Aaraartii Maxamed Cabdi Daauud
Hordhaca Sayid Cali Ibnu Cabdalla Ibnu Axmad Al-Imaam
Sheekh Isxaaq Oo Tuulada Maydh Lagu Waraysanayo Markii Koowaad
((Maxamed Xassan Al-Basri))
Sheekh Isxaaq Oo Tuulada Maydh lagu Waraysanayo Markii Labaad ((Al-Khusaaciyi)).
4 tan mawduuc waa inta ku qoran buugga, Dabcan mawduucyada tusmada buugu waa ay ka badan tahay intan lakin sida kor ku xusan ma dhammystirna, waxaana uu ku go’ayaa waraysigaa labaad oo socda, kaasoo uu waraysanayo ninka magaciisa la yidhaa MAXAMED XASSAN AL-BASRI.
“Aniga oo ah Maxamed Cabdi Daud Gaataa, waxa aan Ilaahay la hor tagayaa in sanadku markuu ahaa 2005 tii, aniga iyo Jaamac Maxamuud Cumar (Jaamac Sweden) aanu la kulanay Xasan Habane Ciise Xildiid, oo baryahaas uun ka yimid dalka Imaaraadka, magaalada Al-cayn. Xasan Habane waxa uu sitay kitaab yar oo ka kooban ilaa dhawr iyo sagaashan warqadood. Kitaabkaasi waxa uu ku qornaa af-carabi gacanta ah oo aan daabacnayn. Waxa aanu ka waramayey imtixaankii jirrabkii soo maray Sheekh Isaxaaq Ibnu Axmed. Waxa uu noo sheegay Xasan in kitaabkan uu hadiyad ugu keenay, sanadkii 2001 dii, nin dhakhtar ah oo Reer Ciraaq ahaa oo ka shaqayn jiray Cisbitaalka Daryeelka Ee Al-Cayn” Hadalkan waxa ku ibo-furay qoraalka buugga, qoraa M.C.Daauud, oo inoo sheegaya sida uu ula kulmay tariikhda sheegaysa Sheekh Isaxaaq. Markaa aan intaa akhriska marinaayay ayaa waxa aan is weydiiyey Tolow Ninkan ciraaqiga ahi halkee ayuu ka helay buugga?, Weli se Ma yaalla buugani Madxafka?? Isaga oo carabidaa gacanta ah ku qoran ma la heli karaa o weli ma yahay wax keydsan??? .
“Fasaxayga dabadii, waxa aan Ciraaq kaaga keeni doonaa kitaab gacanta lagu soo min guuriyay, oo laga soo dheegtay kitaab kale oo yaalay matxaf ku yaala ciraaq.” kitaabkan madxafka yaala waa kitaabka ka sheekaynaya Sheekh Isaxaaq Binu Axmed sida uu sheegayo M.C.Daauud….Hadalkan waxa Xassan Habane ku odhanaya ninka ciraaqiga ah ee u ka helay buugga carabida aan daabacanayn ku qoran, isala buuggan sida M.C.Daauud mar kale sheegayo waxa gacanta ku dhigaya oo Xasan Habane ka qaatay qoraaga buuggan somaaliyaysan Maxamed Cabdi Daa’uud… eeg hadalkiisan “Buugaas oo marki aan arkayba isoo jiitay, waxa uu ka mid noqday dhawr buug oo intaan noolaa waagu iigu baryay sidii aan u akhrinayay. Waxaan xusuusnahay habeenkaas oo iigu dhamaaday mar aan qiiraysnaa iyo mar aan qoslo. Taas oo ay iigu wacnayd sirta kitaabkan ku jirta, ee intaas oo dhan qarsoonayd. Sidoo kale dhibaatada iyo jirrabka Ilaahay soo mariyay addoonkiisan dunta wanaagsan ee Sayid Isaxaaq Ibnu Axmad”. Waayahay, hadaba Buugga uu qoraagu ka helay Xasan ee uu ninka ciraaqiga ahi hadyad ahaan u siiyey Ma Ka Qarbaani baa? Mise waa ka Maxamed Xassan Al-Basri??
