Hhhhh, Runtii waan qoslayaa waxaanan aad ugu qoslaayaa magaca buuga iyo macnaha in badan laga aaminay iyo waxa aan ugu tegay sida ay Kaaf iyo Kala-dheeri u yihin!
Waa Buug xagga sare iyo xagga hoose labada ba, jaldigiisu madaw yahay halka dhexdu na tahay midab caddaan casuus xiga, waxa dhanka bidix ee buugga kaa qabanayaa sawir gacmeed ah, gabadh dhabanka iyo shanta isku haysta oo fikir la koodaadsan, halka horteeda na uu ka muuqdo geed bila caleemo ah oo qallalay, Buugga cinwaan waxa looga dhigay oo far waaweyn ugu qoran MAAN GUURSADEEN, sida oo kale na waxa cinwaanka ka hooseeya halku dheg “Quote” aan dhammaystirnayn oo u dhigan “Hadii aan nin Soomaaliyeed sidan moodayo maan guursadeen, waayo……..”
Qof kasta marka uu sidaa u arko, siiba “Ragga” waxa uu u fikiraya in buuggani lid ku yahay dabeecadaha iyo dhaqamada “Ragga” oo uu ku diraayo in badan dumarka soomaaliyeed, dhaliil u tebinaayo, mise na uu wax badan oo ay habboonayd in la qariyo uu sheegaayo, balse bil caksi, runtii haddii cinwaanka buugga la turjumto waa halkeeda, lakin guud ahaan buuggan mawduucyada uu gudbinaayo iyo Mawduuca MAAN GUURSADEEN laftiisa inta ba waxa ay xallinayaan dhibaatooyin badan oo jira, waxaana ay u tebinaayaan sida dhiirigelin oo kale.
Kumaan Ahay, Maan Guursadeen, Qurxi Caqligaaga, Ceeb Maaha Caashaqu, Wuu I Furay, Guurdoon Adduun waayay, Xeebtii Kalgacalka, Ha I Furin, Bukaan Caashaq, Qalbiga Uun U Soo Celi, Nin Iga Yaabshay, Ha Iii Diidin Heesaha, Qof Is Diiddan Baan Ahay, Hargeysay Ma Kuu Dhaxay, Muqdisho Qalinkoow u Ooy, Nin Qustay Baa Quus ah, Nabsi Guratay, Dalka iyo Dareenkayga, Hargeysa “Magaalo Dugsi Fikir u Baahan, Hargeysa “ Wargeysyo Tiro Badan Lakin….”, Hargeysa “Dhib Jirta iyo Dhoohni”, Dawladeennu Waa Urur Dameeraad, Masar Xaggee Bay u Socotaa., Allahayow Dalkayga. Intan ba dhammaan waa mawduucyada aad ugu tegi doonto buugga illa dhammaadkiisa.
Haddaan isku dayo in aan mid kasta sidiisa uga hadlo hubaal waxa ay kelifaysaa in aan buugga oo dhan sidiisa uga hadalno, middaana ma qurux badna oo waxa habboon in qofku buugga akhriyo, ka dib na fahamkiisa maskaxeed iyo ujeedada guud labada ba uu isla fahmo.
Lakin waxa aan isku dayi doona in aan idinla wadaago mawduuc kasta iyo muhiimadda guud ee uu ka hadlayo. Waxa aanan rajaynaya in dadyawga badan ee akhriyey iyo anigu ba isku waafiqi doono sida aan u fahmay iyo sida ay u fahmeen labada ba in sha allah.
KUMAAN AHAY
Waa mawduuca kowaad ee aad indhahaaga ku dhufan doonto marka aad bilaabto akhrinta mawduuyada, waana ereyo u dhigan sidan:
Somali Baan Ahay
Sinnaan Baan u Taaganahay
Samahaanan Jecelahay
Ummadayda Siliciyo
Saxariirka Daashaday baan
Saqda Dhexe U Kacaya
Sadaradan u Qorayaa
Saran-Seer U Maraya
Illa aan Sal-Gaadhana
Sal Fudaydi Maayee
Sidaasaan Ku Jirayaa
Kuwan waa ereyada ugu horreeeya ee uu isugu keen sheegayo qoraagu, cidda uu yahay iyo ujeedada uu qalinka u qaatay, una door biday in uu ka mid noqdo qalinleyda soomaaliyeed.
