Saturday, September 23, 2017

FAALLO AAD U KOOBAN Buugga Dhab U Fiiri Waayaha

Muuqaal ahaan, jaldigiisa waxa uu isugu jiraa midabka sibidhka u eg iyo sida o kale midabka liinta u eg "Orange", xagga sare waxa far waaweyn uga qoran magaca buugga iyo odhaahdan oo ku ladhan.

"Buuggi waxa uu koobsanaya qormooyin xiiso badan oo ka hadlaya arrimaha qoyska, qurbaha, qaadka, qaranimada, qabyaaladda iyo qaar kaloo badan"

Mawduuc ahaan waxa uu ka kooban yahay:
1. Kumaan ahay,
2. Dahab weeye gabadhani,
3. Farxadeey maxaa tahay?,
4. Dayaxaa I dhibay xalay,
5. Aniga iyo gacaladay ha naloo garnaqo,
6. Agoon afar waalid leh,
7. Nimaan sharafta soomaali ((Gabay)),
8. Bahal gadh leh,
9. Dhoof: Ma wax loo dhigaa jira?,
10. Qaad: Maxaa iga raacay?,
11. Wadaniyadeey maxaa tahay?,
12. Afkii baa juuqda Gabay,
13. Hooyadeey gacalaa afkuun garata,
14. Maahmaahyo ku saabsan dirirta sokeeye,
15. Ha I go'doomin gabadhyahay,
16. Masar: Hooyadii adduunkaay!,
17. Dhallintii dhulkaygaay,
18. Dhab u fiiri waayaha,
19. Karti la'aanta ragga iyo Kas xumada dumarka,
20. Aniga iyo nafteyda ha naloo garnaqo,
21. Midig iyo bidix haloo garnaqo,
22. Jacaylkii saran-seermay,
23. Bulshada iyo qalada Aqoonyahanka,
24. Aqooneey: waxba ha tarin,
25. Maxaa u sababa tisqaad la'aanta ururada soomaaliyeed?,
26. Haddii aanan dhulkaygoow,
27. Haddii aanan afkaygoow,
28. Fikirku ma furaha waalidaa?,
29. Hore u wada hayaanka,
30. Dabqaadka iyo saabuunta,
31. Hadiyaddi layaabka lahayd,
32. Xusuus qorkii xabsiga,
33. Maanta maxaa uga eg shalay?,
34. Allahayoow dalkeenna.

"Hadii aad tahay qof dhugmo leh dharaartii Alle keenaba dhaayahaagu waxa ay qabanayaan intaas oo dhacdo ah. Dhacdooyinkaa qaar inta ay farxad kugu abuurayaan in ka badan waxa ay kugu dhalinayaan mawjado murugo iyo muusanow ah.

Murugadu waxa ay holac iyo halase ku hurinaysaa laabtaadii ay awal ba waayuhu laciifiyeen. Halka uu muusanowguna rifan iyo lisan ku samaynaayo maankaagii awal ba meheradaha walaacu ku furnaa.

Adiga oo dhibtaa qaba ayaa hadh iyo habeen ba dhawaaqyo dhiillo leh kaaga imaanayaan intii aad wada dhalateen ee soomaali maxamed la odhan jiray meel ay joogaanba. Mar kasaa galgalad mooyee gama' laguu diidayaa, soon mooyee soor lagaa mancinayaa, rafaad mooyee raaxo lagaa dhaarinayaa, xaaladda ba'an ee aad ku jirto kugu keli maaha'e kumanyaal soomaali ah baa kula qaba hadii aanay kaba darnayn, haddaba,

Dhoohinidu ma fiicnee
Adduunyadan dhaqaaqdee
Dhisantee adkaatiyo
Dhinaacaaga eego
Dhab u fiiri waayaha"

Tusmada buugga
Magaca: Dhab u Fiiri With
Qore: Axmed Ismaaciil Maxamuud ((Axmed Deeq))
Bogagga: 202 Bog
Sannad: 2012
Mahadsanidin


No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...