Sida qoraagu sheegayo, buugga uu gacanta ku dhigeen waxa laga helay nin magaciisa la dhaho Sayid Cali Cabdallah Axmad Al Imaam. Ninkani iyo reerkiisuba waxa ay ku abtirsadaan Sh. Isaxaaq Ibnu Axmed waa sida uu qoraagu inoogu sheegayo buugga! “Hasa yeeshee isagu ma ahayn ninkii soo sameeyay cilmi baadhistan cajiibka ah, ee waxa isaga ula yimid, oo cilmi baadhe ahaa, nin asalkiisu ahaa reer Marooko. Kaas oo isaga iyo aabihiiba ay soo dageen magaalada Cadan 1330H (oo ku beegan 1912kii) Ninkaas Reer Marooka oo la odhan jiray Sayid Maxamed Axmad Al Qarbaani, ayaa mudo badan isku hawlay sidii uu ku soo uruurin laha taariikhda Sheekh Isaxaaq Ibnu Axmed” halkan waxa ka cad in daba galka iyo baadhista cidda uu ahaa Sheekh Isaxaaq la bilaabay 1912kii, weliba uu bilaabay in MAROOKO dhalasho ahaan ka soo jeeda. Ninka Marooko iyo Sheekh Isaxaaq Maxa iska galay???, Mise keliya waxa ay ka ahayd tariikh uu jeclaystay inuu iska baadho???
1- Al-casjud Al Manduum Fii AL-Taariikh Wa Al-culuum. Oo macnihiisu yahay dheemanka qoran ee cilmiga iyo taariikhda.
2- Al-Diibaajah, oo macnihiisu yahay Hordhaca Qoraalka.
Labadan kitaab waa kuwa uu diiradda saaray ninkan reer marooko marka uu cilmi baadhistan sameeynaayey, ogow ninkani waa ninka qoray buugga uu qoraagu gacanta ku dhigay ee uu ciraaqigu uu siiyey Xasan Habane waa sida aan u fahmaye. Ma Ila Socotaa!!!
Markaa halkaa waxa aynu ka fahmaynaa in buugaagtan uu soo qaatay QARBAANI ay tariikhdii Sheekh Isaxaaq ku qoran tahay. Ninka qoray labadan kitaab, ee kor ku qoran, oo magaciisu yahay Maxamed Xasan Al Masri (ama Al-basri), waa nin masri ah oo ku caan-baxay run-ka-sheegga taariikhda, kutub badanna qoray. Al-Basri waa ninka buugtiisa ku sheegay in uu isaga laftiisu la kulmay Sheekh Isaxaaq, oo weliba uu waraysi ka qaaday, waana waraysiga uu qoraaga M.C.Daauud inta badan si turjuman uu inoogu soo qoray, kaas oo dhinacyo badan taabanaya, waana Sheekh Isaxaaq oo waramaya!!!
Waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 980H – 1037H (oo ku beegan 1572kii- 1628kii). “Maxamed Xasan Al Basri, waa ninkii sheekh Isaxaaq ugu tagay Maydh, ee warka la-yaabka leh afkiisa ka qaaday, ee deedna ku xardhay kitaabkiisa la yidhaah Al-Casjud (Dheeman)” Kan uu M.C.Daauud ka hadlayaa waa buugga kowaad oo ka mid ah kuwa kor ku xusan ee Al-basri uu qoray….Waraysiga labaad ee qoraa M.C.Daauud uu soo turjumay ayaa in badan ka hadlaya kulanka Al-Basri iyo Sheekh Isaxaaq iyo waxa ay is dhaheen ba…. Ma Ila Socotaa???
Ogow Qarbaani waa ninka qoray buuga laga helay Cali, oo aan u fahmay kan uu M.C.Daauud na Xassan Habane uu ka helay, ee ninka Ciraaqiga ahi u keenay...imika na isaga oo soomaali ah aynu akhriyeyno!
Kutubta kale ee uu QARBAANI soo qaadanayo waxa ka mid ah:
1. Al-Durar Al Muntakhab Fii Al-Laqab Wa Al-Nasab, oo macnihiisu yahay luulka la soo xulay ee nasabka iyo naanaysta.
2. Al-Yaaquut Wa Al-Diman Fii Sifaat Al-Mixan Wa Al-Fitan, oo macnihiisu yahay jirrabka iyo masaaibku sida ay dadka u kala reebaan, ee ay uga kala dhigaan digo iyo Dahab (ama dhagaxaanta qaaliga ah). “Kitaabkan dambe waxa qoray Sheekh hore ay isku yaqaaneen Sheekh Isaxaaq Ibnu Axmad. waa ay is garanayaan sida aynu ka fahmi karno qoraaga buuga Yaaquut iyo Sheekh Isaxaaq!
