Saturday, September 23, 2017

FAALLO! Buugga Indhadeeq Ku Aaway.

HORDHAC
"Waxa aynu rabno iyo waxa aynu u baahan nahay ma ay is tagaan? Inta badan maya.
Buuggan waxa aynu ka dheehan doona labadaas baahiyood ee kala duwan, marka ay midoobaan qaabka ay nolosha u yeelaan, marka ay kala ahaadaanna sida ay nolosha noqoto. Waa hal qiso oo ku saabsan Faysal Keynaan iyo Indhadeeq Cali. Waxa aynu dhex tegi doonaa xafiiska dalka looga taliyo iyo qalbiga u taliya cidda u talisa.
Akhris Wacan".

Magaca buuga waa Indhadeeq Ku Aaway?, Waxa qoray 2015 kii Ismaaciil Cabdillaahi Ubax, Waxa uu ka kooban 202 Bog oo xidhiidh ah, Marka laga yimaado mahad naqa iyo hordhaca guud, buugani waxa uu u qoran yahay 8 waaxood ((Section)) oo isku xiga, in kastoo magaca buugani sitaa uu kugu dhiir-gelinayso inaad akhrido si aad u ogaato magacan meesha ku xardhan baadi-doonkuna ka muuqdo, hadana waxa xusid mudan in qayb/waax kasta oo buugan ahi uu leeyahay xiise u gaar ah taasoo ay kaga duwan tahy midda kale ee ku soo xigta.
Guud ahaan buugani waxa uu ka waramayaa hal qiso oo keliya waana Faysal Keynaan oo ah wiil uu dhalay siyaasi magac weyn ku leh dalka misena aad u danaynaya in uu noqdo madaxweynaha mustaqbalka ee dalkaas in kastoo geeridiisa hankaas baabiin doonto gadaal na uu ka rumayn doono wiilkiisa, iyo Indhadeeq Cali oo uu dhalay Cali-Shaandho oo ah oday ay aad isaga soo hor-jeedaan Keynaan siyaasadana isku hayaan. Wixii intaa ka dambeeya waxa si fiican u bilaabmaysa sheekada buuga iyo nuxurka ay gudbinayso:

Waaxda 1aad: MAGACA

Waaxdani waxay si fiican oo mug leh uga hadlaysa goortii, halkii iyo sida uu ku soo galay wiilka waa ((Faysale)) magacan uu buugu wato, muuqaal ahaan siday u eg tahy gabadha uu calmaday waa ((Indhadeeqe)), xaalada uu ku sugan yahay illa iyo maalintuu bartay, meesha ay wadanka kaga noolashahay, dareenka weheliya marka ay la hadlayso, IWM. Dhanka kale waaxdan waxa soo hoos galaya xisbi loogu magac daray BULSHO oo noqon doona midka aabihii oo KEYNAAN ahi madaxnimada ku rabay, balse rumayntiisa uu yeeshay Faysal, CALI-SHAANDHO iyo heerka ay kala taagan yihin KEYNAAN iyo qoyskiisa , sida oo kale kulan kedis ah oo ay isku arkayaan Faysal Keynaan iyo Indhadeeq Cali, iyo waxay ku kala kulmi doonan.

Waaxda 2aad: BULSHO

Waaxdani waxay si fiican uga xog warramaysaa fikirkii iyo sidii uu ku samaysay xisbiga Bulsho, goorta ay ahayd iyo xaalada lagu sugnaa, hirgalkii, iyo wacdaraha uu ka geysan doonto dalka, booska ay Faysal iyo aabihi Keynaan kaga jireen, guud ahaan waxa uu bog/bog uga waramayaa habkii ugu habboonaa ee ololaha siyaasada loo galay, iyo meelahii la abbaaray, xaaladd Caafimaad darro oo Faysal aabihii la soo deristay taas oo sababaysa geerida ku imaatay aabihii, iyo sida oo kale xaalad adag oo uu geli doono Faysal taasoo sababi doonta inuu gebi ahaanba ka tago xisbigii ay dhidibada u taageen isaga iyo aabihii.

Waaxda 3aad: INDHADEEQ

Waaxdani waa mid ka xiisa badan baan odhan karaa labadi hore, waayo waxay in badan sheegaysaa guulaha uu ka gaadhay xisbigu dadweynaha, qancinta Faysal lagula doonayo inuu buuxiyo booskii aabihii, soo dhaweynta ay u hayaan guud ahaan Shacabka ku nool wadanka, iyo go’aanka lama filaanka ah ee uu Faysal Keynaan madasha siin doono. Mar kale waaaxdan waxa wehelisa fariin kedis ah oo Faysal uga imaan doonta Indhadeeq iyo dareenkiisu sida uu noqon doono ka dib aragtida fariintaas. Rajada faysal oo soo noqonaysa kuna sababi doonta inuu dib uga noqdo go’aankii hore, una kaco ka rumaynta hadafkii uu aabihii ka dhintay.

Waaxda 4aad: WAAN KU SOO JECLAANAYAA!!!

Mar kale waaxdani waxay sii amabaqadaysaa fariintii wada sheekaysi ee FAYSAL Iyo INDHADEEQ, oo dhinacyo badan galaysa, taasoo is xaal waraysi u badan, runtii you can’t imagine qaybtan siday u xiisa badan, Hhhhhhhh waxaan odhan karaa waa midda keliya ee sheekada mucdeedu ba taal, ereyada ku xardhan qaybtani carrabka u fududaa, oo niyadda u samaa, sida oo kale sida aad u akhrinayso ayay marar badan kaa qoslinaysaa marar kale na la farxaysaa, adigu waxaan odhan karaa waxaad la dareemaysa hadba erayda bog walba ku qoran siday u dhigan yihin, Guud ahaan Waaxdani qiyaas iyo koobid maba istaahisho,runtii waa midda ugu xiisaha badan aadna isu bari doonta dabeecadaha, dadnimada, iyo dareenada Faysal iyo Indhadeeq.

Waaxda 5aad: WAAN KU JECELAHAY!!!

Waxay si mug leh u qaada dhigaysaa Faysal dareenkii saaqay markuu maqlay Kelmada ((Waan Ku soo Jeclaanayaa)) iyo sida uu u isu baddalay, Farxaddii kedis ka ahayd iyo isla jaan-qaadka labadoodaba hadhayn doona marka uu u uga xog warramo inuu isagana la dareen yahy mise na uu aad u jecel yahy, Waaxdani waxay In badan sheegaysaa macnaha ay leedahay marka qof aad jeceshahay ogaato inuu kula mid yahay, ama kula dareemayo dhammaan dareemadaada iyo nimcada iyo wanaaga ka dambeeya labada qof ee is jecel.

Waaxda 6aad: MUDANE MADAXWEYNE!!!

Walaaahi ma qiyaasi karo dareenka ay leedahay qaybtan, runtiii marka Faysal keynaan o madaxweyne ku noqday ka dib olole dheer oo dadaal iyo dhabar-adayg badan qaatay waad fahmi kartaa illa heerka tusinta, iyo tilmaamta ay leedahay, habka farshaxamaysan ee qaybtan wuxuu kugu hagaaya in maskaxdaadu keliya inay sawirato mooye ogolaan weydo inay bez keliya akhrido. Sida oo kale waa mid aad u xiiso badan kuna dhadhansiinaysa laba dareen oo aad u kala fog, Midi waa guul faxad badan dadaal dheer kadib ((Guusha Xisbiga BULSHO)), Tan kale na waa guul-darro qadhaadh oo weliba aad u xanuun badan ((Ka Tagidda INDHADEEQ)).

Waaxda 7aad: NABAD-GELYO!!!

Waad qiyaasi kartaa kelmada Micnaha guud ee ay leedahay marka la is yidhaahdo, keliya waxa nuxurka waaxdan waxa ku fahamsiin kara micnaha warqaddan uu Faysal keynaan ku sagootinayo Gacalisadiisii indhadeeq oo dhigan sidan:

“Fadlan huuno akhri warqadda oo dhan.
Noloshayda intii aad ku jirtay, waxa ay ahayd intii aan ugu farxadda badnaa. Wallaahi in aanan weligey sidaas oo kale qof u jeclaan. Waxa aad noqotay qofka markasta oo aan codkeeda maqlo, aan qoslo. Dhanka kale marka la eego, wiigaggii ugu dambeeyey waxay ahaayeen kuwii noloshayda ugu adkaa. Si kasta oo aan u dhigo, wax aan go'aansado ayaan garan waayey. Ma naftayda ayaan ka farxiyaa? Ma sida ay naftaydu jeceshahay ayaan sameeyaa oo Indhadeeq ayaan nolosha la qaybsadaa? Mar kasta ‘haa’ ayaan kaga jawaabayey. Waayo waan ku jecelahay. Weligeyna waan ku jeclaan doonaa. Haddana waxa dhinaca kale aan ka fikirayaa hooyo. In aan anigu farxaddayda ka fikiro iyo in aan farxaddeeda ka fikiro ayaa ii siman. Mar kasta oo aan shaqada ku jiro, way i waraysataa. Way igu dhegtaa. ‘Hooyo shaqadu siday tahay? Berri ha shaqaynin ee iska naso’.

Indhaheeda ayaan eegaa markaasaan idhaa ‘miyaan ka tagaa?’. Ma rabo in ay murugo ku noolaato. Ma rabo in ay inankeeda weydo. Ma rabo in ay weydo wiil ay eegato. Ma rabo in ay weydo wiilkeeda ay u sheekeyso. Aabbahay ayay weyday, ma rabo in ay anigana i weydo. Waayo waan xasuustaa sidii ay dareemaysay markii uu aabbo dhintay. Waan garanayaa xanuunka ay leedahay laba is jecel oo
kala dhintay. In aan danayste noqdo oo aan farxaddayda ka fikiro, iyo in aan farxaddeeda ka fikiro ayay noqotay. Waxaan diyaar u ahay in aan anigu is dulmiyo, in aan anigu farxaddayda lumiyo si ay iyadu u qososho. Haddana xanuunka i haya marka aan warqaddan qorayo, wallaahi ma malaynaysid. Sidii ilmo yar ayaan ilmaynayaa. Erey kasta oo aan qorayaa wuu dhibayaa. Waayo wuxuu ka dhigan yahay in aan ka fogaanayo qofka aan adduunka ugu jecelahay ee Indhadeeq. Laakiin waxa aan aad uga sii xumahay, in aan si xun ku dareensiinayo hadda. Waxa werwer badan igu haya qalbigaaga iyo xanuunka haya. Waan kaa raalligelinayaa. Wax aan ku idhaahdo ma garanayo huuno, laakiin fadlan xaaladdayda fahan. Oo fadlan i saamax. Waan ku baryayaa ee ha ii cadhoon. Waan kuu
duceeyey huuno. Ilaahay meel roon ha ku mariyo. Anna murugo aan dhammaanayn ayaan la noolaan doonaa. Waayo ma garanayo si aan noqon doono la'aantaa. I love you and I’m Sorry”.

