafta, Adduun iyo Aakhiro na wax ku taraya! Ha Iska Akhrin Wax Kasta oo Ka Soo Hor Baxa!
MAHADSANIDIN!
No comments:
Post a Comment