Sheekhaas oo magaciisu yahay Cali Yaxye Nasar Al-Khusaaci. Kaas oo ay badda dooni kula jabtay, deedna u soo caariyay badda Maydh. Sheekh Isxaaq oo ay hore isku yaqaaneen ayay isku soo boodeen. Isla doonasho Ilaah bay ahayd. Si ballaadhan ayay isku waraysteen Maydh dusheeda. Xogtii uu Cali Yaxye ka helay Sheekh Isxaaqna waxa uu ku xardhay kitaabkiisa kor ku xusan" Halkanna waa aynu ku soo bandhigi doonaa” waraysiga kowaad ee ku xardhan buuggan M.C.Daauud aya si fiican u qaada-dhigaya Labadan qof waxa ay iska weydaarsadeen. “Waa Sheekha buuggan leh, iyo Sheekh Isaxaaq e”.
“Cilmi baadhistan xiisaha leh waxa aynu ku bilaabi doonaa hordhac uu ina siiyo Sayid Cali Cabdalla Axmad Al-Imaam. sida aynu hore u soo sheegnay waa ninka uu QARBAANI ku wareejiyey buuggan af-carabiga ku qoran ee uu M.C.Daauud la kulmay, waana nin ka mid ah tafiirta caruur uu yaman kaga yimi Sheekh Isaxaaq…..”Waa Cali’e”. Ka dibna waxa aynu qaadan doonaa qisada cajiibka ah ee Cali Binu Yaxye Binu Nasar Al-Khusuuci uu ka soo warinayo Sheekh Isxaaq oo maydh jooga. Ugu danbayntana waxa aynu soo bandhigi doonaa Sheekh Isxaaq oo ku burqanaya magaalada Maydh oo aan waxba reebin. Waxa ay is heleen oo markaas warka ka gurayay sheekha wayn ee caanka ahaa ee la odhan jiray Sheekh Maxamed Xasan Al Masri (ama Al Basri).
Buuggan M.C.Daauud waxa ku xardhan laba waraysi oo dhaadheer, oo labada nin ee kor ku xusani ay buugtooda ku qoreen. buugtaas oo uu Qarbaani soo xigtay markii uu cilmi-baadhistan waday. Magaca aan u bixiyay cilmi-baadhistan qotada dheeri waa “Dheemankii Lagu Maamuusay Maydh”.Su’aalaha aan is weydiiyey markii aan halkaa marayay waxa ka mid ahaa Magacan ma waxa bixiyey QARBAANI, oo M.C.Daauud waxa uu inoo turjumay isla magacii carabiyeysnaa? Mise M.C.Daauud laftiisa ayaa bixiyey? markaan fikiray waxaan is idhi waxa ay u badan tahay in QARBAANI uu u bixiyey, madaama sida uu qoraagu inoo sheegaya uu yahay shakhsiga baadhay tariikhdan meesha ku taal!!!!........
Hordhaca buugan waxa ku qoran in Cali Cabdalla Axmad Al-Imaam uu ahaa qofkii uu ku wareejiyey Qarbaani Cilmi-baadhistiisa wakhti ku began 8 Nov 1941, waayo sida uu M.C.Daauud uu sheegayo waxa uu Qarbaani u yimi Cali, markii uu tariikhda raadinayay, waana ninka uu ka helay buggaagta kor ku xusan ee waraysiyada Sheekh Isaxaaq laga helay ((Waa buuugaagta Al-Basri iyo Khusaaciy’e)).
