“Qof kasta oo caafimaadka barashadiisa jecel waxa uu habeen iyo dharaar
ku fikiraa sidii uu wax uga ogaan lahaa qaab dhismeedka jidhkeena, sida
uu shaqeeyo iyo sida uu u abuurmo uur ku jiif ahaan, ana waxaan idin la
wadagaya dhigane lagu qorey afkeena hooyo oo ka sheekeynaya qaybaha
jidhka iyo shaqadooda.”
Midabka Jaldigiisu waa huruud iyo cadaan, muuqaal ahaan, dhinacyada iyo xagga sare ba waa ka dahabi khafiifa halka uu caddaanku kaga jiro dhexda/badhtanka.
Waxa si farshaxanimo leh ugu xardhan magaca buugga “QAYBAHA JIDHKA”. Sawir ahaan waxa kuu muuqanaya sawir tilmaam u ah qaab dhismeedka jidhkeena, waxa aad arkaysa habdhiska dheefshiidka, neefsashada iyo weliba ka maskaxda.
Buuggan! Wax badan oo ku duugan waa kuwo si toos ah uga hadlaya qaybaha iyo shaqooyinka muhiimka ah ee jidhkeena. Isaga oo ka bilaabaya xubinta ugu yar jidhkeena ee loo yaqaan unugga wax walba na ka samaysan yihiin ilaa xubnaha waaweyn ee jidhka sida Maskaxda, Kelyaha, Beerka, Wadnaha iyo guud ahaan Xubnaha muhiimka ah.
In uu qofku wax ka yaqaano abuurka jidhkiisu waxay geyeysiisa inuu wax badan ka aqoonsan karo hoos u dhaca nafsi ee ku yimaad jidhkiisa, marka uu xanuun asiibo/haleelo. Sida: Dheefshiidka, Neefsashada, Kaadi-mareenka, Dhiigga, Dareen-wadayaasha iyo Taranka.
Buuggu waxa kale oo uu ka hadlayaa abuurka ilmaha iyo marxaladaha uu maro , taas oo ay raacdo casharo tilmaamaya waxa sababa hurdo la’aanta iyo sida loo daweeyo ((insomnia)). Dhammaan intan ba waa mawduucyada kala duwan ee uu buuggani bog ba bog uga hadlaayo.
Dabcan waa buug aad u kooban, balse macnaha iyo ujeedada uu gudbinaayo ayaa ah mid aad uga ballaadhan tirada bogagga uu buuggu ka kooban yahay, waana buug in badan koobsaday barashada xubnaha muhiimka ah ee jidhkeena.
Inta aad akhrinayso waxa aad buuga ka dheehanaysaa maahmaahyo, hadallo dhiirigelin ah, iyo wax kasta oo qofka ku yeelan kara saamayn togan inta uu la halgamaayo nolosha.
UNUGYADA JIDHKA
Maqaalkan waa mid aad u kooban, kaas oo uu qoraagu kugu dhiirigelinayo kugu na adkaynayo isaga oo dhinacyo badan kaa tusinaaya sida ay muhiim u tahay in aad noqoto Hoggaamiyaha Naftiisa/Nafteeda, iyo sida ay qofka guulo badan ugu soo hoyn karto.
Qaybtani waa tan ugu muhiimsan guud ahaan buuga, waana ta uu qoraagu si farshaxanimo leh ugu sharxayo una tilmaamayo habdhisyada jidhkeena isaga oo ka bilaabaya Habdhiska qalfoofka (Skeleton System), Maqaarka , Dheefshiidka (Digestive System) ,Neefsashada (Respiratory System) ,Dareenwadayasha (Nervous System),Taranka (Reproduction System) iyo habdhiska dhiiga (wadnaha) (Circulation System).
Qoraagu waxa uu inoo tilmaamaya habdhis walba inta xubnood ee uu ka kooban yahay, sida ay u shaqeeyaan xubnaahasi iyo weliba xubin waliba halka ay kaga taalo jidhkeena. Waxa uu ka bilaabaya guud ahaan lafaha jidhkeena u ah udub dhexaadka kuwaas oo inoo sameeya qaab dhismeedka adame-nimo, isaga oo ka bilaabaya tiradooda iyo qaybaha uu qalfoofku u qaybsamo, waxaanu sharax ka bixinayaa shaqada qalfoofka.
Ka dib waxa u soo galayaa unuga ugu balaadhan jidhkeena ee loo yaqaano maqaarka isagoo tilmaamaya faa’idada quruxda iyo ilaalinta ba leh ee uu jidhkeena u hayo. Ugu dambayna waxa uu si qurux badan u kala qaadayaa habdhisyada kale iyo sida uga shaqeeyaan jidhkeena guud ahaantii.