MAAN GUURSADEEN
Mawduucan sida aan hore u sheegay in badan oo dadka isticmaala aaladahan bulshada ku wada xidhiidho “Social Media”, waa ay arkeen isaga oo u qoran maqaal ahaan, maalmo yar ka hor na waa aynu wadaagnay, runtii sida uu u qoran yahay waa gabadh garnaqsanaysa oo weliba la garnaqsanaysa ninkeedi, ujeedada keentay in hadalkaasi iyo wada sheekaysigaasi furma na ay ahayd hal ku dhegga xittaa in badan oo akhristayaasha ka mid ahi ay ka biyo diideen kaas oo u dhigan “ Haddii aan gabadh soomaaliyeed ahaan lahaa maan guursadeen nin soomaaliyeed, haddii aan guursada na waxba uma dhaleen”, Hhhhhh, Dabcan marka uu qofku sidaa u arko su’aalo badan ayuu is weydiinaya, mawduuca oo dhammaystiran hore waan u akhrisannay, ujeedada na sida ay doonto haba ahaatee qof kasta aragtidiisa hore waa uu ugu cabbiray,.
Runtii mawduucan waxa uu in badan saxaya khaladaad badan oo ka dhex jira qoysaska soomaaliyeed siiba Ninka iyo xaaskiisa, qoraagu xagga dambe ee mawduucan waxa uu ku sheegaya in ay gabadha is fahmeen, isla qaateen, garawsho na uu ka muujiyey, sida oo kale uu ballan qaaday in uu is baddal keenayo, mar kale oo su’aasha si kaftan ah gabadha ugu celiyo isaga oo ku leh “ Inbti Saytuuneey Malaha Nin Soomaaliyeed Maad………” Isaga oo aan hadalka dhammayn ayay afka qabanaysa kuna odhanaysaa “ Ilaahay baan kugu dhaarshee mar dambe sidaa ha u hadlin”, Hhhhhhh, halkaas waxa ay inoo caddaynaysaa sida wada sheekaysiga lammaanaha uu faaiido badan leeyahay, iyo xalka ugu fiican sida uu u keeno, mar kasta oo lammaanaha is xaal ogadaan waa mar kasta oo ay aad isugu dhawadaan isuna jeclaadaan.
QURXI CAQLIGAAGA
Mawduucan, waxa uu si farshaxanimo leh qoraagu u soo qaadanayaa laba nin oo mid uu isla qoraagu matalayo, sida ay muhiimada u saaran quruxda muuqata ee kokooda sida jidhka iyo lebiska ay dadku sameeyaan iyaga oo aan muhiimad iyo ihtimaam saarayn, quruxda caqliga iyo faaiidada badan ee ay u leedahay shakhsiyada qofka. waxa xusid mudan in labada shakhsi ee mawduucan matalaya waa “Qoraaga iyo qof uu ku mataalayo saxiibkii’e”, ay la kulmayaan qof saddeexaad kaas oo aaminsan in ay quruxdu ba tahay caqliga iyo maskaxda oo lagu kabo cilmi iyo akhris badan oo wax korodhsasho ah, kaas oo ay iyagu na “Qoraaga iyo qof uu ku mataalayo saxiibkii’e” ay u qaadanayaan in uu waalan yahay ninkan waxa ku hadlaya.
Ujeedada iyo muhiimadda ka dambaysa mawduucan ayaa ah, in xaragudu keliya aanay ku koobnaan jidhka iyo tinta oo la hagaajiyo, balse ay sida oo kale muhiim tahay in caqliga iyo maskaxda na laga xaragoodo, iyada oo kor loo qaadayo heerka cilmi, Waxa dhinac kale uu mawduucani ku xasuusinaya Hathiiski rasuulka ee macne ahaan dhignaa mar uu ka hadlaayay cilmiga “ U socda, oo u haajira cilmiga inta xusulkiinu xabaal ka sarreeyo”.
CEEB MAAHA CAASHAQU!
