Tariikh Nololeedkii Cumar Ibn Al-Khaddaab.
"Tariikhdu waa inoo musbaax maanka caawina'e
Adoo male gudayaad yaqiin marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa in aad taqaan melba waxa yaalle" Xaaji Aadan Af-Qallooc AHN.
Nebiga Csw Waxa laga soo weriyey in uu yidhi "Haddii uu gadaashay Nebi Jiri lahaa waxa uu ahaan lahaa CUMAR"
Mawduucyada buugga laga dheeganayo kuwaas oo faahfaahsan mise na lagu ladhay tixraac cad iyo tariikh aan madmadaw ku jirin kaas oo uu koobsaday inta bog ee uu buuggu yahay ba waxa ka mid ah:
Hordhac
Dajnaan
Iqra
La Ilaaha Illa'Allah
Nebi, Siddiiq, Iyo Shahiid
Bacdal Fatxi
Cumarayn
Dib Dheh
Txraac
Nabiga CSW ka dib, tariikhda islaamka ma soo marin qof ka saamayn badnaa Cumar Ibnu Khaddaab Rc, waana ay adag tahay in la helo cid u dhiganta, shakhsi ahaan iyo waxqabad ahaanba,. Cumar waxa uu ahaa cabqari weyn oo islaamka bilay.
Tariikhdu waa kayd dhaxaleed oo ay ummad kasta oo adduunka ku nooli ay leedahay. waa murayadda keli ah ee laga daawan karo tagtada iyo waxa cashar ku jira, sida oo kale na lagu fahmo tagtada iyo sida loo waajaho, iyada oo lagu hillaadinayo timaadaada.
Suurado iyo Aaayado badan oo Qur'aanka ka mid ah waxa ay ku saabsan yihin sooyaalkii dadkii innaga horreeyey iyo qisooyin ay tahay in aynu ku cibro qaadanno.
Run ahaantii Buuggani waxa uu wax weyn akhristaha ka barayaa tariikhdii mid ka mid ah halyeeyadii wakhtigii Rasuulka noolaa, waa Khaliifkii Labaad ee muslimiinta , Waa mid ka mid ah tobankii Asaxaabi ee iyaga oo nool loogu bushaareeyey in ay Jannada galayaan, Waa hoggaamiyihii cadaaladda Rasuulka ka dib, Waana aasaasihii shuuruuc badan oo maanta dunida islaamka lagaga dhaqmo "CUMAR AL-FAARUUQ"
Buuggani waxa uu guud marayaa tariikh nololeedkii Cumar Ibnul Khaddaab Rc, qaybtiisa kowaad na waxa ay diiradda saaraysa sannadihii hore ee noloshiisa; heerka uu bulshada kaga jiray iyo saamaynti uu ku lahaa, habkii uu kaga fal-celiyey diinta markii ay soo degtay, islaamnimadiisi iyo is bedelkii ay dhalisay, kaalintii uu ka qaatay xoojinta iyo faafinta diinta, iyo booskii uu kaga jiray bulshadii cusbayd ee muslimiinta.
Waxa uu sida oo kale buuggani tilmaamayaa qayb ka mid ah shakhsiyaadkii Cumar Rc iyo habdhaqankiisi, waxa kale oo aan meesha ka madhanayn in uu si faahfaahsan inoogu sheegayo habkii uu Nebiga CSW u qaabeeyey shakhsiyadii Cumar Rc.
Waxa aynu buugga ku arkaynaa xidhiidhkii Cumar iyo Qur'aanka ka dhexeeyey, iyada oo uu Cumar marar badan uu qayb ka ahaa sababihii ay ku soo degeen qaybo aan yarayn oo Qur'aanka ka mid ah, Illa uu Nebigu CSW sheegay in Alle SWT uu xaqqa dhigay Qalbiga iyo Carrabka Cumar Rc.
Buuggani waxa uu ku bilaabmayaa Cumar Rc oo ka faaloonaya saboolnimadii iyo silicii uu ku soo koray, isaga oo ahaa wiil yar oo saxaraha Makkah ee kulaylka badan mar aabihii geela u raaca, marna habaryarihii adhiga u raaca, ka dib na fiidkii marka uu soo hoydo in yar oo sabiib ah gacanta loogu shubo, ka dib na buuggu waxa uu barbardhigaya isla Cumar Rc, oo gacanta loo geliyey dawlad ka talisa guud ahaan jasiiradda carabta oo dhan, oo ciidankeediina uu albaabada ku garaacay labadii quwadood ee xilliggaa adduunka ugu awoodda badnaa {RUUM IYO FAARIS}.
Toban Sanno iyo Lix Bilood oo uu xilka ummada muslimiinta hayay wax weyn ayaa uu adduunka ka bedelay, illa iyo maanta na sooyaalkii uu ka tegay waxa ay saamayn weyn ku yeelatay nolol maalmeedkeenna, Waana mawduuca uu ku saabsanaan doono buugga labaad ee kan ku xiga, haddii ilaahay yidhaahdo.
________________________________________________________________________________
Tusmada Buugga:
Magaca Buugga: Al-Faaruuq
Qore: Muxammad Yuusuf
Soo Baxay Sannadka: 2017
Bogagga: 207 Bog
Soo Gudbintii: Amina Galaydh
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married
Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...
-
Buugga: Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl! “(Ignorance is the Enemy of Love)” English Version Qore: Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) “AHN” Boga...
-
Buugga Fagaara-Ka-Hadalka! "Talooyin iyo Tallaabooyin Ku Dhisi Doona" "2 months from now, you'll thank to YOURSELF...
-
HORDHAC "Waxa aynu rabno iyo waxa aynu u baahan nahay ma ay is tagaan? Inta badan maya. Buuggan waxa aynu ka dheehan doona labadaas...
No comments:
Post a Comment