Waaxda 8aad: MA KA DHABBA

Akhriste kelmadan goorma la adeegsadaa? waa mar kasta oo wax dhab ah lagugu yidhaahdo aad u qaadan weydey, in kastoo Indhadeeq warqadda ka dib u qaadan weynayso go’aanka Faysal Keynaan hadana waaxdan waxaad ka dhadhansanaysaa qaddarinta iyo tixgelinta ay u muujinayso go’aankiisa iyadoo siinaysa jawaab gaaban oo hadana ka dhadhansanyso ixtiraamka ”Waan akhriyey, waan fahmayaa xaaladda. Faysaloow waan ku faraxsanahay wakhtigii aynu is naqaannay”.

Sida oo kale waaxadan sida ay u socoto waxay galaysaa in Indhadeeq Cali iyo Faysal Keynaan iyaga oo wada xidhiidha hadana aanay sidii hore isu ahayn balse iska war hayaan, xidhiidhkooda caantaynka sida uu u socdo waxa uu gaadhayaa heer uu ogaado in inantan uu dusha ka ilaashanayay wax badan isugu beegbeegayay la soo dooni doono nin kale na calafkii noqon doonto, waa midda keenaysa marka uu afkeeda ka maqlo kelmadann {MA KA DHABBAA}!!! Run ahaantii waa qaybta ugu murugada badan soona gabagabaynaysa sheekadii soo socotay waana marka aad is odhanayso markan oo kale Xumaa marka aad noloshaada ku xidho hal qof, waxa kale oo dhanna aad nacdo……

Tusmada Buugga
Magaca Buugga: Indhadeeq Ku Aaway
Qore: Ismaaciil C Ubax
Bogagga: 202 Bog
Qaybo: 8 Waaxood
Sannadka: 2015 .

FG: Hadii ay jiraan wax khalad ah o qoraalka ah, runtii waan uga cudu-daaranayaa qoraaga buuga iyo guud ahaan ba bulshada Akhriska Jecel.......

Mahadsanid
W/Q: Amiina Galaydh.

FAALLO KOOBAN Buugga Maaree Noloshaada.

Bismillah,
Buugani ugu horrayntii waxa uu ku soo baxay luqadda carabiga isaga oo uu qoray/leeyahay caalimkii weynaa ee إبراهيم الفقهي, waana mid ka mid ah bugaagtiisa kuwa ugu faaiidada badan marka bulshada loo eego. 2015 kii ayuu Ismaaciil Tukaale afkeena hodanka ku turjumay kana soo saaray buug kale oo uu ku qoran yahay isla hadalki ama qoraalkii إبراهيم الفقهي.

Bog ((Page)) ahaan wuxuu ka kooban yahay 78 bog/xaashiyadood kuwaasoo koobsanaya 5 mawduuc oo waaweyn mid kasta na faaiido, tilmaam iyo tusaale gooniya leeyahay. Runtii waxaan odhan karaa mawduuc kasta waxa uu leeyahay macno ama dhadhan ka gooniya kana duwan midka xiga.
Akhriste waxaan isku dayi idamka Alle inaan soo koobo macnaha guuud eee uu inoo gudbinaayo, iyo fariimaha/tilmaamaha uu ina siinayo, si aaan u maaraynno guud ahaan nolosheena, sugno na wadada guusha iyo liibaanta.

Mawduuca 1aad. Xaddida Hadafka

((Hadii aan samayn lahayn wax kasta oo aan samayntiisa awoodno, waxaan samayn lahayn MUCJISO inoo gooniya))
Runtii marar badan cinwaanka ((Title)) ku isaga ayaa faallo kooban ugu filan ujeedada guud ee qoraalka intiisa kale, 11ka bog/xaashiyadood ee ka hadlaya mawduucani waxay in badan suaal, ka jawaabis, tusaalayn iyo qodobayn ba u yihin suaasha ((Noloshaada Hadaf Ma Ka Leedahay?)).
In badan markuu rogrogo wuxuu qoraagu dhibta hor-taagan in nolosha hadaf ba laga yeelan waayo, ula muuqanaysa 5 tan qodob oo mid kasta sababteeda wadato, keliya aan ku siiyo 5ta qodob tilmaamtooda, baaqigana uga tago inaad in sha Allah ka akhrido buuga.

1. Cabsida
2. Tashwiishka ((Khalkhalka)) Ruuxda Qofka
3. Dib u Dhigista
4. Rumayn La'aanta Ahmiyadda Hadafka
5. Aqoon-darro

Guuud ahaan intan iyo in kale badan waa kuwa hor istaaga, keena ama xada ahadaafta nolosha.
Halka Marka uu marayo qoraagu wuxuu in badan is weydiinaya ama jeclaysanayaaba isaga iyo akhristuhu inay isla ogaadaan AHMIYADDA HADAFKU waxa uu yahay.

Mawduuca 2aad. AHMIYADDA HADAFKA

Mawduucan laftiisa wuxuu koobsanaya 10 bog/xaashiyadood, lakin, markan, 5tan qodob waa qaar ka mid ah faaiidoyinka ay u leedahay nolosheena inaan ahmiyad badan siino hadafka, kana qayb qaata guulaha badan ee aan rajayno,

1. Xakamaynta NAFTA
2. Kalsoonida NAFTA
3. Sarraynta NAFTA
4. Maamulka Wakhtiga
5. Raaxada NAFTA/NOLOSHA

Isla mawduucan qoraagu waxa uu Ina weydiinaya suaal u dhigan ((Sidee Hadafka Nolosha Loo Xaddidi Karaa?))
Mar kale 5 rukun oo ay tahay inuu qofku ilaaliyo ayuu sal uga dhigay inay yihin kuwa xaddida hadafka:

Rukunka 1aad: Ruuxda/Nafta
Rukunka 2aad: Shakhsiyadda
Rukunka 3aad: Shaqada
Rukunka 4aad: Dakhliga
Rukunka 5aad: Caafimaadka

Intan iyo in ka badan ba waxay dhadhan macaan u samaynayaan ahmiyadda hadafku u leeyahay bani-adamka.

Mawduuca 3aad: Noocyada Hadafku

Qaybtani waxay kooobsanaysa 14 bog/xashiyadood oo xidhiidh ah
Hadafyadu Waxa Ay U Qaybsamaan Saddex Qaybood:

1. Hadaf Muddadiisu Gaaban Tahay ((Short Term Objective)) oo ah hadaf muddo ahaan qaata 15 cisho/maalmood Illa sannad
2. Hadaf Dhexe ((Medium Term Objective)) oo ah hadaf muddo ahaan qaata sannad illa 5 sanno
3. Hadaf Muddadiisu Dheer Tahay ((Long Term Objective)) midkan waa hadafka nolosha oo dhan, geeri uun baa Kaa kaxaysa.

Waxa jira 12 mabaadii' ah kuwaasoo ka Qaybood qaata xaqiijinta hadafka waana kuwan:

1. Si fiican u xaddid/qeex waxa aad doonayso
2. Hadafkaagu waa inuu ahaada mid waaqic/cad oo la xaqiijin karo
3. Doonis adag
4. La noolow hadafkaaga
5. Go'aan qaadasho
6. Hadafkaaga qor
7. Xaddidid wakhtiga ((Wakhtiyaynta))
8. Garawso Awooddaada
9. Daraasee dhibaatooyinka Kaa hor imaan kara, una diyaar garaw
10. Ku dhaqaaq
11. Qiimee Qorshahaaga
12. Joogtayn

Mawduuca 4aad: Maaraynta Wakhtiga

((Inaad ka xorrowdo khuraafaadka odhanaya wakhti igu filan ma haysto, waan mashquulsanahy, waa arrinka ugu horreeya ee aad ku hanan karto nolol habaysan iyo ka faaiidaysashada wacan ee wakhtigaaga iyo nolosha guud àhaan))

Qof kasta oo aduunka ku nooli, horrayso iyo dambayso ba keliya waxa uu haysan doonaa 24 saacadood oo maalin iyo habeen ba leh, hadii aad ku siffawdo 6 dan qodob oo ah waxyaalaha wakhtiga lumiya hubaal gaadhidda hadafkaagu waxay noqonaysaa mid dhantaalan;

1. Dib u dhigga
2. Xamaasad la'aan
3. Cabsida
4. Isku khaladka arrimaha muhiimka ah
5. Kelmadda MAYA
6. Dhexgalka lama fillaanka ah

*Markaan leeyahay kelmadda MAYA macnaheeda ah, ku dheh naftaada una isticmaal kelmadda MAYA, si ay wax badan uga rumayso, sida ooo kale na, dheh kelmadda MAYA cid kasta oo doonaysa inay wakhtigaaga kaa lumiso*

Mawduuca 5aad: Isbaddal!!!
((Waxa waajib ah inaan horumarrino nafteena oo aan samayno isbadallo nolosheena cusboonaysiinaya))

6 dan qodob waa kuwo in badan kaa caawinaya inaad la timaado Isbaddal dhab ah oo dhanka hadafka ah:

1. U fiirsasho
2. Go'aan
3. Barasho
4. Weelayn
5. Ku celcelin
6. Joogtayn

Sidaaa si la mid ah waxa iyana muhiim ah kantaroolka/xakamaynta hab fikirka inta aanad bilaabin fulinta.

Waxa uu ku soo gabagabaynayaa buugiisa warqad uu kula hadlayo ama u soo dirayo guud àhaan inta jecel inay kor u qaadaan hadafka ay nolosha ka leeyihin una dhigan sidan:
Warqad kaaga timi saxiib:

Ka timi: Ibrahim Al-Fiqi
Turujumaadii: Ismaaciil Tukaale
"Mudane/Marwo, laga bilaabo maanta:

° u fiirso fikirkaaga inta aanad awooda saarin
° u fiirso awood-saaridda, inta aanu isku baddalin hab-dhaqan
° u fiirso hab-dhaqankaaga, inta aanu isku baddalin natiijo
° u fiirso natiijadaada, inta ayna isku baddalin masiirkaaga

Adigu ma tihid cinwaanka aad naftaada siisay ama dadka kugu xeerani siiyeen, ma tihid mid murugo, ciil iyo fashal loo abuuray​, mana tihid shakhsiga Imika, midabka, miisaanka iyo xajmiga aad tahay, ma tihid waxa tagay, ama jooga ama mustaqbal ah. Adigu waxa tahay makhluuqa ugu fiican ee ilaahay abuuray.

Hadii qof ka mid ah dadka dunida joogaa wax xaqiijiyey, adigana waxa kun jeer suuragal kuu ah inaad xaqiijiso weliba na ka sarrayso In Sha Allah.

Xasuusnoow in habeen kasta yahay bilawga maalin cusub, jiilaalku na bilawga xagaaga, xanuunku na billawga raaxada, arrimaha adag na billawga khayrka, saadaalinta wacanina billawga awooda shakhsiyadda, sida darteed, u nooloow daqiiqad kasta sidii oo ay tahay tii ugu dambaysay, noolow adiga oo jecel ILAAHAY!!! Noolow adiga oo akhlaaqadii rasuulkeena ku dayanaya.

