Runtii, waxaan jeclaa in buuggan inta la raadiyo nuquladiisa oo SOFT ah in la daabaco oo shirkadaha Soomaalilaan loo geeyo, ka dibna loo qaybiyo Madaxda iyo Ragga maaanta hoggaanka wadanka u haya, sidaa si la mid ah waxa habboon in uu akhriyo qof kasta oo dan ka leh mustaqbalka Soomaalilaan.
Magaciisu waa "WHY NATIONS FAIL?", waxa uu is barbar-dhig ku samaynaya Dawladaha horumaray "Qaniga ah" "Developed Countries" iyo Dawladaha aan horumarkoodu kow ba taagnayn ee "Faqiirka ah" "Under Development Countries", isaga oo tusaaalayaal badan ku soo qaadanaya buugga dhexdiisa sida Dalka South Korea oo ka mid ah dawladaha horumaray "Developed Country" iyo North Korea oo ka mid ah dawladaha faqiirka ah "Under Development Country".
Waxa kale oo uu soo qaadanayaa dawladaha United States of America, Great Britain, Germany isaga oo dhinaca kale na barbar wada Dawladaha ku yaala Sub Saharan Africa, Central Amerika, iyo South Asia buuggani waxa uu weydiin badan iska weydiinaya sababta ka damabysa in USA ay noqoto mid ka mid ah dalalka horumary, halka Egypt na ay ka mid tahay dalalka line ka faqriga hoos maray "Under Poverty Line".
Waxa kale oo aan buugga ka maydhanayn is weydiin kale oo u dhigan: USA ama Great Britain ma sidan ayay weligood u ahaayeen dalal horumaray oo aan Faqrigaba arkin intii adduunka la sameeyey, Mise iyaga laftoodu mar ka mid ah wakhtiga ayay ka mid ahaayeen wadamada Faqrigu uu wehel u yahay!.
Waxa kale oo buuggan laga dheehanayaa isla weydiin kale oo ah sababta ka damabaysa Musuqmaasuqa, Caddaalad-darrada, Sad-buursiga, iyo Saami qaybsi la'aanta sannado badana dul hoganaaya wadamada aan horumarin "Under Development Countries", Iyo sababta ka dambaysa in Hoggaamiyaha dalalkan qabsada uu hanti badan lunsado, qoyskiisa ama ehelkiisa na ku koobo guud ahaan xillalka ku xeeran hoggaamintiisa.
Waxaan meesha ka maqnayn in buugu sal-dhig ka dhiganayo labadii wadan ee kacaaanka carabtu kaba bilaabmay waa "EGYPT iyo TUNISA", isaga oo barbar-dhigaya sidii ay isla arrintani uga dhacday 1688 England, France, USA, Botswana, Japan iyo Brazil, sababna uga dhigaya qofka inta uu faqiirnimo dhanka qalbiga ah ku soo koray ku talo goostay in uu siyaasadda ku biiro kadib na uu si degdeg ah ku noqdo Taajir laga barto guud ahaan dunida, gaar ahaan wadanka uu markaa u dhashay.
Dal kasta oo adduunka ku yaal, in uu faqiir sii ahaado, iyada oo ay barbar ordayaan guud ahaan wax kasta oo xumaan iyo dambi ka ah dunida, sida Musuqmaasuqa, Xatooyada Hantida Ummada, Kufsiga, Dhaca, Iyo Dilka ba, keentana in uu dalkaasi noqdo Mid ka dhacay dunida inteeda kale, sababta ugu weyn ee ka dambaysa waa Hoggaamiyaha iyo Dookha Shacabka oo aad u liita.
FG: Haddii aad akhriday wanaagsan, Haddii aadan akhrinna Fadlan Isku day in aad akhrido buuggan, runtii waxa uu wax badan kaaga iftiiminayaa sababaha ugu waaweyn ee keenay in iyada oo la marayo qarinigii 21aad hadana AFRICA illa hadda sii ahaato qaarad aan ka qayb qaadan Horumarka Adduunka, iyada oo isla markaana qani ku ah guud ahaan Khayraadka Adduunka yaal!
Tusmada Buugga:
Magaca Buugga: WHY NATIONS FAIL?
Qore "Authors": Daron Acemoglu iyo Jamis Robinson
Soo baxay Sannadkii: 2015
Soo Gubintii: Amina Galaydh

No comments:
Post a Comment