“Marka uu
Ninku Reerka Ka Maqan Yahay Gurigu Waa uu Il La’ Yahay, Lakin Marka Ay
Haweenaydu Ka Maqan Tahay Labada Indhoodba Waa uu La’ Yahay” Murti Mug Weyn.
“Haddaan
guudka laga jirin
Gudhiisa
xaabkiyo
Cayaayanka
laga gurin
Marwo dumar
garka u xidhan
Ilayn guri
dugsoon ma leh
Kuma galo
adduunyada
Ninna
gooni-socodkoo
Marwo
garasho dheer baa
Ninka ragga
u gudinoo
Iyada
guddoonkiyo
Gadh-hayaha
naftaadiyo
Gadiidka
reerkiyo
Gurgurshaaga
noqoto
Arrin kula
gorfeysee
Haddaan
gaari kula jirin
Ilayn nolosha
guul ma leh”
Hablaha
Geeska Afrika, Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi.
Kani waa
buug ku saabsan kartida haweenka soomalida, waxa uu ka kooban yahay afar
qaybood.
Tan hore
waxa ay ka hadlaysaa korriimada iyo hana-qaadka inanta soomaaliyeed, maalintaa
ay laba jirsato ee ay raad dhaqaajiso, hawlaha ay qabato illa maalinta ay ka
aqal-gelayso iwm. Waxa aad qaybtan kala
kulmaysaa aqalka hiddaha iyo dhaqanka soomaalida u ah, waaxyaha iyo qalabyada
uu ka kooban yahay iyo kuwa lagu dhex isticmaalo. Waxa kale oo qaybtani lafa-guraysaa aqoonta
durugsan iyo kartida haweenka soomaalida ee aqalkaas iyo agabkiisi la xidhiidha,
sida samaynta qalabyada, dayactirka iyo nadiifintiisaba, rarka xilliga geediga
iyo furitaankiisa, wakhtiga guri dhiska iyo yagleesha, iwm. Waxa iyana si guud mar ah lagaga soo qaadayaa
oo aad qaybtan ugu tegaysaa xilligan casriga ah iyo daaraha magaalada saamaynta
ay ku yeesheen haweenka soomalida.
Qaybta 2aad
ee buuggan waxa aad ugu tegaysaa xog iyo wacaalo ku saabsan
mahadhooyinka hal-abuurka haweenka soomaalida. Waa miida, maada iyo murtida ku
taxmaysa hal-abuurkaa haweenka, tix iyo tiraab ahaanba. Waxa aan meesha ka
madhnayn qalabyada farshaxanka ee ay u adeegsadaan wax kasta oo ay haweenku
qabanayaan ama ay ku cabbiraan dareenkoooda gudaha ee maanka iyo maskaxda. Waxyaalaha
qaybtan aad ugu tegayso waxa ka mid ah heesta maweelada iyo koolkoolinta caruurta,
heeso-hawleedka xoolaha, gaar ahaan adhiga, maqasha iyo lo’ada oo ka mid ah meesiga
xoolaad ee hoos taga waajib-gudashada haweenka soomaalida. Salsalkii raridda
awrta, geediga iyo dhaanka, heesta dameeraha ayaa ka mid ah qodobada aad halkan
kula kulmi doonto.
Isla qaybtan
2aad waxa xusid mudan hees hawleedyada kale ee lagu dareeriyo ama unko
hararka iyo kebadda marka la samaynaayo iyo ta lagu sameeyo aloolka aqalka
hiddaha iyo dhaqanka soomalida. Heesta hanta marka la lulaayo iyo ta mooyaha
marka hadhuudhka lagu tumaayo ayaan iyana meesha ka maqnayn. Gelbiska iyo Damaashaadka
arooska suugaanta loo adeegsan ayaa iyana qaybtan laga helayaa oo wax
lagaga xusay. Waxa kale oo qaybtan aaanay il duufin suugaanta sitaadka iyo
ducada oo ka mid ah fanka ruuxiga ah ee haweenka soomaliyeed u buuxiya kaalinta
dhaashigga ama subkashada ee quluubta iyo dareenada gudaha.