“Sayid Axmed Ibnu Maxamed Ibnu Xuseen Ibnu Cali Ibnu Xamsa Ibnu Cabdalla Ibnu Ayuub Ibnu Maxamed Ibnu Qaasim Ibnu Axmad Ibnu Cali Ibnu Ciisa Ibnu Yaxya Ibnu Maxamed Ibnu Cali Ibnu Maxamed Ibnu Cali Ibnu Muusa Ibnu Jacfar Ibnu Maxamed Ibnu Cali Ibnu Xuseen Ibnu Cali Ibnu Abii-Daalib” abtirisiintan waxa ay ku qoran tahay Buugga M.C.Daauud, oo uu ka soo xigtay QARBAANI. waa midda sheegaysa in Sheekh Isaxaaq ka tafiirmay, Cali Binu Abii Daalib……iyaga oo leh Waxa uu ahaa Isaxaaq Ibnu Axmed Ibnu Maxamed……Hhhhhh!!! Sayid Cali Binu Abii Daalib, ayaa Maxamed Ibnu Xuseen u noqonayaa ab-tirsigiisii 21aad). waa halka uu buugu ka keenay 23 oday ayaa uu ka tirsadaa Sheekh Isaxaaq, Sayid Cali Ibnu Abii Daalib!!!...... Ma Ila Socotaa!
Intan iyo in ka badan oo ay taabatay cilmi baadhistan uu sameeyay Al Qarbaani waxa qoraya buuggan M.C.Daauud iyada oo soomaali ah, waxa u dheer kutub uu soo xiganaayo taas oo uu sheegay QARBAANI in uu ka soo xiganaayo buugtii Al-basri iyo Khusaaciyi kuwaasoo sheegaya in buugtan hoos ku taxani uu Sheekh Isxaaq Ibnu Axmad gacantiisa ku qoray iyo suugaanta gabayo uu tiriyey ((Buuga ayay ku yaalin iyaga oo ku qoran afka-carabiga)). Markaa halkaa waxa ka cad in Qarbaani uu ka helay waxan oo warbixin ah kutubta labada nin ee sheegay in ay la kulmeen Sheekh Isaxaaq. Waxa jira Kutub uu qoray Qarbaani oo la hayo ee ku jirta gacanta Saadada Reer Sheekh Isxaaqa Yaman degan….Waxa xusid mudan in buuggani in badan ku celcelinaayo in Sheekh Isaxaaq u caruur ah laba inamood uu kaga yimi YAMAN….Sida oo kale waxa is weydiin mudan qarnigii 12aad qalinka hadii uu jiray oo sheekh isaxaaq uu wax qori jiray sidee tafiirta uu ka tegay u garan weydaa meesha ay ku sal leeyihin??
“Aniga oo magacaygu yahay Sayid Maxamed Ibnu Cabdiraxmaan Ibnu Qaasim Ibnu Daahir Al-Shariif, oo ku abtirsada Sayid Isxaaq Ibnu Axmed Ibnu Maxamed Ibnu Xuseen, waxa aan sugayaa oo aan qirayaa, oo aan marag ka ahay cilmi baadhistan uu sameeyay Sayid Maxamed Ibnu Axmad Al Qarbaani in ay sax tahay” Waxa mar kale is weydiin mudan Halkee ayuu hadalkani ku qoran yahay??? Ma Buugga Qarbaani Mise isla Buuggii Qarbaani Ayaa Dib u Daabac Lagu Sameeyey oo uu Maxamed kaasi uu qoray??? Ninkan yaa siiyey buugga ilayn waa kii Cali uu Qarbaani ku wareejiyeye? Hadii se arrinkan uu wax ka jiro oo uu dhab yahay, maxaa loo heli waayay ama loo arki waayay tafiirtaa ku abtirisatay Sheekh Isaxaaq in ay soo raadiyaan tafiiraha kale ee aabahood uu kaga tagay ama lagu sheegayo meelaha kale??? waayo Qarbaani waa kan buugga ku xusay waraysiyadi labada nin, ay la yeesheen iyo tariikhdii Sheekh Isaxaaq ba???......Ma Ila Socotaa!!!
WARAYSIGA KOWAAD!
“Cali Bin Yaxya Al Khusaaciyi waa ninka la kulmay Sheekh Isaxaaq wakhti ku began 1282” kii, Hadii Sida ku cad xagga hore uu Maxamed Xasan Al-Basri na uu noola wakhti ku beegan inta u dhaxaysa (1572kii- 1628kii).oo halkaa aynu ka fahmayno in intii wakhtigaa u la kulmay, warasigiisa buuggisa ku xardhanna u ka qaaday, side ayuu Khusaaciyi na ula kulmi karaa wakhti ku beegan 1282 kii??? Ma dareemaysaa in muddo badan u dhaxayso?
