Riwaayaddii: Xorriyo
Nin Geyaa Ha Guursado! ama “Xorriyo”
Abwaan: Maxamuud
Cabdillaahi Ciise “Sangub”
Hordhac
Rubuc qarni ka hor,
xilli Soomaalidu ahayd qaran sharaf iyo haybad weyn ku dhex leh quruumaha
dunida ayuu abwaan Soomaaliyeed curiyey riwaayad caan-baxday. Wuxuu magac uga
dhigay Xorriyo Nin Geyaa Ha Guursado, markii la soo gaabiyey
waxay ku caan baxday magaca “Xorriyo‟, Waana magaca qalanjada Riwaayadda.
Magaca buuxa ee ah
“Xorriyo Nin Geyaa Ha Guursado‟ waxaa ku jira duur-xul qota dheer. Duur-xulku
wuxuu ka mid yahay farsamooyinka lagu qurxiyo hal-abuurka suugaanta. Xorriyo
waxay safka hore ka gashay dhawrka Riwaayadood ee ugu caansan riwaayadihii soo
maray masraxa Soomaalida.
*********************************
Maxay ahaayeen sababaha caawiyey inay
sidaa u caan-baxdo? Maxay ka hadlaysaa riwaayaddani? Habkee ayay u soo
bandhigaysaa waxa ay ka hadlayso? Waa maxay suugaan-bilayaasha ama
farsamooyinka suugaaneed ee uu adeegsaday mu’allifku? Sidee bay u saamaysay
geeddi-socodkii taariikhda Soomaaliya? Maxaa lagu bogaadin karaa maxaase lagu
dhaliili karaa? Maxaan waqtigan u xulannay Xorriyo iyo faaqidaddeeda? Waa maxay
casharka aan ka baran karayno? intan ba qoraalka buugga M.D.Afrax ayaa u
faaqidaaya si qoto-dheer.
Xulashada Xorriyo iyo
Xeel-dheerida Magaca!!
Aan ku bilowno kana tilmaan-qaadanno
magaca Riwaayadda:
“Xorriyo‟ waa magaca Riwaayaddan
waana magaca qalanjada sheekadu ku socoto. Waa magaca sarbeeb ahaan loo
adeegsanayo. Sarbeebtu guud ahaan waa farsamo ay si joogta ah u adeegsadaan
hal-abuurka suugaanta, dunida oo dhan. Soomaaliduna aad ayay ugu horreeyaan.
Dadka Soomaaliyeed si weyn ayay ugu
indha furan yihiin fasiraadda sarbeebta suugaanaysan. Mararka qaar meel aan
sarbeebi ku jirin ayay dadku sarbeeb ahaan u fasirtaan si ay ugu duwaan micnaha
ay doonayaan ama meesha ay iyagu jecel yihiin. Waa halka laga yidhi “farta iyo
meesha bugtaa is og”. Shaqo-suugaaneedda qiimaha leh na astaameheeda waxaa ka
mid ah in ay dadka siiso fursad ay kaga sii shaqaysiiyaan maskaxdooda iyo
mala-awaalkooda.
Siyaalaha kala duwan ee suugaanleyda
Soomaaliyeed sarbeebta u adeegsadaan bulsha-weyntuna la baratay, waxaa ka mid
ah in dalka iyo qaranimadiisa lagu qofeeyo ama lagu maldaho gabadh aad u qiima
badan oo la wada jecel yahay. Riwaayadda Xorriyo waxay raacaysaa waddadaas la
isla yaqaan.
Waxaa jira sababo muhiim ah ama
ujeeddooyin uu qoraagu mudnaanta siiyey si looga faai’deysan karo kadib soo
bandhigidda qoraalkan. Marka la soo ururiyo, ujeeddooyinkaas waxaa ka mid ah:
1.
In da’yarta sawir laga siiyo, da’weyntana la
xasuusiyo, sidii ay u ekaayeen riwaayadihii beri-samaadka.
2.
In qoraal lagu badbaadiyo, intii suurtagal ah,
dhaxalkaas qaaliga ah ee sii dabargo’aya.
3.
In la muujiyo, lana diiwaan galiyo ilbaxnimadii
ay beri gaadheen dadkani . Taas oo ay muuqato in uu soo dhow yahay waqti aan la
rumaysan doonin, raad-cadna laga hayn.
4.
In la helo qoraallo qaan-gaadh ah oo noqon kara
tusaale looga tilmaan-qaato habka halabuurnimo ee loo xardho faaqidaad
suugaaneedda af-Soomaaliga ku qoran, waayo tusaale-bixintani waxay si gaar
ahaaneed ugu faa’idaynaysaa da’yarta Soomaaliyeed ee ay ku duugan tahay hibada
suugaaneed ee hal-abuurka qalinka, kuwaas oo baahi weyn u qaba qoraallo
waaya-arag oo ay ku daydaan.
