Thursday, September 21, 2017

Gorfeynta Buugga (EAT THAT FROG)

Magaca Buugga: EAT THAT FROG
““21 Great Ways to Stop Procrastinating and Get More Done in Less Time”
Qore: Brian Tracy
Sannadka: 2008
Bogagga: 123 Bog
Cutubyada buugga: 21 Cutub
HORDHAC

Waxa uu xikmad ahaan u sitaa odhaahda “21 Great Ways to Stop Procrastinating and Get More Done in Less Time” “21 Waddo oo Laga Yaabo Inay Joojiyaan Dib u Dhigista iyo Inay Helaan Waxyaabo Badan oo lagu qaban karo Waqtiga Yar”. Waxa uu ku qoran yahay AFKA-INGIRIISIDA, Magaciisu Waa kan kor ku xusan “EAT THAT FROG”, Macne ahaan cinwaanka buuggu waxa uu u dhigan yahay in aan akhristuhu marna isku dayin luminta hadaf kasta ama horumar kasta oo ku hagi kara gaadhitaanka yoolkiisa/yoolkeeda. Waa Buug dhiirigelinaya qof kasta oo nolosha ka rajaynaya guul, kaas oo marka kasta laga dhadhansanaayo in uu la hadlayo akhristaha.

Habka uu u qoran yahay waa sidiii cutubyo oo kale “CHAPTERS”, kuwaas oo ka kooban 21 Cutub  oo mid kasta cinwaanka ku xardhan uu akhristaha u fasiraayo in uu isaga/iyada dhiirigelinaayo, garab istaagayo , kuna riixaayo sidii looga dhabbayn lahaa waxa uu qofku markaas u arko in uu yahay midkii uu ku horumari lahaa guusha na u horseedi lahaa.

Dabcan shakhsi ahaan turjumaadda buugta iskuma wacnin, tujumaaduna waa mid ka mid ah cilmiyada adduunka, balse hadana waa muhiim in aan wax yar is dul taagno macnaha guud ee uu sheegaayo buuggani, waanan rajaynaya qof kasta oo jecel in lagu dhiiri geliyo, ama doonaya habab fudud oo u sahla gaadhidda himilada uu doonaayo in uu gaadho, run ahaantii wax badan buu dhammaanteen inaga caawinayaa, siiba shaqada.

BUUGGA

“EAT THAT FROG” Kani waa hordhaca buugga, waxaana uu qoraagu akhristaha wax uga iiftiimanayaa macnaha guud ee ka dambeeya cinwaanka buugga + sababta uu muhiim u yahay buuggu + ujeedada loo qoray iyo dhawr tallaabo oo uu qoraaga buuggu u arkay in ay daruuri tahay in la qaado intaan si fiican tallaabooyinka kala duwan ee buugga loogu gunda-degin.

Cutubka 1’aad: “Set the table” “Diyaari miiska”

“There Is one Quality That one Must Possess to Win, and That is Definiteness of Purpose, The Knowledge of What one Wants and a Burning Desire to Achieve it” ((Waxaa jirta hal tayo, taas oo ay mudan tahay in la Haysto si loo gaadho guusha, taas oo ah ujeeddadeenna oo cad, Waana cilmiga iyo aqoonta uu doonoyo mid innaga mid ah, kaasoo aad isugu hawlaya ka gungaadhidda rabitaankiisa/keeda)), sidan waxa yidhi Napoleon Hill. Qoraaga caanka ee buugga “Think and grow rich”. Halku dhegan waxa uu fure u yahay cutubka kowaad, waxa uu ku siinaya 7 tallaabo oo uu qaadi karo akhristuhu marka uu dul tago miiskaas uu diyaarsaday.

