Waa mid jirta in dadku nolosha ku kala duwanaado, wa ma dhacdo in si
isku mid ah ay dhammaan dadku u wada noolaadaan, ha yeeshee waxa iyana
meesha ku jirta in fiiro iyo dhugmasho loo yeesho arrimaha lama huraanka
ah sida in la qiro, lana ogolaado qof kasta iyo kaalinta uu bulshada
kaga jiro, adduunka qof walba meel ayuu kaga jiraa, waana muhiim in lagu
ixtiraamo qof kasta cidda uu doono ha ahaadee xagga wax qabadka iyo
xagga wax qabsiga labada ba.
Arrintan maaha mid loo dhasho ama la iska dhaxlo, lakin waa mid ku xidhan hadba sida uu qofku wax u qabanaayo. Qof kasta waxa uu qabanaayo ama shaqo u ah waa in loo ogolaado, lagu na xaq mariyo weliba, iyadoo ixtiraam na loogu darayo, hadii middaas laga waayo bulshada dulmi ayaa dhacaya, oo waxa ka dhalan karta cuqubo iyo masiibo dhaxal noqota, markaa maaha dulmigaasi mid loo baahan yahay in la sameeyo.
ADEEGTO, waa qiso in badan oo soomaalida ka mid ah ay maqashay, taas oo markii ugu horraysay maqal ahaan laga soo dayn jiray RAADYAWYO badan oo ah kuwa af-somaaliga ku baxa, shakhsi ahaan intaanan arag buuggan , waxa aan ka mid ahaa dadkii ka dhegaysan jiray RAADYAHA, qisada sheekadan oo loo soo dayn jiray XALQADO ahaan maalin walba galinka dambe 4:30 galabnimo ayay soo gali jirtay, Wakhtigaa aniga oo keliya xiiso iima ay lahayn, balse waan xasuustaa Maamo iyo dhammaan hablaha aan walaalaha nahay, waanu wada sugi jirnay wakhtiga ay soo galayso.
In kasta oo markii dambe intii ila dhegaysatay wakhtigaa, hadday xasuusato loo baddalay maalinta Jimcaha oo keliya isla saacadii, Waxa ka horraysay qisada kale ee AYAAN-DARAN oo iyadu ahayd sheekadii u horraysay ee maqaal ahaan dadka lagu maqashiiyo RAADIYAHA, markii ay sheekada qisadaasi dhammaatay ayaa lagu xigsiiyey ADEEGTO. Waa labada sheeko ee ka hor inta aan buugaagta laga qorin ama aanan arag, aan qisadooda maqal ahaan u dhegaystay, wanan hubaa in dad badanna ay ila mid yihin.
In badan aniga oo dhegaysigaa ku haya qisada sheekadan, madaama aan dhammaystay XALQADIHII laga tebin jiray RAADIYAHA, ayaa maalin ka mid ah maalmaha aniga oo eeg-eegaya qaybta FILES ka ee boggeena MADASHA BUUGGA waxa iga soo hor baxday, qisadii oo buug ahaan u qoran, weliba soft ah ((PDF)), runtii aad baan u farxay, markiiba na waan dowload garaystay, waanan akhriyey, iyada oo dib ii xasuusisay wakhtigaa aan RAADYAHA ka dhegaysan jiray.....
ADEEGTO waa qiso sida lagu sheego dhab ahayd oo ka dhacday Magaalada Muqdisho, ((Run iyo Been Labadaba way noqon kartaa)). Waxa ay ka warramaysaa nolosha gabadh yar oo markii hore ahayd reer baadiye, markii xigtay na magaalada soo gashay, iyo mar kasta sidii ay u dulmanayd, Waa RAJJO, hooyadeed waa ay dhimatay, aabaheed na waxa uu guursaday gabadh kale, taas oo ay adhiga u raaci jirtay, dulmi, tacaddi, eex, qaylo, iyo dhib badan oo ay kala kulantay darteed ayaa keenaysa in ay gebi ahaan ba ka baxsato deegaanki ay ku noolayd, sidaa ayayna magaalada ku soo gelaysaa, waana magaalada ay ka noqonayso Adeegto, ama Jaariyad.