Yadidiilo la noolow, jihaad-nafeed la noolow, samir la noolow, jacayl la noolow,oo qaddari qiimaha NOLOSHAADA!!!"

 Tusmada Buugga.
Magaca Buugga: MAAREE NOLOSHAADA
Qore: Ibrahim Al-Fiqqi
Turjumaadii: Ismaaciil Tukaale Cige
Bogagga: 78 Bog

FG: Guud ahaan boggaga kale waxay si xabbad xabbad ah, u sharraxayaan qodabada ku xardhan mawduuc kasta..

Mar kasta oo aad horumariso NAFTA iyo NOLOSHAADA waa mar kasta oo aad awooddo horumarinta NAFAHA iyo NOLOSHA dadka kale.

Mahadsanidin...
W/Q: Amina Galaydh

FAALLO KOOBAN! Buugga Gaax.

((JACAYLKU WAA SIDA HARGABKA OO KALE, WAAD ISKA ILAALIN KARTAA WAX KASTA OO KU KEENI KARA, SIDAA OO AY TAHAY HADDANA WAAYI MAYSID QOF KU QAADSIIYA))

HORDHAC

Midab ahaan (Jaldiga) wuxuu isugu jiraa Cadddaan iyo Akhtar (GREEN AND WHITE) xagga sare ee jaldiga waxa ku xardhan waa magaca GAAX oo far madaw ku qoran, isla magac waxa ku lammaan BALOON ama Biibiile la afuuray kaas oo aan is leeyahay waxa uu ka turjumayaa xiisaha uu akhriska buugani leeyahay Madaama waxa dhinac midig kaga imanaya yahay BIIN, kuu sheegaya hadii aad xiisayn weydo inaan ku mudo si aanad u xasuusan, Hhhhhhh,((Waa sidaan u fasirtaye)), waxa ka hooseeya waa kursi cad oo kugu soo dhaweynaya in aad u fadhiisato si aad u akhrido.

Laba micne ba shakhsi ahaan uu iiga baxay markaan arkay kursigan,
1. Mid waa in akhrisku mar kasta fadhiga ku qurux badan yahay si macne badan oo ku duuggan waxa aad akhrinayso uga hesho,
2. Mid na waa in buuggani ku dirayo fariin ah, in uu yahay mid aanad ka xiiso go’aynin illa intaad ka dhammaynayso na wax caajis ah ku dareemi doonin.

Su’aasha ugu weyn ee aan is weydiinayaa, markii aan maqlay, akhriyey, illa iyo hadda waxa ay tahay macnaha ereyga ((GAAX)), runtii waxaan filayay inaan ka heli doono gudaha buugga, hadana dhammeeyey weli na kama dhex fahmin magacan iyo qoraalka buugga ku xardhan waxa ka dhexeeya. Wanan rajayanaya in qoraaga ama qof kale oo igu dhaama, kaasoo akhriyey ii sheego.
Buuggu wuxuu ka kooban yahay 256 bog (Pages), oo u kala qaybsan 20 qaybood (Sections), waa sheeko-faneed kulminaysa saddex qof, runtii macne badan gudbinaya, markaad akhrinayso, akhris sheeko waa ay leedahay hadana faham waaqici ama ujeedo waad ka dareemaysa. Qoraal kasta waxa uu doono ha ahaado, waa muhiim haba yaraatee (5%), inaad fahamto ujeedada qoraalka ka dambaysa.

1. Maryan
2. Cali
3. Sahra

Waa saddexda magac ee soo noqo-noqonaya illa aad buugga ka dhammaynayso. qayb kasta markaad bilaabayso waxaad arkaysaa saddexdan magac mid uun, waxa soo raaca magac afraad o tiraba laba qaybood (Section) cinwaan u ah, XAALI. Waa ay kala madax banana yihin hadana isku xidhan yihin, waa kala qiso hadana waa ay is shabbaahan, waa kala magaalo iyo dal, hadana waa isku xaalad, saddexdoodu midi waa qolol-joog, mid na waa qurbe-joog, mid na waa Ajnebi, hadana wax badan ayay wadaagayaan intaad buugga ka dhammaynayso na waad ogaanaysaa ama dareemaysa.

1. MARYAN,
Waa gabadh noool wakhtigii ingriiiska, waxay muddo badan la noolayd iyada oo caddaanku ka arrimiyo magaalada Hargeisa iyo guud ahaan Somaliland, Ninka cad ee dhulkeeda jooga ayay dunida ugu neceb tahay, waxayna naawishaa mar uun iyada oo dalka laga saaray, Aaabaheed wa mid ka mid ah qolooyinka la shaqeeya maxmiyaddan ingriiska, Caawa oo 26 kii june ay tahay na waa markii u horraysay ee ay arki doonto calan ay dadkeedu yeelan doonaan oo dhul somaliyeedna laga taago, farxadda ay dareemayso oo ah mid saa’id ah oo wajigeeda hadhaysay na waa midda sahli doonta in ay si lama filaan ah ula kulanto XAAMUD oo isna calanka-jacaylka wadnaheeda ka taagan doona, waa Askari ka mid ah Askarta cusub ee ummada soomaaliyeed, ka dib markii 1 dii july ay isku darsadeen somalida waqooyi iyo somalida koonfur lana sameeyey (JAMHUURIYADDII SOOMAALIYA). Ogaanshaha ay ogaato in jacalkeedu aadayo muqdisho waxay sababi doonta inay ka dalbato inuu guursado intaanu tegin, madaama ay ka
cabsi qabtay hadii u tego in gabadh kale si fudud ku soo gasho noloshiisa.

2. CALI,
Waa nin ka mid ah oromada ka shaqaysata magaalada Hargeisa, subax kasta waxa uu kaaryoon xashiishka kaga qaadaa guryaha ku yaala xaafada jigjiga-yar, waxa xaafada soo degaya reer ku cusub guud ahaanba xaafada, gurigaas waxa ku nool HODAN, oo ah gabadha uu jeclaan doono CALI, aad ayuu u jecel yahay lakin uma sheegi karo sababo badan awgood, Habeenkii uu go’aansaday inuu sheegto jacaylkisa ayaa Madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqaya wareegto lagaga saarayo OROMADA wadanka laguna celinayo ETHOPIA iyo goboladay ka yimaadeen, Cali na waxa uu ka mid noqonaya dadkii oromada ahaa ee laga qabtay suuqa waxana la saarayaa baabuurkii gaadhsiin lahaa xadka SOMALILAND iyo ETHOPIA wadaagaan ee WAJAALE.

3. SAHRA,
Waa gabadh qurbaha ku dhalatay, kuna barbaartay, qaaradda EUROPE, waddanka UK, galbeedka magaalada LONDON, Hooyadeed waxa ay ku jirtaa Cisbitaal ka mid cisbitaalada magaalada, madaama ay xanuun xagga madaxa ah la jirran tahay, week gii na hal maalin ayay booqata, waana midda sababtay inay murugo iyo ciil la noolaato, si kedis ah waxa noolasheeda u soo galaya wiil la yidhaa MUSTAFE kaasoo wax badan nolosheeda dib ugu soo celinaya, lakin sida si la mid ah waxa uu kaga tegaya si kedis ah (DHIMASHO), masiibooyinkaas culus ka dib waxay imanaysa wadanka iyo magaalada Hargeisa, si ay u hesho nasasho iyo kabasho ay kaga bogsato waxyeelooyinkii ay soo martay.

Runtii waxyaabaha I soo jiitay waxa ka mid habka farshaxamaysan ee ay u qoran tahay, iyo sida ay isugu xidhan tahay. Kedisyo iyo waxyaalo aanan la filaynin labadaba waad kala kulmi doontaan, dhammaystirka na waxaad ugu tegi doontaan buugga!

QALAD LIXDANKII LA GALAY AYAA CAAWA LA SAXAYA!!!

Tusmada Buugga.
Magaca Buugga: GAAX
Qore: Ismaaciil C Ubax
Sannadka: 2017
Boggaga (Pages): 256 Bog (Page)
Qaybo (Sections): 20 Qaybood (Sections)
  
((Ujeedada iyo fahamka guud ee uu buuggani gudbinaayo marka laga yimaado waxa farxad ii ah in habka iyo daawashada aflaamta siday u xiiso badan yihin, inaan ka arko dhalinyarada Somaliland oo buug ahaan u qortay., kuna dareensiinaya sidii oo aad filim daawanayso)).

MAHADSANIDIN!
W/Q: Amina Galaydh

 

FAALO KOOBAN! Buugga 10 X 10, 100 TALLAABO HORE U QAAD.

* Ha ku qancin waxa kuu muuqda amma markaa taagan, waayo waxa markaa taagani waxa uu la mid yahay wixii ku dhaafay *.
* Doon oo Raadi inaad ka gun-gaadho waxa aan kuu muuqan, uuna sahan-tag mustaqbalka *
* Inta ay dunidu jirtay, is baddal dhab ah waxa gaadhay dadka ku qanci waayay waxa taagan maanta balse doonay wax ka duwan *
**************** *************************** ****************

Buugan magaciisu kor ku xusan yahay, ((10 X 10, 100 TALLAABO HORE U QAAD)), jaldigiisa sare waa caddaan uu dhanka midig ka muuqdo sawirka qoraaga buugga, Maxamed Cali Bile!, Laabtiisa meel ku began waxa ku xardhan ((10 X 10, 100 TALLAABO HORE U QAAD)). Dhegtiisa midig halka ku began waxa iyana ku xardhan qoraal ah ((CASHARRO AAN LAGU BARAN JAAMACADDA)), Jaldiga dhabarka ama dambe waa Buluug ((Blue)) ay ku xardhan yihin sida oo kale saddexda qoraal ee Faalada ka sarreeya iyo magaca qoraaga sida oo kale.

Buuggan waxa aad ka helaysaa casharo aan jaamacadda lagu baran balse muhiim u horumarinta nafta, waxa uu kugu dhiirigelinayaa inaad u fikirto si ka duwan dhamaan sida dadka caadiga ah, Wuxuu ka kooban yahay 10 MAWDUUC, oo mid walba hoos imanayaan 10 QODOB, marka la isu geeyo na waa 100 xirfad-nololeed oo horumarka ka talinaya. Runtii waxa uu kuu sheegaya inaad akhrido ka dibna dhaqan galiso, waa hadii aad u aragto inuu ku anfacayo ka dib marka aad qiimayso, waa hubaal inaad u bogi doonto.

Mawduuc kasta waxa uu ku siinaya 10 qodob oo kuu suuragalinaya inaad kala xulato, mise na qaadato qodobada ku fududaynaaya inaad mawduucaa fuliso, ama uu noqdo mid aad dhaqan-geliso, Runtii waxa uu ku barayaa xirfado badan, waxana uu kuu sheegaya sida ay ugu qurux badan tahay naftaada markay ay qaadato ama dhaqan-geliso.