ABUURKA ILMAHA
Waa mid ka mid ah mawduucyada ugu balaadhan ee buugu sido, waa mawduuc tilmaamaya sida aadamuhu u tarmo una soo kordhiyo aadame kale oo isaga la mid ah.
Cutubkan waxa uu qoraagu innagu tusayaa abuurka adamaha sida uu allah SWT uga dhex dhaliyo isu taga labka iyo dhediga isu xalasha ah, waxaanu ka bilaabaya inuu sharax kooban inaga siiyo xubnaha taranka ee labka iyo dhediga, ka dibna uu u gudo galo sida ay u kulmaan ee ay manida iyo ugxanta u midowdo.
“Marka ay kulmaan manida iyo ugxanta, waxa dhasha unug ka kooban isu tagooda, sida caadiga ah manida iyo ugxantu waxay sidaan hido sidayaal go’aamiya lab ama dhedig kolba ka uu noqonayo ilmaha calool galaa, tusaale: Aabuhu waxa uu leeyahay XY halka Hooyaduna ka tahay XX hadaba isku tagooda waxa dhici karta in Aabuhu manida uu soo dayay ay siday hido-side X ah halka Hooyaduna caadi ahaan mar walba soo deyso hido-side X halkaasina allah ka dhex abuuro Gabadh ama Dhedig, Sidaa si la mid ah haddii hido-sidaha Y uu Aabuhu soo daayo, waxa uu allah halkaa ka abuuraa Nin ama Lab”.
Qoraagu waxa uu aad u dul istaagaya isagoo ka bilaabaya usbuuca koowaad ee tirinta taranka ilaa kan 38 mar xalad walba halka uu marayo uur jiifku. Usbuuc walba waxa uu qoraagu tilmaamaya xubinta ku soo korodha uur jiifka, sida goorta ay samaysmaan xubnaha muhiimka ah ee jidhka sida: Wadnaha, Maskaxda iyo xubnaha muhiimka ah.
Ugu dambayn waxa uu u tagayaa qoraagu sida uu ilmuhu ku soo dhasho isagoo ka bilaabaya foosha iyo marxaladeeheeda, sidoo kale waxa uu si qurux badan u tilmaamaya faa’idooyinka iyo noocyada naas-nuujinta.
MARXALADAHA KALA DUWAN EE UU QOFKU MARO
Qoraagu waxa uu ku faafahniyaa cutubkan koriinka qofku soo maro, marka uu dhasho ilaa uu koriinkiisu joogsado. Waxa uu u soo gudbinayaa akhristayaasha heerarka iyo xiliyada koriinka isaga oo u kala qadaaya xiliyo sida 0 -1 sano jir, 2-6 sanno jir, iyo ilaa qaangaadhka, sida oo kale waxa uu tilmaamayaa isaga oo si cad u qeexayaa wakhti walba waxa ilmaha u soo kordha caqli ahaan iyo jidh ahaan, haday tahay goorta uu ilmuhu dhaqdhaqaqa sameeyo, marka uu hadal barto iyo guud ahaan goorta ay mujiyaan astamaha qaangaadhka wiilasha iyo gabdhuhuba.
HORMOONADA (DHEECANADA JIDHKA)
Waa mawduuc kale oo uu qoraagu, akhristayaasha ugu soo gudbinayo sida ay hormoonadu jidhkeena uga dhex shaqeeyaan, iyo sida qanjidhada jidhkeenu ay u soo daayaan hormoono kala duwan oo u fududeeya shaqada ka dhex socota jidhka guud ahaan, iyo sida aanay la’aantood u suura-gasheen shaqadaasi. (Haddi aan la lahayn hormonadan)
HURDADA
Sida caadiga ah qofka weyni waxa uu u baahan yahay caadi ahaan inuu seexdo 6-9 saacadood oo hurdo ah 24 sacadood ba, halka caruurta iyo dhalinyaradana ay tahay inay seexdaan saacado ka badan oo hurdo ah, marka uu qofku gaboobana hurdadu waa ay ka yaraataa.
Mawduucan qoraagu waxaa uu ibo-fur ku samaynayaa hurdada iyo waxay tahay, faaidooyinka caafimaad ee ay inoo leedahay hurdadu iyo weliba dhibaatooyinka hurdo la’aanta isagoo tilmamaya waxa sababa hurdo la’aanta iyo sida ugu wanaagsan ee loo daweeyo.
