Tuesday, January 9, 2018

Buugga: Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl!

Buugga: Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl!
“(Ignorance is the Enemy of Love)” English Version
Qore: Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) “AHN”
Bogagga: 122 Bog
**************

HORDHAC

In kastoo sheekadan ay tahay mid qoraal ahaan la qurxiyey hadana waa mid run ah sida la sheegay oo ka dhacday magaalada XIIS oo ku taalla Gobolka Sanaag kana tirsan qiyaastii tariikhdu markii ay ahayd hillaaddii 1913 kii illa 1922 kii. Waxa ay ku saabsan tahay JACAYL ay gabadh magaceeda la odhan jirey Cawrala Barre u qaaday Nin isaga na magaciisa la odhan jirey Cali-Maax!

Cawrala iyo Cali-Maax waa mid ka mid ah sheekooyinka ama aan idhaahdo dhacdooyinka Jacayl ee ummada soomaalidu tariikh ahaan in ay u leedahay dad badan ay wariyeen, waa dhacdo qof kasta oo soomaali ku abitirisada uu maqal ku maqlay, waxayna caan u tahay sida Cilmi iyo Hodan oo kale.
In kasta oo ay sheekadan salkeedu tahay jacaylkaas dhex maray Cawrala iyo Cali-Maax, haddana sida buugga ku dhigan waxa dhacdada ku jira inta akhriskeedu socdo ujeedooyin looga dan leeyahay oo wax ka tusaaleynaya waayaha iyo dhaqamada bulshada soomaaliyeed waxaana ka mid ah:

Sheekadan:

1. Waxa ay wax ka taabaneysaa dhibaatooyinka, danqaaraha iyo waxyeellada ay dadka u leedahay wax-akhris iyo wax-qorid la’aanta.

2. Waxa ay wax ka tusaaleynaysaa heerka ay bulshada soomaaliyeed kaga jireen Haweenka Soomaaliyeed siiba dhaqanka iyo murtida, isla markaasna waxa ay aad u muujineysaa doorka ay jacaylka ka qaateen waayadii hore.

3. Waxa ay daaha ka qaadaysaa ruuxa wadaniga ah ee dalkiisa jecel in aanu ahayn kan dib uga laabma ama ka cataaba hadii uu dhibaatooyin iyo silic kala kulmo daryeelidda dadka, ilaalinta xornimada iyo gobonnimada wadanka.

4. Waxa ay wax ka tusinaysaa samaha ay sinnaantu leedahay iyo sayimihii sinnaan la’aantii ka dhexaysay ragga iyo dumarkii hore, waxa kale oo ay wax ka sheegaysaa waa tariikhda, dhaqanka qotada dheer iyo caadooyin ka mid ah dhaqamadii ummada waagaa jirtey.

5. Waxa ay wax ka muujineysaa Juquraafiga, qaab-dhismeedka iyo tariikhda Gobolka Sanaag, madaama oo uu yahay Gobolka ay ku dhasheen Cawrala iyo Cali-Maax, oo baal dahab leh kaga jira dhacdooyinka runta ah ee dhanka Jacaylka.

6. Waxa ay wax ka sheegaysaa in haasawaha iyo muranka lagu murmo ee Af-soomaaliga ah ay waagi hore lagama maarmaan u ahayd in Murti, Gabay, Saar, Geeraar, Hees, Jiifto, Shirib iyo Maahmaahyo ay saldhig u ahaadaan, haddii aanay Muridaas ku jirin oo aanay tageerayan hadalka runtii waagaa wax kasta oo lagu hadlo qiimihiisu waa uu yaraa.

Cali-Maax waxa uu ahaa markaas 40 Sanno-jir xaas leh, waxa uu ahaa Nin garaad fiican leh, gabayaa ah oo aad loogu ammaano Geesinimada iyo Aftahammada, balse waxa nasiib darro ahayd in aanu aqoon sida wax loo akhriyo ama loo qoro, taas na waxa ay sababtay dhibaatooyin waaweyn oo gaaray heer ay kashifmaan Waraaqihii gabayada jacaylka ah ee sirta ahaa kuwaasoo ay u diri jirtey Cawrala Barre.