1. MUWAADIN MUUQDA NOQO!, ((Ama Meel Ka Muuqo, Ama Ka Maqnoow)),
Waa mawduuca hoggaaminaya 9 ka mawduuc ee kale, waxa hoos taxan sida aan hore u soo sheegay 10 qodob oo ku tusinaya inaad noqon karto muwaadin ka muuqda guud ahaan dalkiisa iyo dadkiisaba.

2. ISKU KALSOONOW, ((Ma Dhiirrado Qof Aan Garabkiisa Wax Isugu Dhisin)).
Sida si la mid ah waxa hoos taxan, 10 qodob oo kalsoonida kuu dhisaya, ku na baraya sida ay muhiim u tahay kalsoonida aad ka qaadato naftaada, iyo sida ay horumarka qofka uga qayb qaadato, maaha inaad maxbuus u noqoto xeer ama fikir ay koox sidaada o kale bani-adam ah ku dhaqanto.

3. LEBISKAAGU HA KU FARXAD GELIYO, ((Hugaagu Waa Uu Kula Baryo Tagaa)),
Muhiim maaha inta dhar ee aad haysato, ama hantida kuu goynaysa, muhiimadu waa inaad ku faraxsan tahay sida aad u lebisato, waa 10 qodob ooo kale oo kuu sheegaya inaad u muuqato qof masuul ah, oo intaan qawl ba laga maqal muuqa laga garto, waxay kuu dhigayaan keliya lebisaadu inayna ahayn dharka, ee ay jirto meelo kale oo laga xaragoodo, sida oo kale waxay kuu sheegayaan qodobada mawduucan hoos imaada, in dhaqanka iyo habka aad hadalka iyo ficilka ba u samaynayso ay ka mid yihin lebiska.

4. HADALKAAGU XIISE HA ABUURO ((Erey na La Kala Odhan Og, Alle na La Kala Baryi Og)),
Aqoonta ku jirta maskaxdaada cidna ma arkayso, waxa keliya ee aad ku muujin kartaa na waa qoraal ama hadal, Mawduucan waa ka ugu miisaanka culus intaan akhrinayay buuggan, runtiina, 10 ka qodob ee hoos yimaada waxay xabad xabad u sheegayaan, in qawlkaagu ((Qoraal iyo Odhaah ba)), uu ka turjumayo cidda aad adigu tahay, kuna barayo wanaag iyo xumaan ba dadka aan kuu arkayn Muuqaal ahaan.

5. KORODHSO AQOONTAADA, ((Bartii Yaqaan, Bari Uma Korodho)),
Cilmiga iyo aqoontu ma dhammaadan, Mawduucan waxa uu qoraagu si fiican kugu sheegaya in mar kasta cilmiga aad korodhsato uu kuu furayo dariiqado cusub oo aanad hore u aqoon, 10 ka qodob ee hoos imanayaa mawduucan waxay kuu dhigayaan sida ay muhiim u tahay in aanad keliya ku koobnaan hal ama laba shahaado oo aad qaadatay, ama hal ama laba luuqadood oo aad baratay.

6. TUUJI MASKAXDA!,((Dad Waxa ugu Muran Badan Jaxar iyo Jaahil))
Noloshu waxay kaa xigtaa dhanka mustaqbalka, maaha inaad marna wakhti ku lumiso ka fikirka wax tegay oo aan soo laabasho lahayn. Mawduucan iyo 10 kiisa qodob ba waxa ay kugu dhiirigelinayaan in aad noqoto qof Mawhibo leh, ama Himilo iyo Han uu wax ku abuuro samaysta, Waxay kuu sheegayaan ina ad xoog, iyo xeelad ba u haysato , wax kasta oo aad qaban karto maanta.

7. MAAREE WAKHTIGA!,((Weli Wakhti Kaama Tegin)),
Tiro kasta waxa ay ka bilaabmataa EBER, markaas ayay kor u socotaa, nolosha na waa sidan oo kale, Mawduucan iyo 10 kiisa qodobba waxay kuu sheegayaan inta aad Caafimaad qabto, welina yar tahay, in aan wax wakhti ah kaa tegin, Waxay ku leeyihiin, muhiim maaha in aad xisaabiso wakhtigii ku dhaafay, balse waxa muhiim ah in aad maanta iyo beri wakhti u hayso, waad haysaa wakhti ee ka faaiidayso.

8. XIDHIIDHI DADKA!,((Far Keliya Fool Ma Dhaqdo)), ((Gacmo Wada-Jir Ayay Wax Ku Goyaan)),
Xidhiidhintu waxay kaa caawinaysaa dhanka horumarka gaar ahaan waxaad helaysaa dad aad wax kala faa’idaan ama kala korodhsataan, Mawduucan runtii waxa uu I xasuusiyey dardaarankii rasuulka oo ay ku jirtay in la is xidhiidhiyo iyo sida oo kale xadiiskii ahaa ((Saddex cisho labadii qof ee isu cadhooda, cibaadooda lama aqbalo)).

9. SHAQO DOONO!, ((Xaqlo Laaban, Xoolo Kuma Yimaadan)),
Tacliin aan xirfad wadan, waxba ka tari mayso ama kaama caawinayso inaad shaqo hesho, mawduucan iyo10 kiisa qodob waxa ay si weyn kugu dhiirigelinayaan in ay muhiim tahay barashada xirafadaha, sida oo kale waxa ay kuu sheegayaan ficil, qawl, qoraal, iyo hab kasta oo shaqada la xidhiidha inay toos u sheegayso qofnimadaada.

10. SHAQADAADA HANO!,((Shaqo Waa Sharaf)),
Maaha inaad dhayalsato, amaba dhibsato shaqada aad hadda gacanta ku hayso, Mawduucan iyo 10 kiisa qodobba waxay kuu sheegayaan in aad isku taxalujiso oo dadaal iska saarto barashada iyo baadhista shaqadaada, si aad wax badan uga ogaato, inta aanad qaadin wax ficil ah.

 Tusmada Buugga
Magaca Buugga: 10 X 10, 100 TALLAABO HORE U QAAD
Qore: Maxamed Cali Bile
Sannadka: 2016
Bogagga: 117 Bog ((Pages))
 
FG: Keliya Intani waa Summary iyo Highlights ka buugga, lakin I rumayso waa buug u qalma in aanu marna shandada ama jeebadda qofka ka bixin, Waa dhiirigeliye iyo macalin si rasmi ah u heelan inuu ku baro sidii aad naftaada u dhisi lahayd, Runtii way habboonayd in uu qoraagu intan ka badiyo, sida oo kale na uu inooga dhigo 1000 Tallaabo Hore u Qaad, madaama gebagebada iyo labada page ee u dambeeya sheegayaan In qoraagu aqoon iyo cilmi badan u leeyahay horumarinta tacliinta, dhalinyarada iyo dawlad wannaaga! Shakhsi ahaan, waxaan rumaynahay inuu awoodo in uu inoo sameeyo. Balse sida oo kale waan hubaa in asbaabo iyo wakhti keenay in buugga intaa lagu koobo.
Waan rajaynaya qof kasta oo faaladani soo gaadho inuu soo iibsado buuggan, waa $5 oo keliya waxanan hubaa in waxayaalaha aad ka faaidayso ka badan yihin in badan oo badan qiimaha buugga.

Mahadsanidin.
W/Q: Amina Galaydh
 

FAALO AAD U KOOBAN! Buugga Hanqadh.

HANQADH!
Waa kelmadda ila miisaan cuslaatay markii aan maqlay ba, waan fikiray waxanan is weydiiyey kelmadan macnaheeda, dabcan waan maqlay balse macnaheeda sidaa uma sii garanayn, mar uu qoraha buugga ka jawaabayay ayay u dhignayd sida uu u macneeyey (Onkodka iyo Hillaaca is wata ee ufada roobka ayaa la dhaha ama loo yaqaana HANQADH), Dabcan buuggu na waaba HANQADH.

Jaldigiisu asal ahaan waa madaw waxa ku sawiran fallaadha cirka isku sawirta taas oo sheegta marka uu roobku Hanqadhmayo/onkodayo/hillaacayo, sida oo kale waxa ka muuqda waa dhul kuu sheegaya in miyi iyo asalkii somalida la joogo, waa geed hadh weyn, iyo dhul casuus leh, oo ciidiisu cas tahay.
Buuggu waxa uu ka kooan yahay 14 kaas qaybood ee aan kor ku soo xusnay kaas oo ka sheekaynaya nolosha miyiga oo ah halka ummad ahaan/soomaali ahaan ku soo farcannay ama ka nimaadnay, nolosha adag ee miyiga taala, iyo sidii aan ugu soo wareegnay magaalada, waxa sheeko uu hoggaaminayo HAYBE HURRE MEYDEL oo ah qofka bilawga illa dhammaadka buuggu taabanaayo, ama sal-dhigga u ah, waa sheeko aad u xiiso badan, runtii erey ahaan, qoraal ahaan, iyo macne ahaan ma arag buug iyo qoraal la mid ah oo si muuqaal ahaan ah maskaxdaada ugu sawiraya nolosha miyiga.

Sheekada buugga ku qoran kama hadlayo , qaybaheeda na sidii kuwii hore uma soo qaadanayo waayo waxa ila habboon oo aan kugu boorinayaa in aad isku daydo in aad hesho buugga oo aad akhrido, hubaal waad dareemi doontaa dhadhanka ay leedahay iyo sida farshaxamaysan ee uu qoruhu u qoray, waanad u bogi doonta marka aad aragto buug qoraal ah hadana ku siinaya muuqaalka dhulka, nolosha, xoolaha, dhaqanka, iyo waaya-aragnimada miyiga taala, magaalada taala, qurbaha taala, iyo heerarka badan ee nolosha loo maro.

Shakhsi ahaan, aniga waxa uu i baray buuggani kelmado badan oo anan hore u maqal, aqoonna u lahayn, wuxuu I tusay nolol aanan weligay arag, wuxuuna iga dhigay qof wax badan imika ka fahmaysa hadii ba ay dhul miyi ah tagto, wuxuu ii sheegay is badallada nololeed ee ku dhacay dhashii iyo dhaqankii miyiga, runtii marar badan waxaan tammaniyey in aan kuba soo noolaado nolosha miyiga.

Intan iyo ina kale oo badan waa dhanka wanaagsan ee buugga ama nolosha inteeda wacan, sidaan wada ognahay dhammaanteen nolol kasta ma u qurux badna sida aan rajayno, hubaal na in ka badan magaalada waxa nolol adag nolosha miyiga taala, sida si la mid ah waxa xusid mudan sida uu buuggu uga sheekaynayo nololsha adag mise na is-baddalada badan ee uu HAYBE mari doono, iyo sida oo kale dadka ku nool miyiga sida ay nolosha isugu adkeeyeen, haybta ama qabyaaladda taal, cooladaha aan jirin ee dadku isku samaysteen ubadkiina ka dhaxleen, iyo cawaaqibka marka dambe ka dhasha.

