BUUGGA!
Weligay noloshayda waa markii ugu horreysay ee aan cidlo dareemo, Wallee in aanan dib wax u jeclaan doonin. Gabdhaha tii doonaysa in ay I jeclaato, masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa ku yaala iga soo doona. Nabadeey, Ilaahay wax idin jecel ha idin siiyo!"
Sheeko-Faneedka Cali Wadaad!
Fikir aan dhammaad lahayn, su'aalo aan jawaab lahayn, dareen aan dawo lahayn, intaba waa ay koobsatay, markii ay ka sii dhaadhacaysay jidka Hanlon Road ee gurigeeda taga, gacanta bidix kabo dhaadheer oo ay xidhnayd ayaa ay ku sidataa, gacanta midig na taleefan aan shaqaynayn ayaa ugu jira, shandadeedii gacanta na miskii shaaha ay ku cabbaysay ayaa ay dushiisa taala!"
Sheeko-Faneedka Raaxo Koozaar!
"Warqadan ayaa noqon doonta middii ugu dembaysay ee mooska u noqota qulqul biyo ah oo muddo socday. Wixii aan rabay waan helay, wixii aad rabtaanna Raxmaanku ha idin soo dhaweeyo!"
Sheeko-Faneedka Xusuus-Qorkii Suhuur!
"Farxad darteed ayaa uu kor u booday isaga oo aan is ogayn, Debnihiisa ayaa kala jiidmay, Si kaleetana diiday, in ay Casho aadaan ayay hadda doorteen. Baabuur aad u weynoo kala jiidan dhexdiisa intii aanay fadhiisan ayuu Xuseen hadal tuuray, Xaliimo na qososhay!"
Sheeko-Faneedka Xaliimo iyo Xuseen!
"Waxa aan ogaaday in noloshayduba ay laba shay ka koobnaan doonto . Farxadda Hodan iyo Raaligelinta Eebahay!"
Sheeko-Faneedka Qaddar-Jab!
"Waa Najax oo garab taagan Najax. Gacmahana is haysta, dunidu na ay hortooda wadhan tahay!"
Sheeko-Faneedka Najax!
***************
HORDHAC!
Marka aad jaldigiisa daalacato ama uu sida u soo galo gacanta akhriste kasta, waxa aad arkaysa in uu leeyahay madab cad oo casuus wax duruur u eg ay ka dhex muuqato, waxa si farshaxan leh uga soo jeeda badhtanka jaldiga ubax cas oo dhinacyo qurux badan u fiday kaas oo ka turjumaya in guud ahaan sheeko-faneedyada ku xardhan buugga marna aanay ka maydhnayn JACAYL!
Buuggan waxa ku kaydsan lix sheeko oo kala madax bannaan.
1. Cali Wadaad
2. Raaxo Koozaar
3. Xusuus-Qorkii Suhuur
4. Xaliimo iyo Xuseen
5. Qaddar-Jab
6. Najax
Qaabkan ay isugu tiro "Number" xigaan ayaa ay mid walba marka ay dhammaato ta kale kugu gudbinaysaa illa aad ka gaadhayso dhammaadka buugga.
ARAGTIDA BUUGGA!
Sheeko-faneed kasta oo ka mid ah 6dan waxa ay wadataa mawduuceeda, waayaheeda, farriinteeda, iyo wax-sheegideeda taas oo ay dhammaantood u gudbinayaan qof kasta oo ka mid noqda akhristayaasha buuggan. Dabcan sida aan wada ognahay wax kasta oo qalin iyo buug loo qaado, qofkaas qoray macno gaar ah ayuu ka leeyahay sida si la mid ah waxa jirta ujeedo ama farriin uu u gudbinaayo bulshadaa uu la wadaagayo.
Qoraaga buuggan, shakhsi ahaan waa buuggiisii 3xaad ee dhankiisa ka yimaada taas oo aan anigu na ka mid noqday akhristayaasha buugtaas. Sida aaan hore ba uga bartay ama aan ka akhristay labadiisa buug ee "Indhadeeq Ku Aaway" iyo "Gaax" mar kale buuggiisan "Is Le'eg Isa Seeggan" waxa uu bulshada af-soomaaliga ku hadasha u dirayaa wacyi-gelin iyo baraarujin, wax-sheeg iyo iftiimin, dhiirigelin iyo dhugnaan dhanka dhalinyarada iyo bulshada kale ba khusaysa.
Sheeko-Faneedyada illa hadda buugtiisa ku xardhan iyo xitta 6da uu buuggani koobsaday marna kama madhna xaaladaha kala duwan ee bulshada ama aan idhaahdo xaaladaha kala duwan ee qofka soo waajaha inta naftu ay ku jirto, sida Jacaylka, Saxiibtinimada, Rafaadka, Is Waaga, Murugada, Ciilka, Canaanta, IWM.
Sidaan hore u soo sheegnay, buuggan waxa uu koobsanayaa 6 Sheeko-Faneed oo kala wacyi duwan, kala na jilayaal duwan "Different Actors", sida oo kale na kala madax banaan "Independent Stories" oo mid na aanay mid ku xidhnayn, mid walba iskeed bay waayaheeda iyo duruusteedaba u wadataa, akhriste kasta isaga/iyada ayaa kala bixi kara ujeedada iyo fariinta ay hadba midda uu akhriskeeda uu marayo ay gudbinayso ama aysheegayso.
Waan hubaa in qof kasta oo hore u akhriyey uu makhraati ka yahay farshaxanka qoraaga iyo macnaha buugga labada ba in ay munaasib ku yihin waaqiciga iyo waxyaalaha ay bulshada ama dadka soomaalidu kala kulmaan Dad, Dal iyo Deegaan intaba.
AKHRIS WACAN
***************
Tusmada Buugga!
Magaca Buuga: Is Le'eg Isa Seeggan
Qore: Ismaaciil Cabdillaahi Ubax "Ismaaciil C Ubax"
Bogagga: 286 Bog
Sannadka: 2015
Soo Gudbinta: Amina Galaydh
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married
Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...
-
Buugga: Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl! “(Ignorance is the Enemy of Love)” English Version Qore: Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) “AHN” Boga...
-
Buugga Fagaara-Ka-Hadalka! "Talooyin iyo Tallaabooyin Ku Dhisi Doona" "2 months from now, you'll thank to YOURSELF...
-
HORDHAC "Waxa aynu rabno iyo waxa aynu u baahan nahay ma ay is tagaan? Inta badan maya. Buuggan waxa aynu ka dheehan doona labadaas...
Asc wllo book gan mad ku hysa ebook??
ReplyDelete