Bani-adamka cimrigiisa waxa ugu xallad, xiiso iyo xanuun badan, wakhtiga dhalinyaranimada, Waa wakhtiga uu soo maro waxa la yidhaahdo JACAYLKA ama CAASHAQ uu u u qaado shakhsi kale. Xusuusta qofka kama guurto marka iniin caashaq ku biqisho qalbiga iyo kashiisa, taas oo weliba uu ku guul darraysto.
Mawduucani waxa uu si qoto dheer uga hadlayaa in ayna ceeb ahayn in aad wax jeclaato oo weliba lagula qaadan waayo, balse ay ceeb iyo fool xumo tahay in aanad waxba jeclaan ama caashaqin, waayo markaa waxa la odhan karaa qalbigaaga ayaan diyaar ba u ahayn in uu wax jeclaado ama waxa aad ka baxdayba xayn-daabkii bani-adamnimo.
Waxa xusid mudan in mawduucani ku leeyahay markaad akhrinayso, marna ha ka qoomamoon in ciddi aad jeclaatay ku diiday ama aad ku guul-darraysan weydey, balse bil caksi, naftaada ugu hambalyee oo uga Mahad-celi in ay wax jeclaatay, doorasho iyo dookh na samaysay. Markaa guud ahaan waxa muhiim ah in aanu qofku u qaadan in uu ceeb sameeyey marki uu cid jeclaaday kuna guul-darraystay.
WUU I FURAY
Waa mawduuca ugu xasaasisan uguna xanuunka badan intaan buugga akhriskiisa ku jiray kan iyo mawduuc kale oo cinwaan ahan u qoran HA I FURIN, Dabcan markaad aragto mawduucan waxa kugu soo dhacaya silic, saxariir, dulmi, degenaan la’aan, iyo nolol khasaare noqotay. Ma garanayo qisada ku qoran in ay mala-awaal tahay iyo in kale, balse waxa mawduucan sal-dhig u ah Qiso ka waramaysa gabadh in badan oo Ragga gayaankeed ah ku hammiyi jireen, balse waa qof iyo dookhii’e iyadu ninkii nolosha la wadaagi lahaa dooratay, ninkaas oo in badan oo qoyskeeda iyo asaxaabteeda ka mid ah ay ka soo hor jeedsadeen kuna dardaareen in ay iska dhaafto guurkiisa. Iyada waa ay ku calool-adaygtay in ay isaga raacdo maadama kasheeda ay gashay in hayn la’aan lagu cadaadinaayo isaga.
Ujeedada qisadan iyo xaalada ku gedaaman labadu ba waxa ay ka digayaan kibirka iyo isla’weynida qofka gasha marka uu helo hayn ku filan, magac iyo maamuus. illawshaha xaalada la isla soo maray iyo Inkiradda dadaalkii la isa soo geliyey labada ba waa ay keenta in Cuqubo iyo Nabsi dambe oo laga dhaxlo.
GUURDOON ADDUUN WAAYAY
Waa mawduuc faneed aad u qosol badan, waxa uu xabbad xabbad uga waramayaa xaaladaha ku gedaaman dhalinyarada guur doonka ah, weliba kuwooda u hanqal-taaga in ay guur iyo guri yagleelaan, Siiba Inamada, waxa uu soo qaadanaya tabaha haasawe ee ay maraan iyo riyooyinka kala duwan ee ay ku riyoodaan, qolada qayisha iyo mirqaanku waxa uu tuso, sida in uu kaba dhex bilaabo oo hungureeyo islaanta kolayga uu qaadka ka iibsado haysa weliba marka ninki ka dhintay ama la furay, Hhhhhh.
Runtii waa mawduuc aad u qosol badan, dhextaal na u ah dhammaan mawduucyada ku qoran buugga, waxaana aad iga qoslisay gebagebada mawduucan taas oo u dhigan sidan: “Doonkani waxa uu u baahan yahay talo iyo tusaale, waxa uu u baahan yahay guur iyo gabadh, waxa uu u baahan yahay gurmad iyo gargaar inta aanu qarxin sidii nukliyeerkii Japan. waxa aanad ka helaysaa isaga oo kambadhuudha xaafada “KAS DARAN” Dariiqa if iyo aakhiro, ka soo hor jeedka buulka islaanta ina Weyse-Wanaaje”, Hhhhhhh….
