Magaca Buugga: Think and Grow Rich
(Fikir oo Kobci
Hodantinimada/Taajirnimada)
Qoreyaal: Napoleon
Hill
Sannadka uu soo baxay:
1937
Bogagga: 259 Bog
Cutubyada: 13 Cutub
Daabacaddii: 2000
((What Ever Your Mind Can Conceive
and Believe, It Can Achieve)), ((Wax Kasta oo Maskaxdaadu, Malayso, Rumaysata
na, Waa La Gaadhi Karaa))
HORDHAC
“Buuggani wuxuu noqon karaa mid qiimahiisu adiga kuugu
joogo malaayiin doolar” Odhaahdan waxa buugga ku ibo-furaya qoraaga buugga, Waa
American, Magaciisu waa Napoleon Hill, Waxa uu saamayn togan ku yeeshay dad
badan oo ka dib curashada buugiisan markii ay akhriyeen noqday dad Hodan/tujaar
ah. Waxa uu xoojinayaa qaaciido uu lahaa nin la odhan jiray Andrew taas oo ah “Formula
For Money-Making”, “Qaaciidada, Sida Loo Sameeyo Lacagta” Waxa uu leeyahay 13
hab oo si cad u sheegaya sida loo gaadho hodantinimada/taajirnimada, Qoraaga
buuggani waxa kale oo uu leeyahay buug kale oo magaciisa la yidhaa “The Law Of
Success” ”Sharciga Guusha” sida ku cad hordhaca buugga odaygu waa Philosopher
“Filoosafar”, wuxuuna cilmi uu leeyahay cilmiga Philosophy ga.
Buuggan sida kor ku xusan waxa la qoray 1937 kii, guud ahaan waxa laga daabacay
in ka badan 7 million oo copies balse ,waxa xusid mudan in isla
sannadkii uu qoray tiraba saddex jeer laga daabacay number gaadhaya “35,000 copies” 1938 dii bilihii
“March, May iyo August”, mar kale buugga waxa dib looga daabacay sannadkaa tiraba
“20,000 copies”.Illa hadda buuggan
waa laga iibsadaa Adduuunka, waana mid ka mid ah buuggaagta loogu jecel yahay,
Daabacadda imika aan gacanta ku hayo waxa la sameeyey sannadkii 2000.
Run ahaantii waa wakhti fog, qarnigii 20aad buug laga qoray
sida loo kobciyo hodantinimada/taajirnimada, iyo isla wakhtigan sida faqriga
iyo shaqo-la’aantu u badan tahay waa mid aan is lahayn.
Aaan u soo noqonno buuugga, habka uu u qoran yahay waa sidii Cutubyo “Chapters” oo kale. Intaanu bilaabin cutubka 1’aad qoraagu waxa uu ina weydiinaya suaal u dhigan “What Do You Want?” “Waa Maxay Waxa Aaad Doonayso?”, Waxa daba taala su’aal kale oo iyana ah “Is it Money, Fame, Power, Contentment, Personality, Peace of Mind, Happiness?” “Ma Lacag, Ma Magac, Ma Awood, Ma Sharci , Ma Shakhsiyad, Ma Nabadgelyo , Ma degenaansho xagga Maskaxda ah, Mise Farxad?” Intaa marka uu qoraagu kaga hadlo hordhaca buugga, waxa intaan akhrinaayso ku soo jiidanaaya weedh uu far waaweyn ku qoray oo ah “YOU’RE THE MASTER OF YOUR FAITH, THE CAPTAIN OF YOUR SOUL” “WAXA TAHAY MACALINKA IIMAANKAAGA, IYO HOGGAAMIYAHA NAFTAADA”.
BUUGA
Cutubka 1’aad: Fikirka (Thoughts)
Fikraddu waa hagaha ficilada bani-adamka, Waxa xusid mudan
qoraaga buuggu inta uu ku guda jiro cutubkan in uu kaga hadlaayo hadba sida uu
qofka fikirka kaga jira maskaxda uu ka dhigto, sida guusha iyo guul-darrada,
waxa uu qabaa in hab fikirku yahay midka ugu horreeya ee dabada ka riixi kara
dhammaan waxyaalaha kale ee caawinaya ficilka markaa lagu jiro.
Guud ahaan qoraagu cutubkan waxa uu si adag ugu sheegaya
muhiimada ay leedahay wanaajinta hab-fikirka iyo sida doorkeeda muhiim ugu yahay,
si looga dhabeeyo hadafka la doonayo in la gaadho, inta aad yeelato hab fikir
wanaagsan waa inta dariiqa guushu kuu dhaw yahay.
