HORDHAC
Buuggan
Hal Ka Haleel la magac baxay waxa uu ku saabsan yahay Sooyaal-nololeedkii iyo
Suugaanta Hal-abuurka caanka ee Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” wuxuuna ka
kooban yahay laba qaybood oo muhiim ah.
Qaybta
1aad
Qaybta
kowaad waxa ay ka hadlaysaa barbaarintii caruurnimo ee Maansa-yahanka,
hanaqaadkiisi, dhalashadii iyo soo if-baxii Hal-abuurkiisa Suugaaneed, caan-baxii
Magaciisa Abwaannimo iyo sida oo kale Saamayntii Maansadiisu ay billawgiiba ku
yeelatay dadka Soomaalida, xadhigi iyo noloshiisii xabsiga uu ku xidhnaa ee
Qansax-dheere, waxa sida oo kale qaybtan kula kulmaysaa Dheegag Suugaaneed ka
mid ah Maansooyinka Abw. Hadraawi, tusaale ahaannna loo adeegsado, la iskuna
deyayo in wax lagaga tibaaxo Curashadii
Maansooyinkaas iyo waxa ay ka hadlayaan ee ay abaartoodu daaran tahay.
Waxa
ka mid ah Maansooyinka wax lagaga soo qaatay qaybtan Maansooyinka:
“Baaq”
oo ka hadlaysa barwaaqada iyo bilicda dhulka, Maansada “Ergadii Furqaan” oo ku
saabsan dhalashadii Nebi Muxammed CSW iyo soo if-bixii/ fiditaankii Diinta
Islaamka, Heesta “Jacayl Dhiig Ma Lagu Qoray” oo iyana daboolaysa kaalinta
bad-weynta cishqiga ee Hadraawi, waxa kale oo isla qaybtan laga helayaa Heesta
mugga weyn ee “Hooyo” iyo sidiii ay ku curatay, Heesta “Toddobaatan Midabley”
oo ka mid ah Suugaanta iinta iyo dhaliisha yeelan karta ee Hadraawi hal-abuuray,
Tixda “Tuke Baal Cad” oo ka mid ah Maansooyinkii Hadraawi xabsiga uu ku
Hal-abuuray. Waxa kale oo iyana qaybtan ugu tegaysaa Riwaayadihii Hadraawi
curiyey sida “Riwaayaddi Hadimo, Reer Ba’aw yaa Ku Leh, Aqoon iyo Af-Garad,
Tawaawac ((Hal la qalay) iyo Riwaayaddii Carwo”!
Maansooyinka
kale ee qaybtan ay xambaarsan tahay waxa ka mid ah, Maansooyin xulitaan ahaan
uga soo jeeda Maansooyinkii Abwaanka ee curashadoodu ku qummanayd sannadihii ((1980-1990))
kii, waxa sannadahaas curtay maansooyinka ugu badan ee Hadraawi leeyahay,
waxaana wax laga soo qaatay oo qaybtan aad kula kulmaysaa Sagaal Maanso oo meel
mug weyn leh kaga jira Suugaanta Abw. Hadraawi, waxaanay kala yihin: Tixaha “Heeliyo”,
“Hambaber” ((Hargeysi Ma Toostay)), “Bulsho”, “Dibad-yaal”, “Dhahar”, “Dallaalimo”,
“Sirta Nolosha”, “Daallalay”, iyo “Gud-gude”.
Waxa
Maansooyinkan qalinku u hororsaday kulan-sanaanta baaxad-weynida ujeeddooyinka
ay ka hadlayaan, hadday noqoto dhacdooyin ahaan dhinaca murtiyeedda ah iyo mid
farshaxanba, iyo xilliga uu soo bixitaankoodu ku tusmaysan yahay, duruufihii
jiray ee ku xidhiidhsanaa iyo waayadii ay Maansooyinkani dhasheen.
Waxa
Maansooyinkani ay si sokeeyenimo ah uga hadlayaan xaaladihii sii murgaayey ee
waayaadaas ay dadka iyo dalku ba ku sugnaayeen, waxa ay xidhiidh dhaw la
leeyihiin dareenka dadka ee wakhtiyadaas, waxaanay sii oddorosayeen oo wax ka
sii tilmaamayeen ifafaalayaashii ay waayahaasi soo gelbiyeen.