Waxa fursad waa noqon weydey in qoraalka buuggu uu ku dhisnaado sheekadan oo gundhigeedu yahay Gabay, Hees, iyo Maahmaah, haddaba in kasta oo waagaa aanu jirin magaca “HEELLO” la yidhaa, hadana hase ahaatee waxa jirey heeso la saansaan ah lakiinse ay dhihidoodda iyo habku-ku-luuqayntooduba ka duweynayd “Heellooyinka” haatan jooga.

ARAGTI

Dhacdo kasta oo aduunka ka dhacda, dal ahaan ama dad ahaan ka ay doonto ha noqoto runtii waxa ay ku biirtaa waa tariikhdaa dalkaas iyo ummada dhulkaas deggen.

Dhacdooyinka ummadaha la dersa kuwooda ugu xiise badan ayay ka mid yihin dhacdooyinka kuwooda Jacaylka khuseeya, waayo waxa ku duuggan waayo-aragnimo iyo dhaqammo ka turjumaya dadyowgii innaga horreeyey iyo sida ay ula dhaqmi jireen Jacaylka.

Cawrala iyo Cali-maax illa yaraanteenni waan maqlaynay, runtiina shakhsi ahaan magacoodu iguma cusbeen balse sida oo kale iyada oo aan qoraalka buugga la wada rumeysan karin hadana qawl ahaan si kala duwan ayaa loo dhihi jirey marka laga waramayo sida ay u dhacday, balse waxa xusid mudan in maanta ugu yaraan sheekada qoraal lagu hayo si aan illawsho u imaanna la dhugan karo oo jiilka innaga sii dambeeya ogeysiin karta in dhacdo noocaas ah ay ummada soomaaliyeed beri ka mid ah ka dhex dhacday.

Sheekada oo dhammaystiran, sida ay u dhacday, iyo halka ay ku dambeeyaan Labadan ruux ee Cawrala iyo Cali-maax waxa si faahfaahsan qof kasta uga akhrin karaa buugga ……

GEBAGEBO

Qof kasta, weliba inteenna maanta awoodda u leh Akhriska iyo Qoraalka waxa uu jecel yahay in uu wax korodhsado, ama wax aanu ogeyn uu ogaado, balse Soomaali ahaan waxa inoo wanaagsan inaga oo aan illaabayn dookheenna buugaagta ku aadan in aan xoojinno baadi-goobka iyo ururinta tariikhda ummada soomaaliyeed, dal ahaan iyo dad ahaan ba, ha noqoto dhacdo, suugaan, iyo mid kale ba.

FG: Buuggan isaga oo PDF ah waxa aad ka helaysaa qaybtiisa Files ka Bogga buugaagta ee barta Facebook “Madasha Buugga” iyo sida oo kale Google.

Akhris Wacan!!!

S/G: Amina Galaydh

3 comments:

  1. Assalamu aleykum Amina Galaydh


    Waxaan kaa ga soo qoraaya Jabuuti. Waxaan raadinaya buugan "Aqoon Darro Waa u Nacab Jacayl"... Oo waliba daabacadisi 1974 uu ku qoranyahay af soomaaliga. Walal waan ku waayey Google sida tiri... Ee isaga oo PDF maan kaa heli kara ?

    Good Jaamac Cilmi

    ReplyDelete
    Replies
    1. Assalamu aleykum Amina Galaydh

      Walal jawaabtan ma adigay kaa socoota ? ... "Haye" baan arko, lakinse Unknown uu soo diray ...

      Si kastaba,maan kaa heli kari buuga oo waliba daabacadisi 1974 uu ku qoranyahay af soomaaliga ?

      Good Jaamaac Cilmi

      Delete

Buugga Things I Wish I'd Known Before We Got Married

Things I Wish I'd Known Before We Got Married Magaca Buugga : “Things I Wish I’d Known Before We Got Married” “Waxyaa...