Cutubka 2’aad: Rabitaanka (Desire)
Waa barta laga bilaabo dhammaan guulaha la rajaynaayo in la
gaadho, wax kasta oo adduunka yaala waxa uu qaali ku noqdaa marka la cabbiro
illa inta rabitaanka loo qabo uu le’eg yahay. Qoraagu waxa uu talo ku bixinayaa
dhawr qodob oo ay tahay in la raaco marka uu qofku cabbiro heerka rabitaan ee
ku jira, si uu u kobciyo hodantinimada/taajirnimada u rajanaayo.
1. “Define the amount of money you want”, Qeex xaddiga
lacag ee aad u baahan tahay hubaal ma jirto xaddi go’an oo lacag ah oo qof
rajeeyo inuu gaadho, balse hadana waa muhiim in aad yeelato xaddi go’an oo aad
hadaf ka dhigato, waayo marka aad gaadho ayaad kordhin kartaa.
2. “Determine exactly what you intend to give in return for
the money you desire”, Go'aami xaddiga dhabta ah ee aad doonayso inaad ku
celiso lacagta aad rabto, waayo waxba kama jiraan odhaahda “Wax baan haystay,
ka dibna wax la’aan baa igu dhacday” “Something to Nothing”. Ujeedo ahaan sida uu
sheegayo qoraagu ayaa ah, ka dib xaddiga aad goosatay, maaha marka uu ficil isu
badalo in khasaare kugu dhaco, lakin waa in aad raasamaal ama dhigaal aad
yeelato.
3. “Establish a definite date when you intend to possess
the money you desire” “Samee taariikh cayiman markaad damacsan tahay in aad
haysato lacagta aad rabto”, macnaha noqo qof wax-soo-saar leh oo lacagta uu wax
ku bilaabo kordhin kara adigoo wakhtiga ku xisaabtamaya.
4. “Create a definite plan of carrying out your desire and
begun at once whether you are ready or not to put this plan into actions”
“Samee qorshe qeexan/cad oo ku saabsan rabitaankaaga oo billaw mar keliya
,haddii aad diyaar u tahay ama aadan u ahayn si aad qorshahaaga ugu badasho
ficil”, dabcan waa daruuri in aad ahaato
qof qorshe u sameeya rabitaankiisa oo garan kara bar-billowga illa
bar-dhammaadka.
5. “Write out a clear, consise statement of the amount of
money you intend to acquire ….” “Qor qoraal cad, oo kooban oo ku saabsan tirada
lacagta aad doonayso inaad hesho” adiga oo xisaabta ku darsanaya wakhtiga aad
lacagta ku helayso, sida aad isugu celcelinayo iyo qorshaha aad u astaysay
isticmaalkeeda.
6. “Read your written statement aloud twice a daily …once
in night and once in day” “U Akhriso qoraalkaaga qoran si cod dheer laba jeer
maalintii ... hal mar oo habeenkii ah iyo hal mar oo maalintii ah” waayo waxa
ay kaa caawinaysaa in aad mar kasta dadaalkaaga ku aadan hadafkaaga iyo qorshahaaga
labanlaabto si aad u noqoto qof kobcinaya hodantinimada/taajirnimada.
Cutubka 3’aad: IIMAANKA (Faith)
“Faith is the state of mind which may be induced by auto
suggestion” “Iimaanku waa xaaladda maskaxda oo laga yaabo inay sababto soo
jeedin toos ah” Xaaladan waxay ku siin kartaa waxa loo yaqaan “Self-confidence
formula” “Qaacidada ku kalsoonaanta nafta”, in aad imaankaaga dhegaysato,
naftaadana ku kalsoonaataa waa mid ka mid ah kuwa kuu sahlaya in aad ka rumayso
hadaf kasta oo noloshaada la xidhiidha. waxa uu qoraagu cutubkan dhexdiisa far
waaweyn ku xardhay kelmaddan “There are no limitations to the mind, except
those we acknowledge! Both poverty and riches are the offspring of thought” “Ma
jiraan wax u xaddidan maskaxda, marka laga reebo kuwa aan qirsan nahay! Faqriga
iyo hodanka labada ba waa faraska fikirka” waana hadba ka aad adigu doorato.
