Saturday, March 17, 2018

FAALLO KOOBAN! Buugga Amiina Almufti



"Waxa uu buuggani si waafi ah inoo tusayaa dhinac ka mid ah loolanka u dhexeeya Falastiniyiinta iyo Israa’iil. Waa dagaalka Sirdoonka iyo Amniga oo aanay dad badan kaba warqabin jiritaankiisa iyo in Falastiniyiintu ay marar badan Sirdoonka ka gaadhaan guulo lama filaan ah” Cali Maxamed Warancadde, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland.
Marka laga yimaado aragtida ama maqalka dhalan-rogga iyo is badallada kala duwan ee ku yimi adduunyada illa intii ay soo jirtey hadana waxa muhiim ah wax ka ogaanshaha xaaladaha mar kasta ku soo kordha adduunka oo ay bani-adamku sabab u yihin, tani waa xadaarad ka mid ah xadaaradaha ay gaadheen dadyowga dunida ku nool siiba dalalka ay ka dhexayso colaadda soo jireenka ahi.
Haddii aynu eegno buuggani muuqaal ahaan sida uu u eg yahay, waxa xiisaha badan ee qof kasta oo akhriska jecel uu aad ugu riyaaqayo  sabab u ah waa magaca ku qoran oo u dhigan habka ugu habboon ee qofku ugu dhiirran karo in uu si degdeg ah u akhriyo gudaha buugga iyo qoraalka ku taxan.
"AMIINA ALMUFTI, Basaasaddii Carbeed ee MOSSAD ugu Caansanayd"
Waa buug ka waramaya sheeko si dhab ah uga dhacday dhulalka carabta iyo Bariga dhexe mise na si caan ah ugu dhex faaftay adduunweynaha oo dhan, sheekadani  waxa turjumay oo qalinka u qaatay Kamaal Axmed Cali oo buugga ka hor si taxane ah u soo gelin jirey ku dhawaad sannadihii 2008-2009 wargeyska Geeska Afrika oo dad badan laga yaabo in ay halkaa kala socon jireen.
Runtii waa turjumaad aan toos ahayn oo uu qoraaga buugu ka soo dheegtay basaasadii caanka ahayd ee Amiina Almufti taas oo uu qoray AHN Salaax Mursi balse uu qalinkeeda lahaa Fariid Al-Faluuji.
Sheekadan sida hordhaca buugga ka muuqata wax daabacay wargeyso carbeed oo kala duwan, baraha bulshada ku kulanto sida “Internet” kana si aad ah ayaa loogu baahiyey, sida oo kale sheekada lafteeda waxa curiyey oo dib wax uga qoray qoraayo dhawr ah oo kala duwan.
HORDHAC
Marmar badan ayaa uu sirdoonka Israa’iil ku guuleystay in uu helo basaasiin carbeed oo uga dhex shaqeeya dalalka iyo dadyawga carabta ah, gaar ahaan falastiniyiinta oo ay cadaw isku yihin Yuhuuda, si ay xogta ay u baahan yihin uga helan iyaga iyo dalalka ku xeeran sida MASAR,SUURIYA, Iyo URDUN.
Buuggani waxa uu ka warramaya waa Amiina Almufti oo ahayd gabadh carbeed oo kaalmaha hore kaga jirta liiska dadka carbeed ee laga dhigey basaasiintii u adeegtay Yuhuudda iyo Dawladda Israa’iil siiba hayadooda sirdoonka ee MOSSAD.
Waxa uu koobsanayaa noloshii qoyskeeda + koritaankeedii carruurnimo + xidhiidhkii jacayl ee cadaawaddda ugu beeray dadka Carabta ah + jidkii hallawga ahaa ee Amiina ku hoggaamiyey in ay noqoto Basaasad + guurkeedi Yuhuudiga iyo sida ay dhimashadiisi dariiqa ugu jeexday basaasinimadeedii ku aadanayd dhulalka carabta iyo dadka reer Falastiin.
