Saturday, September 23, 2017

FAALO AAD U KOOBAN! Buugga Hanqadh.

HANQADH!
Waa kelmadda ila miisaan cuslaatay markii aan maqlay ba, waan fikiray waxanan is weydiiyey kelmadan macnaheeda, dabcan waan maqlay balse macnaheeda sidaa uma sii garanayn, mar uu qoraha buugga ka jawaabayay ayay u dhignayd sida uu u macneeyey (Onkodka iyo Hillaaca is wata ee ufada roobka ayaa la dhaha ama loo yaqaana HANQADH), Dabcan buuggu na waaba HANQADH.

Jaldigiisu asal ahaan waa madaw waxa ku sawiran fallaadha cirka isku sawirta taas oo sheegta marka uu roobku Hanqadhmayo/onkodayo/hillaacayo, sida oo kale waxa ka muuqda waa dhul kuu sheegaya in miyi iyo asalkii somalida la joogo, waa geed hadh weyn, iyo dhul casuus leh, oo ciidiisu cas tahay.
Buuggu waxa uu ka kooan yahay 14 kaas qaybood ee aan kor ku soo xusnay kaas oo ka sheekaynaya nolosha miyiga oo ah halka ummad ahaan/soomaali ahaan ku soo farcannay ama ka nimaadnay, nolosha adag ee miyiga taala, iyo sidii aan ugu soo wareegnay magaalada, waxa sheeko uu hoggaaminayo HAYBE HURRE MEYDEL oo ah qofka bilawga illa dhammaadka buuggu taabanaayo, ama sal-dhigga u ah, waa sheeko aad u xiiso badan, runtii erey ahaan, qoraal ahaan, iyo macne ahaan ma arag buug iyo qoraal la mid ah oo si muuqaal ahaan ah maskaxdaada ugu sawiraya nolosha miyiga.

Sheekada buugga ku qoran kama hadlayo , qaybaheeda na sidii kuwii hore uma soo qaadanayo waayo waxa ila habboon oo aan kugu boorinayaa in aad isku daydo in aad hesho buugga oo aad akhrido, hubaal waad dareemi doontaa dhadhanka ay leedahay iyo sida farshaxamaysan ee uu qoruhu u qoray, waanad u bogi doonta marka aad aragto buug qoraal ah hadana ku siinaya muuqaalka dhulka, nolosha, xoolaha, dhaqanka, iyo waaya-aragnimada miyiga taala, magaalada taala, qurbaha taala, iyo heerarka badan ee nolosha loo maro.

Shakhsi ahaan, aniga waxa uu i baray buuggani kelmado badan oo anan hore u maqal, aqoonna u lahayn, wuxuu I tusay nolol aanan weligay arag, wuxuuna iga dhigay qof wax badan imika ka fahmaysa hadii ba ay dhul miyi ah tagto, wuxuu ii sheegay is badallada nololeed ee ku dhacay dhashii iyo dhaqankii miyiga, runtii marar badan waxaan tammaniyey in aan kuba soo noolaado nolosha miyiga.

Intan iyo ina kale oo badan waa dhanka wanaagsan ee buugga ama nolosha inteeda wacan, sidaan wada ognahay dhammaanteen nolol kasta ma u qurux badna sida aan rajayno, hubaal na in ka badan magaalada waxa nolol adag nolosha miyiga taala, sida si la mid ah waxa xusid mudan sida uu buuggu uga sheekaynayo nololsha adag mise na is-baddalada badan ee uu HAYBE mari doono, iyo sida oo kale dadka ku nool miyiga sida ay nolosha isugu adkeeyeen, haybta ama qabyaaladda taal, cooladaha aan jirin ee dadku isku samaysteen ubadkiina ka dhaxleen, iyo cawaaqibka marka dambe ka dhasha.

Buuggu waxa uu xabad-xabad kuu tusinayaa nolosha miyiga iyo ta magaaladu sida ay isugu xidhan tahay, una kala maarmin, sheekada Haybe saldhig ha u ahaato buugga lakin runtii waxa uu ka sheekayanayaa waa waaqiciga dhabta ee yaalla waddan kasta oo ka kooban miyi iyo magaalo, siiba somaalida.

Weli ma arag buug sidaa isugu xidha laba nolol o kala duwan, mise na fariin cad kugu sheegaya, toosh na kugu ifinaya galdaloolooyinka ka jira miyi iyo magaalo labadaba. Runtii aad ayuu u xiiso badan, I Rumayso luuqad ahaan, dhaqan ahaan, asal ahaan, iyo nolol ahaan ba waad fahmaysaa, marka aad malayso iyada oo Muuqaal ah.

HANQADH WAA DHAYGAG IYO DHABANNO-HAYS...

 Tusmada Buugga.
Magaca Buugga: HANQADH
Qore: Maxamed Muxumed Cabdi “Haykal” (Maxamed-Haykal Muxumed)
Sannadka: 2017
Bogagga: 198 Bogg (Pages)
Qaybo (Sections): 14 Qaybood (Section)

TALO: SI AAD U NOQOTO QOF ADAG, MISE NA NOLOSHA U WAAJAHA XAALAD KASTA, KELIYA AKHRI BUUGGA HANQADH.

Mahadsanidin.
W/Q: Amina Galaydh
 

No comments:

Post a Comment

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...