"Diiwaanka Maansooyinka"
Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye"
Diiwaankani waxa uu ka kooban yahay 48 tixood oo u kala qaybsan afar cutub, waa tixihii uu Abwaanku curiyey in ka badan dhawr iyo soddon sanno. Diiwaankani waxa uu xambaarsan yahay maansooyin tiro badan oo aragti fog, gudo fidsan, xeel-dheeri iyo farshaxan qurux badan ka dhalatay, waa maansooyin colaada iyo nabadda ba wax ka yidhi, sida oo kale na waa maansooyin dhanka nacaybka iyo jacaylka ba ka hadlay.
Diiwaankan waxa loo bixiyey "HAGARLAAWE" waxaana loogu wanqalay tixda Hagarlaawe ee diiwaanka ku jirta, sida buugga ku qoran magacani dhawr macne ayaa uu yeelan karaa, taas oo noqonaysa dulucda, nuxurka iyo farriinta ay maansada Hagarlaawe gudbinayso oo ah in laga hagar la'aado qabyaaladda, eexda, aflagaadada, dhaleecaynta iyo wixii la mid ah.
Hadaba si aanu akhristuhu ula kulmin tixo seenyoon oo mushuc ah oo aanu hadba meel afka u saarin, waxa muhiim ah in aad ogaato in tix kasta oo buuggan ku xardhan aad ugu tegayso sababta iyo ujeedada loo allifay, sida oo kale waxa tix kasta oo diiwaankan ku jirta loo sameeyey arar ama hordhac kooban oo tilmaamaya ula jeedada ka dambaysa in tixdan la curiyo iyo tariikhda ay soo baxdayba.
Runtii Diiwaankan Hagarlaawe waxa lagu soo ururiyey maansooyinkii ugu badnaa ee uu Abwaan Gaariye allifay, In kasta oo aan la odhan karin waa ay ku wada dhan yihin, haddana xilliga hadda la joogo waxa lagu keydiyey waa intii ugu badnayd ee la heli karaayey.
Tixaha diiwaankan Hagarlaawe ku Jira looma kala horreysiin sida ay u kala tariikh horreeyeen hase-yeeshee waxa la isu raaciyey loona habeeyey sida ay isugu ujeedo dhaw yihin, waana sababta diiwaanka aad ugu tegayso markaad akhrinayso afar cutub oo kala duwan.
Cutubka 1aad
GUBAABO: Cutubkan waxa uu ka kooban yahay shan iyo toban (15) tixood oo ah maansooyinkii uu Abwaanku inta badan ku gubaabinaayo dadka si aanay marna u aqbalin caddaalad-darrada iyo sad-buursiga at kala kulmaan xukuumadda hadba gadhwadeenka ka ah dalka balse ay ka dhiidhiyaan. Inta lagu guda jiro qaybtan waxa aad uGu tegaysaa tixdii uu abwaanku ku furay silsiladdii DEELLEY.
Cutubka 2aad
GULUF: Waa cutub ka kooban sided (8) tixood oo ka hadlaya kana faaloonaya halgankii hubaysnaa, waxa maansooyinka qaybtan ku jira uu abwaanku ku curiyey goobihii dagaalada ee jabhadda, runtii waana tixaha ugu kulul dhanka erey ahaan marka la eego maansooyinka diiwankan, waxa ka mid ah tixda dheer ee wada tariikhda ah ee laga magac baxday Saxansaxo, iyo maansada Waayo-Arag.
Cutubka 3aad
GOOGOOS: Waxa uu ka kooban yahay labaadan (20) tixood oo ka hadlaya arrimo kala duwan wakhtiyo kala geddisanna soo baxay, tixaha qaybtan waxa ka mid ah suugaantii uu abwaanku ku lahaa Silsiladdii Siinleyda, waxa kale oo iyana ku jira tixihii jacaylka iyo cishqiga, iyo kuwii ku jiray riwaayadii aan ifka arag ee EED HOOYO LAGA GALAY,.