Buuggu waxa uu xabad-xabad kuu tusinayaa nolosha miyiga iyo ta magaaladu sida ay isugu xidhan tahay, una kala maarmin, sheekada Haybe saldhig ha u ahaato buugga lakin runtii waxa uu ka sheekayanayaa waa waaqiciga dhabta ee yaalla waddan kasta oo ka kooban miyi iyo magaalo, siiba somaalida.

Weli ma arag buug sidaa isugu xidha laba nolol o kala duwan, mise na fariin cad kugu sheegaya, toosh na kugu ifinaya galdaloolooyinka ka jira miyi iyo magaalo labadaba. Runtii aad ayuu u xiiso badan, I Rumayso luuqad ahaan, dhaqan ahaan, asal ahaan, iyo nolol ahaan ba waad fahmaysaa, marka aad malayso iyada oo Muuqaal ah.

HANQADH WAA DHAYGAG IYO DHABANNO-HAYS...

 Tusmada Buugga.
Magaca Buugga: HANQADH
Qore: Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal” (Maxamed-Haykal Muxumed)
Sannadka: 2017
Bogagga: 198 Bogg (Pages)
Qaybo (Sections): 14 Qaybood (Section)

TALO: SI AAD U NOQOTO QOF ADAG, MISE NA NOLOSHA U WAAJAHA XAALAD KASTA, KELIYA AKHRI BUUGGA HANQADH.

Mahadsanidin.
W/Q: Amina Galaydh
 

FAALO KOOBAN! Buugga Act Like A Lady and Think Like A Man



Magaca Buugga: Act Like A Lady, Think Like A Man
U Dhaqan Sida Gabadha, U Fikir Sida Ninka
Qore
: Steve Harvey
Sannadka: 2009
Bogagga: 232 Bog (Page)
Qaybo: 3 Qaybood (Sections) Iyo 15 Mawduuc
W/D: Amiina Galaydh


HORDHAC

Buuggan sida magaciisa ku xusan waa “Act like a lady think like a man” oo macne ahaan noqonaya “U DHAQAN SIDA GABADHA, U FIKIR SIDA NINKA", waa buug ku qoran afka-ingriisida sida magaciisa ka muuqata, hubaal akhristayaal badanna way arkeen sidaan rajaynaayo, wuxuu ka kooban yahay 232 safxadood oo si togan uga hadlayaa is baddalka dabeecadeed ee u dhexeeya ragga iyo dumarka, iyo fikradaha khaldan ee ay kala aaminsan yihin. Jaldiga buuggu waa caddaan, waxa ku xardhan cinwaanka buuga oo far waaweyn lagu qoray, dhinaca midig waxa kaga sawiran qoraaga, xagga hoose oo ah liid madaw waxa ku qoran magaca qoraaga buugga iska leh.

 Badanka marka buuggan la akhrinaayo waxa uu akhriste kasta ka dheehanayaa in uu talo iyo tusaale ba siinayo dumarka, waayo sida uu sheegayo qoraagu jinsiga ka soo horjeeda dumarka oo ah RAGGA, waa muhiim in la barato ama la ogaato sida uu u dhaqmo iyo waxa uu yahay labada ba, si nolosha u noqoto mid isku dheelitiran, waayo buugga marar kale oo badan waxa uu qoraagu ku leeyahay isaga oo dumarka la hadlaya ((Waa muhiim inaad barato waxa ragga dhiirigeliya, saameeya, ama u kaxeeya dhinaca wanaagsan iyo jacaylka, si aad ugu noolaataan labadiinu ba nolol farxad iyo raynrayn ku suntan)).

BUUGGA

Waa saddex qaybood (Sections), oo waaweyn, oo haddana dhowr mawduuc oo kale ay ka sii farcameen. Waxay kala yihiin sidatan:

 Qaybta Kowaad iyo mawduuc kasta oo hoos yimaada qoraagu waxa uu ku lafa-gurayaa waxa saamaynta ku yeesha RAGGA, sida uu u fikiro, kala duwaanaanshaha jacaylka ragga iyo dumarka, saddexda shay ee ugu muhiimsan in ay raggu ka helaan dumarka, wada-hadalka iyo sida uu muhiim ugu yahay is fahamka labada qof, kaas uu qoraagu weliba awooda ku saarayo mar kasta oo la wada hadlaa inay tahay mar kasta oo waxa la qarinayo uu soo baxo, isagoo qiraya in RAGGU yihin kuwa ugu wax qariska badan.

Waxa kale oo uu qoraagu beeninayaa odhaah ingiriisi ah oo tidhaahda (MEN ARE SIMPLE) isaga oo u daliishanaya illa ay saddex arrimood suura-galaan in ayna habboonayn rumaysashada odhaahdan.

1. WHO HE IS!

“Yuu Yahay, Ama Wa Ayo Isagu!”  Qoraagu waxa uu leeyahay, Raggu, illa marka ay garaadsadaan ,waa ay is weydiiyaan su’aashan, inta ay jawaab u helayaan na kama hadhaan, waana mid mashquulisa. Bulshada ay la nool yihiin, deegaanka ku xeeran, iyo guud ahaan dadka ka ag dhaw haddii aanay ka dareemin jawaabta su’aashan, waxay noqotaa wax iyaga ka dhigta mid mashquulisa, qoraagu waxa kale oo uu sheegayaa in middan dumarku ayna ogayn, sidaa si la mid ah ragguna ayna ka dhaawajin. Sida darteed waa mid ka mid ah sababaha keena in khilaaf uu dhex yimaado ragga iyo dumarka.

2. WHAT HE DOES!

“Waxa uu sameeyo!” Su’aashan marka uu qoraagu soo dhigay, macno ahaan waxaan u fahamay “Waa maxay waxa aad samayn karto Nin ahaan, ama soo kordhin kartaa, ama ragga kale ee adduunka kaga duwanaan kartaa, waa yacni maxaad awoodaa”. Dabcan waa su’aal mudan in la is weydiiyo, sida si la mid ah raggu haddii aanay jawaab u helin ama dareemin in ay booskaas buuxiyeen waxa ay ahaadaan kuwo ku mashquuliya maskaxdooda.

3. HOW MUCH HE MAKES!

“Intee ayaad saamayn kartaa” qodobkan waxa uu sheegayaa waa saamaynta iyo xaddiga lacagta, soo gasha iyo siduu u u qaadan lahaa mansabka ah inuu bulshada magac ku yeesho, hubaal nin kasta oo adduunka ku nool, yar iyo weyn , taajir iyo faqiir IWM, waxa uu in badan oo noloshiisa ka mid ah ku hammiyaa kana fikiraa sidii uu u heli lahaa ama u noqon lahaa nin taajir ah oo in badan laga dambeeyo bulsho ahaan, markaa in badan illa ay ka arkaan mansabka raali galinaya, waxa uu ahaan mid mashquulsan, maskax iyo jidh ahaanba.

Saddexda su’aalood illa jawaab loo wada helo; oo uu u helaan nimanku, hubaal odhaahda “MEN ARE SIMPLE” suurto-gal maaha in la rumaysto. Waxa sida odhanaya qoraaga buugga.

Mar kale isaga oo dumarka la hadlaya waxa uu odhanayaa “Macne ma leh illa heerka aad u wanaagsan tahay ninka ama uu kuu wanaagsan yahay, waayo illa aad ka fahamto waxyaalaha saameeya ninka, ama uu jecel yahay, ama ba dhiirigeliya, hubaal waxaad u nugushahay khiyaamada iyo ciyaaraha ay maleegayaan raggu! Run ahaantii qoraalka qaybtan ku xardhan, qoraagu wuxuu ku soo gababaynayaa talo uu siinayo hablaha isaga oo leh, “Dhab ahaantii, habka aad u caaawin karto ninka, adiga oo faraxsan waa in aad ku tageerto riyadiisa inuu abbaaro kana rumeeyo. Eeg himiladiisa fog oo la fuli qorshayaashiisa” “The way you can help him get there, is to help him focus on his dream, see the vision, and implement his plan”. Tan waxay sababaysaa in badan oo ragga ka mid ah qorshayaashooda in aad iska dhex arki doontaan, (Dumar) ahaan, waayo marka uu ninku gaadho guusha, wax yarna ha ahaatee waxa uu noqonayaa midka ugu wanaagsan, ugu na faraxsan, adiguna sida oo kale”. Woow!

 Qaybta Labaad ee buuggu runtii waa qayb aad u xiiso badan mawduucyada hoos yimaada na ay yihiin kuwo in badan nafta dhiirigelinaya, si dadbanna ugu sheegayaa akhristayaasha doorarka ay bulshada, qoyska iyo naftaba ku leeyihiin. Waxa hoos yimaada qaybtan, 12 kan qodob oo aan odhan karo waxay si dadban u waafaqayaan astaamo badan oo ay diinteenna suuban u astaysay marka ay ka hadlayso gabadha wanaagsan, kuwaas oo uu qoraagu aad ugu ammaanayo kelmadda “Ilaaliye”. Waxa uu u dhigay 12 ka qodob sidatan:

1. A woman who commands respect is a keeper;
((Gabadha amarrada u qaadata si ixtiraam ku suntan hubaal waa ILAALIYE))

2. A woman who is dressed appropriately, has her goodies reasonably covered, but is still sexy, is a keeper;
((Gabadha u lebisata si qurux badan oo ku habboon, iyadoo qarisa meelaha ay u qurxoon tahay haddana u muuqata mid soo jiidasho leh, hubaal waa ILAALIYE))

3. A woman who won’t let you feel all over her body while you’re dancing is a keeper;
((Gabadha ogolaan weyda ama diida in jidhkeeda si sahlan lagu taabato xittaa iyada oo jaazaysa, ama ciyaaraysa, hubaal waa ILAALIYE))

4. A woman who takes a man’s number but doesn’t give him her own is a keeper;
((Gabadha qaadata number ka telephone ka ninka, lakiin keeda aan si sahlan uu siin RAGGA ku xeeran, hubaal waa ILAALIYE))

5. A woman who can hold a respectful, respectable conversation with her man and his mother or family is a keeper;
((Gabadha ehelka u ah ixtiraamka mise na si tixgelin leh hadalka ula wadaagta ninka, hooyadii iyo qoyska uu ka dhashay ba, hubaal waa ILAALIYE))

6. A woman who can adapt to any situation thrown at her: she can hold her own at the meetings, in the work, in a restaurant, at the home— is a keeper.
((Gabadha leh la qabsiga xaalad kasta iyo meel kasta oo ay ku sugan tahay, mise na maamulan karta kulmadeeda khaaska u ah sida kuwa shaqada, hotel ka ama ba guriga, hubaal waa ILAALIYE))

7. A woman who knows she wants to be married and raise a family and lets a man know this, in both families is a keeper;
((Gabadha aqoonsata mise na og, haddana ku dhiirrata inay guur iyo guri samaysato, una bandhigi karta ninka iyo labada qoys ba mawqifkeeda hubaal waa ILAALIYE))

8. A woman whom we can introduce to our friends and family is a keeper;
((Gabadha kalsooni darteed aynaan ka khajilayn inaan barno qoyskeena iyo asaxaabteenna labada ba, hubaal waa ILAALIYE))

9. A woman who smiles and takes care of herself and is generally happy with her life is a keeper;
((Gabadha dhoolacaddaysa, mise na ilaalisa nafteeda, si guud na ugu dadaasha inay ku faraxsanaato nolosheeda, hubaal waa ILAALIYE))

10. A woman who shows her appreciation for all that you do for her is a keeper;
((Gabadha awoodda inay ku siiso farxad, mahad-naq na ka celisa dhammaan waxa uu ninku u qabtay, hubaal waa ILAALIYE))

11. A woman who is loyal, respect and responsible is a keeper,
((Gabadha daacad ah, ixtiraamka badan, ee masuuliyadda laga dheehan karo, hubaal waa ILAALIYE))

12. A woman who understands that a man validates his manhood by who he is, what he does, and how much he makes, and who knows how to finesse her relationship so that her man feels like he’s handling his business is a keeper;
((Gabadha awooda in ay fahamto ninka in aanu weli buuxin saddexdii astaamood ee ragga mashquulinayay, mise na og oo ku dadaasha sida loo adkeeyo xidhiidhka ka dhexeeya labadooda, hadana dhiirrigelisa oo gacan-qabata si ganacsigiisu ama hadafkiisu u kordho una gaadho halka uu doonaayo, hubaal waa ILAALIYE)).