Waxa la yaab leh oo waraysigani sheegaya in Sheekh Isaxaaq mar kasta oo uu meel ka tegayo aanu mar dambe ku soo laaban jirin, dib na u xasuusan jirin ehel, asaxaab, xaas, iyo caruur midna, waxa ka sii yaab badan in buuggani sheegayo in uu is qarinaayo oo aanu cidna u sheegi jirin cidda uu yahay, xitaa isaga oo jooga dhul amaan ah oo aan cidna wax ku yeelayn, xittaa waxa uu leeyahay waraysigani waxa uu iska qarinaya ama ka dalbanaya in ay qariyaan cidda garata. Cajiiib, Waxa is weydiin mudan sababta ugu weyn ka dambaysay inuu Sheekh Isaxaaq Binu Axmed iska qariyo dadka inta garata!!! Sabab? Waayo se haddii uu isaguba is qariyey lagana ogolaaday in la qariyo loo sheegay wakhti in badan ka soo wareegtay “1941”..Intan waa su’aalo ka mid ah kuwa aaan is weydiinayay intaan ku guda jiray akhriska buugan! Intan iyo in ka badan ba waxa u dhaafaya buugga….
WARAYSIGA LABAAD!
Haddaan isku dayno kan in aan gorfeyno ama wax ka nidhaahno, hubaal maanta oo dhan ka bixi mayno, waayo waa mid dhinacyo badan taabanaya oo uu Al-Basri leeyahay waxa aan ka waraystay wax kasta oo noloshiisa khusaysa?
Balse haddaan in yar ka soo qaato waraysigaa waxa la yaab badan in wiil yar oo u la kulmay Sheekh Isaxaaq mar uu ka tegay magaalo AL-JAWF uu ku sheegay oo dhulka YAMEN ku taal, oo markaa cudurka FURUQU uu laayey dadki aagaas kula noola isaga. Waxa uu kan yari sheegayo ayaa la yaab igu riday haddaad akhriso na adiga na kugu ridaya la yaab, waxa ka mid ah inuu u sheegayo odayga in uu Maydh, Saylac, iyo Herer ba uu qaban doono, Ku Tarmi doono halkaa, Tafiir bandanna uu ku yeelan doono, Su’aashu waxay tahay kan yar yaa waxan oo dhan u sheegay? halkeese uu hadalkan ka keenay? Ma riyo ahaan baa lagu tusay mise waa hadal uu isagu isku toostoosiyey? Ilayn qof kasta oo muslim ah waxa aynnu isku raacsanahay in Qeybka uu ilaahay oo keliya uu og yahaye………...Allahu Aclam.
Waxa xusid mudan in yarku marka uu waxan oo hadal ah qullaaminaayay uu ku yidhi odayga, is qari oo dadka ha isu sheegin, markaad dhulka xeebta tagto na fooxa iyo malmalka ka ganacso, inta uu kan yari hadlayo, waraysiga buugga ku qorani waxa uu sheegaya in Sheekh Isaxaaq uu weydiinayo su’aalo dhawr ah oo u sii faahfaahiya waxa u dambayn doona isaga? TOLOW KAN YAR WAXAN OO DHAN YAA OGAYSIIYEY???
Intan waa in ka mid hadal dheer ee uu ka yari ku qulaaminaayo Sheekh Isaxaaq Binu Axmed intaanu u soo bixin magaalada HERER iyo dhulka imika dad badan ku tafiirmeen, waana in dhammaan attention kayga soo jeedisay markaan akhrinaayey buugga, adigu na bal ila eeg: “Halkaas waxa aad ku heli doontaa wax kasta oo aad mutaysatay. Halkaas ayay ku badan doontaa duriyaddaadu. Waxaa kaa tafiirmi doona kuwo hammigoodu aad u weyn yahay … Kuwo xifdisan abtirsiintooda oo soo gaadhsiin doona ilaa awawgaaga sare, oo haddana aan garanayn aabahaa iyo awawgaaga soke……Inta markii aan marinaaayey waxa aan xasuustay in caruurnimadii marka caruurta lagu yidhaa abtiriso, sida uu u wado magacyada awoowyaasha is daba taxan uu gelo “Sheekh Isaxaaq binu axmed binu haashim” haddii aad ila xasuusato dhammaan qabiilada ISAAQ badankoodu sidan ayay ku gebagebayaan abtirisiintooda…….