5.
In dadka la xasuusiyo kaalintii muhiimka ahayd
ee ay ku jireen fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed iyo sidii ay bulshada u
baraarujin jireen uga na digi jireen xuma-falka laga dhaxli karo cawaaqib-xumo
dambe.
Xorriyo: Taariikh kooban iyo
Tilmaan Guud
Xorriyo waxay soo if-baxday
horraantii 1980kii. Waxay ahayd tii ugu magac dheerayd riwaayadihii sannadkaas
soo baxay. Waxaa soo bandhigtay kooxdii ka tirsanayd Hoballadii Waaberi oo
ahayd hormuudkii fanka Soomaaliyeed ee berigaas.
Waxaa isugu tagey dhawr iyo labaatan
jilaa oo wada caan ah. Waxaana safka hore kaga jirey Saado Cali Warsame
(Xorriyo), Faynuus Shiikh Daahir (Gardarro), Maxamed Axmed Kuluc (Gama’diid),
Cabdi Cali Baacalwaan (Sulub), Xaawo Caaji (Saxarla’), Saalax Qaasim Naaji
(Sama-wade), Maxamed Cumar Huryo (Af-dhabaandhab), Faarax Guuleed (Sibra-gooye),
Cumar Rooraaye (Horseed) iyo Mu’allifka riwaayadda, Abwaan Sangub, oo qudhiisu
jilitaanka qayb libaax ka qaatay, sidii caadada u ahayd badi mu’allifiinta Masraxa
Soomaalida.
Halkii ugu horreysey ee lagu soo
bandhigay waxay ahayd Magaalada Boorame oo saddex habeen lagu celceliyey. Waxaa
ku xigtey Gabiley, ka dibna waxay barrowsinka dhigatay Hargeysa, Halkaas oo
lagu celcelnayey illaa 15 habeen, codsiga dadweynaha awgiis.
Intaa ka dib Riwaayaddu waxay u
ambabaxday gobollada dhexe iyo kuwa koonfur. Waxaa lagu dhigay Magaalooyinka ku
teedsan laamiga dheer ee Muqdisho taga, sida Burco, Laas-caanood, Garoowe,
Gaalkacyo, Dhuusa-marreeb, Baladweyne illaa Buulo-burde. Halkaa markii ay
maraysey ayaa waxaa magaalada Jawhar uga horyimid ciidan loo soo diray in ay
joojiyaan.
Muddadii ay socotey iyo
magaalooyinkii laga soo dhigay ba, Xorriyo waxay la kulantay soo dhaweyn
xad-dhaaf ah, dadku waxay u xiiseeyeen si aan caadi ahayn, halkii ay tagtaba
waxay ugu tageysey ummaddii oo heegan u ah, qof kastaana sii diyaarsaday
rikoodh uu ku duubto. Runtii waxa ay noqotay waxa keliya ee afka lagu wada
hayo, waxaana laga sameeyey fasiraado kala duwan.
Si kastaba ha ahaatee Xorriyo dib
dambe looma soo bandhigin. Dadka ugu badan ee ay gaadhey waxay ku gaadhey
cajaladihii daawatadu ku qabsadeen oo meel walba ku faafay, dalka gudihiisa iyo
dibaddiisaba.
Joojintii la joojiyey iyo
kacaan-diidkii lagu tilmaamay ayaa waxay abuureen xiise hor leh oo qof kastaa
jeclaystay inuu mar uun indhaha saaro, waxa ay noqotay hadiyadda ugu qaalisan
ee loo diro dadkii joogey dalka dibaddiisa.
Xorriyo waxaa lagu tilmaami karaa
Riwaayad cajalad yar lagu tabiyo tii ugu faafidda badnayd ugu na caansanayd.
Soomaalida magaalo-galeenka ah ma filayo in uu ku jiro qof waqtigaas qaan-gaadh
ahaa oo aan Riwaayaddaas magaceeda maqlin.
Caan-baxaas aan caadiga ahayn waxaa
caawiyey xilliga ay ku soo beegantay oo ahaa xilli uu si weyn u xoogeystey
dareenkii mucaaradnimo ee lagaga soo hor jeedey xukunkii Maxamed Siyaad Barre.
Wuxuu ahaa xilligii ay soo baxday si weynna dadku u xiiseeyey suugaantii ka
horjeeddey taliskii jirey; taas oo si badheedh ah albaabka ugu furtay Miimleydii
caanka ahayd ee Khaliif Shiikh Maxamuud iyo Silsiladdii ka dhalatay ee Hurgumo.
