Magaca buugga: Diihaal-reeb
Qore : Khaalid Jaamac Qodax
Soo-saare : Qodax Publishers
Bogagga: 219 bog
W/Q: Cabdiraxmaan Faarax Guri Barwaaqo
S/G: Amiina Galaydh
**************
Xilliga iyo Meesha:
Qore : Khaalid Jaamac Qodax
Soo-saare : Qodax Publishers
Bogagga: 219 bog
W/Q: Cabdiraxmaan Faarax Guri Barwaaqo
S/G: Amiina Galaydh
**************
Xilliga iyo Meesha:
Meesha iyo madashu waa Hargeysa, hoyga fanka iyo suugaanta, oo hadda ah magaalo madaxda
Jamhuuriyadda S/Land. Sheekadu maaha ugub ee waa curad. Waxay ku saabsan tahay dhacdo soo jireen ah iyo xaalad aan weligeed waxba laga qaban. Taasaa keentay in aanu qoruhu inna siin ammintii ay sheekadu dhacday. Waa arrin tilmaamaysa in carruurta ku tabaalaysan derbiyada magaaladu ay tahay arrin soo jireen ah. Waana halkaa halka ay farshaxannimada qoruhu ku jirtaa.

Jilayaasha sheekada:
Sheekadu waa mala awaal sida uu qoruhu inoo sheegay. Hayeeshee, magacyada jilayaasha iyo goobta ay sheekadu ka dhacaysaa way is leeyihiin. Waa magacyo Soomaaliyeed oo jira. Jilaaga u weyni (arbaha sheekadu) waa Saxardiid. Magacu wuxu tilmaamayaa magac Soomaaliyeed oo sooca. Waa mid lammaan oo ka kooban ‘saxar’ iyo ‘diid’. Waxa loo bixiyaa wiilka lagu tilmaamayo inuu qurux u dhashay ama wiilka kolka uu dhasho ay hooyada geelooyinkeed foolxumo ku tilmaamaan, hooyaduna ay si sarbeeb ah ugu sheegto dumarkaasi inuu wiilkeedu yahay mid foolxuma iska daaye aanu korkiisa saxar yarina saarrayn. Qoruhu inuu midhkaa u kas u qaatay iyo in ay isugu beegantay ma sheegi karo. Hayeeshee, sheekada dhexdeeda ayuu qoruhu inoogu sheegayaa inuu Saxardiid markii hore u dhashay qurux badni hayeeshee, duruufihii iyo waayihii derbijiifnimadu ay muuqaalkiisii wacnaa beddeleen.
Beryahan dambe waxa la ogaaday, oo ay aqoonyahanno badanina rumaysan yihiin, in wax kasta oo
haabka qofka ku soo dhaca la rumayn karo ama uu waxaasi rumoobi karo. Haddaba, waxan garan karnaa
in hawsha ay qabatay Canab, oo ah jilaha labaad ee kaalinta mudan kaga jira sheekada, la rumayn karo oo dhallinta iyo carruurta derbijiifka ah dhalanrog lagu samayn karo.

Jilayaasha aan magacyadooda la sheegin waxa ka mid ah Saxardiid aayadii oo ah qofka dhibkan laga sheekaynayo wiilka u geysatay. Waxase is weydiin leh, waxa magac loogu bixin waayey, ama loo sheegi waayey magaceeda? Ma laga yaabaa inuu qoruhu ka baqo qabay in magaca uu bixiyaa uu noqon doono mid aaya kasta ku dhega oo isagana hadhaw lagu tilmaamo inuu yahay mid bulshada qayb ka mid ah godob ka galay ama ka soo horjeeda? Dugsiga sare ee ay Saxardiid iyo jalayaashii dhigan jireen isna lama sheegin magaciisa. Iyada qudheedu waxay tilmaan u tahay hab qoraalka hufan ee qoraha. Kaalin weyn baanay ardadu kaga jirtaa sheekada. Sidaasi awgeed, haddii uu sheegi lahaa magac ka mid ah magacyada dugsiyada magaalada Hargeysa waxa loo arki lahaa inay sheekadu tahay mid dhab ah oo ka dhacday dugsigaa. Aragtidii qoraha oo ahayd inay sheekadu ahayd mid mala awaalihi na halkaasi ayey ku buri lahayd.