Waxa kale oo runtii xusid mudan in buuggani uu soo bandhigaayo xirfadda iyo tayada Sirdoonka Falastiniyiinta, marka laga yimaado xeeladaha iyo fajiyada Yuhuuudda iyo dawladda Israa’iil + Fashiliddii basaasnimadii Amiina + xeelladdii iyo habkii yaabka badnayd ee loo maray ciqaabtii iyo baadhistii lagu ogaaday ama lagu xaqiijiyey basaasnimadeeda.
Sheekadani waxa ay si fiican u baraysaa qof kasta oo akhriya waa loollanka adag ee u dhexeeya Falastiniyiinta iyo Yuhuudda oo laga yaabo in aanay dad badan wax xog ah oo sidan u faahfaahsan ayna ka hayn, waxa kale oo laga baranaayo ayaa ah duruus la xidhiidha cilmi-nafsiga iyo shakhsiyadda cajiibka ah ee bani-adamka sida ay u noocyo badan tahay Rag iyo Dumar ba.
Runtii buuggani xiise uma samaynaayo keliya qofka ama dadka xiiseeyaa sheekoyinka sirdoonka, balse sida oo kale waxa uu micno badan u samaynayaa dadka iyaguna jecel sheekooyinka jacaylka iyo arrimaha bulshada + saamaynta ka dhalata, waxa laga qaadan karaa casharro iyo duruus waayo-aragnimo oo la xidhiidha cilmi-nafsiga aadamaha la xidhiidha.
Buuggan marka laga tago qisada uu gudbinaayo + xeeladaha iyo hababka Sirdoonka falastiniyiinta iyo yuhuudda ay isu adeegsadaan, runtii waxa xusid mudan oo ah muhiimadda buugga in uu akhristayaasha barayo una gudbinaayo laga soo bilaabo qarnigii 20aad illa hadda halka aqoonta ay marayso + xeeladaha la isu adeegsado .
ARAGTI
Runtii buuggan waa buug gudbinaya tariikho badan oo khuseeya dadka carabta ah siiba Falastiniiyinta iyo Yuhuudda + Dawladda Israa’iil , waa"Hayadda Sirdoonka MOSSAD'e", taas oo dad badan ka dahsoon. Waa buug in badan u ah ku dayasho iyo tusaale fiican dadka jecel wax ka ogaanshaha basaasnimada  iyo xeeladaheeda Hhhhhhhh
In kasta oo buugan yahay buug xog badan sheegaya hadana waxa aan la iska indho-tiri karin sida uu qoraagu u adeegsaday far tolmoon oo faham badan, oo aan laga caajisayn dhiirigelinna u ah akhristayaasha si at u dhammaystiraan buugga.

GUNAANAD Waan bogaadinayaa wanan u mahadcelinayaa runtii in Rabbi Ajar iyo Hasanaat ka siiyo Kamaal Axmed Cali, oo sabab u ah in maanta bulshada soomaaliyeed uu soo gaadho buug daabacan oo ka waramaya mid ka mid ah qisooyinka ugu caansan dunida mise na cilmi iyo aqoon badan u gudbinaayo dadka jecel wax ka ogaanshaha sida adduunku maanta u dhaqmo.
Magaca Buugga: Amiina Almufti Qalinkii: Fariid Al-Falluuji Turjumaddii : Kamaal Axmed Cali "Kamaal A. Ali" Bogagga: 305 Bog Qaybaha Buuga: 9 Qaybood Waxa Daabacday: Asal Printing Press Daabacaddi kowaad: 2018 S/G: Amiina Galaydh


2 comments:

  1. Asc.Fadlan ii sheeg book sida aan ku helikaro

    ReplyDelete
  2. fadalan ii soo sheeg book sida aan ku helikaro iyo meeshaan ka helikaro ee iigu dhow waxaan joogaa Lasanod

    ReplyDelete

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...