XEEBTAA KALGACAL
Bad’yahay Gob Baa Tahay
Gal Xareeda Baa Tahay
Balli Gaaxsan Baa Tahay
Quruxdaada Guud’iyo
Biyahaaga Galacla na
Gabay Kuma Siffayn Karo
Galabtii Timaada na
Geestaad uun Baan
Ruuxdayda Geeyaa
Anigoon Is Garanayn
Farxad Baad I Galisaa
Riyaaq Baan La Guuxaa
Geeraar La Tiriyaa
Gacaladey U Heesaa
Ama Sheeko Guunoo
Garaad Ku Hadh Samaysaad
Gallad Iigu Deeqdaa
Ama Gacalayaashii
Giddigood ba Waayuhu
Na soo Kala dhex Galayeen
Maalmo Kala Go’doonaad
Ii soo Bandhigaysaa
Waxa xaalada uu ku sugaanado qof kasta marka uu tago badda iyo sida uu dareemi, marka uu sanka la helo neecawda iyo laydha uu rabbi ku mannaystay xeebaha, maqaaalkan waxa ku sidkan waraaq-jacayl “Letter of Love” oo uu qoraagu inoo soo gudbinaayo.
HA I FURIN
Waa mawduuc si cad u taabanaya dadka jecel guurka badan kaas oo gaadhsiisan 4 iyo wax ka badan, weliba waxa uu si fiican ula hadlayaa dadka inta badan caado iyo dabeecad ka dhigtay in ay ku gabbaadan diinta islaamka. 4 waa inta ugu sarraysa ee uu ilaahay u baneeyey ragga muslim ah in ay guursadeen iyada oo ay weheliyaan shuruudo, balse waxa xusid mudan mawduucani inuu taabaanayo qolyaha ku fikira si ay gabadh 5aad oo ay ka heleen u guursadaan, xaalad abuur iyo xeelad u sameeya si ay gabadha kowaad uga takhalusaan.
Laga yaaba deegaankeena in ay ku yar tahay, ama ay adag tahay sida loo arko nin dabeecadan leh, balse sida oo kale waxa laga maarmaan ah in bulshada marka ay badato wax kasta lagu arki karo.
BUKAAN CAASHAQ
“Ima Daayo Caashaqu
Dad Haddaan La Joogiyo
Haddaan Keli Dawaafo
Waaba La Igu Daw Galay”
Xidhiidhada dadka dhex mara aad ayay u fara badan yihin, sida oo kalena waa ay kala wada nooc duwan yihin, waxa ugu adag, ugu qallafsan uguna wanaagsan midka dareen caashaq ka unkama ee lammanayaal isku qaadaan ama ba uu midkood qaado. Mawduucan waxa uu qof kasta oo xaalada ku sugan u kala saarayaa Farqiga u dhexeeya KASBASHADA Iyo JACAYLKA, runtii waa laba kala duwan oo aan isku macno ahayn, qof kasta na laba macno ayaa uu u leeyahay.
Hhhhhh Mawduucan waxa uu qoraagu soo qaadanaya Cisbitaalkii Jacaylka ee WEEDHSAME, kaas oo ay ku sugan yihin dad badan oo xaaladahoodu kala duwan yahay.
QALBIGA UUN U SOO CELI
Mawduucan cinwaankiisu isaga ayaaba is fasiraya, waa qof inta uu jacayl helay hadana isu dhiibay
Labada qof mar kasta oo ay is ogol yihin waa mar kasta oo ay isu naxariistaan, marka aanay is ogolayn na waa mar kasta oo midkood dhib badan la kulmo.
Ereyo badan oo mawduucan ku jiraa waxa ay cabbirayaan qisada mawduucan ku xardhan iyo xaalada uu ku suganaan karo qof kasta oo la il darran jacayl hal dhinac ah
NIN IGA YAABSHAY
Waa mawduuc dhiirigelin iyo talo badan xambaarsan, waa mawduuc nolosha in badan ku fahamsiinaya, waa mawduuc meelo badan wax kaa tusaya, dabcan waxa uu u qoran yahay sidii nin kula hadlaya oo waano iyo wax sheegsan doonaya in uu ku sii gunto, waa mawduuc taabanaya dhinac kasta oo bulshada ah, isaga oo doonaya in aad si kasta u feejignaato.
