Saturday, September 23, 2017

Gorfeynta Buugga Hoggaami Naftaada

FAALO KOOBAN!!!

“Qof kasta waxa uu habeen iyo maalin u fikiraa sidii uu adduunka u hoggaamin lahaa, lakin qofna kama fikiro sidii uu naftiisa u hoggaamin lahaa”

Jaldigiisu waa caddaan iyo madaw, muuqaal ahaan, dhinacyada iyo xagga sare ba waa ka madaw halka uu caddaanku kaga jiro dhexda/badhtanka. Waxa ku xardhan magaca “HOGGAAMI NAFTAADA” waxaana sawir ahaan ka muuqda nin tilmaam u ah dadka nolosha ku guulaystay, waxa uu xidhan yahay suudh madaw, gacmaha na inta uu laabtay ayaa uu dhabarka ku haya, waa qof aad moodo in uu meel dheer taagan yahay kaas oo dib u milicsi ku jira.

Buug gan! Wax badan oo ku duugan waa kuwo si toos ah uga hadlaya tabaha iyo xeeladaha loo maro sida uu qofku u hoggaamin karo naftiisa. Qofka oo hoggaamiye toosan u noqda naftiisa waa midda keenaysa in ay u sahasho Hoggaaminta Bulsho ama dad kale, waayo bani-adamku waa isku wada mid, iyaga oo kala mid ah.

Hoggaami Naftaada, Hilinada Hoggaaminta Nafta, Horumarinta Hanka, Fahanka Nolosha, Wax Akhriska, Wakhtiga, Kalsoonida, Is Baddelka, Qorshaha, Awoodda Qofka, Hab Fikirka, Guul-darrada, Guusha iyo Nolosha, Shaqada, Xikmadda, Aabo Waayo Arag ah ((Dardaaran)), Dhammaan intan ba waa mawduuyada kala duwan ee uu buuggani bog bog uga hadli doono.

Dabcan waa buug aad u kooban, balse macnaha iyo ujeedada uu gudbinaayo ayaa ah mid aad uga ballaadhan tirada bogagga ee uu buuggani ka kooban yahay, waana buug in badan koobsaday waano, wax-sheegsan, talo, tusaaale, toosin, tilmaam, maahmaahyo, hadallo dhiirigelin ah, iyo wax kasta oo qofka saamayn togan ku yeelan kara inta uu la halgamaayo nolosha.

HOGGAAMI NAFTAADA
Maqaalkan waa mid aad u kooban, balse waxa uu qoraagu kugu dhiirigelinayaa oo uu kugu adkaynaya isaga oo dhinacyo badan kaa tusinaaya sida ay muhiim u tahay in aad noqoto Madaxweynaha Naftiisa/Nafteeda, iyo sida ay guulo badan ugu soo hoyn karto qofka.

HILLINADA HOGAAMINTA NAFTA IYO FAHAMKA
Waa tabaha iyo qodobada ku sahlaya in aad hoggaamiso naftaada, waxa uu qoraagu ku soo bandhigayaa dhawr su’aalood oo ay muhiim tahay in qofku uu is weydiiyo inta aan loo gudbin qodobada. Noloshu waa weydiin iyo jawaab, mar kasta oo weydiimaha nafeed bataan na waa mar kasta oo baadhista qofku siyaado.

Intaa ka dib waxa uu qoraagu u gudbayaa in uu soo bandhigo siddeed qodob oo fure u noqonaya fahamka ku aadan nolosha, isaga oo ku ladhaya ogaanshaha sirta ka dambaysa sababaha uu ilaahay u abuuray bani-adamka adduunkana ugu soo biiriyey.

“U Isticmaal Codkaaga Naxariis, Dhegahaaga Wax Khayr leh, Gacmahaaga Sadaqo, Maskaxdaada Runta, Qalbigaaga Jacayl, Jidhkaaaga oo dhanna Cibaado iyo Alle-Ka-Cabsi” waa odhaah ka mid ah odhaahyada ku lifaaqan sida oo kale mawduuca.

WAX AKHRISKA
Waa mid ka mid ah waxyaalaha qof ka gaadhiiya horumar badan oo la taaban karo, waxa uu furaa waddooyin badan, waxaana uu daaha ka qaada wax badan oo qarsoon, sida oo kale waxa uu qofka u horseeda cilmi korodhsi uu ku tanaado.
Is weydiinta “WAA MAXAY WAX-AKHRIS” waxa ay suuragelinaysaa ku dhiirashada iyo u hillawga in uu qofku wax badan akhriyo. Dabcan qoraagu waxa uu in badan isku taxalujinayaa in uu woxooga iiftiimiyo faaiidada iyo waxtarka ka dambeeya wax la akhriska.