………………

Dhab ahaantii, waxaan buugga ka maqnayn sida oo kale astaamo dhawr ah oo sifaynaya ninka wanaagsan iyo dhaqamada lagu yaqaano, dabcan qoraagu waxa uu u dhigayaa markaad akhrinayso sidii siffaynta oo kale, oo wuxuu akhristayaashiisa u sheegayaa in ay tahay waxyaalaha lagu garto qofka marka la qiimaynayo, sida oo kale na waa barasho ay tahay in la is barto Ragg iyo dumar ba, si inta ka dhiman qof kastaa ugu dadaalo in uu qofka kale baro amaba buuxiyo. Waa kuwan astaamaha lagu sifaynaayo ninka wanaagsan:

1. If he genuinely seems interested in your needs, life, desires, and future, then he’s looking for a keeper.
((Hadii uu dhab ahaan u muuqdo mid xiiseynaaya baahiyahaaga, noloshaada, rabitaankaaga iyo mustaqbaalkaaga, hubaal waxa uu u eg yahay ILAALIYE))

2. If he seems willing to abide by your rules, and actually follows through on them, then he’s looking for a keeper.
((Haddii uu u muuqdo mid raacaya shuuradahii aad isla garanateen, sida oo kale na uu daba socda sidii aad uga arki lahayd, hubaal waxa uu u eg yahay ILAALIYE))

3. If he calls you right away, he’s showing that he’s genuinely interested in you, and is most likely looking for a keeper.
((Hadii uu kuu yeedho wakhtiyada saxda ah, dhab ahaanna uu kuu tusiyo in uu ku xiiisayanaayo, hubaal waxa uu u eg yahay ILAALIYE))

4. If he pays the bill, he’s showing that he’s willing to provide for you, which means he’s likely looking for a keeper.
((Hadii uu bixinaayo biilka qoyska, oo uu ku tusinaayo in uu diyaar u yahay in uu kugu filnaado, hubaal waxa uu u eg yahay ILAALIYE))

5. If he shows up when he’s supposed to, or tells you where he’s going to, at a certain time, he’s looking for a keeper
((Haddii uu ku tusinaayo ama uu ku sheegayo marka uu meel rajayanayo inuu tago, ama meesha uu tegayo iyo wakhtiga oo cayiman, hubaal waxa uu u eg yahay ILAALIYE))

6. If he introduces you to his people, like family and friends, he might be looking for a keeper.
((Haddii uu ku dhiirrado In uu ku baro dadkiisa, sida qoyskiisa iyo asaxaabtiisa, hubaal waxa uu u eg yahay ILAALIYE))

7. If he agrees to go to the family barbecue or a social event where he will be introduced to family, friends, and co-workers, he might consider you as a keeper.

((Haddii uu ogolaado in uu qoys ahaan hawo-geddi idin sameeyo ama meel cayiman idiin geeyo  taas oo uu isku kiin barayo qoys ahaan, asaxaab ahaan, iyo shaqaale ahaan ba, hubaal waxa uu u eg yahay ILAALIYE))

8. If he’s willing to meet your kids and shows up with gifts and can relate to them in a way that makes them comfortable with him, then he might consider you and your kid’s as a keeper.

((Haddii uu ogolaado inuu la kulmo carruurtaada oo uu tusiyo isagoo marar badan hadyado u sida, caruurtuna ku raaxaystaan kuna farxaan arrintaas, hubaal adiga iyo caruurtaba waxa uu idinku eg yahay ILAALIYE))

9. If he is capable of providing and protecting his potential family the way a real man should, then he might be looking for a keeper.
((Haddii uu isku taxallujiyo ama awood u leeyahay inuu quudiyo oo uu ilaaliyo reerkiisa, una dhaqmo sida ninka fariidka ah dhaqankiisa, hubaal waxa uu u eg yahay ILAALIYE))

10. If he wants your relationship to be exclusive and he agrees to date only for you, he considers you as a keeper.
((Haddii uu doono in uu xidhiidhkiinu gaar idin ahaado, sida oo kale na ogolaado in uu keligaa kugu koobnaado wakhtiga haasaawaha, hubaal waxa uuu u eg yahay ILAALIYE))

……………………
Qaybta Saddexaad ee buugga iyo guud ahaan mawduucyada ku hoos taxan waxa ay erey erey u sheegayaan ama sharraxayaan habkii aad ugu guulaysan lahayd qoraalada kor ku xusan oo dhan (Tani waaba macnaha buugga), iyo sida oo kale habkii aad uga guulaysan lahayd dhaqamada aan wanaagsanayn kuwaas oo sababi kara khilaaf iyo mushkilado badan oo dhex yimaada ragga iyo dumarka.

Waxa xusid mudan in buuggani marka aad akhrinayso kuu caddaynayo sida kelmadaha qayaxani qalbiga qofka u dhaawacaan, weliba qoraagu isaga oo diiradda saarayaa dumarka waxa uu siinayaa kelmado ama odhaahyo ay habboon tahay sida loo odhanaayo, isaga oo tusaale u soo qaadanaya ficil ah marka ay gabadhu aragto dhawr mar ninka oo mashquulsan, halkii ay ka odhan lahayd “Maba joojinaysid miyaa mashquulkan”, badalkeeda waxay odhan kartaa iyada oo u dareensiinaysa mashquulkiisa si edeb leh “Everybody is so busy these days, time sure is precious, isn’t it?” “Qof kasta ba waa uu mashquulay maalmahan, hubaal wakhtigu na waa qaali sow maaha?” iyo qaar kale oo badan, oo macne ahaan ah inay muhiim tahay in ay wakhti wada qaadataan. Sidan ayuu u wadayaa qoraagu is barbardhigga hadalada xeeladaysan iyo kuwa qayaxan, inta dhiman buuggaan u dhaafi in aad ka akhrisato.

………………..
Mar kale, waxa xusid mudan, xiise badanna buugga u yeelaya, waa mawduuc uu ugu magac daray qoraagu (The Five Questions Every Woman Should Ask Before She Gets in Too Deep), (5 Ta Su’aalood ee Gabadhu ay weydiiso,NINKA inta aanay xidhiidh qotto-dheer la bilaabin)). Run ahaantii akhriste kasta aad ayuu u xiisaynaa in uu ogaado shantan su’aalood, iyo waxa ay yihiin, innamadu weliba wey ka sii xiiso badan yihiin hablaha, waayo faduusha maskaxda ayaa iska sidaa ah. Dabcan gabadh kasta ma weydiiso shantan su’aalood nin kasta, se waxa hubaal ah in ay weydiinayso gabadha mustaqbal iyo rajjo ka leh ninka, weliba waa markay muuqaal ahaan ka weydo in ay ka aragto isaga. Waa se kuwan shanta su’aalood ee uu qoraagu buuggiisa ku sheegay:

Su’aasha 1aad: “What are your short-term goals?” “Maxay yihin hadafyada aad u qorshaysay inaad dhawaan gaadho?”

Su’aasha 2aad: “What are your long-term goals?” “Maxay yihin hadafyada aad u qorshaysay in aad ku gaadho muddada dheer, macnaha intaan nooshahay mar uun in aad gaadho?”

Su’aasha 3aad: “What are your views on our relationship?”, “Sidee ayaad u aragtaa xidhiidhka labadeenna inaga dhexeeya?”

Su’aasha 4aad: “What do you think about me?” “Maxaad iga aaminsan tahay?” ama “Aragti ahaan side ayaan kula ahay?”

Su’aasha 5aad: “How do you feel about me?” “Side baad ii dareentaa aniga?” ama “Waa sidee dareenka aad ii qabto?”

Shantan su’aalood waa ay ka siman yihin guud ahaan dumarka adduuunka ku nooli, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah qiimaynta ay ku sameeyaan RAGGA, sida ay u qiimayso, iyo faahfaahinta su’aal kasta, sida oo kale waxaan u dhaafayaa buugga. Waxa xusid mudan in buuggani qoraayo sida oo kale astaamaha aabaha wanaagsan.

GEBAGEBO

Run ahaantii buugga waxa uu dumarka kula talinayaa in aanay si muuqata u muujin hadii ay xitaa wax kasta soo baratay, taas oo aanu ninku aqoon u lahayn, balse ay si dadban u isticmaasho awoodahaas, madaama fahamka RAGGU ka duwan yahay kan DUMARKA, sida oo kale qoraagu waxa uu ku af meerayaa dhawr su’aalood oo qofku is weydiiyo marka khilaaf ama mushkilad timaado, iyo sida degdega ah ee lagu xalin karo….

 FG: Hubaal ujeedada magaca ka dambaysa, waxa in badan sharraxaya qoraalka ku xardhan guud ahaan safxadaha buugga billaw illa dhammaad, sida oo kale na buugani waa mid ka mid ah buugaagta kuu furaya maskaxda iyo waxyaalo badan oo muhiim u ah nolosha, madaama qof kasta, RAG iyo DUMAR ba guushu u tahay midda keliya ee loo nool yahay.

Isku day in aad hesho oo aad akhrisato, weliba si tartiib tartiib ah aad u fahamto, waana hubaal inaad xiiisayn doonto, wax badan oo kaa qarsoonaana uu ku bari doono! Qoraalkan yar ee koobani buugga 5% ayaa uu ka yahay,

AKHRIS WACAN!!!


ACT LIKE A LADY, THINK LIKE A MAN.....