HA II DIIDIN HEESAHA
Waxa uu qaada dhigaya muhiimadda, faaiidada, faanka, iyo mudnaanta uu leeyahay dhaqanka soomaalida, weliba dhinaca suugaanta, Gabay, Geeraar, Hees IWM waa qaar ka mid ah kuwa dhadhanka iyo xiisaha u sameeya, tusiya na dadka hibada Afka Soomaaliga, sida oo kale qoraagu waxa uu dadkiisa ku boorinayaa in ay muhiim tahay in dadka lagu baro dugsiyada, si ay in ka badan luqadaha kale Hodan ugu noqdaan AFKOODA.
QOF IS DIIDDAN BAAN AHAY
Dabcan mar kasta oo qofku naftiisa af garan waayo, waa qof diiddan oo aan isaga laftiisu isba ogolayn, mar kasta oo qofka xumaantu ku badato waa mar kasta oo xitta naftiisa uu cadaw ku noqdo, mar kasta oo uu qofku sahay ka dhigto wanaagga iyo ku suntanaanta wax kasta oo dadka, iyo naftiisa u wanaagsan, waa mar kasta oo naftiisu is ogoshahay.
Cafiska, Is Raali-gelinta iyo Isu Tanaasulku, waa calaamadaha dadka intooda ku suntan ay kasbadaan ixtiraam, qaddarin iyo wanaag, taas oo sababta is-jacayl iyo isu-dabacsanaan, mar kasta oo qalbiga laga siifiiyo xinka iyo xiqdiga waa mar kasta oo guusha loo dhawaado.
Mawduucan na waxa uu qaada dhigaya sida qofka cadhada iyo ciilka ka buuxiya qalbigiisu uu u noqdo qof is diiddan oo aan laftiisu ba is ogolayn, dhinac kale waxa uu qoraagu u dhigaya sidi jamac oo kale, macnaha qofka laftiisa marar badan matala Bulsho badan, Waxaana uu qoraaya mar uu
sheegayo:
Qof is diiddan baan ahay
Qof dayaysan baan ahay
Qof dagaalsan baan ahay
Qof is dooxaaya baan ahay
Qof ay gaajo dubatoo
Daranyaysan baan ahay
Dawarsaan ku noolahay
Dibin-daabyadaydiyo
Darxumooyinka aan qabo
Daah Kaama saarnee
Dushaydaad ka aragtaa
Danna Heedhe Kama Lihid!
MUQDISHO QALINKOOW U OY
Waa maqaal si fiican uga hadlaya Magaalo-madaxda dalka Somaaliya, ee MUQDHISHO, sida ay ahayd, iyo sida ay hadda tahay, dhalinyaradeeda dadkeeda, iyo guud ahaan bulshada soomaliyeed sida ay u gabeen in ay wax u qabtaan ama la qabtaan intii itaalkooda ah, sida ajaanib badan u yimi, dhalan-toorsanka ku yimi dhammaan dhaqanadii lagu yaqaanay, waxa uu qoraagu xagga dambe kaga ladhayaa talo iyo toosin badan oo uu u diraayo guud ahaan dadka soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Soomaaliya ku dhaqan.
NIN QUUSTAY BAA QUUS AH
Qoraagu marka uu mawduucan ka hadlayo waxa uu soo bandhigaya quusta iyo sida aanay qofka ugu habboonayn, waxa uu soo bandhigaya qoraal dheer oo u dhigan sidii waano iyo wax sheeg san oo loo tebinaayo qof quustay oo nolosha ku dhibban, waa qoraal wax badan qofka akhriya ka tusinaaya in nolosha aan marna laga quusan, hal ama laba guul darro oo dhacday na loo dareemin in nolosha isa soo xidha. Sabirka iyo dulqaadka faaiidada ay leeyihin ayuu sida oo kale ka hadlaya, Aqoon iyo dadaal, Tala-saarashada Rabbi laftooda kama maqna qoraalkaas.
