HORDHAC
Buuggan waxa uu ka sheekaynayaa taariikh nololeedka Madaxweynihii hore ee maamul-goboleedka Puntland, ahaa na Sarkaal magac iyo mansab labadaba ku leh guud ahaan bulshada soomaaliyeed Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed sida buugga ku qoran waa buuggii ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed si toos ah isaga qoro isaga oo nool kaddib markii uu xilka ka degay .
Runtii waa buug daahfuraya oo ifitiiminaaya dhacdooyinkii badnaa ee is daba-joogga ahaa ee ka socday guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaanna dalka Soomaaliya weliba Iixdankii sano ee ugu dambeeyey (I950-2010kii) .
Waxaa buugga ku xusan qoraallo badan oo xogta ay xambaarsan yihiin aan si kale lagu heleen haddii aanu qorin Cabdillaahi Yuusuf waayo, qof goob-joog ka ahaa mooyee cid kale si tariikhi ah ugama warami karteen. Waa dhacdooyin badan oo uu qoraagu isagu goob-joog ka ahaa intooda badan.
Dhacdooyinka buugga ku jira waxaa ka mid ah, kuwa badan oo la xidhiidha qisooyin Ieh murugo iyo tiiraanyo badan, ciil iyo cadho, hoog iyo halaag , burbur iyo baro-kac, Sidoo kale waxa ku xusan geedi-socodki dheeraa ee
nolosha iyada oo ay barbar-socotay kuwa kale oo watay farxad, nabad iyo naruuro , bashbash iyo Barwaaqo, iwm.

Cutubyada uu buuggan ka kooban yahay waxaa ugu waaweyn kuwan
hoos ku xusan :
1. Korrinkii iyo taaariikh nololeedka qoraaga laga soo billaabo
Tuulada Birta-dheer oo uu ku dhashay iyo sidii uu ku barbaaray.
2. Muddadii uu geel jiraha ahaa ee uu miyiga ku noolaa iyo habkii
uu ciidanka ugu biiray sannadkii 1950kii , kaddib marki uu
askarnimo iska qoray magaaalada Gaalkacyo isaga oo aan ku talogalin,
wax ogaansho ah na ka heysan shaqada iyo xirfadda ba.
3. Waxbarashadii Ciidanka ee uu dalka iyo dibeddaba ku soo qaatay
muddadii u dhaxaysay 1950-1956kii.
4. Xilalkii kala duwanaa ee uu ka soo qabtay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Booliiska muddadii u dhaxaysay 1956-1963kii.
5. Kaalintii mugga lahayd ee uu ka qaatay dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya sannadkii 1964kii, halkaasoo uu ku mutaystay dallacaad iyo billad geesinimo.
6. Iska hor-imaadkii isaga iyo taliyihiisii S/ Gaas Maxamed Siyaad Barre ka dib markii uu ka diiday inuu inqilaabka kala qayb qaato bishii, January, 1969kii.
7. Dilkii Madaxweyne Cabdirashiid C. Sharmaake iyo cidda lagu tuhumay ka dib dhimashadiisi inay lug ku Ia haayeen fal denbiyeedkaas.
8. Afgembigii Oktoober I 969kii, iyo xabsigii loo taxaabay isaga iyo Maxamud Faarax Caydiid 1969-1975 kii ( Lix sano iyo dheeraad) oo xukun la'aan ah.
9. Dagaalkii 2aad ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo mar labaad masuul looga dhigay agagaar muhiim ka ahaa.
10. Aasaaskii jibhaddii ( SSDF) iyo mucaaradkii hubaysnaa ee ka hor yimid muddadii uu ku jiray xabbiskii labaad (lix sano oo kale 1985-1991).
11. Asaaskii maamul goboleedka Puntland iyo kaalintii uu ka soo
qaatay.
12. Loolankii doorashadii Madaxweynaha ee lagu qabtay Puntland Sannadkii 2004tii
13. Dagaalkii Ururkii Midowga Maxkamadaha Shirkii dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho
sannadkii 2000. iyo
14. Is casilaaddii Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Dhacdooyin kale oo aad muhiim u ah, kuwaas oo khuseeya guud ahaan soomaliya iyo dadka soomaaliyeed
**************
Waxa xusid mudan in buuggan ka waramaya Tariikhdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed uu sida oo kale ka hadlay Siciid Cismaan Kenadiid ( Ahun) kaas oo uu ka qoray maqaal koobsanaya aragtida uu ka qabo buugga.

Buugga waxa soo xidhaysa warqad runtii koobsanaysa guud ahaan tariikhdii iyo waaya-aragnimadii Cabdillaahi Y. Axmed taasoo gunaanad u ah tariikhaha kala duwan ee leh wakhtiyada kala duwan taasoo uu ku soo qaadatay mudaddii uu noolaa.
ARAGTI
Runtii buuggan waa buug gudbinaya tariikho badan oo dadka soomaaliyeed ka dahsoon mise na baraya shakhsiyadda iyo tariikhda guud ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Waa buug in badan u ah ku dayasho iyo tusaale fiican siyaasiyiinta kale ee soomaaliyeed si ay tariikhdooda iyo waaya-aragnimadooda uga qoraan buug dhalinta dambe anfaca kaas oo bara waayaha kala duwan ee dalku uu soo maray.

In kasta oo buugan yahay buug xog badan sheegaya hadana waxa aan la iska indho-tiri karin sida uu qoraagu isaga giijiyey dhankiisa isaga oo ammaan badan huwiyey shakhsiyadiisa, wax kasta ama tallaabo kasta oo uu qaado na ku tilmaamay in uu ku saxsana, qof kasta oo la kulma xaaladaha sidan ah runtii mar iyo laba ba waa hubaal in uu qaadan karo go’aan khaldan ama aan munaasib ku ahayn xaalada markaa taagan lakin sida buugga ka muuqata AHN Cabdillaahi Y. Axmed isagu waxa uu ina tusiyey in aanu sameyn wax khalad ah muddooyinkaas.
GUNAANAD
Waan bogaadinayaa wanan u ducaynaya in Rabbi naxariistii janno ugu deeqo Mudane Cabdillaahi Y. Axmed, su’aasha u fududeeyo, qabriga u waasiciyo una nuuriyo in sha allah……FAATAXA!

Waxaan sida oo kale bogaadinayaa tifatiraha buugga o si weyn isugu hawlay in uu dib u akhrin ku sameeyo buugga innaga na ina soo gaadhsiiyo.
*************
BUUGGA: HALGAN IYO HAGARDAAMO
QORE: CABDILLAAHI Y. AXMED
TIFATIRE: MAXAMED SH. XASSAN NUUR
SANNADKIl: 2012
BOGAGGA: 432 BOG
WAXA DAABACDAY: SCANSOM PUBLISHERS
QORE: CABDILLAAHI Y. AXMED
TIFATIRE: MAXAMED SH. XASSAN NUUR
SANNADKIl: 2012
BOGAGGA: 432 BOG
WAXA DAABACDAY: SCANSOM PUBLISHERS
FG: Waxaan rajayanaya si qof kasta wax uga ogaado tariikhda guud ee dadka soomaaliyeed + tariikhda mid ka mid shakhsiyaadka magaca ku leh dadka soomaaliyeed in ay akhriyaan buuggan.
Mahadsanidin
W/D: Amiina Maxamed Muuse
“Amiina Galaydh"
“Amiina Galaydh"