Tallaabada 1: “Decide Exactly What You Want”, (Go’aanso waxa aad sida dhabta ah u doonayso)
Tallaabada 2: “Write it down” (Qor) buug ama xaashi ku qor
Tallaabada 3: “Make a list” (Ka samee taxane) kaas oo koobsanaya waxa aad sida dhabta ah u doonayso 
Tallaabada 4: “Organize the list” (Habee taxanaha) aad diyaarsatay adiga oo u kala hor marinaya sida ay u kala muhiimsan yihiin
Tallaabada 5: “Set a deadline on your own goal” (Dejiso maalin cayiman oo kama damabays ah taasoo aad ku gaadho hadafkaaga)
Tallaabada 6: “Take action” (Samee Ficil)
Tallaabada 7: “Resolve” (Samee Dib U Xallin) waa haddii wax caqabad ah kaa hor yimaadaan.

Waaa muhiim in akhristuhu talada ku darso in mid kasta oo ka mid ah 7-dan tallaabo in uu qoraagu si faahfaahsan uga hadlaayo sida iyo habka ugu fudud ee akhristuhu u qaadi karo waana mid uu qoraagu xabbad xabbad isu dul taagayo.

Cutubka 2’aad: “Plan every day in advance” “U qoshee maalin kasta si heersarreysa oo horumarsan”

“Planning Is Bringing the Future into The Present, So You Can Do Something About It Now” ((Qorshuhu waxa uu mustaqbalka ka dhigaa xaadir, waana marka aad awoodo wax kasta qabashadiisa)) sidaa waxa yidhi Alan Lakein oo ah qoraaga buugga “How to Get Control of Your Time and Your Life”. Cutubkan waxa si toos ah uga hadlaya sida akhristuhu mustaqbalkiisa mar kasta uga dhigan karo xaadir, si loogu dadaalo gaadhisteeda, isaga oo qoraagu soo qaadanaaya, hab akhristaha wax ka tusaaya, sida loo mideeyo fikradaha kala duwan looguna soo ururiyo hal ujeedo.


Cutubka 3a’ad: “Apply 80/20 “Rule to Everything” “Dabbaq xeerka 80/20, Xeerka wax kasta”
“We always have time enough, if we will use it alright” ((Badnaa waan haysanaa wakhti nagu filan, haddii aan u isticmaalo sida saxda ah)) sida waxa yidhi Wolfgang Von Goethe oo ah qoraa reer jarmal ah oo noolaa qarnigii 19aad. 80/20 waa xeer inta badan loo soo qaato marka qofku doonayo sida wakhtiga iyo nolosha loo maamulo, ninka qoray xeerkan waxa magaciisa la yidhaa Vilfredo Pareto, waa Dhaqaale-yahan u dhashay wadanka talyaaniga, kaas oo wax ka dhigi jirey jaamacad ku taala waddanka Switzerland, waxaana uu qoray 1895. Hadda waxaaba laga sameeyey  buug kaas oo la yidhaa “The 80/20 Princinples” oo uu qoray qoraa magaciisa la yidhaa Richard kuch. Guud ahaan na cutubkani waxa uu salka ku haya qaaciidadaas iyo sida nafta loogu dhiirigeliyo maamulka wakhtiga iyo nolosha ba.

Cutubka 4a’ad: “Consider the consequences” “Tixgeli natiijada ka timaada cawaaqibka”
“Every man has become great; every successful man has succeeded, in proportion as he has confirmed his powers to one particular channel” (Nin kasta waa uu noqon karaa mid la weyneeyo. nin kasta oo guulaystay na waa uu guulaystay waana markii uu aqoonsaday saamiga awoodeed ee uu ku qaban karo shay kasta). Cutubkani waxa uu ka hadlaya sida loo waajaho iyo sida loo tixgelinaayo caqabadaha + sida go’aan looga gaadho dejinta wakhtiga +  ka fikirka waxyaalaha soo socda siiba kuwooda wakhtiga dheer qaata “Long term”, iyo sida loogu xisaabtamo wakhti-dhammaadka wax kasta oo ku jira qorshayaasha “Deadlines”.