Samiira iyo Hodan ayaa ayana ka mid ah jilayaasha sheekada. Labaduba waxay sheekada kaga jiraan
kaalin tilmaamaysa sida uu dhaqanku saamaynta weyn ugu leeyahay dhallinta. Samiira waxa loogu diidey
Saxardiid oo ay guur iyo nolol-wadaag ku heshiiyeen, qoyska uu ka soo jeedo oo laga shakiyey awgeed.
Waa dhaqan xumo qarqarsiday himiladii iyo hankii uu Saxardiid lahaa. Hodanna waxa Saxardiid loogu
dhisay iyada oo aan uba jeedin inay guursataa waa dhaqan ku salaysan jujuub. Waana duurxul iyo tusaale
sarbeebaysan oo uu qoruhu innoogu baraarujinayo sidii loo maarayn lahaa arrimaha caynkaasa.

Figta xiisaha Sheekada:
Sheeka kastaa waxay leedahay mar uu xiisaheedu cirka isku shareero. Sidaasi awgeed sheekadan diihaal reeb wuxu iyana xiisaheedu aad cirka isugu shareerayaa, ama figtaba u gaadhayaa, marka Saxardiid oo halgankii uu u soo maray nolosha iyo guulihii uu soo gaadhay awgood isu arkayey in raadkii deribjiifnimadu ka hadhay, wax kastaana u tooseen, iyadii iin looga dhigay oo loogu diidey inantii Samiira ee uu rabay inuu nolol la wadaago. U qaadan waa ayey ku noqotay. Wuxu garan waayey sababta.
Go’aankiise wuxu noqday ciddiisa oo aan la aqoon iyo noloshii uu yaraantiisii ku soo koray. Halkaa markaad marayso waxad is weydinaysaa tolow muxuu yeeli? Miyuu waalan? Miyuu is-deldeli iyo maxaa dhici? Hayeeshee, si farshaxannimo leh buu qoruhu u tilmaamayaa in nabsi meesha ka adeegayo oo uu sheekada isu dheellitirayaa. Hodan oo ah curaddii aayadiisii dhibka badday ayuu Saxardiid taabayaa.
Soddohda Saxardiid iska ururinaysa waynu garan oo waa aayadii. Wiilkii u horreeyey ee ay ayeeyga u
noqoto ee ay koolkoolisaa wuxu noqonayaa ina Saxardiid!! Fal gefa waad samaysaa lagaagamase tago.
Soddohda Saxardiid iska ururinaysa waynu garan oo waa aayadii. Wiilkii u horreeyey ee ay ayeeyga u
noqoto ee ay koolkoolisaa wuxu noqonayaa ina Saxardiid!! Fal gefa waad samaysaa lagaagamase tago.
Afka sheekadu ku qorantahay:
Afka sheekada lagu qoraa kaalin taabbuda buu qoraalka ku leeyahay. Sidaasi awgeed afka sheekada
diihaal-reeb ku qoran tahay waa af fudud, hufan oo aan wax suruqa lahayn. Murti badan iyo hawraaro aan tiro yarayn oo qaab qurux badan oo soo jiidasho leh loo dhigay baad kula kulmaysaa. Hayeeshee, ereyo dhawra oo aan sheekada kula kulmay waxay I xasuusiyeen qaar aan degello kale kula kulmay. Waxan isku qanciyey inay tahay dabayl si lama filaan ah u saamaysay dhallinta ama gef ay dhaadmo la’aan jirtaa keentay.