Waxaa sida oo kale ka sii dhalatay Silsiladdii
Deelley ee iyana sida weyn u shaac-baxday. Wuxuu ahaa xilligii ay bilowdeen
jabhadahii hubaysnaa iyo hadaaqii mucaaradnimo ee lala wada badheedhay, ka dib
kolkii ay dabacday gacantii birta ahayd ee taliskii milatariga ahaa.
Mar kale si kooban, laba sababood
ayaa loo aanayn karaa caan-bixiddii Xorriyo.
Tan hore waa mamnuuciddii ay dowladdu
mamnuucday iyo micnihii siyaasadeed ee dadweynuhu u fasirtay. Waxaa muuqata
ujeeddaddii mamnuuciddaas laga lahaa in ay cayn-wareegtay ama isu rogtay dhanka
kale (Cagsiga).
Tan labaad, oon qudheedu taa hore ka
durugsanayn, waa mowduuca Riwaayadda oo dacal ka xadanteeyey dareen dadweynaha
ku jirey. Waxaa laga dhigtay fursad la isaga neefiyo naqaskii dhaliilidda
xukumaadda jirtay, taas oo in badan dadka lagu cabbudhinaayey!
Qisada riwaayadda
Silsiladda dhacdooyinka Riwaayadda
waxaa saldhig u ah colaad ka dhex oogan laba dhinac oo is haya: dhinac
shar-wadeen ah iyo mid xuma-diid ah. Qolada hore waxaa mayalka u haya islaan la
yiraahdo Gardarro, waa (Faynuus Shiikh Daahir) iyo afar wiil oo ay dhashay.
Qolada labaadna waxaa hormuud u ah gabadh lagu magacaabo Xorriyo waa (Saado
Cali Warsame) iyo eheladeeda.
Fikradda riwaayadda: Maxay
tabinaysaa Xorriyo?
Xorriyo waxaa lagu tilmaami karaa
Riwaayad hadaf leh, Riwaayad dhambaal sidda, Riwaayad taariikheed, iyo Riwaayad
siyaasadeed. Qisadeeda waxaa saldhig u ah loollanka labada dhinac oo is haya,
sidii aan hore u soo xusnay.
Waxay ku kala abtirsadaan shar-wadeen
iyo xuma-diid. Falsafad ahaan, fikradda Riwaayadda tiir-dhexaadka u ah waxay
salka ku haysaa loollanka soo-jireenka ah ee mar kasta iyo meel kasta ka dhex
oogan samaha iyo xumaha, ama sharka iyo khayrka, tan iyo waagii bini-aadmigu
hindisay fanka riwaayado-samaynta, mowduucani wuxuu ahaa udub-dhexaadka mu’allifiintu
ka dul dhisaan Riwaayadahooda.
Heerka guud, Xorriyo waxay ka
tarjumaysaa falsafad-nololeed ku dhisan loollanka xumaha iyo samaha. Marka hoos
loo soo dego ma adka in la fahmo dulucda Riwaayaddan in ay tahay siyaasad lagu
maldahayo Suugaan-bilayaal toolmoon.
Aragtida
Marka la soo koobo, Xorriyo waxay
ahayd riwaayad hanaqaad ah. Dhinacyada uu mu’allifku hibada weyn ku muujiyey
waxaa ka mid ah hannaanka uu u dhisay haasaawaha riwaayadda. Afka suugaanaysan
iyo oraahaha koobkooban ee ay laba-lisayaan matalayaasha riwaayaddu sidii
kubbad ay isu dhiidhiibayaan ciyaartoy xul ah. Wuxuu ka hufay hadalkii badnaa
ee lagu harraadi jirey.
Waxaa kaloo bogaadin mudan sida mu’allifku
u soo miirtay mincne casri ah na ugu xambaariyey sooyaalkii ummadda iyo
suugaan-hiddeed ku daabacan dubaaqa daawatada. Waxaa iyana hoos-ka-xarriiqid
mudan xilka waddaniga ah ee uu dhabarka u ritey xilli ay caado noqotay in
mowduuca riwaayaduhu caashaq uun ku meeraysto. Waxay ahayd caado ay xoojisey
cabsidii laga qabey riwaayado cabbiraya arrimaha xasaasiga ah ee lugta la gali
kara siyaasad iyo maamul dowladeed.
Waxaa bogaadin mudan koob-koobidda
hadalka iyo adeegsiga sarbeebta oo labaduba fursad siiyey fasiraadda dadweynaha
iyo ka-fekersiinta bulshada. Way fiicantahay abwaanku in aanu dadkiisa ka
dhigin “damiin far waaweyn wax loogu dhigayo”, in kastoo dhanka kale casrigan
laga tagey caadadii ahayd cuslaynta suugaanta iyo caad-saarka laga badbadiyey.