Cutubka 5’aad: “Practice creative procrastination” “Ku tababar nafta habdhaqan wax ku ool ah
Madaama qofku aanu qaban karin wax kasta waxa waajib ah in uu barto sida la isaga saaro waxyaalaha qiimahoodu hooseeyo ama aan loo baahnayan, si uu wakhti ugu helo kuwa muhiimka ah ee ay naftu ku xisaabtami karto, kuwaas oo qofka ku jihaynaya hadafka iyo qorshaha u dejisan. Cutubkan waxa uu akhristaha ka caawinaya in marka uu ogaado arrin ama ficil uu qaaday oo aan muhiimad sidaa u badan ku jirin, sidii uu uga soo kaban lahaa wax kasta oo kaga lumay arrintaas siiba wakhtiga.

Cutubka 6’aad: Use the ABCDE method continually” “U isticmaal habka ABCDE si joogto ah”. Inta aanu qofku bilaabin shaqada ama hirgelinta waxa muhiim ah in uu qofku dhawr miridh “Minutes” uu dib ugu noqdo liiskii u dejisnaa, dib na uu u habeeyo iyada oo aan la hilmaamayn qiimaha iyo sida ay u kala mudan yihin waxyaalaha taxanaha ku qoran. Cutubkan waxa uu akhristaha baraya kala horumarinta, “Priorities”, Qiimaha “Value”, ay leeyihin waxyaalaha muhiim ka ah “Important Activities” ee nolosha qofka gaadhsiiya horumar iyo guul siisa farxad iyo raynrayn badan.

Cutubka 7’aad: “Focus on key result areas” “Diiradda saar meelaha ugu mudan ee natiijadu ka imaanayso”. Sida uu qoraagu buuga ku sheegayo buugga akhriste, qeex ka dib na go’aami meelaha natiijada ka soo baxaysa, ay togan tahay taas oo aad ku qaban karto shaqada ku aadan horumarka, iyo ka gun-gaadhida hadafka. Cutubkan waxa uu diiradda saaraya in qofku mar kasta xoogga iyo diirada ba saaro meelaha ugu mudan ee u fududayn kara guusha iyo horumarka ba.

Cutubka 8’aad: “The law of three” “Xeerka saddex geesoodka ah”
Wuxuu qoraagu leeyahay, liiski ka dib, qeex saddexda shay ee aad u qaban karto, si hagar la’aan ah, taas oo 90% aad ka guul gaadhi karto, sida xoojinta dadaalka inta aaan wax kale la qaban, iyada oo aan meesha laga sarayn wakhti u helista qoyska iyo nolosha shakhsi ahaaned.
Cutubkan waxa uu ka hor tagayaa in akhristaha ama qof kasta oo horumar dhanka shaqada ah doonaya uu sameeyo isku qaadista wax kasta oo baahida ah,taas oo sababi karta guul-darro weyn, balse waxa muhiim ah in qofku marka hore awoodda saaro saddexda arrimood ee ugu muhiimsan dhankiisa/dhankeeda.

Cutubka 9’aad: “Prepare thoroughly before you begin” “u diyaari si wanaagsan intaadan bilaabin”. “Ku Hayso gacanta wax kasta , inta aanad bilaabin, isku dheji warqadaha oo dhan, war bixinnada, qalabka iyo shay kasta oo kaa caawin kara shaqada, markaa ka dib ayaad wax bilaabi kartaa hore na ugu socon kartaa”.
Cutubkan waxa uu akhristayaasha si cad ugu sheegaya in aan shaqada iyo wax kasta oo la qabanayo la iska bilaabin balse ay muhiim tahay in qofku marka hore ururiyo dhammaan macluumaadka u sahli kara qabashada shaqadaas ka dib billaabaa.

