"Haddii aan maalin dhammaysto aniga oo aan aqoon korodhsan, waxa ay maalintaas ii tahay mid iga khasaartay" Nebi Muxamed CSW.
"Dhaqanka akhrisku waa mid aad ugu hoseeya bulshadeenna, in la dardar geliyaana waxay ka mid tahay hawlaha ugu mudan ee bulshada hor yaala, gaar ahaan da'yarta. Buuggan waa mid miisaan iyo murti u leh qof walba oo danaynaya in uu kobciyo hannaanka iyo awoodda akhriskiisa. Sidaa darteed, waxaan kula talin lahaa qof kasta oo xiisaynaya in uu horumariyo hannaanka akhriska in uu isha mariyo buuggan" Prof. Saleebaan Axmed Guuleed,Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud.
"Akhrisku waa hannaanka bani-aadanku ku dhiteeyo, ku dhugto, kuna kala dhaxlo waayo-aragnimada, xikmadda iyo tariikhda. Waxaan ammaanayaa nuxurka dhiganahan ku jira, waxaanan ku talinaya in laga faaidaysto" Samsam Cabdi Aadan, Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Soomaalilaan.
"Waxaan shaki ku jirin in akhrisku yahay dhuuxa aqoonta iyo cilmiga, waana cibaado Alle weyne looga dhawaado qofkii u qasdiya. Akhrisku wuxuu keena ilbaxnimo iyo koboc ogaalka guud ah, mana noqon karo mid-midho dhal ah illa akhristuhu yaqaanno hannaanka iyo tabaha kala gedisan ee waxa loo akhristo. Sidaa darteed, buuggan akhrintiisu waxa ay ina baraysaa helidda hillin wacan oo loo maro akhris waxtar leh" Xirsi Cali X. Xassan, Siyaasi Aqoonyahan Ah.
"Akhrisku waa u lama huraan kasbashada aqoonta. Nin waliba inta uu akhriyo uun buu awaala-warama ama irkadaa. Dhiganahani waa tilmaame inoo fududaynaya in aynu si sahlan u dur duuranno togagga aqooneed ee meel kasta maraya" Siciid Muxumed Axmed, Agaasimaha Dallada Dhalinyarada Soomaalilaan ee SONYO.

HORDHAC!
Magaciisu waa TABAHA AKHRISKA, waa buug ka warramaya Tariikhda, Habka iyo Hannaanka Akhriska loo maro inta aan la bilaabin wax qoraal ah oo far ahaan u dhigan, Midabka jaldigiisu waa Buluugga cirka u eg oo farwaaweyn loogu dhigay cinwaanka buugga iyo odhaah u dhigan "Akhris La'aan waa Aqoon La'aan" sida oo kale waxa jaldiga meel badhtamaha kaga beegan ka muuqda sawir gacmeed muujinaya buug kala baxsan oo la akhrinaayo!