Cutubka 4’aad: SOO JEEDIN TOOS AH (Auto-Suggestions)
“The medium for influencing the subconscious mind”
“Dhexdhexaadinta saameynta miyirka maskaxda” Sida qoraagu inoo sheegayo, fikraduhu
ha ahaadaan, mid taban iyo mid toggan ta ay doonaan ba, iskama galaan miyirka
maskaxda illa ay ka helaan soo jeedin toos ah, markaa in aad ka fiirsato
fikradda aad qaadanayso waa muhiim, waayo sida kor ku xusan waa furaha ficilada
oo dhan. Ka fiirsi-la’aanta fikraduhu na waxay ku ridi karaan qofka “Lack of
Ambition” “Hammi La’aan”, sidaa si la mid ah ayaa ay fursaduhu na u baahan
yihin ka fiirsi dheer iyo u dhugmasho.
Waxa xusid mudan in qoraagu ku sheegayo buugga in
xaaaladaha la kaantarooli karo, haddii ay rabitaanka ku jirto na la kaantaroolo
“Conditions! We can control, if we desire to control them”.
Cutubka 5’aad: AQOONTA GAARKA AH (Specialized Knowledge)
“Personal experiences or observations”, “Waayo-aragnimada
shakhsiga Ama Fiirsashada”.
Aqoonta cilmiga asaasiga/maadiga ah iyo aqoonta gaarka ee
waaya-aragnimada qofka iyo fiirsashada waxa hareerihiisa ka socda waa laba kala
duwan oo qof kasta ku jira. Cilmiga la barto ma soo qabto lacagta illa iyo la
abaabulo/habeeyo, caqli ahaan na loo tilmaamo iyada oo loo marayo qorshayaasha
wax qabadka ficilada lagu muujinayo.
Adeegsiga waaya-aragnimada kugu jirta ama aad ka dhaxasho
bulshada kugu xeeran, ka dib na ku samayso eegis iyo baanasho waa mid ka mid ah
waxyaalaha kugu dhiirigelinaya in aad ka gun gaadho qorshahaaga cad ee maalin iyo
habeen ba ku celceliso.
Cutubka 6’aad: Aragti (Imagination)
“The Workshop of The Mind”, “Aqoon is-weydaarsiga maskaxda”
Qoraagu waxa uu aragtida (Imagination) u qaybinayaa laba
qaybood oo kala ah “Synthetic Imagination” oo ah “Muuqaal Sawireedka Aragtida”
iyo Creative Imagination “Fikrado/Aragtiyo Hal Abuur Leh”. In aad ka dhigto
rabitaankaaga mid la taaban karo, waxa ay dhalin kartaa in aad la timaado
aragtiyo la taaban karo oo sababa horumar degdeg ah mise na waara, qoraagu waxa
uuu leeyahay iska ilaali in aad aaminto kelmada “It has Done before” “Hore Ayaa
Loo Sameeyey”, waayo aragtida iyo habka wax u dhigista bani-adamku isaga mid
maaha, markaa sida loo dhigay si ka duwan waa hubaal in aad samayn karto haddad
aaminto kelmada “I Can Do It” “ Waan Samayn Karaa”. In kastoo qoraalo badan ku
lifaaqan yihin, kuwaasoo sii faahfaahsan uga hadlaya qayb kasta oo buugga ku
dhigan hadana Cutubkan waxa uu qoraagu ku soo xidhaya kelmadan “Success
requires no explanation, Failure permits no alibis” “Guushu Uma Baahna
Sharraxaad. Guul-darradu na Ma Ogolaato Khasaaraha”.
Cutubka 7’aad: Qorshaynta Habaysan (Organized Planning)
“The crystallization of desire into actions” “Kicinta
Rabitaannada Lagu Baddalayo Ficilo”
CHANGE “Is baddal” in aad rabitaankaaga ficil u badasho
weliba sida ugu macquulsan waa midda dhiirigelinaysa sida oo kale in aad gaadho
hadafka aad ka leedahay hodantinimada/taajirnimada, qorshaynta iibinta adeegga
aad gacanta ku hayso “Planning the sale of service” waa mid ka mid ah
waxyaalaha aad ku ogaan karto faa’iidada, iyo illa inta xaddiga lacagtaadii aad
qorshaysatay ku korodhay ama ka naaqustay.
“A quitter never wins and a winner never quits” “Qofka
Niyad-jaba Marna Ma Guulaysto, Guulaystuhu na Marna Ma Niyad-Jabo”. waa odhaah
macne ahaan qofka ku leh: Ku dhiirro in aad rabitaanada oo dhan u beddesho
ficil, hana ka baqan in aad guul darraysato, waayo guul-darrada lafteeda ayaa
furta waddooyin badan oo guusha sahli doona.