Cutubka 10’aad: “Talk it one at a time” Ka hadal hal mid wakhti gooniya”
“Waad dhammaystiri kartaa shaqada ugu weyn ee ugu adag haddii aad si fiican u maamusho wakhtigaaga oo ah tallaabad kowaad ee uu qofku qaado”. Cutubkan muhiimadiisu waxa weeye in qofka si kasta oo ay shaqadu ugu yar tahay, u badan tahay, ama u adag tahay marna u suurtagalyn haddii aan wakhtiga si fiican loo maamulin, markaa waa muhiim ku xisaabtanka 24 ka saacadood ee maalin kasta.

Cutubka 11’aad: “Upgrade your key skills” “Kor u qaad oo hagaaji xirfadahaaga kuwa ugu muhiimsan” Inta cilmi ama xirfad qofku uu leeyahay ayaa ah furayaasha shaqada waana inta kolba wax lagu bilaabi og yahay sida oo kale na uga dhakhso badanaysaa.
Kor u qaadista cilmiga iyo xirafada waa mid muhiim ah, si qof kasta uu ula jaan-qaado is badallada aduunka saacad kasta ku soo kordha, Cutubkanna waxa uu akhristayaasha ku dhiiri gelinayaa in aanay marna ku koobnaan keliya inta ay maanta joogaan.

Cutubka 12’aad: Leverage your special talents ““Ilaali awoodahaaga gaarka ah”
“Qeex oo taxane ka samee illa inta aad ku fiican tahay waxa aad qabanayso ka dib na awoodda saar kuwooda aad sida fiican ugu sii wanaagsan tahay si aad mar kasta u dhadhamiso midhaha guusha”.
Is xisaabinta iyo isa saaridda miisaan aad ku eegayso waxa aad dadka kale kaga wanaagsan tahay iyo waxa lagaaga wanaagsan yahay waa midda ugu muhiimsan ee horseed u noqon karta horumarka iyo gaadhidda guusha qof kasta, Cutubkan muhiimadda uu ka hadlayo ayaa sidan ah. Is qeex oo is eeg, ka dib na ogow waxa kuu sahli kara dhadhaminta midhaha guusha.

Cutubka 13’aad: “Identify your key constraints” “Qeex caqabadaha kuwooda ugu muhiimsan”
“Qeex dhibaatooyinka ama gal-daloolada dibeed ama gudeed kuwaas oo caqabad ku noqon kara xawaarihi aad ku gaadhi lahayd hadafyada kuwooda muhiimka ah, adiga oo xoogga saaraya sidii aad u yarayn lahayd caqabadaha kuwooda xannibi kaara gadhista hadafkaaga”.
“KA HORTAGGA AYAA KA FIICAN ISKA DAAWEYNTA”, Cutubkan qoraagu waxa si cad uga hadlayaa in aad qeexdo ama meel sii dhigato dhibaatooyinka ama gal-dalooloyinka kaa carqaladayn kara shaqadaada iyo waxa uu qofku qabo is leeyahay, si qofku u awoodo ka hortageeda iyo u dhugmo-yeeladka waxyaalahaas.

Cutubka 14’aad: “Put the pressure on yourself” “Cadaadis sii naftaada”
“Malee sidii aad ka tegayso magaaladii aad ku dhalatay ama ka shaqaynaysay muddo hal bil ah, markaa u shaqee sidii aad u heli lahayd dhammaystirka shaqadaada inta muhiimka ah oo dhan inta aanad tegin”.
Hadii aan nafta la cadaadin, laguna khasbin wax kasta oo qabyo ka ah, hubaal iyada iyo guushu waxa ay isu jiraan inta cirka iyo dhulku isu jiraan, run ahantii, cutubkana waxa uu leeyahay ka soo qaad wax kasta oo aad qabanayso wax si degdeg ah lagaga baahan yahay “Immediate” ka dibna naftada cadaadis ku saar sidii aad u samayn lahayd una dhammaystiri lahayd.