“MEN ARE NOTHING WITHOUT WOMEN AND WOMEN ARE NOTHING WITHOUT MEN”

Raggu Waxba Maaha Dumar La’aantood! Dumarku na Waxba Maaha Ragga La’aantood


MAHADSANID

FAALO KOOBAN! Buugga Think and Grow Rich

Magaca Buugga: Think and Grow Rich
(Fikir oo Kobci Hodantinimada/Taajirnimada)
Qoreyaal: Napoleon Hill
Sannadka uu soo baxay:  1937
Bogagga: 259 Bog
Cutubyada: 13 Cutub
Daabacaddii: 2000

((What Ever Your Mind Can Conceive and Believe, It Can Achieve)), ((Wax Kasta oo Maskaxdaadu, Malayso, Rumaysata na, Waa La Gaadhi Karaa))

HORDHAC
“Buuggani wuxuu noqon karaa mid qiimahiisu adiga kuugu joogo malaayiin doolar” Odhaahdan waxa buugga ku ibo-furaya qoraaga buugga, Waa American, Magaciisu waa Napoleon Hill, Waxa uu saamayn togan ku yeeshay dad badan oo ka dib curashada buugiisan markii ay akhriyeen noqday dad Hodan/tujaar ah. Waxa uu xoojinayaa qaaciido uu lahaa nin la odhan jiray Andrew taas oo ah “Formula For Money-Making”, “Qaaciidada, Sida Loo Sameeyo Lacagta” Waxa uu leeyahay 13 hab oo si cad u sheegaya sida loo gaadho hodantinimada/taajirnimada, Qoraaga buuggani waxa kale oo uu leeyahay buug kale oo magaciisa la yidhaa “The Law Of Success” ”Sharciga Guusha” sida ku cad hordhaca buugga odaygu waa Philosopher “Filoosafar”, wuxuuna cilmi uu leeyahay cilmiga Philosophy ga.

Buuggan sida kor ku xusan waxa la qoray 1937 kii, guud ahaan waxa laga daabacay in ka badan 7 million  oo copies balse ,waxa xusid mudan in isla sannadkii uu qoray tiraba saddex jeer laga daabacay number gaadhaya “35,000 copies” 1938 dii bilihii “March, May iyo August”, mar kale buugga waxa dib looga daabacay sannadkaa tiraba “20,000 copies”.Illa hadda buuggan waa laga iibsadaa Adduuunka, waana mid ka mid ah buuggaagta loogu jecel yahay, Daabacadda imika aan gacanta ku hayo waxa la sameeyey sannadkii 2000.

Run ahaantii waa wakhti fog, qarnigii 20aad buug laga qoray sida loo kobciyo hodantinimada/taajirnimada, iyo isla wakhtigan sida faqriga iyo shaqo-la’aantu u badan tahay waa mid aan is lahayn.

Aaan u soo noqonno buuugga, habka uu u qoran yahay waa sidii Cutubyo “Chapters” oo kale. Intaanu bilaabin cutubka 1’aad qoraagu waxa uu ina weydiinaya suaal u dhigan “What Do You Want?” “Waa Maxay Waxa Aaad Doonayso?”, Waxa daba taala su’aal kale oo iyana ah “Is it Money, Fame, Power, Contentment, Personality, Peace of Mind, Happiness?” “Ma Lacag, Ma Magac, Ma Awood, Ma Sharci , Ma Shakhsiyad, Ma Nabadgelyo , Ma degenaansho xagga Maskaxda ah, Mise Farxad?” Intaa marka uu qoraagu kaga hadlo hordhaca buugga, waxa intaan akhrinaayso ku soo jiidanaaya weedh uu far waaweyn ku qoray oo ah “YOU’RE THE MASTER OF YOUR FAITH, THE CAPTAIN OF YOUR SOUL” “WAXA TAHAY MACALINKA IIMAANKAAGA, IYO HOGGAAMIYAHA NAFTAADA”.

BUUGA
Cutubka 1’aad: Fikirka (Thoughts)
Fikraddu waa hagaha ficilada bani-adamka, Waxa xusid mudan qoraaga buuggu inta uu ku guda jiro cutubkan in uu kaga hadlaayo hadba sida uu qofka fikirka kaga jira maskaxda uu ka dhigto, sida guusha iyo guul-darrada, waxa uu qabaa in hab fikirku yahay midka ugu horreeya ee dabada ka riixi kara dhammaan waxyaalaha kale ee caawinaya ficilka markaa lagu jiro.

Guud ahaan qoraagu cutubkan waxa uu si adag ugu sheegaya muhiimada ay leedahay wanaajinta hab-fikirka iyo sida doorkeeda muhiim ugu yahay, si looga dhabeeyo hadafka la doonayo in la gaadho, inta aad yeelato hab fikir wanaagsan waa inta dariiqa guushu kuu dhaw yahay.

Cutubka 2’aad: Rabitaanka (Desire)
Waa barta laga bilaabo dhammaan guulaha la rajaynaayo in la gaadho, wax kasta oo adduunka yaala waxa uu qaali ku noqdaa marka la cabbiro illa inta rabitaanka loo qabo uu le’eg yahay. Qoraagu waxa uu talo ku bixinayaa dhawr qodob oo ay tahay in la raaco marka uu qofku cabbiro heerka rabitaan ee ku jira, si uu u kobciyo hodantinimada/taajirnimada u rajanaayo.

1. “Define the amount of money you want”, Qeex xaddiga lacag ee aad u baahan tahay hubaal ma jirto xaddi go’an oo lacag ah oo qof rajeeyo inuu gaadho, balse hadana waa muhiim in aad yeelato xaddi go’an oo aad hadaf ka dhigato, waayo marka aad gaadho ayaad kordhin kartaa.
2. “Determine exactly what you intend to give in return for the money you desire”, Go'aami xaddiga dhabta ah ee aad doonayso inaad ku celiso lacagta aad rabto, waayo waxba kama jiraan odhaahda “Wax baan haystay, ka dibna wax la’aan baa igu dhacday” “Something to Nothing”. Ujeedo ahaan sida uu sheegayo qoraagu ayaa ah, ka dib xaddiga aad goosatay, maaha marka uu ficil isu badalo in khasaare kugu dhaco, lakin waa in aad raasamaal ama dhigaal aad yeelato.
3. “Establish a definite date when you intend to possess the money you desire” “Samee taariikh cayiman markaad damacsan tahay in aad haysato lacagta aad rabto”, macnaha noqo qof wax-soo-saar leh oo lacagta uu wax ku bilaabo kordhin kara adigoo wakhtiga ku xisaabtamaya.
4. “Create a definite plan of carrying out your desire and begun at once whether you are ready or not to put this plan into actions” “Samee qorshe qeexan/cad oo ku saabsan rabitaankaaga oo billaw mar keliya ,haddii aad diyaar u tahay ama aadan u ahayn si aad qorshahaaga ugu badasho ficil”, dabcan waa daruuri in aad  ahaato qof qorshe u sameeya rabitaankiisa oo garan kara bar-billowga illa bar-dhammaadka.
5. “Write out a clear, consise statement of the amount of money you intend to acquire ….” “Qor qoraal cad, oo kooban oo ku saabsan tirada lacagta aad doonayso inaad hesho” adiga oo xisaabta ku darsanaya wakhtiga aad lacagta ku helayso, sida aad isugu celcelinayo iyo qorshaha aad u astaysay isticmaalkeeda.
6. “Read your written statement aloud twice a daily …once in night and once in day” “U Akhriso qoraalkaaga qoran si cod dheer laba jeer maalintii ... hal mar oo habeenkii ah iyo hal mar oo maalintii ah” waayo waxa ay kaa caawinaysaa in aad mar kasta dadaalkaaga  ku aadan hadafkaaga iyo qorshahaaga labanlaabto si aad u noqoto qof kobcinaya hodantinimada/taajirnimada.

Cutubka 3’aad: IIMAANKA (Faith)
“Faith is the state of mind which may be induced by auto suggestion” “Iimaanku waa xaaladda maskaxda oo laga yaabo inay sababto soo jeedin toos ah” Xaaladan waxay ku siin kartaa waxa loo yaqaan “Self-confidence formula” “Qaacidada ku kalsoonaanta nafta”, in aad imaankaaga dhegaysato, naftaadana ku kalsoonaataa waa mid ka mid ah kuwa kuu sahlaya in aad ka rumayso hadaf kasta oo noloshaada la xidhiidha. waxa uu qoraagu cutubkan dhexdiisa far waaweyn ku xardhay kelmaddan “There are no limitations to the mind, except those we acknowledge! Both poverty and riches are the offspring of thought” “Ma jiraan wax u xaddidan maskaxda, marka laga reebo kuwa aan qirsan nahay! Faqriga iyo hodanka labada ba waa faraska fikirka” waana hadba ka aad adigu doorato.

Cutubka 4’aad: SOO JEEDIN TOOS AH (Auto-Suggestions)
“The medium for influencing the subconscious mind” “Dhexdhexaadinta saameynta miyirka maskaxda” Sida qoraagu inoo sheegayo, fikraduhu ha ahaadaan, mid taban iyo mid toggan ta ay doonaan ba, iskama galaan miyirka maskaxda illa ay ka helaan soo jeedin toos ah, markaa in aad ka fiirsato fikradda aad qaadanayso waa muhiim, waayo sida kor ku xusan waa furaha ficilada oo dhan. Ka fiirsi-la’aanta fikraduhu na waxay ku ridi karaan qofka “Lack of Ambition” “Hammi La’aan”, sidaa si la mid ah ayaa ay fursaduhu na u baahan yihin ka fiirsi dheer iyo u dhugmasho.

Waxa xusid mudan in qoraagu ku sheegayo buugga in xaaaladaha la kaantarooli karo, haddii ay rabitaanka ku jirto na la kaantaroolo “Conditions! We can control, if we desire to control them”.

Cutubka 5’aad: AQOONTA GAARKA AH (Specialized Knowledge)
“Personal experiences or observations”, “Waayo-aragnimada shakhsiga Ama Fiirsashada”.
Aqoonta cilmiga asaasiga/maadiga ah iyo aqoonta gaarka ee waaya-aragnimada qofka iyo fiirsashada waxa hareerihiisa ka socda waa laba kala duwan oo qof kasta ku jira. Cilmiga la barto ma soo qabto lacagta illa iyo la abaabulo/habeeyo, caqli ahaan na loo tilmaamo iyada oo loo marayo qorshayaasha wax qabadka ficilada lagu muujinayo.

Adeegsiga waaya-aragnimada kugu jirta ama aad ka dhaxasho bulshada kugu xeeran, ka dib na ku samayso eegis iyo baanasho waa mid ka mid ah waxyaalaha kugu dhiirigelinaya in aad ka gun gaadho qorshahaaga cad ee maalin iyo habeen ba ku celceliso.