Waxa xusid mudan in qoraagu sida oo kale uu cutubkan kaga
hadlayo haggaamiyaha iyo astaamaha lagu garto, sida oo kale waxyaalaha lagu
garto hoggaamiyaha guul-darraysta, waxa kale oo uu sheegayaa 30 waxyaalood oo sababa (causes) in
hoggaamiyuhu guul darraysto, iyo 28 su’aalood
oo ay tahay in qofku ka jawaabo si uu u ogaado illa heerka hoggaamineed ee ku
jirta naftiisa. isagoo mid mid isu dul taagaya una sharxaya, balse waxaan u
dhaafayaa buugga in aad ka akhrisato.
Cutubka 8’aad: Go’aanka (Decision)
“The mastery of procrastination” “Diidmada dib u dhigidda”
Qiimayn sax ah oo uu soo qaadanayo qoraagu waxa ay
sheegaysaa in 25,000 oo qof oo isugu
jira Rag iyo Dumar ba kuwaas oo guuldarraystay markii la weydiiyey sababta ay
ku jawaabeen “Go’aan La’aan” “Lack of Decision”. Go’aan La’aantu waa mid ka mid
ah 30 sababood ee ugu waaweyn ee
keena Guul darrada.
In aad is qiimayso, oo Kafad iyo Miisaan isa saarto waa
muhiim si aad u ogaato illa heerka ay go’aan qaadashadaadu le’eg tahay, si aad
ugu dhiirato in aad diido dib u dhigidda qorshayaasha kuu calaamadsan.
Dhimashada go’aanka aan qaadanaa uu ku dhex dhinto nafteenna waa waxyaalaha
keenay in guushu geed dheer ku laalanto, lana gaadhi waayo iyada oo muddo dheer
socotay, waa muhiim in aad go’aan qaadato, kana cararto khatarka doonaya in ay
daldalaan hadafkaaga…
Cutubka 9’aad: Joogtayn (Persistence)
“The sustained effort necessary to induce faith” “Hawlaha
joogtada ah ee lagama maarmaanka u ah inay rumeeyaan Iimaanka”. Joogtayntu waa
mid ka mid ah waxyaalaha rumeeya rabitanaada waana mid ka mid ah waxa siyaadiya
awoodda rabitaannada. In aad hadaf cad yeelato ka dib na joogtaysaa, waa guusha
sida ugu fudud ee uu qof kasta ku gaadhi karo. Qoraagu waxa uu soo qaadanayaa
tiraba 8 qodob oo qofka u sahli kara
inuu joogteeyo rabitaanka ku duugan isaga/iyada.
Waxa kale oo xusid mudan inta cutubkan lagu jiro in qoraagu wax ka qorayo waxyaalaha sababa joogtayn la’aanta, waxa uu mar kale far waaweyn ku qorayaa odhaahdan isagoo ku leh “If You Really Wish to Know Who You Are, And What You Are Capable of Doing” “Haddii aad rabto inaad ogaato cidda aad tahay, iyo waxa aad awood u leedahay inaad samayso” iska eeg in aad ku suntan tahay list ka ama qodobada sababaya joogtayn la’aanta.
Waxa kale oo iyana xusid mudan in qoraagu 4 qodob oo kale “Steps” uu ku soo koobay, sida loo horumariyo joogtaynta “Developing Persistence”, Waxa iyana lagama maarmaan ah in qoraagu tusaale cad oo qurux badan u soo qaadatay Rasuulkeena Muxammed CSW, iyo halgankii dheeraa, hadafka cad lahaa, joogtayntiisa aanu ka daalin, mise na go’aankiisu qeexnaa ee uu galay diinta islamka, isagoo qaada-dhigaya halkii u ka bilaabay, iyo sidii uu ku dambeeyey muddadii uu noola “Guushii Islaamka”…
Cutubka 10’aad: Awoodda Maskaxda (Power of the Master-Mind)
“The driving force”, “Wadaha Xooggan”
In aad isticmaasho awoodda maskaxda tallaabo kasta oo aad
qaaadayso waa muhiim, sida oo kale in aad barto maskaxdu in ay awoodeeda
muujiso na waa midda ugu horraysa ee sahlaysa dhammaan waxa sagaalka cutub ee
kale ku xardhan. Qoraagu waxa uu isku dayayaa in uu inoo bayaamiyo dhawr qodob
oo ay tahay in aan adeegsanno marka aan doonayno in aan ka shaqaysiino awoodda
ku jirta maskaxda sida wax uu ku sheegay in ay maskaxda ku jiraan oo ah:
Sirdoon aan la aqoon, waaya-aragnimo la ogaaday, tijaabo iyo cilmi-baadhis.