Tusaale ahaa, ereyga ‘sicirbarar’ baan degello badan ku arkay isaga oo loo qoray ‘sixirbarar’. Magaca magaalada ‘Ankara’ baa iyana loo qoray ‘Cankara’. Ereyga ‘ictiraaf’ baa isna loo qoraa ‘citiraaf’. Sidaasi si la mid ah ayaad buugganna uga heleysaa ereyo dhawaaqoodi is beddel ku yimid. Tusaale ahaa, ereyga ‘degdeg’ waxa loo qoray ‘dagdag’, halka ereyga ‘legdamay’ uu u qoranyahay ‘ladgamay’. Ereyga ‘machad’ baa isna u qornaa ‘maxhad’, ‘labanlaabtay’ baa loo qoray ‘libinlaabtay’, iwm.
Dhaliisha ugu weyn ee dhanka afka waxan ku soo koobi laba: Shibbanayaasha labanlaabma oo aan milgihii iyo kaalintii ay afka ku lahaayeen la marin iyo astaamaha hadalka kala qala ee afka ingiriiska loogu yeedho (punctuation marks) oon si habboon loogu adeegsan sheekada. Waana laba qodob oo haddii daabacaadda dambe loo dhiibo quraarro fiican oo arrimahaasi u dhuun daloola laga gudbi karo.
Dhanbaalka ama farriinta ay sheekadu gudbinayso:
Sidii aan soo sheegay, sheeko kasta waxa laga fishaa farriin ama dhanbaal ay xambaarsantahay. Cidda loo gudbinayaa waa qayb ka tirsan bulshada ay sheekadu ka dhex dhalatay. Waxa haddaba sheekadan iiga baxay inay xambaarsantahay dhawr dhanbaal oo ku kala socda:
* Bulshada iyo maammullada guud ahaan
* Aayooyinka gaar ahaan, iyo
* Carruurta derbijiifka ah
Sheekadu maaha sheeko jacayl iyo laba dhallinyar ah oo dareen wada qaybsanaysa. Inkasta oo uu qoruhu yahay nin da’yar, kuna jira xilligii uu hawlahaa aan soo sheegay isku hawli lahaa, wuxu innoo soo
gudbiyey sheeko xambaarsan dhanbaal dareen culus oo dadnimo iyo mid waddaninimo isugu jira.

Waa farriin inna faraysa inaan ubadkeenna yaryar ee derbijiifka ah wax u qabanno. Waa dhambaal tilmaamaya in khayrku aanu ahayn masaajid la dhiso oo qudha ee ubad la daryeelaa isna yahay mid if iyo aakhiraba lagu badbaadayo. Qoruhu dhaqan xumideenna si toosa inooguma xariirin. Hayeeshee, si farshaxnimo ku jirto ayuu inoo hogatusaaleeyey. Waa dhaqanka qofka iintiisa ku caaya. Qof tuur leh baan u bixinnaa ‘tuur’. Qof illa’ baan ugu yeedhnaa ‘illaw’ ama ‘iley’. Mid gacan la’ baan nidhaa ‘gacanlaw’ ama ‘gacan’, iwm. Ardaydii ay Saxardiid iyo jalayaashiisii, ka wada yimid xeradii markii dambe loo bixiyey ‘Xarunta daryeelka Canab’, dugsiga sare ugu tageen waxay ku tilmaameen inay ahaayeen garac iyo qaar aan ab iyo isirtoona lahayn, meel ay ka soo jeedaanna aan la aqoon.
Runtii waa arrin dhab ah oo bulshadeenna si joogto ah uga dhacda in laga waantoobana mudan. Inuu ilmuhu abniqii waayo yaa ka masuula: ma isaga mise waa qaddar alle? Inuu ilmuhu saboolnimo ku koraa ma xulashaa mise waa qayb adduun? Qoriuhu haddaba, toos inoogumuu odhan midhkaa ha la joojiyo. Hayeeshee, si sarbeeba ah buu inoo dareen siiyey. Xanuunkii iyo walaacii ku dhacay Saxardiid baana inna faraya inaan falkaa iyo falaadkaa xun joojinno oo ka waantawno.