Waxa xusid mudan in rasuulka CSW waxyigii ugu horreeyey ee lagu soo dejiyo uu ahaa “AKHRI” sida oo kale na shaygii ugu horreeyey ee Rabbi Abuuray na uu ahaa “QALINKA” halkaa waxa aan ka fahmaynaa dhammaanteen faaiidada balaadhan ee ku jirta wax akhriska ((QALINKA IYO BUUGGA)).

Qoraagu, inta uu mawduucan ku guda jiro waxa uu soo bandhigayaa, afar su’aalood oo ay muhiim tahay in qofku is weydiiyo mar kasta oo maanka ay kaga soo dhacdo Wax akhrisku, “MAXAAN AKHRIYAA? SIDEEN U AKHRIYAA?, XAGGEEN KU AKHRIYAA? Iyo GOORMAAN AKHRIYA?”. Dhamaan weydiimahan oo lala yimaado intaan la billaabin wax akhriska waa qaar in badan innaga caawinaya in aan la nimaadno akhris wanaagsan.

WAKHTIGA
Yaraanteeni markaan dugsiyada hoose dhigan jiray, gidaar kasta oo dugsiyadeena ka mid ah waxa aan ku arki jiray kelmad carabi ah oo u macne ahaan u dhiganayd “Wakhtigu Waa SEEF, Haddii aanad Jarin Isaga Ayaa ku Jaraya”, sida oo kale casharro badanna waan ku soo qaadanay.

Mawduucan qoraagu waxa uu ku lafa guraya sida oo kale na isku dayaya in uu akhristayaasha dareensiiyo qiimaha uu leeyahay wakhtiga, isaga oo dhinac kale na innaga tusinaaya, 24 saacadood wax ka badan in aanu haysan qof kasta, meesha uu doono adduunka ha ka joogo’e, balse ay ku xidhan tahay hadba sida loo maamulo.

Nolosha oo dhami waa saddex maalmood, haddii aan saddexdaa maalmood qiimahooda garanno haba yaraatee, hubaal waxa aan ku dhiirranaynaa in aan kordhinno, “SHALAY, MAANTA IYO BERI”, intaba qoraagu waxa uu si cad oo faham badan akhristayaasha ugu sheegaya muhiimadda ay nolosha u leeyihin.

KALSOONIDA
Mawduucan waa mid ka mid ah kuwa qofka ku beeraya in uu dareemo illa heerka ay muhiimka u tahay ku kalsoonaanta nafta, iyo sida qofku marka uu bila kalsooni yahay uu wax badan u dayaco, sida oo kale na kalsoonida nafta lama dhaxlo ee waa wax la barto.

Waxa iyana aan mawduucan ka madhnayn hababka loo kobciyo ama loo kaabo nafta, taas oo qofka kor u qaadi karta kalsoonidiisa/kalsoonideeda nafteed.

IS BADDELKA
“Marka aan akhriyey amma daba gal ku sameeyey tariikh nololeedkii dadkii qiimmaha lahaa ee guusha gaadhay waxaan ogaaday guusha ugu horreysay ee ay gaadheen in ay ahayd IS BADDELKA…..”

Runtii waa odhaahda ka hoosaysa mawduucan, waana odhaah in badan I soo jiidatay, taas oo wax badan ka tidhi illa heerka ay muhiim u tahay qofka in uu is baddel sameeyo.
In laga duwanaado dadka kale sida oo kale qofku isku dayo samaysashada suntaansho u gaar ah isaga/iyada waa mid ka mid ah waxyaalaha guusha shakhsiyadeed sababi kara. Samaysashada hadaf cad iyo baadi doonidda isbadallaka dhabta ah labada ba waa waxyaalaha uu qoraagu diiradda saaray si qofku uu u awoodo in uu hoggaamiyo naftiisa/nafteeda.

QORSHAHA
Qorshaa lagu meel maraa, Naftana lagu hormarshaa, Adduunkana lagu wadaa..............waa in ka mid ah ereyada inta badan lagu dhiirigeliyo bulshada si ay wax badan u ogaadaan, qoraagu na waa uu soo qaadanayaa ereyadaas oo dhammaystiran. Qof kasta oo muslim ah noloshiisu/nolosheedu waa ay qorshaysan tahay, fikirka iyo meel-marinta qorshayaashu na, waa qaar ka mid ah waxyaalaha caddeeya garashada ujeedada uu qofku u joogo adduunka.

Qoraaga buuggan waxauu mawduucan uu qayb ahaan siiyey DAJINTA HADAFKA NOLOSHA, oo uu kaw uga dhigay QORSHAHA, waxaana uu taxay tiraba 17 qodob oo suurtagelin kara, ama qofka ka caawin kara, in uu dejisto ama qorsheysto hadaf uu ka duulo Inta uu nool yahay/nooshahay.