Mawduucani waa mid ka mid ah kuwa ku dheeradka ah cutubyada kale kuwaas oo ka waramaya habdhiska adamaha waana mid aad muhiim ugu ah qaybaha adamaha, waana sababta uu qoraagu ugu soo darey mawduucan hurdada si wax badan looga barto.
Tusmada Buugga
---------------------------
Magaca Buugga: Qaybaha Jidhka
Qore: Abdirahman Hashi
Bogagga: 120 Bog
Sannadka: 2017
FARRIIN…
_________________________________________
Dabcan buugu illa hadda waa uu fiican yahay, waaanan ku hambalyeynayaa qorista buug sidan oo dhan muhiim ugu ah aqoonta dadka, iyo in uu weliba si bilaash ah igu soo gaadhsiiyey dhiganahan cilmiga badan, balse keliya intaan akhrinayay qoraal ahaan waxaan qoraaga u soo jeedinayaa:
“In uu dib u akhrin ku sameeyo buugga siiba dhanka dareen-wadayaasha iyo unugyada dhiigga sida, iyo sida ay xubin walba oo jidhka ka mid ah u gaadhsiiyan labadaa shaqo ee dhiiga iyo dareenkaba , sidoo kale waxaan aad u jeclahay in qoraagu sii faafahiyo habdhiska dareenwadayaasha oo uu ku soo daro waxa loo yaqaan “12 cranial nerves” iyo shaqadooda taas oo aad muhiim ugu ah guud ahaan jidhkeena ahna kuwa ka shaqaysiiya 5ta dareen wade ee aad nala wadaagtay.
Waxa kale oo aan jeclahay sida quruxda badan ee uu qoraagu u tilmaamayo (anatomy iyo physiology) habdhisyadooda kuwaas oo u tibaaxayo xubin walba sida ay u shaqayso in uu ku kabo, unugyada dhiiga iyo dareenka siiya jidhka (Artery, vein iyo nerve).
Sida oo kale inuu dabacadaha dambe ku soo daro sawiro hagaya kolba mawduuca laga hadlayo ”. Sida oo kale waxaan ka codsanayaa in uu isku dayo kordhiska buugga oo uu ku daro waxyaabo kaabi kara barashada jidhka sida hoos u dhaca ku yimaada (pathology), si uu u noqdo buug buuran.
Waxa kale oo aan soo jeedinaya mawduuca “Abuurka ilmaha”, in uu ka dhex saaro matanaha iyo sida ay u abuurmaan kaas oo uu ka dambaysiinayo marka uu isku soo xidho guud ahaan usbuucyada, una soo gudbo foosha in uu halkaa kaga daro waxyalaha dheeradka ah, sida habka ay ku abuurmaan mataanuhu, ha ahaadan kuwo isu eeg ama kala duwan.
Rayi ahaan, Mawduuca foosha isaga na waxaan jeclaa in qoraagu in yar ku daro sharax oo uu ku soo kordhiso tilmaam na ka bixiyo foosha aan caadiga ahayn, sidaa uu imika u tilmaamay oo kale (normal labor), waxaan kale oo aan jeclaan lahaa in uu sharax kooban ka bixiyo hababka uu ilmuhu ku iman karo (presentations), ilmaha dabo keenka, midka gudban, madax keenka iyo noocyada kale ba.
Ugu dambay na sharax yar naga siinaya noocyadii uurka sida: ectopic iyo waxyaalaha kale sababa pregnant abnormalities.
Iyo inuu faahfaahin qurux badan ku ladho qaybta abuurka ilmaha oo uu ku soo kordhiyo isbedelada jidheed ee ay hooyadu marto wakhtiga uurka (physiological changes during pregnancy) maadama oo ay yihiin mawduucyo isku xidhan oo iyagu is fasiraya.
FG: Buuggaagta cilmiga ah gaar ahaan kuwa caafimaadku in badan waa ay ka faaiido badan yihin buugagta kale, waayo waxaa uu is baranaya adiga oo adame ah sida uu allah kuu abuurey, iyo sida ay xubin ba ta kale ula shaqayso taasi oo ah iyaduba dhiirigelin aad ku raadin karto cilmigan.
Buuggan waxa loogu talogalay ardayda dhigata caafimaadka, sayniska, shaqaalaha caafimaadka iyo macalimiinta goobahaas wax ka dhiga iyo qof kasta oo doonaya barashada qaybaha jidhka.
Mahadsanidin
W/Q: Marty Mohamed Shucayb

No comments:
Post a Comment