Meerisyada
ugu dambeeya ee qaybtan ayaa waxa loogu tegayaa faaqidaad ku saabsaan
shakhsiyadda Abw. Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, kaas oo soore u ah
labada qaybood ee uu buuggani ka kooban yahay.
Qaybta
2aad
Qaybtan
buugga Hal Ka Haleel ayaa waxa ku dhan Siddeed (8) Maanso oo uu Abwaanku
curiyry saddexdii sannadood ee ugu horreeyey nuskii dambe ee 90aadkii
(1995-1998), waa Siddeed Maanso oo ka duwan guud ahaan Maansooyinkii hore ee
Hadraawi, marka loo eego Nuxurka, Ujeeddada iyo Hogga ay ku biyo shubayaan ba.
Maansooyinkan
waxa uu buugu ugu yeedhayaa Maansooyinka “Run ku sii Durugga ah”, sababtuna waa
xogta ay ka hadlayaan oo ku saabsan runta nolosha ka dhex jirta, cusaybnimada
jidka ay raacayaan iyo ujeeddada ay u socdaan ee ay soo bandhigayaan oo
lafteedu ah deegaan ku cusub marka loo
eego halkii ay salka dhigan jireen Maansooyiinkii hore ee Abwaanka!
Maansooyinka
hore ee Abw. Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” waxa ay tumaatiyi jireen Halgaad
ahaan, maamulladii wadanka ka talin jirey iyo Shakhsiyaadkii Mayalka u hayey
Hoggaaminta, iyaga ayaa Maansooyinkani u arkayeen Ibtilada iyo Sharka laga ledi
waayey, waxaana uu xalku ula muuqan jirey in hebelladaas meesha laga tuuro, laguna
beddelo hebello kale oo dhaami kara iyaga.
Siddeeda
Maanso ee qaybtan labaad ku jira waxa ay ka dhasheen daraaseyn uu Maansa-Yahanku
sameeyey oo ku saabsan sida ay u dux ebeshay, basaastuna u dul fuushay ee loo
dumiyey noloshii dhabta ahayd ee Soomaalida iyo aragtidii xaqqa ahayd, loona dhiiri-geliyey
ee loo abuuray noloshan khaldan ee maanta lagu nool yahay.
Siddeedaa maanso waxa
ay kala yihin: “Daba-Huwan”, “Badbaado”, “Hal iyo Halkiis”, “Suubban”, “Adduunyadu
waa Besteed”, “Af-ku-Siran”, “Rag Siyaasi Wada Noqoy” iyo “Anuun baa Hooyaada
Ah”.
Run
ahaantii Abw. Maxamed Ibrahim Warsame “Hadraawi” waa Maansoode uu
wax-soo-saarkiisa Suugaaneed Qaro ballaadhan yahay hadday noqoto Tiro ahaan,
Baaxad ahaan, Nuxur ahaan iyo Muq-weyni ahaan ba. Waxa uu muddo soddon sanno
gudahood ah ku hal-abuuray in ka badan Boqol “100” Maanso oo ku kala duwan
Nuxurka, Ujeeddada, Abaarka Godka ay ka hadlayaan, sida oo kale ku kala duwan
Xilliga, Da’da, iyo Aqoonta uu Abw, Hadraawi ku tiriyey ba.
Wax-soo-saarka
Suugaaneed ayaa waxa uu Hal Ka Haleel kaga beegmayaa hal ka mid ah
Boqollaalkiisa hal ee uu ka koobmi karo buug laga qoray Maansooyinkii Abw.
Hadraawi, waxaana uu buuggani ka soo jeedaa Hollasho iyo isku deyitaan kooban
oo ku xaddidan Dedaal qofeed oo kellinimo u yeelan kara duruufihiisa,
dhaliilihiisa, gol-daloolladiisa iyo qabyo-tir la’aantiisa ba.
Bad-weynta, baaca iyo guntada dheer ee kakan ee Hal-abuurka Hadraawi ayaa haddaba doorkan
laga haleelay intan uu buuggan urursani ka kooban yahay waana taas sababta uu ku
yimi magacan Hal Ka Haleel!