Sida oo kale waxa uu leeyahay waa muhiim Helitaanka awooddeedaadoo adeegsanaya
isla Maskaxda.
Cutubka 11’aad: Maskaxda miyirka qabta (The Subconscious Mind)
“The Connecting Link”, “Xidhiidhiyaha isku xidhka”
Cutubkan waxa uu qoraagu kaga hadlayaa in aanu qofku
bood-boodin o hadba meel isku qaadin balse uu isku xidho dhammaan ficilada uu
qaadayo iyo waxa uu doonayo labada ba, “Make your desires clear and to reduce
them to writing” “Ka Dhig Rabitaanadaada Kuwo Cad, oo aad Ku Yareyso Qoraal”.
Qoraagu waxa uu qaybtan aad uga hadlayaa muhiimada ay leedahay dareenka aad ka
qabto waxa aad qabanayso, Isaga oo soo qaadanaya “The Seven Major Positive
Emotions” “Toddobada Ugu Waaweyn Dareemada Shucuurta Leh” ee bani-adamka Taas
oo dadka badankoodu aanay ka tegin illa ay ka gun gaadhaan “Desire, Faith,
Love, Enthusiasm, Sex, Romance and Hope” “Rabitaanka, Iimaanka, Jacaylka,
Dhiirigelinta Galmada, Xidhiidhka Iyo Rajada” Sida si la mid ah waxa jira “The
Seven Major Negative Emotions” “Toddobada Ugu Waaweyn Dareenada aan Shucuurta
Lahayn” oo iyana ay ku suntan yihin isla dadka aduunka ku nooli waxa uu ka
dhigay iyagana “Fear, Jealousy, Hatred, Revenge, Greed, Superstition, and
Anger” “Baqashada, Xaasidnimada, Nacaybka, Aargoosiga, Daalka, Tageero La’aanta
Iyo Cadhada”. iyagoo faahfaahsan sida oo kale waxa aan u dhaafaya buugga..
Cutubka 12’aad: MASKAXDA (The
Brain)
“The broadcasting and receiving station for thoughts”
“Xarunta Warbaahinta Laga Helo Fikradaha”
Maskaxdu waa meesha laga helo fikrad kasta, nooca ay doonto
ha ahaade, waa amar bixiyaha dhammaan ficilada jidhka bani-adamku bixinaayo,
Qoraagu waxa uu leeyahay hadii maskaxda warbixinteedu soo saaran awoodda u
qarsoon, fikrado hal abuur leh iyo soo jeedin toos ah waxa ay si fudud u
sahashaa gaadhidda rabitaankaas.
Cutubka 13’aad, 14’aad
iyo 15’aad ba waxa uu si isku mid ah
qoraagu awoodda ugu saarayaa muhiimadda ay leedahay hadalka in ficil loo
badalo, iyo sida lagu gaadhi karo guul hor seed u noqota farxad iyo badhaadhe.
Kelmada “IF” oo ah “Haddii” oo qoraagu og yahay in maskaxda dadka ku soo
degdegto ayuu bartilmaamsaday isaga oo tusaalayaal u soo qaatay adeegsigeeda,
wuxuu qalinka ku adkeeyey sida ay u hor istaagto guusha.
Dhab ahaantii, qoraagu waxa uu ku so gebagebaynayaa buugga
odhaah ah sidan “If we are related, we have, through these pages met” “Haddii
aan xidhiidh la leenahay buugga, waxaad haysaa iyadoo loo marayo boggaan”….
GEBAGEBO
Runtii waa buug xiiso badan madaama dhamaanteen ku hammino
in aan noqono QANI/TAAJIR/HODAN, waa ay ila mudan tahay in aan akhrisanno!
Taajirnimadu keliya maaha in lacag la helo, billionaire la
noqdo, lakin muslim ahaan qalbiga ayaan xittaa qani ka nahay.
Lacagta waa la samayn karaa waana sida uu aaminsan yahay
buuggani, illa hadda ,lakin hadba waxay ku xidhan tahay waa hab-fikirka iyo
heerka aan ka is-taago dad ahaan, TOGNAAN AMA TABNAAN!
Runtii! Hadii in uun aad fahmi weydo, ama Somali ahaan sida
aan u dhigay gurrac uu ku jiro, waan ka cudur daaranayaa, tiraba 3 jeer baan dib
u akhriyey!
"THE END”
“DHAMMAAD” ….
Mahadsanid!
No comments:
Post a Comment