Waa mid ka mid ah buugaagta lagu xardhay sheekooyinka ugu xiisaha badan
ee Af-Somaliga lagu qoray, dabcan sannado yar uun ka dib, markii
qoraalka Farta-Somaliga lagu dhawaaqay “1972kii”, Marka laga yimaado
xiisaha iyo xamaasada ay sheekadu qoraal ahaan wadato, waxa uu dheer
afka ay ku qoran tahay oo ah Afka-Reer Xamarka, Dabcan waa Luuqadda
Xamar iyo Intiii ka shisheysa looga hadlo, Taas oo u sii yeeshay dhadhan
aad u xiise badan oo kugu dhiirigelinaya in aad akhriska sii wadato.
Qof kasta oo inaga mid ah Afka ama wax kasta oo aanu aqoon u lahayn ama ku cusub waaa uu uga xiisa badan yahay waxa uu yaqaano, Middan ayaana igu dhacday, Runtii waagii ay Raadiyaha ka soo geli jirtay iyada oo dhegaysi ah, guud ahaan waa ay iiga xiise badnayn sheekooyinkii kale ee la soo tebiyey oo dhan, Imika ooo buug ay ugu qoran tahay na sida oo kale way iiga xiiso badan tahay labadii sheeko ee hore waa AYAAN-DARAN iyo ADEEGTO’e.
Maanafaay ama Maana, waa magaca ugu horreeya ee marka sheekada la bilaabo, wax ka yar bog iyo badh ka dib, markiiba kaa soo hor baxaya, waxaan odhan karaa waa Aktaradda “Actress”, sheekada buugga inta ay socoto oo dhan, waxa aanay kala mid tahay sheekooyin dhawr ah kuwaas oo loogu magaca daray inanta gundhigga u ah hadba sheekada uu buuggaaasi ka sheekaynaayo sida: Saxarla!
In kasta oo sheekadan markii u horraysay la qoray 36 sanno ka hor, hadana marka aad sidaa u bilawdo illa dhammaadka waxa aad dareemaysaa waaqicigi iyo waxyaabiihi uu markaa qoraaga buuggu arkayay in ay maanta na bulshada laga dhex arko, oo ay in badan ku suntan yihin, waxa xusid mudan in wax yar mooyee aanu jirin wax is badal ah, guud ahaan sheekooyinka bulshada soomaalida laga qoro, waxa ay inta badan taabtaan dhaqamada kala duwan ee dadka soomaaliyeed, qof kasta oo akhriyaana waxa uu dareemaa, aan idhaahdo 85% in sheekadan wax ka jiraan taas oo uu weliba si cad u arkay ama ba u maqlay.
Maanafaay kuwaas ayay la mid tahay, waa sheeko gubinaysa oo fariin cad u diraysa bulshada soomaaliyeed, dabcan waa ay jiraan sheekooyin kale oo sida AYAAN-DARAN, ADEEGTO, SAXARLA, Iyo kuwo badan oo kale ba kuwaas oo ka hadlaaya dulmi, tacadi, iyo dhib soo gaadhay shakhsi keliya, balse ay u horseedeen qoyska iyo bulshada ku hareeraysnaa, Lakin Maanafaay waxa ay koobsanaysaa dhib iyo dulmi loo dhan yahay Min qoys illa qaran.
Dhinac waxa ay eegaysaa dhaqanka soomaaliyeed iyo doorki uu ku leeyahay Ubadka la isa siiyo, kuwaas oo waalidku isla gartaan iyada oo aan laga talo gelin, ubadkaa la isu guursanaayo, iyo dhibka ka dhasha marka dadyow kale oo xagga dibadda qoyska ka ah ay soo dhex galaan, macnaha ubadkaa la isa siiyey ay laba qof oo kale jeclaadan, door-bidaanna inay kuwaa ay jeceladeen nolol la wadaagan, waxay noqon karaan cawaaqibka ka dhalan kara, iyo danta waalidka marka ay meesha ka baxdo taas oo sababi karta colaad hor leh oo dad badan galaafata.