ARAGTI
Buug
kasta oo Farta-Soomaaliga ku qoran waxa uu in badan ka xiiso iyo xamaasad badan
yahay dhammaan buugaagta kale ee Faraha-qalaad ku qoran, buugaagta Farta-Soomaaliga
ku qoran laftooda ayaa kala miisaan iyo mug culus, oo guud ahaan buugaagta ay
ku xardhan yihin Suugaanta iyo Maansooyinkii Abwaannada Soomaaliyeed tiriyeen
waa ay ka akhris macaan yihin kuwa kale.
Buuggan
Hal Ka Haleel waxa uu la waddo yahay buugaag dhawr ah oo iyaga na laga dheegan
karo Suugaanta iyo Maansada uu curiyey qaar ka mid ah Abwaannada Soomaaliyeed
sida Buugga “Hagarlaawe” ee AHN Abw. Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ah, “Hal Aan
Tebayay” oo AHN Abw. Xaaji Aadan Af-qallooc ah, IWM.
Inta
aan loo gudbin akhrinta Maansooyinka ku xardhan buugga Hal Ka Haleel waxa xusid mudan
Hordhaca guud ee buugga oo akhriste kasta dhaxal-siin kara in uu ku dhiirrado
dhammaystirka buugga, iyo sida oo kale Hordhac kale oo kooban oo ka sheekaynaya
Tariikhda guud ee Abwaanka Maansooyinkiisu buuggan ku qoran tahay waa M. I. W. “Hadraawi’e”,
sida Hanaqaadkiisi, Dhalashadiisi, Sida uu Magaca Hadraawi ugu baxay, Sida uu
ku billaabay curinta Maansooyinka iyo Guud ahaan noloshiisa oo dhan.
Waxa
xusid mudan in uu buuggu u kala habaysan yahay, ama u socdo in ka badan
soddonka sannadood ee uu Abwaanku ku dhex jiray Badweynta Suugaanta, taas oo
laga dheehan karo tirooyinka Maanso ee sannad kasta soo baxday.
Waxa Iyana xusid mudan intaan akhrinayay buuggan in ay i soo jiidatay labada qaybood ee buugga
oo intaan Maansooyinka loo gelin uu ka horreeyo bog ama laba bog oo ah Hordhac
kooban iyo iftimiin ku saabsan hadba Tixda uu Akhristuhu bilaabaayo, taas oo
shakhsi ahaan iga caawisay in aan dhammaantood Maansooyinkii u akhriyo aniga oo
fahamsan tariikhda iyo sida ay ku soo baxday.
Waxa kale oo iyana ah mid aan la illaawi Karin 7 da bog ee buugga ugu damabeeya oo si qurux
badan ay ugu xardhan yihin sawirro kala waayo iyo wakhti duwan oo Abw. Hadraawi
ku soo maray nolosha iyo sooyaalkeeda.
GEBAGEBO
Maxamed
Ibraahim warsame Hadraawi waxa uu ka mid yahay aqoonyahannada maanta ee laga
yaqaanno gebi ahaanba dhulalaka ay soomaalidu degto iyo meelo badan oo
adduun-weynaha ahba. Buuga Hal Ka Haleel waxa uu si qoto dheer uga hadlaya
sooyaalkii Hadraawi iyo qaybo ka mid ah Suugaantiisa qaniga ah.
Hambalyo iyo Mahad labada ba waan u
dirayaa Abwaanka iyo Qoraaga Buugga oo isku hawlay in ay nala wadaagaan
buuggan.
******************************
FG: Alle ha barakeeyo oo Cimriga iyo Caafimaadka ba ha u siyaadiyo Abw. Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi"!!!
******************************
Tusmada Buugga:
Magaca Buuga: Hal Ka Haleel
Qore: Maxamed Baashe X. Xassan
Bogagga: 304 Bog
Magaca Buuga: Hal Ka Haleel
Qore: Maxamed Baashe X. Xassan
Bogagga: 304 Bog
Soo Baxay Sannadkii: 2004
Waxa Daabacday: Bashe Publications, London UK
Waxa Daabacday: Bashe Publications, London UK
Website: www.hadraawi.com iyo www.kaah.org.uk
Soo gudbinta: Amina Galaydh
Soo gudbinta: Amina Galaydh
No comments:
Post a Comment