Cutubka 4aad
GOLOOBAL: Cutubkani waa midka ugu dambeeya, waxaana ugu tegaysaa maansooyinka caalamiga ah ee ka hadlaya dhacdooyinka dunida ka jira, waa maansooyinka uu abwaanku kaga hadlayo adduun weynaha.
Wakhtigan aynu joogni ee casriga ah, oo tiknoolajiyadda warfaafintu ay aad u horumartay suuragal maaha in qofku uu danayn waayo waxyaalaha ku xeeran adduun-weynaha ku xeeran ee isaga/iyada saameeya.
Dalkeennu maaha jasiirad ka go'an hirdanka adduunka, gabayaaguna waa lama huraan in uu wax ka yidhaahdo dhacdooyinka adduunka sida ay isaga la yihin.
Maxaa laga yidhi Buugga:
"Maxamed X. Dhamac Gaariye, waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii kaalinta lama illaawaanka ah kaga soo qayb-qaatay hirgelinta, korinta, kobcinta, tayaynta iyo qabyo-tirka af-soomaaliga" Saleebaan Cumar-Ku-Joog, London.
"Sida hore ba loo xusay, suugaanta soomaaliyeed waxay keydisaa sooyaalka tariikhda soomaaliyeed, in kasta oo uu soo raagay, misena diwaanka maansooyinka Abwaan Maxamed X. Dhamac Gaariye, wuxuu si weyn oo cilmiyeysan ugu qayb-qaadanayaa keydinka tariikhda qawmiyadda soomaalida wixi la soo dersay qarnigii hore ee tegay iyo kan hataan aynu ku jirno intaba" Cabdisalaam Ciise Salwe, Thamed Valley University, London.
"Gaariye, waa hal-abuur maskaxdiisa maala oo ay suugaantiisu mataaneysay Murti iyo Maad ba. Waa mucallim waayo-arag ah, bulshay ah waana geesi aan garta la gabban" Yuusuf Garaad Cumar.
"Waxaa se xanuun leh, cod buu ahaa u hiil ah xorriyadda iyo dadnimada caroogta ay leeyihin iyo dadweynaha saboolka ahi; waxa uu ahaa fanaan iyo farshaxan qurxinta ereyga suugaaneed aad u yaqaana, kaas oo wahab iyo culays, wax kasta ku saaranba kaa dul-qaada oo kaa farxiya. Codkaas ayaa damay oo ay geeridiisi amusiisay, waana tan dhiilada geerida Gaariya" Rashiid Sheekh Cabdillaahi ((Gadhweyne)).
"In kasta oo uu hal-abuur iyo aftahan ba ahaa waxaad moodaa in aanu ku kaftoomi jirin in uu hadalka oo keliya iska cabbiro. Hadalka Inta badan waxa uu ku ladhi jiray dhaqdhaqaaq-jidheed, is jejebin iyo jalleecooyin la yaab leh, jidh-ku-hadalku (Body language) ayaa uu si wanaagsan u yaqaanay" Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Bobe Ducaale)
"Abwaanku waa maal-qabeen, waa mulkiile mawle SWT siiyey indheer-garadnimo,af-tahannimo, farshaxannimo uu ku reebo murti cuddoon cilmiyeysan oo xanaf iyo xagal ba laga tiriyey, Haddaba Abwaan Gaariye AHN waxa uu ahaa dan guud jire ku siffooobay astamahaas kor ku xusan" Siciid Muxamed Axmed....
Tusmada Buugga
Magaca Buugga: HAGARLAAWE
Qore: Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye
Bogagga: 240 Bog
Daabacadii 1aad: 2003
Daabacadii 2aad: 2013
Dib u daabicistii: Sagal Jet
Soo Saaridii iyo Dib u Habayntii: Bobe Duale
Soo Gudbintii: Amina Galaydh
FG: Allah ha u naxariisto, hana u nuuriyo qabriga, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye", jannada na rabbi ha ku casuumo. FAATAXA!!!!
Mahadsanid!!!
No comments:
Post a Comment