Maanta iyo Mustaqbalka!!!
"Dhalinayaradu waa hirka nolosha, hiilka ummada iyo hoogga cadawga"
Buuggani waxa uu ka hadlayaa sidii loo heli lahaa qof, qoys, illaa qaran xor u ah go'aannada noloshooda, waxa uu ka kooban yahay saddex cutub oo ay soo hoos-galayaan mawduucyo dhawr ah oo ka sii farcamay cutub walba, waxaana ay kala yihin sidan hoos ku xusan:
Cutubka 1aad
Waxa uu ku sheegi doona xornimada aynu rabno nooca ay tahay, qofka xorta ah waxa uu qabto ama lagu garto, waxa kale oo uu dhalinta ku boorinayaa in ay bartaan macnaha loo abuuray, su'aalaha muhiimka ah ee uu cutubkani ku weydiinaayo ayaay ka mid yihiin dood uu ku furaaayo aqoontu ma xoraysaa maanka bani-adamka? iyo sida oo kale saameynta taban ee uu ku yeeshay isku furanka fikirka qofka soomaaliyeed markii uu qaabilay.
Cutubkani waxa kale oo uu diiradda saaraya dhibaatooyinka ku gedaaman wiilka iyo gabadha soomaaliyeed ee maanta nool, dhibaatooyinkaas oo ay ugu horreeyaan balwadda qaadka, wakhti lumiska, tahriibka, falsafadaha iyo fikradaha qalaad ee uu dhallan geddiyey qaab fikirkii ummadeenu.
Ugu dambayn cutubku waxa uu ku soo gebagebaynayaa soo bandhigidda akhlaaqda iyo guusha qofka wanaagsan midda ay tahay, sida oo kale waxa uu raacinayaa qofkaa aynu rabnaa sifaha uu yeelan karo iyada oo shan siffo Uu ka dhigan doono kuwa ugu muhiimsan; qof haybad leh, qof han leh, qof hal-abuur leh, qof hoggaamin leh, iyo qof hurid leh.
Cutubka 2aad
Waxa uu xoogga saarayaa qaab fikirka qoyska soomaaliyeed maanta iyo shalay, isaga oo dersaya hawl-qaybsigii qoyska soomalida ee maanta dheeliyey. Waxa kale oo uu ka hadlayaa in doorashada lammaanaha ay tahay doorashada mustaqbalka, taas oo ka marag kacaysa in qof kasta u baahan yahay in uu qoyskiisa ku yagleelo run. Sida oo kale waxa uu diiradda saaraya in barbaarinta ubadka wanaagasan ay tahay badbaada ummada maanta iyo ta mustaqbalka ba.
Qaabka aynu u barbaarinno ubadkeenna ayaa soo saaraysaa bulshada la rabo in aynu noqonno. Cutubkani waxa uu ku doodayaa in dhasha badani ay horseed u tahay koboca dhaqaale iyo barwaaqada ay ummaduhu gaadhaan, sidaa darteed waxa uu dhiirigelinaya guurka badan iyo dhasha qoyska soomaaliyeed oo kor loo qaado celcelis ahaanna la gaadhsiiyo sagaal ruux, halka ay maanta ka tahay lix ruux.
Ugu dambayn waxa uu toosha ku ifinayaa caadooyin wanaagsan oo la ceebeeyey taas oo ay ku dhasheen in la waayo cid maanta quudisa masaakiinta iy walaalaha diinta ay ina midayso kuwaas oo baahan, waxaana uu ku soo af-meerayaa qoyska aynu rabno nooca uu noqon doono, taas oo ay ugu horreyso qoys tusaale leh, qoys tayo leh, qoys tacliin leh iyo qoys tacab leh.
Cutubka 3aad
Waxa ka mid ah qodobadda ugu waaweyn oo ah; in ka qayb-galka dhalinyarada talada dalka ay tahay furaha horumarka, sida oo kale waxa uu is weydiinayaa qaranka aynu rabnaa nooca uu noqon doono, iyada oo aynu raadinayno qaran qiyam leh, qaran qorshe leh, iyo qoran quwad leh.
Buuggani saddexdaas cutub ayaa uu guud ahaan u qaybsamaa, waxa aanu ku han weyn yahay in uu wax ku biirin doono dedaallada dib lagu yagleelayo ummad xor u ah masiirka mustaqbalkooda iyo maaraynta maalintooda joogtada ah ta maqan ba.
Muunaynta Garashada, waa maaansada uu qoraagu buugu ku soo xidhaayo guud ahaan buugga oo mawduucyo badan ka dib halkaa ku dhammaanaya, waxaana ay u dhigan tahay sidan:
Lama raaco magaciyo
Muuqaalka sawirkee
Mabda'aa ujeedo leh
Dulucdaa macnaysoo
Kala reebta miidiyo
Manfaciyo hadhaadiga
Ha dhegaysan maqalkiyo
Cod-gudeedka muhashada
Mashaqada qabiilkiyo
Ku faraaya miidhada
Mawlihii ku uumaa
Xikmad kugu manaystoo
Suureeyey muuqiyo
Kitaabkii mudnaa baa
Qawlkii macbuudkiyo
Maskax lagu xoreeyee
Qof baad tahay masuuliyo
Macno loo abuuree
Milgahaaga qaadoo
Maaree dhibaatada
Cadaw kuu maleegiyo
Mahadhada adduunyada
Noloshaba masaaliyo
Muunaynta garashada
Waxa lagu maleeyaa
Kartidii maqnayd baa
Afkaaraha midantiyo
Weelaysa muruqeee
Mataanaynta aragiyo
Midabaynta waayaha
Maanka ka gaaxdoo
Muhashada jiheeyee
Duniiiyo maalmulkeeduna
Midigtaada weeyaan.
Maalintaad asqawdiyo
Qalbi murugo qaadee
Miirkiyo damiirkii
Qarxaan muraadi'i
Maheenaabka bacadkaa
Noqoshada malaysee
Mucjisada ayaantaa
Midnimo xisaabtiyo
Lahashada masiirkaba
Ashyaadaad maxbuuskiyo
Manfaca aad bidaysaa
Marag kugu furtaayoo.
Mahiigaanka roobkiyo
Maansheeyey guunyada
Misna laguma doogsado
Ma waraabsho gabanada
Haddii milic dhacaysiyo
Ma dareemo barafyada
Manhajkoodu waa dabar
Maadi lagu saleeyoo
Ruuxii madhnaan kara
Magantaadu waa abid ---------"Continue"
_________________________________________________________________________________
Tusmada Buugga
Magaca Buugga: Dhalinyarooy! Ha Xoroobo Maanku
Qore: Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac
Soo Baxay Sannadkii: 2016
Bogagga: 140 Bog
S/Gudbintii : Amina Galaydh
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married
Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...
-
Buugga: Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl! “(Ignorance is the Enemy of Love)” English Version Qore: Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) “AHN” Boga...
-
Buugga Fagaara-Ka-Hadalka! "Talooyin iyo Tallaabooyin Ku Dhisi Doona" "2 months from now, you'll thank to YOURSELF...
-
HORDHAC "Waxa aynu rabno iyo waxa aynu u baahan nahay ma ay is tagaan? Inta badan maya. Buuggan waxa aynu ka dheehan doona labadaas...
kaliya marka laga yimaado magaca qoraaga oo seddexan faah-faahin dheeriya maka haysaa.
ReplyDelete