Cutubka 6’aad: Aragti (Imagination)
“The Workshop of The Mind”, “Aqoon is-weydaarsiga maskaxda”
Qoraagu waxa uu aragtida (Imagination) u qaybinayaa laba qaybood oo kala ah “Synthetic Imagination” oo ah “Muuqaal Sawireedka Aragtida” iyo Creative Imagination “Fikrado/Aragtiyo Hal Abuur Leh”. In aad ka dhigto rabitaankaaga mid la taaban karo, waxa ay dhalin kartaa in aad la timaado aragtiyo la taaban karo oo sababa horumar degdeg ah mise na waara, qoraagu waxa uuu leeyahay iska ilaali in aad aaminto kelmada “It has Done before” “Hore Ayaa Loo Sameeyey”, waayo aragtida iyo habka wax u dhigista bani-adamku isaga mid maaha, markaa sida loo dhigay si ka duwan waa hubaal in aad samayn karto haddad aaminto kelmada “I Can Do It” “ Waan Samayn Karaa”. In kastoo qoraalo badan ku lifaaqan yihin, kuwaasoo sii faahfaahsan uga hadlaya qayb kasta oo buugga ku dhigan hadana Cutubkan waxa uu qoraagu ku soo xidhaya kelmadan “Success requires no explanation, Failure permits no alibis” “Guushu Uma Baahna Sharraxaad. Guul-darradu na Ma Ogolaato Khasaaraha”.

Cutubka 7’aad: Qorshaynta Habaysan (Organized Planning)
“The crystallization of desire into actions” “Kicinta Rabitaannada Lagu Baddalayo Ficilo”
CHANGE “Is baddal” in aad rabitaankaaga ficil u badasho weliba sida ugu macquulsan waa midda dhiirigelinaysa sida oo kale in aad gaadho hadafka aad ka leedahay hodantinimada/taajirnimada, qorshaynta iibinta adeegga aad gacanta ku hayso “Planning the sale of service” waa mid ka mid ah waxyaalaha aad ku ogaan karto faa’iidada,  iyo illa inta xaddiga lacagtaadii aad qorshaysatay ku korodhay ama ka naaqustay.

“A quitter never wins and a winner never quits” “Qofka Niyad-jaba Marna Ma Guulaysto, Guulaystuhu na Marna Ma Niyad-Jabo”. waa odhaah macne ahaan qofka ku leh: Ku dhiirro in aad rabitaanada oo dhan u beddesho ficil, hana ka baqan in aad guul darraysato, waayo guul-darrada lafteeda ayaa furta waddooyin badan oo guusha sahli doona.

Waxa xusid mudan in qoraagu sida oo kale uu cutubkan kaga hadlayo haggaamiyaha iyo astaamaha lagu garto, sida oo kale waxyaalaha lagu garto hoggaamiyaha guul-darraysta, waxa kale oo uu sheegayaa 30 waxyaalood oo sababa (causes) in hoggaamiyuhu guul darraysto, iyo 28 su’aalood oo ay tahay in qofku ka jawaabo si uu u ogaado illa heerka hoggaamineed ee ku jirta naftiisa. isagoo mid mid isu dul taagaya una sharxaya, balse waxaan u dhaafayaa buugga in aad ka akhrisato.

Cutubka 8’aad: Go’aanka (Decision)
“The mastery of procrastination” “Diidmada dib u dhigidda”
Qiimayn sax ah oo uu soo qaadanayo qoraagu waxa ay sheegaysaa in 25,000 oo qof oo isugu jira Rag iyo Dumar ba kuwaas oo guuldarraystay markii la weydiiyey sababta ay ku jawaabeen “Go’aan La’aan” “Lack of Decision”. Go’aan La’aantu waa mid ka mid ah 30 sababood ee ugu waaweyn ee keena Guul darrada.

In aad is qiimayso, oo Kafad iyo Miisaan isa saarto waa muhiim si aad u ogaato illa heerka ay go’aan qaadashadaadu le’eg tahay, si aad ugu dhiirato in aad diido dib u dhigidda qorshayaasha kuu calaamadsan. Dhimashada go’aanka aan qaadanaa uu ku dhex dhinto nafteenna waa waxyaalaha keenay in guushu geed dheer ku laalanto, lana gaadhi waayo iyada oo muddo dheer socotay, waa muhiim in aad go’aan qaadato, kana cararto khatarka doonaya in ay daldalaan hadafkaaga…

Cutubka 9’aad: Joogtayn (Persistence)
“The sustained effort necessary to induce faith” “Hawlaha joogtada ah ee lagama maarmaanka u ah inay rumeeyaan Iimaanka”. Joogtayntu waa mid ka mid ah waxyaalaha rumeeya rabitanaada waana mid ka mid ah waxa siyaadiya awoodda rabitaannada. In aad hadaf cad yeelato ka dib na joogtaysaa, waa guusha sida ugu fudud ee uu qof kasta ku gaadhi karo. Qoraagu waxa uu soo qaadanayaa tiraba 8 qodob oo qofka u sahli kara inuu joogteeyo rabitaanka ku duugan isaga/iyada.

Waxa kale oo xusid mudan inta cutubkan lagu jiro in qoraagu wax ka qorayo waxyaalaha sababa joogtayn la’aanta, waxa uu mar kale far waaweyn ku qorayaa odhaahdan isagoo ku leh “If You Really Wish to Know Who You Are, And What You Are Capable of Doing” “Haddii aad rabto inaad ogaato cidda aad tahay, iyo waxa aad awood u leedahay inaad samayso” iska eeg in aad ku suntan tahay list ka ama qodobada sababaya joogtayn la’aanta.

Waxa kale oo iyana xusid mudan in qoraagu 4 qodob oo kale “Steps” uu ku soo koobay, sida loo horumariyo joogtaynta “Developing Persistence”, Waxa iyana lagama maarmaan ah in qoraagu tusaale cad oo qurux badan u soo qaadatay Rasuulkeena Muxammed CSW, iyo halgankii dheeraa, hadafka cad lahaa, joogtayntiisa aanu ka daalin, mise na go’aankiisu qeexnaa ee uu galay diinta islamka, isagoo qaada-dhigaya halkii u ka bilaabay, iyo sidii uu ku dambeeyey muddadii uu noola “Guushii Islaamka”…

Cutubka 10’aad: Awoodda Maskaxda (Power of the Master-Mind)
“The driving force”, “Wadaha Xooggan”
In aad isticmaasho awoodda maskaxda tallaabo kasta oo aad qaaadayso waa muhiim, sida oo kale in aad barto maskaxdu in ay awoodeeda muujiso na waa midda ugu horraysa ee sahlaysa dhammaan waxa sagaalka cutub ee kale ku xardhan. Qoraagu waxa uu isku dayayaa in uu inoo bayaamiyo dhawr qodob oo ay tahay in aan adeegsanno marka aan doonayno in aan ka shaqaysiino awoodda ku jirta maskaxda sida wax uu ku sheegay in ay maskaxda ku jiraan oo ah: Sirdoon aan la aqoon, waaya-aragnimo la ogaaday, tijaabo iyo cilmi-baadhis. Sida oo kale waxa uu leeyahay waa muhiim Helitaanka awooddeedaadoo adeegsanaya isla Maskaxda.

Cutubka 11’aad: Maskaxda miyirka qabta (The Subconscious Mind)
“The Connecting Link”, “Xidhiidhiyaha isku xidhka”
Cutubkan waxa uu qoraagu kaga hadlayaa in aanu qofku bood-boodin o hadba meel isku qaadin balse uu isku xidho dhammaan ficilada uu qaadayo iyo waxa uu doonayo labada ba, “Make your desires clear and to reduce them to writing” “Ka Dhig Rabitaanadaada Kuwo Cad, oo aad Ku Yareyso Qoraal”. Qoraagu waxa uu qaybtan aad uga hadlayaa muhiimada ay leedahay dareenka aad ka qabto waxa aad qabanayso, Isaga oo soo qaadanaya “The Seven Major Positive Emotions” “Toddobada Ugu Waaweyn Dareemada Shucuurta Leh” ee bani-adamka Taas oo dadka badankoodu aanay ka tegin illa ay ka gun gaadhaan “Desire, Faith, Love, Enthusiasm, Sex, Romance and Hope” “Rabitaanka, Iimaanka, Jacaylka, Dhiirigelinta Galmada, Xidhiidhka Iyo Rajada” Sida si la mid ah waxa jira “The Seven Major Negative Emotions” “Toddobada Ugu Waaweyn Dareenada aan Shucuurta Lahayn” oo iyana ay ku suntan yihin isla dadka aduunka ku nooli waxa uu ka dhigay iyagana “Fear, Jealousy, Hatred, Revenge, Greed, Superstition, and Anger” “Baqashada, Xaasidnimada, Nacaybka, Aargoosiga, Daalka, Tageero La’aanta Iyo Cadhada”. iyagoo faahfaahsan sida oo kale waxa aan u dhaafaya buugga..

Cutubka 12’aad:  MASKAXDA (The Brain)
“The broadcasting and receiving station for thoughts” “Xarunta Warbaahinta Laga Helo Fikradaha”
Maskaxdu waa meesha laga helo fikrad kasta, nooca ay doonto ha ahaade, waa amar bixiyaha dhammaan ficilada jidhka bani-adamku bixinaayo, Qoraagu waxa uu leeyahay hadii maskaxda warbixinteedu soo saaran awoodda u qarsoon, fikrado hal abuur leh iyo soo jeedin toos ah waxa ay si fudud u sahashaa gaadhidda rabitaankaas.

Cutubka 13’aad, 14’aad iyo 15’aad ba waxa uu si isku mid ah qoraagu awoodda ugu saarayaa muhiimadda ay leedahay hadalka in ficil loo badalo, iyo sida lagu gaadhi karo guul hor seed u noqota farxad iyo badhaadhe. Kelmada “IF” oo ah “Haddii” oo qoraagu og yahay in maskaxda dadka ku soo degdegto ayuu bartilmaamsaday isaga oo tusaalayaal u soo qaatay adeegsigeeda, wuxuu qalinka ku adkeeyey sida ay u hor istaagto guusha.

Dhab ahaantii, qoraagu waxa uu ku so gebagebaynayaa buugga odhaah ah sidan “If we are related, we have, through these pages met” “Haddii aan xidhiidh la leenahay buugga, waxaad haysaa iyadoo loo marayo boggaan”….

GEBAGEBO
Runtii waa buug xiiso badan madaama dhamaanteen ku hammino in aan noqono QANI/TAAJIR/HODAN, waa ay ila mudan tahay in aan akhrisanno! 
Taajirnimadu keliya maaha in lacag la helo, billionaire la noqdo, lakin muslim ahaan qalbiga ayaan xittaa qani ka nahay.
Lacagta waa la samayn karaa waana sida uu aaminsan yahay buuggani, illa hadda ,lakin hadba waxay ku xidhan tahay waa hab-fikirka iyo heerka aan ka is-taago dad ahaan, TOGNAAN AMA TABNAAN!
Runtii! Hadii in uun aad fahmi weydo, ama Somali ahaan sida aan u dhigay gurrac uu ku jiro, waan ka cudur daaranayaa, tiraba 3 jeer baan dib u akhriyey!

"THE END” 
“DHAMMAAD” ….
Mahadsanid!

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...