Buuggan waxa uu ku qotomaa tabo-barid dhanka maskaxda iyo aqoonta ba ah, waa aqoon-baadhis iyo aqoon guud oo la xidhiidha Tabaha Akhriska iyo sida lagu hanto dhaqanka Akhriska wanaagsan.
Nuxur ahaan, buuggani waxa uu ka kooban yahay Toddoba Cutub oo u dhisan qaab is daba-yaal oo midba midka ka horreeya uu hor-gale iyo gogol-xaadh u yahay.
Cutubka 1aad:
Waxa uu tibaaxayaa Sooyaalka iyo Samaha Akhriska, sida ay u boorisay Shareecada Islaamku in wax la akhristo, Waxa uu keenayaa tusaalaha dadyow kale oo waayuhu baray in Akhrisku muhiim u yahay hab-fikirka dadka, sida Faylasuufyadii Giriiga, kuwii Islaamka iyo kuwo reer galbeedka u badan oo hadda jooga.
"Bogga 1aad-18aad"
"Bogga 1aad-18aad"
Cutubka 2aad:
Waxa uu abla-ablaynayaa jaadadka kala duwan ee Akhristeyaasha, isaga oo si cad u iftiiminaaya jaad walba waxa uu astaan iyo hab-dhaqan u leeyahay marka laga hadlayo Akhriska iyo Akhristenimada, Yoolka Cutubkan waa in uu booriyo jaadadka qaar, isaga oo sheegaya muhiimadda iyo waxyaalaha ay kaga duwan yihin kuwa kale, isaga oo isla markaan ka dardaar-werinaaya kuwo kale!
"Bogga 19aad-26aad".
"Bogga 19aad-26aad".
Cutubka 3aad:
Waxa uu ka hadlayaa sida loo noqdo Akhriste ku gaashaaman dhaqan-akhris suubban oo waxtar badan gaadhsiin kara Shakhsi ahaan iyo Bulsho ahaan labada ba, iyo sida oo kale sida loo raadiyo dhugashada Akhriska Cuddoon ee wax badan laga faaidi karo, kaas oo waxna ku kordhin kara Aqoonta iyo Cilmiga guud ama maadiga ah.
"Bogga 27aad-39aad".
"Bogga 27aad-39aad".
Cutubka 4aad:
Waxa uu gorfeynayaa xulashada Hannaanka Akhriska sida Sababta, Amminta, Goobta, Nooca, iyo Sida wax loo Akhristo, isaga oo keenaya Tabo u sahlaya akhristaha in uu jawaab waafi ah u helo weydiimaha, sida oo kale na ka caawinaya in uu Akhristuhu la yimaado Ficil in badan wax ka badala una horseeda in uu wax badan Akhriyo.
"Bogga 40aad-50aad".
"Bogga 40aad-50aad".
Cutubka 5aad:
Waa cutub aad muhiim u ah, waxaana uu dhigayaa Tabaha iyo Hababka Akhriska kala duwan ee Akhristuhu u baahan yahay xilliyada kala duwan ee uu Akhriska u hilloobo, taas oo in badan sahalaysa in uu wakhtigaa ku akhriyo wax badan oo Niyad ahaan iyo Maskax ahaanba uu u soo jeedo.
"Bogga 51aad-64aad".
"Bogga 51aad-64aad".
Cutubka 6aad:
Waxa uu taabanayaa sidii uu Akhristuhu u heensaysan lahaa Xawaare Akhris oo sarreeya, isaga oo soo tebinaaya celceliska Akhriska, Tabaha iyo Xeeladaha loo maro daadejinta Akhriska isaga oo ku ladhaaya tusaaleyaal la hal maala mawduuca.
"Bogga 64aad-75aad"
"Bogga 64aad-75aad"
Cutubka 7aad:
Waa kan gunaanadka u ah guud ahaan Qaybaha Buugga, kaas oo tilmaamaya sida loo helo Akhris midho-dhal ah, isaga oo soo xulaya tallaabooyinka ugu habboon ee uu Akhristuhu raacayo si uu u liishaamo ujeedada Akhriskiisa, dheefsi wacanna uga gaadho.
"Bogga 76aad-96aad".
"Bogga 76aad-96aad".
Marka laga tago cutubyadan oo halbawle u ah buugga, waxa sida oo kale weheliya lifaaqyo dhawr ah oo akhristaha ka caawin kara in Akhriskiisu uu samaado, waxa ayna ugu jiraan lifaaqyadaasi in ay Akhristaha ku kiciyaan "Carin" Fal-celin ah waxa uu ka bartay buuggan.
ARAGTIDA BUUGGA!
Illa hadda buugan waa midka keliya ee aan arkay kaas oo si guud oo aqoon iyo cilmi ku jiro uga hadlaya Akhriska iyo Tabaha ugu habboon ee loo kobcin karo, ka sheekaynaya oo koobsaday Sooyaalka Akhriska, Akhriska iyo Shareecada islaamka, Baahida iyo Ilbaxnimada Qarniyadan dambe, kaas oo iftiimin ka siinaya qof kasta oo akhrista, una fududeynaya ama jeclaysiinaya Akhriska Qoralada badan ee aqoonta iyo cilmiga u ehelka ah.
Waxa xusid mudan in buuggan uu si qurux badan oo faahfaahsan uu u sharraxayo jaadadka kala duwan ee Akhriska wanaagsan ee anfacaya qofka si uu ugu raaxaysto una fahmo hadba waxa uu u akhrinaayo, iyada oo ay barbar socoto Akhriska xun ee aan faaidada ku jirin balse keliya uun ah wakhti-lumiska, iyo sida looga hor-tegi karo.
Waxa uu buuggu si farshaxamaysan u qorayaa oo shakhsi ahaan aad ii soo jiidatay Hannaanka Akhriska, taas oo uu kaga jawaabayo tiraba 5 Su'aalood oo ay mudan tahay in uu Akhristuhu is weydiiyo inta aanu waxba akhrin ka hor, Iyada oo sida oo kale na ay ku lifaaqan tahay Noocyada Akhriska ee qoraalada kala duwan loo qoro, iyo sida ugu habboon ee loola jaan-qaadi karo.
Awoodda Dedejinta Akhriska, Midho-dhalka Akhriska iyo Habka loo xusho buugaagta iyo qoraalada kala duwan inta ba waxa aan ka dheehday buuggan oo aan u arko in uu si aqoon badan u xalinayo caqabadaha iyo dhibaatada ka hor taagan qofka in uu wax akhriyo iyo in uu si hufan oo faaiido badan ku jirto u Akhristo ba.
Mawduucyada is daba-taxan ee cutub kasta ku dhigan marka laga yimaado waxa xusid mudan oo Iyana aanan illaabi karin waa odhaahyada tixaha ah ee cutub kasta uu qoraaga buuggu ku xidhaayo kuwaas oo dhiirigelin iyo wax sheeg badan u ah dhanka Akhriska, iyo sida oo kale Hordhac yar oo kooban oo ka horreeya Cutub kasta inta aan la bilaabin.
Buugga waxa ku dhigan Lifaaqyo dhawr ah oo ku xardhan, sida Jaantusyo "Tables" kuwaas oo Akhristaha ka caawinaya sidii uu Akhris qurux badan ula imaan lahaa, hadday noqoto Jadwal sheegaya Akhriska Qur'aanka Kariimka ah, iyo Jadwal kale oo sheegaya Akhriska Buugaagta Aqoonta leh, taas oo ah Shax Akhriste kasta ka saacidaysa in uu la socdo inta buug ee uu akhriyey, tariikhda uu akhriyey, iyo luuqadda uu buugaasi ku qornaa.
GEBAGEBO!
Waan hubaa in qof kasta oo hore u akhriyey uu makhraati ka yahay farshaxanka qoraaga iyo macnaha buug-yarahan kuwaas oo munaasib ku ah kor-u-qaadista Waaqiciga Akhriska ee Dadka, Dalka iyo Deegaanka Soomaalida ba, sidaa si la mid ah ayaan u hubaa in qof kasta oo akhriya uu makhraati cad uga noqon doono Faaiidada iyo Tilmaamta qurxoon ee uu ka gudbinaayo dhanka Akhriska.
AKHRIS WACAN!
********************
Tusamada Buugga:
Magaca Buugga: Tabaha Akhriska
Qore: Axmed Cabdi Ismaaciil "Jeesto"
Soo baxay Sannadkii: 2016
Bogagga: 112 Bog
Soo Gudbinta: Amina Galaydh

No comments:
Post a Comment