Mar Kasta oo aan arko buug Af-Soomaali ku qoran, runtii niyadda iyo
qalbiga ba waxa aan uga farxaa si aad ah, waa aan u riyaaqaa waxa aanan
ku qaabilaa jewi ka duwan guud ahaan jewiga buugaagta kale ee labada af
((Carabi iyo Ingriisi)) ga ku qoran, waxaan ku dhugtaa indho kalgacayl
leh, isla markaana waxa aan ku soo dhaweeyaa niyad wanaag aan la soo
koobi karin. Dabcan sannadahan dambe waan dareemayaa in ay jiraan dad
nool oo diyaar u ah in ay dib-u-soo-nooleeyaan Afkeenna hooyo, waanan ku
hambalyaynayaa.
Buugan waxa uu ka mid yahay bugaagtii ugu horreysay ee la qoro, kaas oo wax badan bulshada loogu iftiiminaayo iyada oo loo marayo qaab sheeko, si quluubta dadka u taabato, una dareemaan dhibaatada jirta, iyo cawaaqibka ka dhalan kara, iyo sida oo kale sida xalka iyo horu u socodku ugu jiro gacmaha qofka.
Qoraaga buuggani waxa uu inoo soo bandhigay dhacdo sida loo badan yahay Soomaali ahaan, lagu sheegay inay dhab ahayd, taas oo ka dhacday Magaalada Muqdisho. Waxa uu ugu magac daray AYAAN-DARAN, waa sheeko ka waramaysa qiso aad u xiiso badan oo aan weli nooceeda oo kale hore loo soo tebin, waxaana laga soo dhiraandhiriyey dhibaatooyinka bulshada dhex yaala.
Waxa uu qoraagu si cilmiyeysan u soo baadhay aragtida ay bulshadu ka qabto iyo sida ay ula dhaqanto gabadha dhasha ilmo aan aabihii la aqoon ama sifo sharci darro ah ilmo ugu calool-galo, iyo sida oo kale sida fudud ee qofka u hawl-gala una halgama aayaha dambe ee nolosha, lana yimaada samir iyo dhabar-adayg uu ugu guulaysan karo dib-u-dhiska nolosha inta kale ee u hadhay.
Qisada sheekadani waxa ay si cilmiyeysan oo ujeedo cad wadata wax weyn uga taraysaa la dagaalanka macsida, waxa ayna deris/cashar ((Lesson)) ficil leh oo fiican siinaysaa da’da ku sugan marxaladda hana-qaadka iyo qaan-gaadhnimada, marxaladahaas oo ay dhalinyarada isaga qaldamaan dhabta iyo dhalanteedka kuwa kale ee da’ ahaan ama maskax ahaan uga weyn iyaga.
Sida oo kale qoruhu, waxa uu u guntay dhalinyarada waano iyo waxsheeg-san iyo sida oo kale waaya-aragnimo ku dhisan dagaal iyo dulqaad, waa sheeko loo baahan yahay in dhalinyaradu akhrisato gaar ahaan gabdhaha doonaya in ay dhistaan Mustaqbal dambe oo ifaaya mise na loo aayo.
Asli, Cali Amuur, Amina, Cambaro, Aw-Jaamac, Canab, Shariif-Macoow, Xaajiya-Xaliimo, Nimco-Kuusey, Caddaawe, Xarbi, Dr. Axmedey, Faadumo, Nuuriyo-Cillaamato, Maxamed-Yare, Salaad, Jirde-Dhagax, Jawaahir, Xaadsan, Ayax, Aagaan. Waa qaar ka mid ah magacyada soo noqnoqonaaya inta lagu guda-jiro akhriska Sheekada Ayaan-Daran.
Ayaan-daran waa sheekadii ugu horraysay ee aan ka maqlo iyada oo RAADYAHA looga soo daayo qaab dhegaysi ah, sidaan hore idinku sheegay waxa ay ka horraysay sheekadii kale ee ADEEGTO. Waa qiso/sheeko xambaarsan murugo badan iyo dhib ay martay gabadh yar oo 16 jir ah mise na khiyaamo daran oo nolosheeda in badan galaafatay kala kulantay saxiibad tii ugu dhaweyd ee ay dugsiga wada dhigan jireen taas oo nolosheeda ay baabiyeen wax badanna yeeleen niman ka da’ weyn oo hadallo badan oo dhalanteed ahaa dhab uga dhigay.