Waa mid aynu wada dareemi karno, nolosha gabadh yar oo Rajjo ah, dhib bandanna kala kulantay bani-adamka dadkii ugu xigay, waxa kale oo aynu ognahay qofka ADEEGTO ama JAARIYAD ah sida ay u nooshahay, dhaqamada kaga yimaada bulshada ay u shaqeeyaan iyo cawaaqibka dambe ee ka dhasha. Intaa iyo in ka badan ba waxa la deris noqonaysaa MARYAM oo ah gabadha qisada sheekadan ku socoto.
Marka ay timaado in, qof ka dhashay reer caan ah/magac ku leh magaalada ama muxtarim ah uu jeclaado gabadh yar oo aan ehel, cid iyo qaraabo toona haysan, mise na ADEEGTO ah, hubaal waan malayn karnaa dhibka ay dhaliso, iyo saamaynta ay keento. In kasta oo gabadhaa yar ay nolosheeda is badali doonto, nin ay mahadisa na heli doonto, hadana waxa aan meesha ka maqanayn dhibka, rafaadka iyo dulliga ay mari doonto inta lagu jiro akhriska sheekada qisadan.
Runtii waa qiso in badan sheegaysa dhaqamada xunxun ee ay dadku kula kacaan qofka ka haynta hooseeya, ama ba iyaga wax soo mooda, waxa ay in badan iftiiminaysa sida dadku iyaga oo aan is ogeyn dulmiga iyo tacaddiga ugu sameeyaan inta ku hareeraysan, iyo illawshaha in cuqubo iyo ciqaab imaan doonto, mar dambe na la is weydiin doono meesha ay ku sal leedahay cuqubadan/ciqaabtan.
Waa qiso in badan sheegaysaa war la’aanta ka dhexaysa waalidka iyo ilmaha, iyo dhibaatada badan ee kaga imaan kara bulshada inteeda kale, waayo MARYAN-ADEEGTO war la’aantii aabaheed kaga timi waa midda sababtay in hantidaad iyo habaarba ay mutaysato, taas oo keenaysa firdhad ah in ay kaba dheeraato meesha ay ku nool yihin reerkeeda.
Waa qiso farriin cad kugu sheegaysa, in aad ka dheeraato dulmi kasta oo sabab u noqon kara in guud ahaan noloshaadu is badasho haba yaraadee, Dabcan waa iska sheeko ka warramaysa Qiso beri hore dhacday amaba Mala-awaal ah, balse runtii waxa ay sheegayso ama ku xardhan buuggan waa dhaqammo in badan illa hadda bulshada ka dhex jira ama ay ku dhaqanto iyaga oo aan weliba is dareensanayn.
Haddaad akhrisatay ama dhegaysatay ama in uun aad maqashay qisada sheekadan, Hambalyo, waayo waad ila fahmaysaa waxa ay sheegayso iyo waxa aan uga socdo labada ba, haddii aanad akhrisan ama aanad maqlina, mar kale Hambalyo waayo hadda oo aad akhrisay intan yar, waad ila fahmatay 50% ka mid ah sheekada qisadan. iyada oo faahfaahsan buugga ayaan u dhaafaya, waxaa ay ku jirtaa FACEBOOK boggeeenna MADASHA BUUGGA qaybta FILES ka….
Tusmada Buugga
Magaca Buugga: ADEEGTO
Qore: M. X. Cismaan
Sannadki: 1983
Bogagga: 217 Bog
FG: Muhiim maaha keliya in aad akhriso qiso ama sheeko buug lagu qoray, balse runtii waxa muhiim ah in aad is weydiiso ama fahamto ujeedada ka dambaysa in la qoro ka dib na la inoo soo gudbiyo, isku na day in aad ku dabbaqado dhaqamada bulshada aad la nooshahay, waayo waxa jira dhaqan ama qiso wakhti aad u fog la qoray ama maqalnay balse maanta jirta oo aan arkayno….
Og: Runtii waaan jecelahay in buugga aan akhriyo ama qisada aan maqlo ee in uun aan is idhaahdo faaiido way leedahay ama bulshada maanta nool waa ay ka turjumi kartaa, ama u dhawdahay sida loo dhaqmo, in aan idinla wadaago, wanan rajaynayaa hab qoraalka iyo ujeedada guud ba in aad ila fahamtaan.
Dabcan waan arkayaa faaladda quruxoon ee aad ila wadaagtaan mar kasta, Barakooba!!! Sida oo kale, Culimo wada-jir waxa aynu ugu mahad-naqaynaa cid kasta oo buug qortay mise na inala wadaagtay….
MAHADSANIDIN.
W/Q: Amina Galaydh

No comments:
Post a Comment