Marka laga yimaado aragtida ama
maqalka dhalan-rogga iyo is badallada kala jaadka ah ee ku yimi adduunyada illa
intii ay soo jirtey haddana qof kasta oo nool waa u muhiim wax ka ogaanshaha
xaaladaha mar kasta ku soo kordha adduunyada kuwaasoo ay bani-adamku sabab u
yihin.
Tariikhda iyo wax ka ogaanshaha
dhacdooyinka mar walba ka dhaca adduunka oo maanta ah qol waddan kastaaba
salliga uu dhiniciisa kaga fadhiyo, waxa ay qofka ka caawinaysa in uu noqdo qof
og, hadba xadaaradaha, aqoonta iyo dadaalada dunidu meesha ay marayaan..
Buuggan magaciisu waa “Afgembigii Dhicisoobay” waxa laga
qoray dhacdadii ka dhacday waddanka
Turkiga (15 kii July 2016) waa shirqoolkii ka dhankaa Madaxweyne Rajjeb Dayib
Erdogan iyo guud ahaan waddanka Turkiga, waxa uu si farshaxan badan ka muuqdo u
bandhigaya sidii uu u dhacay Af-gembigu, iyo
xaaladaha kala duwan ee ku xeernaa oo siyaabo kala duwan u yeeshay
saamayn caalamiya.
Qoraaga buuggu waa Kamaal A. Ali, waxa uu buugga u
qaybiyey afar cutub oo mid kastaaba uu leeyahay qaybo ka farcamay “Sub tobics” kuwaasoo
aad u xiiso badan, mise na aan halkan lagu soo wada koobi karin.
Cutubka 1aad
Waxa uu ka warramaya fulintiii isku dayga
Af-gembiga, waxa uu soo bandhigaya sida ay wax u dhaceen + jilayaasha muhiimka
ah ee iska soo horjeeday + xaaladihii kala duwana ee ku xeernaa, waxa uu
cutubkani isugu xidhanaya si cad isku dayga Af-gembiga iyo dhacdooyin dhawr ah
oo dhacay hortii kuwaas oo aan la dhaadin marka ay dhaceen balse ka dib isku
dayga la ogaadey in ay ahayd silsilad hortii billawmatay.
Cutubka 2aad
Waxa uu si faahfaahsan uga warramaya fashilintii
lagu sameeyey isku dayga Af-gembiga + sababaha ugu waaweyn ee loo cuskan karo guul-darradii
ku dhacday, sidaa si la mid ah waxa uu is barbardhig ku samaynaya dhacdadan iyo
mid u muuqaal ekayd oo hore uga dhacday waddanka Venezuela.
Cutubka 3aad
Waxa uu ka waramayaa kaalintii ay dalalka dibada oo
wadamada galbeedka u badani ku lahaayeen Af-gembigan iyo jawaabihii kala duwana
ee ay ka bixiyeen, waxa uu soo bandhigaya caddaymo yaab badan ka muuqdo oo
Maraykanka la xidhiidhinaya Shirqoolkan iyo guud ahaan dhacdadii ka dhacday
waddanka Turkiga.
Cutubka 4aad
Ugu dambayn cutubka 4aad waxa uu qoraagu kaga
waramaya arrimo kala gedisan oo ay ka mid yihin taariikhda iyo shakhsiyada
wadaadka uu turkigu ku eedeyey in uu ka dambeeyey Af-gembigan “Fatxullah Gulen”,
waxa uu ka sheekaynaya aragtidiisa diiniga iyo siyaasiga ah iyo xidhiidhka uu
la leeyahay reer galbeedka, waxa kale oo uu ka waramaya Madaxweyne Erdogan, geedigii
siyaasaddiisa, dilalkii uu ka badbaaday, iyo dariiqa iyo halganka uu u soo
maray hoggaaminta dalkiisa.
Isla cutubkani, waxa uu si xiise leh uga
sheekaynayaa sheekoyin badan oo la xidhiidha isku dayga af-gembiga, waxa kale
oo buuggan laga daalacanayaa inta akhriskiisa uu socdo casharro laga baranayo
Af-gembigan dhicisoobey.
ARAGTI
Runtii buuggan waa
buug gudbinaya tariikho badan oo khuseeya dhacdooyinka kala duwan ee ka dhacay
waddanka Turkiga + Xidhiidhada kala duwan ee Dawladda reer galbeedka , taas oo
dad badan ka dahsoon.
Waa buug in badan ka
sheekaynaya marxaladaha kala duwan ee uu Turkigu soo maray, iyo waxyaabihii uu
u soo joogay Madaxweyne Erdogan, iyo sida dawladaha reer galbeedku u
diciifiyaan wadanka ay uga baqaan dunida iyo maamulkeeda, kuwaas oo u mara isla
muwaadiinta waddankaas ka soo jeeda.
In kasta oo buugan
yahay buug xog badan sheegaya hadana waxa aan la iska indho-tiri karin sida uu
qoraagu u adeegsaday far tolmoon oo faham badan, oo aan laga caajisayn
dhiirigelinna u ah akhristayaasha si ay u dhammaystiraan buugga.
GUNAANAD
Waan bogaadinayaa mar
kale, waanan u mahadcelinayaa runtii in Rabbi Ajar iyo Xasanaat labada ba ka
siiyo Kamaal Axmed Cali, oo sabab u ah in bulshada soomaaliyeed uu soo gaadho
buug daabacan oo ka waramaya mid ka mid ah siyaasadda iyo qorshayaasha ay
dunida isu adeegsado, siiba marka la qawado awooda iyo xidhiidhada waddan kaste
oo looga baqo dunida iyo maamulkeeda “Siiba wadamada islamiga ah” waa buug
cilmi iyo aqoon badan u gudbinaayo dadka jecel wax ka ogaanshaha sida adduunku
maanta u dhaqmo…..
Magaca Buugga: Af-Gembigii Dhicisoobey
Qalinkii:: Kamaal Axmed Cali "Kamaal A. Ali"
Bogagga: 286 Bog
Qaybaha Buuga:4 Qaybood
Waxa Daabacday: Asal Printing Press
Daabacaddi kowaad: 2017
S/G: Amiina Galaydh