Hal abuurka
haweenka soomaalida kama dhaco nuxur ahaan iyo farshaxan ahaan ba ka Ragga
soomaliyeed, Sidaa darted qaybtan 2aad sida oo kale waxa loogu tegayaa waax ka
warramaysa kaalinta libaax ee ay haweenku ka qataan doorarka maansada soomalida,
waxaana ka mid ah waxyaalaha halkan lagu eegaayo Buraanburka oo ah sed haweenka
u gaar ah, kaalintooda maansada kale sida jiiftada, gabayga, iwm. Waxaana isla
qaybtan lagu soo qaadanayaa suugaan mug leh oo gabayo iyo maanso kale ba ka kooban,
kuwaas oo ay haweenka soomalidu tiriyeen. Sida oo kale waxa ku jira suugaan kale oo ku
saabsan wacaasha haweenka sida kaalintooda nolosha, jacaylka, quruxda iwm.
Ciyaarigii
hiddaha iyo dhaqanka ee fagaarayaasha caweyska iyo haasawaha, hees badeedda iyo
hees dagaaleedka (RIGO) ayaa iyana buuggu qaybtiisan wax lagaga soo qaaday,
waxyaalaha kale ee isla qaybtan lagu xusay waxa ka mid ah, maahmaahda,
halku-dhegayada, hal-haysyada, haasawaha, kaftanka, iyo hal-xidhaalaha
haweenka. Ugu damabayn qaybtan waxa lagu soo xidhayaa tusmooyin ka mid ah
sheeko xariiradii hiddaha iyo dhaqanka soomaalida iyo maadaysiga la hal maala.
Qaybta 3aad,
ee buugani waxa ay ku saabsan tahay nolosha casriga ah iyo saamaynta ay ku
yeelatay haweenka soomaalida, waxa halkan si dul ka xaadis ah loogu soo
qaaday tariikhda waxbarasho ee soomaalida gaar ahaan haweenka, iyo sida ay
dagaalada iyo eedaha sookeeye u saameeyeen. Nolosha qurbaha iyo qoyska
soomaalida ayaa iyana wax lagaga iftiiminayaa isla qaybtan, waxaana isla
qaybtan lafteeda laga dhex heelayaa suugaan si teel teel ah ugu dhex iidaaman,
uguna badhxan taas oo ka qayb qaadanaysa soo dhoweynta fahamka marba arrinta laga
faaloonaayo.
Qaybta ugu
dambaysa ee buuggan waa qaybta 4aad, waxa ay si fiican u eegaysaa magacyada haweenka
soomaaliyeed. In ku dhaw 600 oo magac oo kala duwan, kana kooban kuwii hore iyo
kuwan casriga ah ee loo bixiyo hablaha ayaa isla qaybtan ugu tegi doontaa, iyada oo
magacyada qaar tusaale ahaan wax looga bidhaaminaayo macnaha ama sababta ka
dembaysa bixintooda.
Qaybtan iyo Buugga ba waxa gunaanad iyo gebagebo u ah
maansada HABLAHA GEESKA AFRIKA ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo
koobsanaysa kartida iyo kasmada haweenka soomaalida.
Tusmada
Buugga
Magaca
Buuga: Guri Waa Haween
Qore:Maxamed Baashe X. Xassan
Bogaga: 194
Bog.
W/Q: Amina Galaydh
Faallo Muc leh oo kooban, si kale marka loo il dayana macno ballaadhan isla markaana kaafiyaysa Akhristaha doonaya inuu dhiganahan indhaha la raaco, hase ahaatee u baahan horta inuu ogaado Nuxurka ku dhex jira Dhigane Dhaqameedkan.
ReplyDeleteDhiganuhu wuxuu u dheellisan yahay Q. 2aad.
Maxamed Baashe X. Xassan Alle Maskaxda iyo Caqliga ha u barakeeyyo.