Cutubka 15’aad: “Maximize your personal power” Laba jibbaar awoodaada shakhsi ahaaneed”
“Qeex wakhtiyada ay maskaxdaadu soo jeedo, ama aad haysato tamar badan oo aad wax ku qaban karto maalin kasta adiga oo u maraya qaab-dhismeedka iyo habkii aad uga faaidi lahayd wakhtiyadaas, si aad u qabato shaqooyinka kuwa muhiimka ah ee qabyada ka ah. Qaado nasasho kugu filan, ka dib na u samee sida ugu fiican”.
24 ka saac ee maalin kasta qofna ma firfircooona dhammaantood, qof kasta wakhti ayaa jira maskaxdiisa iyo jidhkiisuba tamar badan u hayaan in ay wax qabtaan, Cutubkanna waxa uu ka hadlayaa, awoodda na saaraya in uu qofku wakhtiyadaaas oo kale uga faaidaysto waxyaalaha/shaqooyinka ka qabyada ah.

Cutubka 16’aad: “Motivate yourself into action” “Ku dhiirrigeli naftaada ficilada ay qabanayso”
“Adigu isku noqo La-Taliye wanaagsan, wax kasta na ka eeg dhanka wanaagsan ee xalka, adiga oo xoogga saaraya XALKA in ka badan DHIBAATADA. Mar kasta ahaw qof dhanka wanaagsan wax ka eega “Optimistic” iyo sida oo kale, qof adag oo u waajihi kara dhibaatada si wanaagsan”.
Sida uu qofku isu miisaami karo, isuna ogaan karo waxa uu yahay, iyo waxa uu kaga duwan yahay dadka kale, si la mid ah ayaa uu isugu noqon karaa LA TALIYAHA ugu wanaagsan ee naftiisa/nafteeda.
Cutubkanna waxa uu awooda saaraya sidii uu qofku ugu dhiirigelin lahaa dhammaan hadalada oo qofku u beddelaayo ficillo la taaban karo. Qoraaga buuggu waxa uu ku ladhaya in dhanka wanaagsan oo wax laga eegaa ay ka muhiimsan tahay dhanka xun oo aad wax ka eegto, sida oo kale na xalka oo la raadsha ay ka qurux badan tahay dhibaatada oo la sii buunbuuniyo, caqabadna ku noqota guud ahaan horumarka iyo guusha.

Cutubka 17’aad: “Get out of the technological time sinks” “Ka takhalus wakhtiyada ugu badan ee ay kaa qaadato isticmaalka tiknoolajiyadda”
“Isticmaal tiknoolajiyadda “Technology” si aad kor ugu qaado heerkaaga tayo, ee dhanka xidhiidhka “Communication” adiga oo aan u ogolaanayn naftaada in ay addoon u noqoto!, Baro sida mar-mar la isaga dhaafo tiknoolajiyadda, looga na dhigo mid xidhan “Turnoff” ka dib na muddo sidaa la isaga daayo”.
Adduunkan aan arkayno wax badan baa ku soo kordhaya maalin ba maalinta ka dambaysa, sida darteed waa u muhiim qofka in uu la socdo is beddelada dunida haba yaraatee. Awoodda saar, tiknoolajiyadda weliba qaybteeda xirafada iyo cilmiga qofka kor u qaadaysa ee ka dhigaysa mid tayaysan, Sida oo kale cutubkan waxa uu akhriste kasta ka helayaa oo uu  ku dhiirigelinaya in aanu marna isku illaawin isticmaalka badan ee aan faaiidada lahayn ee tiknoolajiyadda iyo baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho, si aan wakhti badan halkaa ugu lumin.