Waxay ay ahayd gabadh yar oo aad u qurux badan, baari ah oo farxad badan, heer ay farxaddeeda iyo baarnimadeedu ay gaadho deriska ka ag dhaw xaafada ay markaa deganayeen. Waalidkeen waxa ay siin jireen wax walba oo ay u baahato, waxa ay ugu kalsoonaayeen si weyn oo marna ma ay saarin jirin cadaadiska sababa in waalidka iyo ubadku ay in badan heshiin waayaan.
Doorasho khaldan oo ay ku xulatay saxiibtinimada ayaa sababtay in hal habeen oo ay si khaldan wax u fahamtay, ka fiirsi la’aan ugu dhaqaaqday, intii ay is lahayd saxiibtinimada qaddari ay nolosheeda oo dhan badalaan, una horseedo nacayb, habaar, dayro, cay, ciil, aflagaado, murugo, oohin iyo fogayn ay kala kulantay waalid, walaal, jaar, ehel, qaraabo, xigaal, asaxaab, iyo bulshadii oo dhan.
Qisada/sheekada uu buugani tebinaayo wax badan ayay ina baraysaa ka dhalinayaro iyo bulsho ahaan ba, sida:
1. Muhiimadda ay leedahay, ka fiirsashada iyo u dhugmo yeeladka saxiibada uu qofku raacayo ama la mucaamilaayo inta dugsiga/jaamacada/goobaha-shaqada iyo guud ahaan ba bulshada lagu dhex jiro, madaama saxiibtinimadu ay leedahay saamaynta ugu badan ee bulshada dhexdeeda.
2. Sharafta iyo Karaamada qofka kasta oo bani-adam ah ((Rag iyo Dumar ba) sida ay qaali u tahay, cida ku ciyaarta ama isku dayda in ay bahdilaad u horseedo labada dhinacba ((Nafta iyo Nafaha kale ba), cawaaqib-xumada iyo cuqubada ka daba timaada in aanay sina uga baxsan karin waa mid ka mid ah fariimaha buugani ku siinaayo.
3. Dulqaadka iyo dhabar-adaygu in ay muhiim u yihin, marka uu qofku la kulmo dhib wax badan gaadhsiiya, iyo sida oo kale, sida ay lagama maarmaan u tahay dib u saxa khaladaadka naftu samayso, waa fariin kale oo uu qoraagu si dadban ugu gudbinaayo qof kasta oo akhriya sheekada buugan.
4. Cafiska iyo Saamaxaaddu, sida ay wax badan u xaliyaan, dad badan noloshoodana u badbaadiyaan, ama ba u dhisaan, iyo sida ay muhiim ugu tahay qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa uu mar kale qoraaga buuggani fariin ahaan inoogu sheegaya.
5. Ugu dambayn, Taxaddarka iyo ilaalinta nafta oo lagu daray dhawrsoonaantu waxay badbaadiyan oo gaashaan u noqdaan, kana duwaan dariiqyo badan oo nafta hallayn lahayd, waxyeelada ASLI oo kale na gaadhsiin lahayd..
TUSMADA BUUGGA:
Magaca Buugga: Ayaan-Daran
Qore: Dr. Cabdullaahi Sheekh Xuseen “Talowadaag”
Bogagga: 172 Bog
Qaybaha: 7 Qaybood
Waxa Lagu Daabacay Wakaaladda Madbacadda Qaranka ee Somaliya
FG: Sheeko kasta oo la qoro, afka ay doonto ha ahaatee, waxa ay inta badan ka hadashaa waaqiciga markaa ka taagan qaybaha kala duwan ee bulshada, ama dhaqamada dadweynaha adduunka ku nool, iyo wadamada ay ku nool yihin labada ba, Sida oo kale waxa ay ka mid tahay aaaladaha ujeedadooda guud ay tilmaamayso wacyi-gelin iyo baraarujin ku aadan inta kale ee soo gaadha akhriska sheekadaas.
Mahadsanidin,
W/Q: Amina Galaydh

No comments:
Post a Comment