Hadalkii uu sii waday kii yaraa oo waxa uu yidhi “Ilaa uu soo baxo mid Ilaahay sharaf siiyay, oo hammigiisu weyn yahay, oo arrinkaas xiiseeya. Waxa ay baadhi doonaan nasabkaaga, iyada oo ku qaadan doonto sanawaad iyo sanawaad. Ka dib ayuu Ilaahay soo saari doonaa mid muujiya nasabkaaga, deedna bara tafiirtaada…..halkaa markii aan marinayay waxa uu xidhiidh toosa ka dhexeeya hadal kale oo kor kaga xusan buugga oo sheegaya in waraysiyada laga qaaday Sheekh Isaxaaq Binu Axmed mid ka mid ah u dhignaa inuu u imaanaayo nin ka mid ah raggan buugaagta qoray waa, ((Al-Basri iyo Khusaaciyi e)), uu u imaanayo isaga oo caruurtiisa kii ugu yaraa dhabta ku haya, magaciisu waa Cabdiraxmaan, oo dadku yidhaahdaan waa“AWAL” waxa uu ku odhanaayaa Sheekh Isaxaaq ninkaas “kan yar iyo tafiirtiisa ayaa soo saari doona tafiirtayda, aan qariyey dadkana iyaga bari doona” Hhhhhhh Hhhhhhh. Ma Ila socotaa!!!! wixii dheerada buugga u dhaafaya
Waxa is weydiin mudan Maxamed Xassan Al-basri oo sheegaya inuu isaga laftiisu uu la kulmay u na warramayo Sheekh Isaxaaq Binu Axmed, in marka uu uu meeshan uu joogo, uu ka yar iyo aabihi ba u sheegen in loo yeedhi doono!!! WAA AYO CIDDA U YEEDHAYSA? HALKEESE LOOGA YEEDHAYAA? MAXAA SE LOOGU YEEDHAYA??? waa su’aalaha ku soo degdegaya maskaxda inta lagu guda jiro buuggan akhriskiisa.
Meesha uu hadda jooga ee yeedhmadii u kaxaysay waa MUKHA?, Halkee ayay ku taalaa magaaladani?, Waa ayo se dadkan degan? Ciddee waayo? Carab Mise Cajam??, Dadka se yaaa u sii sheegaya in uu Sheekh Isaxaaq uu yahay qofkan hor taagani?.......Wakhtiga uu magaaladan joogo waa 1272, xusuuso Sheekh Isaxaaq iyo Al-Basri wakhtigay kulmeen waxa uu u dhexeeyey 1572kii- 1628kii). hadii Al-basri uu noola 56 sanno, Sheekh Isaxaaq ma noolan karaa illa 1282 kii oo ay kulmeen Khusaaciyi, ((347 Sanno)) CIMRI DHEERAA!!!! intan oo dhan kuma cadda buugga, sida darteed baa qof kasta marka uu akhrinaayo isu weydiinayaa.
Buugga kuma qorna, ka dib markii uu Maydh degay, dadkan uuu ugu yimi ee Deegaan ahaan meesha joogay, cidda ay ahaayeen, iyo sababta ay luuqadisii carabiga ahayd u suushay, Inta caruur ee u dhalay keliya buugan waxa ku qoran laba wiil oo uu yaman kaga yimi, iyo inan iyada oo yar dhimatay, sida oo kale waxa aad u badan, qayrul-macquul na ah tariikhaha buugan ku xardhan, oo 200+ u dhaxayso.....
In kasta oo wax badan ku qoran yihin, hadana intan waa inihii igu la yaabka badnaa, run ahaantii shakhsi ahaan buuggan iyo waxa ku qoran 10% aya run u eg, waayo weli tariikhda aya is diidan iskana hor imanaysa, iyada oo sannado badan nolosha Sheekh Isaxaaq sheegaysa, taas oo qayrul-macquul ah!
Tusmada Buugga.
Magaca Buugga: Dheemankii Lagu Maamuusay Maydh, Sheekh Isaxaaq Binu Axmed
Qore: Maxamed Cabdi Daa’uud
Sannadkii: 2012
Boggaga: 125 bog oo keliya ((Ma dhammaystirna, tariikhdu na waa ay kala go’an tahay))
FG: Raali ahaw waan dheereeyey, balse waan jeclaystay in aan hadana kula wadaago!
Mahasanidin.
W/Q: Amina Galaydh

No comments:
Post a Comment