NABSI GURATAY
Waa mawduuc si fiican uga hadlaaya cuqubada iyo Nabsiga laga galo qofka sida aanay marna u hadhin ee ay dadka uga daba-yimaadaan, iyo sida aanay u wanaagsanayn in la galo, qoraalkani waxa uu qof kasta oo akhriya uga digaya in la iska ilaaliyo, oo weliba laga feejignaado.
DAWLADEENU WAA URUR DAMEERAAD
Dameerku waa mid ka mid ah xayawaanada ay ka faaiidaystaan dadku, inta badan sifooyin badan oo wanaagsan ayaa uu ku suntan yahay, sida dulqaadka, samir badnaan, damqasho la’aan, doonid yaraan, aamus badnaan, adkaysi ogaan IWM, sida darted waxa uu qoraagu in badan diirada saaraya in dawladeenna iyo ururadeenu ba noqdaan DAMEERRO, weliba ay habboon tahay in ay ku sifoobaan, waayo waxa hubaal ah in horumar badan ka dambeeyo ka dib sifadaas.
DALKA IYO DAREENKAYGA HARGEYSAAY MA KUU DHAXAY, HARGEYSA “MAGAALO DUGSI FIKIR U BAAHAN”, HARGEYSA “WARGAYSYO TIRO BADAN LAKIN….”
HARGEYSA “DHIB JIRTA IYO DHOOHNI”, Mawduucyadan dhammaantood waxa uu qoraagu kaga warramaya Hargeysa iyo markii uu yimi, waxa uu kala kulmay, sida ay tahay, iyo sida uu u rajaynaayo. Amaan, dhaliilo, toosin IWM intaba waa ay koobsanayaan.
MASAR: XAGGAY KU SOCOTAA
Qof kasta marka laga tago wadankiisa waxa uu leeyahay wadan labaad oo u suuro geliyey himilooyin badan oo uu lahaa, sida darted qoraaga wadankiisa labaad waa MASAR, markaa mawduucan waxa uu ku lafa guraya xaalada masar iyo sida ay tahay, isaga oo duco iyo wanaag badan oo u rajaynaayo na ku soo af meeraaya.
ALLAHAYOOW DALKAYGA
Allahayoow dalkayga
Dibindaabyo culusiyo
Dakanooyin Cadawiyo
Cudurada Dillaaciyo
Inta Daran Intaw Daran
Kaba mari Daleedaha
Allahayoow dalkayga
Dabayl Caafimaadoo
Daruuraha Da;siisoo
Soo Saarta doogoo
Xooluhu dur-duurtaan
Dadku wada Riyaaqaan
Da’yartuna Ciyaaraha
Caweyskii ka dananshaan
Ugu deeq Kariimoow
Allahayoow dalkayga
Kuwii wada dadaalee
Dalka horumarkiisana
Mar kastaba daneeyee
Isku duubnidoodiyo
Danahooda Dhawree
Doc kastaba Gufeeyee
Is daryeela Kaba Yeel
Amiiiiiiiiiiiiiiiiiin Amiiiiiiiiiiiiiiin Amiiiiiiiiiiin...
Halkaa waxa ku dhammaanaya buugga ka dib markii uu dhawr mawduuc oo kala duwan soo taxnaa.
Tusmada Buugga
Magaca Buugga: Maan Guursadeen
Qore: Axmed Ismaaciil Maxamuud (( Axmed Deeq ))
Bogagga: 180 Bog
Sannadka: 2012
FG: Cinwaan kasta oo uu buuggu wato ama isla markaaba laga daalacdo jaldigiisa, ma habboona in cinwaankaas lagu xukumto, ama la is yidhaahdo waxa uu ka hadlayaa waxa aan faaiido badan ku jirin, Dabcan buug kasta oo caalamka la qoro kuna soo biira, faiiido ayuu leeyahay haba yaraatee, Sida oo kale ma fiicna mana qurux badna in hadal aynu ka maqalnay bulshada inteeda kale aan qaadanno weliba na aan aaminno, Maskax baa ilaahay qof kasta siiyey taas ujeedadeedu tahay in ay ku kala shaandheyso wax kasta oo ay aragto, maqasho, ama ay akhrido ba.
Mahadsanidin
W/Q: Amina Galaydh
No comments:
Post a Comment