Xorriyo iyo mu’allifkeeda waxaa jira
laba qolo oo marka aan loo fiirsan la moodayo in ay wax u dhimeen, hayeeshee
aan wax u dhimin balse wax u taray, iyagoon ku talagalin. Waa dowladdii
riwaayadda mamnuucday iyo dadweynihii ka weeciyey ujeeddadii abwaanku ugu
talagalay. Labaduba waxay sababeen Xorriyo inay noqoto riwaayad taariikhda
gashay, dadka saamayn weyn ku reebtay, degdegna u caan baxday. Abwaanku wuxuu
ku ammaanan yahay awoodda uu u yeeshay falkinta riwaayad abuuri karto aragtiyo
sidaa u kala duwan; riwaayad u adeegi karta himilooyin ka sii qota dheer kuwii
loogu tala galay.
Haddaan dhanka kale u rogno,
dhinacyadaas badan oo ay ka dhisnayd riwaayaddii Xorriyo micneheedu ma aha inay
ahayd biya-kama-dhibcaan aan dhaliil lahayn. Ma dhici karto in wax dhaliil ah
laga waayo shaqo fan iyo suugaaneed. Dulduleellada Xorriyo waa kuwo idil ahaan
ka dhalanaya quwadda la wada dul dhigay dhanka hadalka uun, waxaana ka mid ah:
1. Muujin la’aanta dabciga iyo
dareenka hoose ee qof kastoo ka mid ah qofafka (characters) Riwaayaddu ku
socoto. Waxaa xoogga la saaray uun qofku waxa uu ku hadlo. Waxaa la illaawey in
laga bixiyo sawir cad oo daawatada bara dabciga u gaarka ah iyo sida
dareenkiisu marba isu beddelayo, bini aadan ahaan. Marka Xorriyo laga reebo
xitaa ma jiro qof loogu yeerayo magaciisii jilitaanka, wallow uu furitaanka
hore ninka riwaayadda qaddimayaa (Maxamuud Duwane) qof walba noo sheegayo
magaca uu riwaayadda ku jilayo.
2. Silsiladda riwaayadda (plot) habka
la isu surayo iyo qaabka falalku isaga daba dhacayaan ma laha diirrimaad iyo
xiisa-galin u dhigma dhumucda ay leedahay fikaradda ama qisada riwaayaddu ku
dhisantahay. Dhinaca xuma-diidku (Xorriyo iyo eheladeed) si bay u taag daran
yihiin oo firfircooni la’yihiin, illaa ay si kadis ah qolada kale u xirxiraan.
Waxaa la moodaa inay jiraan muuqaallo laga boodey oo riwaayaddu u dhutinayso.
3. Gabood-falka iyo gardarrada ay ka
gilgilanayaan ehelada Xorriyo waxaa la moodaa inay ku kooban tahay gabadha
afarta nin wada guursadeen, halkii ay ahayd in xumaanta weyn ee laga dhiidhiyey
ay u muuqato dhaca iyo af-duubka loogu xoog-sheegtay gabadha; guurka iyo afarta
nin waa xumaan labaad oo ay dhashay tan hore. Micnaha dalka xoogga lagu
qabsaday ayaa ah hooyada xuma-falka. Sida xun ee loogu tagrifalayna waa ubadkii
hooyadaasi dhashay. Halka lagu heesayo “gabadhayada, afar nin inay
guursadaan, diidnay”, waa sax, waxayse ahayd inay ka horrayso “gabadhayada
in la xoogo diidnay!”
Dhalliilahaas caadiga ah marka dhinac
la iska dhigo, shaki kuma jiro “Xorriyo” inay tahay shaqo fan oo qiime sare
leh, istaahishana qaddarin iyo bogaadin, xagga qaabka iyo nuxurkaba. Nuxur
ahaan, mu‟allifku ujeeddo kasta ha ka lahaado, waxay doonto ha noqoto fikraddii
uu rabey in uu ku cabbiro, suurtagal ha noqoto inay ogaan-la`aan ugu soo
fateheen ilaha maanka dahsoon (subconsciousness), waxse aanu shaki ku jirin
Xorriyo inay daaha ka rogtey dood ummadda qaaye weyn u leh. Waxay ku
guulaysatay dhaqaajinta dareenka dadweynaha. Maxaa yeelay waxay xoqday boog
xanuun ku haysey xiska bulsho-weynta. Waa taa tan ay ku mutaysatay inuu dadku
xabadka ku qaato ama ka xiisa goyn waayo.
Wallee Xorriyaay xaq baa imanoo
Xalaal meherkaagu wuu noqon
hooooooooy!!
Riwaayaddii: Xorriyo Nin Geyaa Ha Guursado! ama “Xorriyo”
Abwaan: Maxamuud Cabdillaahi Ciise “Sangub”
Soo baxday sannadkii: 1980kii
Qore: Dr. Maxamed Daahir Afrax
S/G: Amina Galaydh
No comments:
Post a Comment