HAB FIKIRKA
“Mar Kasta oo hab fikirkaagu kobco waxa ay baahi dheeraad ah kuu qabataa in aad isbaddel togan samayso” waa odhaah ka mid kuwa taabashada ku samaynaya qalbiga akhristaha. Qoraagu waxa uu mawduucan kugu sheegayo sida ay muhiim u tahay in qofku fikiro, si uu wax badan u hal abuuro, iyo sida uu fikirka iyo ka shaqayn-siinta maskaxda uga qayb qaataan dajinta qorshayaasha, iyo dhisidda hadafyada lagu gaadhi karo dariiqa/wadada guusha.

Waxa xusid mudan in mawduucan ay hoos imanayso DUCADA iyo faaiidada ay u leedahay qofka, gaashaanka iyo gargaar na ay u noqoto, iyo sida oo kale wakhtiyada ku habboon in lagu ducaysto waxyaalaha inta badan dadku ku fikiraan in ay helaan. Waxaan ka maqnayn shuuradaha qofka ducaysanaaya looga baahan yahay.

GUUL-DARRADA
“In aad GUUL-DARRAYSATO waxa ay sabab u noqon kartaa in aad GUULAYSATO”
Qoraagu waxa uu maqaalkan ku soo qaadanaya dhawr waxyaalood oo qofka ka ilaalin kara in ay guul-darro ku timaado, isaga oo aan meesha ka sarrayn imaanshaha in ay timaado, kuna tusinaya in, is dhiibidda fudud, niyad jabka iyo ku dheganaan la’aanta, into ba yihin kuwa sii xoojiya guul-darrada.

GUUSHA IYO NOLOSHA
GUUL Iyo NOLOL, waa laba inta badan isku xidhan, weliba si dadban ayay qofka ula fal-galaan, NOLOSHA MIYAA GUUL AH, MISE GUUSHA AYAA NOLOL AH?
Qoraaga buugu waxa mar ka hore akhristayaasha u kala saaraya macnaha GUUL iyo NOLOL isaga oo marka dambe ku dabbaqaya 10 qodob oo fure uu noqon kara in la gaadho GUUL, caadooyinka guusha iyo sida oo kale sheeko la xidhiidha qof ka mid ah dadka guusha gaadhay ama guulaystay “NICK VUJICIE”

Waxa xusid mudan in mawduucan ku liffaaqan yahay mawduuc kale oo uu qoraagu cinwaan uga dhigay “KU GAADH GUUL HAL BIL” Waa 49 qodob oo koobsanaya waxyaalaha muhiim ka ah, ee qofka gaadhsiin kara guul la taaban karo, kuwaas oo aan lacag iyo baadi-goob midna uga baahnayn.

SHAQADA “SHAQO DOON”
Waa mawduuc uu qoraagu akhristayaasha ugu dhiirigelinaayo in ay ahaadaan dad shaqada raadiya, wax kasta oo ay tahay na aan laga daalin, waxa uu meesha ka saaraya iska dhaadhicinta aaminaada “SHAQO MA TAALO” taas oo dhalinyaro badan aaminsan yihin, sida oo kale waxa uu ku boorinaya akhristayaasha dadaalka iyo kartida qof kasta ku abuuran sida looga faaideysto.

XIKMADDA
“Xikmaddu waa hadal ama odhaah kuu sahalaysa in aad abuurto fikrado badan oo tayadoodu wacan tahay…….”
Waa maqaal uu qoraagu ku soo bandhigayo 26 xikmadood oo uu isagu allifay, kuwaas oo uu is leeyahay waxa ay faaiido badan gaadhsiin karaan akhristayaasha iyo guud ahaan bulshada, waxaana ka mid ah “HA IS INDHO’TIRIN, HA IS DHEGO’TIRIN, HA IS LUGO’TIRIN, HANA IS GACMO’TIRIN, OO HA KA JEESAN XAQIIQOOYINKA NOLOSHA, BALSE WAX KA OGOW, XAL NA U HEL!!!! FIKIR OO FAQRIGA KA BAX!!!’.

Tusmada Buugga
---------------------------
Magaca Buugga: Hoggaami Naftaada
Qore: Xamse Cabdiraxmaan Cumar ((Hamse Samotalis))
Bogagga: 108 Bog
Sannadka: 2017

FARRIIN…
Dabcan buugu illa hadda waa uu fiican yahay, waaanan ku hambalyeynayaa qoraaga buugga, in uu weliba si bilaash ah ugu qaybiyey dadkiisa, balse keliya intaan akhrinayay qoraal ahaan waxaan qoraaga u soo jeedinayaa in uu dib u akhrin ku sameeyo buugga siiba dhanka higgaada, iyo sida oo kale hab qoraalka “FORMAT” ka, sida oo kale waxaan ka codsanayaa in uu isku daydo kordhiska buugga oo uu ku daro mawduucyo kale, si uu u noqdo buug buuran.

No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...