Qoruhu waxa kale oo uu si dadban inoo hogatusaalaynayaa siyaabaha urur samafala loo samayn karo iyo
waliba sida iyo habka dhaqaale loogu helikaro ama loogu doonikaro intaba. Fulintii iyo ku dhaqaaqidda
ama ku dhiirrashada innaguu inoo dhaafay.
waliba sida iyo habka dhaqaale loogu helikaro ama loogu doonikaro intaba. Fulintii iyo ku dhaqaaqidda
ama ku dhiirrashada innaguu inoo dhaafay.
Ilma kasta oo derbijiifa aayo ma soo caydhin. Aayo oo dhanna in gef laga galaa ma habboona. Hayeeshee, wax badan baa la maqlay dad aayooyinkood ka cabanaya oo tilmaamaya waxyaabihii ay kula kici jireen intii ay la joogeen. Hayeeshee, qofna ma sheego dhibkii uu isagu aayadii ku hayey ee keentay inay ku dhibto. Iyada oo ay sidaa tahay qoruhu wuxu inna dareensiinayaa inaan carruurtu ku dhalan derbiyada hayeeshee ay jiraan sababo midhkaa dhaliyey. Waa laga yaabaa inay sida Saxardiid oo kale jiraan carruur ay aayaayinkood guryaha ka soo saareen oo ay noloshoodu silic iyo darxumo ku danbaysey. Hayeeshee in la hubiyo lana ogaado sababta carruurta guryaha ka soo saartaa waa arrin lagama maarmaan ah.
Aayooyinku guud ahaan inay iska dhawraan oo u dulqaataan carruurta ay aayooyinka u yihiin oo magacii aayooyinka dib loo soo dhisaa iyana waa arrin taabbudnimadeeda leh. Dhambaalka u dambeeyaa wuxu u socdaa dhallinta derbijiifka ah iyo inta tabaalaysan. Waa dhanbaal rajo muujinaya iyo in aanay qofna la dhalan dhibaatadu ee goor ay noqotaba laga bixikaro
Gabagabo:
Gabagabo:
Qoraalkan kooban oo aan si guudmara ugu falanqaynayey sheekada diihaal-reeb waxan bilawga qoraalka ku xusay in sida maansada loo beego sheekadana loo beego, hase ahaatee halbeegyadoodu ay aad u kala duwan yihiin. Sida gabayga lama eego laaxin, deelqaaf iyo wax la mida. Hayeeshee, waxa jira si kale oo sheekooyinka loo beego. Markii aan haddaba dhawr qodob, oo ka mid ah hal beegyadaasi, ku dhereriyey sheekada waxa soo baxay inay inteedii badnayd fulisay. Waxanaynu awood u leennahay hadda inaan qiimayn karno sheekada. Waxanan ku tilmaamikarnaa inay tahay sheeko aad u qiimo badan oo si yaab leh u xidhiidhsan, isuguna dheellitiran.
Magaca sheekadu waa ‘diihaal-reeb’. Diihaalku waa rafaadka, dhibka iyo darxumada. Runtii marka la eego dhibka iyo rafaadka uu Saxardiid nolosha kula soo kacaa kufay iyo noloshan dambe ee uu galay waxad si kalsoonile u dareemaysaa in magaca iyo sheekadu is leeyihiin.
Hadal iyo dhammaantii, qoruhu wuxu mudan yahay hamblyo iyo bogaadin. Qof kasta oo daneeya sheekooyinka afsoomaaliga ku qoran waxan u soo jeedinayaa inuu sheekadan akhristo oo uu dareenkiisa
inala wadaago, ciddii uu u tilmaamikarana u tilmaamo. Runtiina waa buug mudan in muquuno ahaan laysugu diro.
inala wadaago, ciddii uu u tilmaamikarana u tilmaamo. Runtiina waa buug mudan in muquuno ahaan laysugu diro.
Dhammaad!