Dhinac kale waxay sheekadani taabanaysaa, isfaham la’aanta iyo is aamini’waaga inta badan dhex yimaada labada qof ee is jecel iyo sida looga kala war sheekoodo, la isuguna diro iyada oo falawgeed la galayo sidii ay u kala tegi lahaayeen, tani waxa ay xoojin karta cadaadiska inta badan ay la kulmaan iyo waxyaalaha sabab u noqda in guryo badan oo dhalinyarada soomaliyeed dhawaan iyaga oo yagleelay hadana wax ka yar 6 bilood uu ku dumo.
Waxa xusid mudan in dhinac kale sheekadu iska taagtay bulshada dadka xun ee ku dhex jiraa, sida ay u fasahaadin karaan inta wanaagsan, iyo sida ooo kale lacagta iyo qooqa waxa la yidhaahdana sida ay xidhiidh dhaw u leeyihin, Magac iyo Mansab labada midna aanay ugu tudhin, iyo sida ay u disho aaminaada, iyo kalsoonida dad badan oo is qabay muddo, iyo cuqubada ka imaaata marka la ogaado in arrimahaa looga shakiyey qofkaas ay wax ka jiraan.
Intan iyo in ka badan ba waa ay gubinaysaa, runtii na wax badan oo bulshada ka qarsoon ayaa uu buuggani soo bandhigaya, laga yaaba sida, in badan oo inaga mid ah u aragto, in keliya sheekada buugga ku xardhan loo qaato sheeko jacayl ah, balse inta badan ujeedada guud ayaa ka weyn, taas oo ah sababta buuggaas wakhti, dadaal, iyo dardar ba ugu huro qoraaga soomaaliyeed. Dabcan Maanafaay, sal dhig waa ay u tahay balse sida oo kale waxa ay matalaysaa inan kasta oo soomaaliyeed, Sida oo kale Eng Axmed, waxa uu matalaya wiil kasta oo soomaaliyeed.
Maanafaay, Iisha, Layla, Cumareey, Aay-cadeey, Xaaji Muumin, Aay-Nuurto, Aw-Mukhtaar, Iikar”Abuukar”, Jiija, Eng Axmed Jaamac, Sahra Yuusuf, Jaamac Dhegey, Cambaro Cali, Ciise Dheere, Aweys, Kulmiye, Cabdinaasir, Faarax Yare, Cawaale, Qawdhan, Xaaji Macoow, Aay-Batuulo, Aay-Kheyr, Beydan, Iyo magacyo kale oo badan waa kuwa inta badan hormuud ka noqon doona inta lagu guda jiro akhrinta buugga Maana-faay.
*********************************************************************
Xaaji Muumin: Haye Igaarkeey! Intee ka imaatay?
Cumareey: Abbaa, banaankaa ka imaaday!
Xaaji Muumin: Maxaa suubiheysey?
Cumareey: Waa soo dheeldheelaayey, lee, Abbaa jallaata habbaa?
Xaaji Muumin: Iihi!, Habartaada ma joogtoo?
Cumareey: Waa joogtaa
Xaaji Muumin: Bax hee!, Ii soo wac
Xaaji Muumin: Haye Abbaa!, Cumareey. Jallaataan rabaa ma i dheheenoo, Bax, Nuskan Shilin Khaadee, Jallaato ku soo gado, Haye igaarkeey, bax hee..........Iska jir yaah!!!.......Soco hee

Tusmada Buugga
Magaca Buugga: MAANAFAAY
Qore: Maxamed Daahir Afrax
Boggaga: 334 Bog
Qaybaha/Xubnaha: 11 Qaybood/Xubnood
Sannadka: Daabacadi 1aad 1981, Daabacadi 2aad 1993ki
Waxa Lagu Daabacay W.M.Q, African Trainagle Stockhom

Weli Ma Is Weydiisay….
"Buugta Af-Soomaaliga ku qoran, badankood, waxa gun dhig u ah sheeko jacayl ah, ama laba qof oo matalaaya in uu jacayl ka dhexeeyo, balse sida badan ee aan ku aragno markaan u dhaadhacno buugga waxa uu abbaara meelo kala duwan, Waa Maxay Sababtu?"
Mahadsanidin!
W/Q: Amina Galaydh

No comments:
Post a Comment