Cutubka 18’aad: “Slice and dice the task” “Isku day oo dhammaystir hadba howsha ku taal”
“Jabi oo ka takhalus, waxyaalaha adag ee hoos u dhigi kara shaqadaada, xittaa hadday yihin wax yar “Small parts” taas oo kharribi karta guud ahaan waxyaalihii aad dadaalka iyo tacabka soo gelisay”.
Ka hor-tagga iyo ka takhaluska wax kasta oo liddi ku ah horumarkaaga waa mid qof kasta muhiim  u ah, markaa qoraagu cutubkan waxa uu in badan ka hadlaya waxyaalaha  hor istaagi kara guud ahaan dhamaystirka howsha iyo sidii uu qofku uga saari lahaa dabeecadahiisa/dabeecadaheeda, xitta haddii waxaas wax yar ula muuqato qofka waa muhiim in meesha laga saaro, waayo woxooga ka dib waxa ay isu badali kartaa wax weyn oo waxyeelo badan.

Cutubka 19’aad: “Create large chunks of time” “Abuuri wakhti aad u badan oo aad wax ku qabato”
“Habee maalmahaaga adiga oo meesha ka saaraya waxyaalaha joojin kara/xannibi kara wakhtigaaga, taas oo aad xoogga ku saarayso wakhtiyadan in aad uga faaidayn karto shaqooyinkaaga muhiimka ah”.
Dabcan qof kasta waxa jira waxyaalo ka hor istaagi kara wax badan oo uu wakhtigaas uga faaiidayn lahaa, Naftu dadka waa ku cadaw, markaa cutubkan waxa uu akhristaha ku boorinaya maan ku haynta, ama ka faaidaysiga wakhtiyadaas oo kale.

Cutubka 20’aad: “Develop a sense of urgency” “Samee dareen degdeg ah”
“Samayso hab dhaqan aad si degdeg ah ugu dhaqaajin karto dhammaan furayaasha shaqooyinkaaga “Key Tasks”. Noqo qof looga barto gacan fudayd kaas/taas oo ku dhammayn kara waxa uu qabanaayo si dhakhso ah mise na wanaagsan o oleh wakhti-dhammaad aad ku dhamayso howlo-maalmeedkaaga”.
Cutubkan waxa uu akhriste kasta u sheegaya, in mar kasta oo qofku gacan fududaado isaga/iyada oo aan dhayalsi samayn, uu keenayo gaadhista guulo badan oo wakhiyo kala duwan wata.

Cutubka 21’aad: “Single handles every task” “Hal gacan oo keliya ayaa lagaa qabanayaa hawl kasta
“Dejiso oo raac shaqooyinkaaga kuwooda mudnaanta leh, adiga oo ku bilaabaya midka ugu muhiimsan, ka dib na ka shaqee adiga oo aan istaajinayn illa aad yaqiinsato in shaqadaasi 100% kuu qabsoontay kuna dhmmaatay. Tan waa furaha dhabta ah ee wax-qabadka sarreeya taas oo ku gaadhsiin karta meesha ugu sarraysa ee wax soo saar shakhsiyeed”.

Boodboodka iyo kolba meel isku qaadku in aanu faaiido, horumar, iyo guul toona ku jirin ayaa uu qoraagu cutubkan ku iftiiminayaa, waa muhiim buu ku leeyahay marka mid la dhammeeyo, lana qiimeeyo heerka uu qofku ka gaadhay, in midda kale looga gudbo oo  markaa la bilaabo
GEBAGEBO
“Yeelo go’aan aad ku qaban karto dhammaan talaabooyinkan, maalin kasta si ay dabeecad abuuritaan kugu noqoto “Nature”. Caadooyinkan ama dabeecadahan waxa ay kuu hor seedayaan in aad yeelato maamul shakhsiyeed kaas oo joogto u noqda shakhsiyadaada, mustaqablkaaga na kuu horseeda guul aan istaagayn oo farxad kuu horseeda”. Sidaa ayuu ku soo gebagebeeyey qoraaga buugu isaga oo erey kama dambays ah uga dhigay “JUST DO IT! EAT THAY FROG!!!” “QABO OO CUN RAHAAS”…..

WA BILLAAHI TOWFIIQ
Mahadsanid.

No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...